"Kaamarada taleefankaagu waa hubkaaga" Sida haweenka Ciraaq ay geesinimo ugu wajahayaan hanjabaadaha dilka ee tacadiyada jinsiga

Haween
    • Author, Sally Nabil
    • Role, BBC Arabic
    • Reporting from, Baqdaad
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

"Ka soo deg gaariga!" ayay ku qaylineysaa haweeney si geesinimo leh, iyadoo ku eedeyneysa darawalka inuu si qaawan u soo bandhigay jirkiisa isla markaana erayo fool-xun ku tuuray intii ay wadada maraysay.

Haweeneydaas oo taleefankeeda gacanta ku haysa, ayaa si toos ah goobta ugu duubeysa muuqaalka, waddo mashquul badan oo ku taal magaalada Baqdaad. Kaamiraddu waxay si cad u qabaneysaa sida ninku u diidan yahay inuu albaabka gaariga furo, iyadoo haweeneydu ay si adag u canaananeyso.

Muuqaalkan iyo kuwo kale oo la mid ah, waxaa laga daawan karaa barta Instagram-ka ee Sarah Jassim, oo ah gabar u dhaq dhaqaaqda xuquuqda haweenka ee Ciraaq. Waxay muuqaalladaas u soo bandhigtaa iyadoo u doodeysa haweenka soo sheega tacadiyo iyo dhibaateyn jinsi ah oo ay kala kulmaan rag iyo dhallinyaro.

"Kaamiradaadu waa hubkaaga," ayay u sheegtay BBC-da. "Waa hab lagu diiwaangeliyo caddaymaha, haddii ay gabadhu go'aansato inay dacwayso qofkii dhibaatada u geystay, ama ugu yaraan waa hab lagu ceebeeyo oo lagu fashiliyo."

Sida ay sheegtay, mid ka mid ah muuqaallada ay soo bandhigtay ayaa xitaa horseeday in gacanta lagu dhigo eedaysane la tuhunsanaa, kaas oo ahaa askari boolis ah oo lagu eedeeyay inuu dhibaateeyay gabdho ardayad ah.

Jassim waxay sheegaysaa in faafinta muuqaalladan ay khatar weyn ku tahay nafteeda iyo haweenka muuqaallada ka muuqda labadaba.

.

Waxaan la hadalnay dhibanayaal badan oo tacadi jinsi ah kala kulmay gudaha Ciraaq, kuwaas oo dhammaantood sheegaya in bulshada badankeed ay iyaga eedda dusha ka saarto, halkii laga taageeri lahaa.

"Waxaa la ii soo diray hanjabaado dil ah, waxaana sidoo kale loogu hanjabay in wejigayga lagu shubi doono aashito" ayay tiri Jassim. "Waxaa lagu eedeeyay inaan anshax-xumo ku faafinayo fagaarayaasha, sababta oo ah waxaan ku dhiirri gelinayaa haweenka inay cabashadooda sheegtaan, bulsho naga filaysa inaan aamusno mooyee."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cabsidaas darteed, hadda si aad ah ayay gurigeeda ugu xayiran tahay ammaankeeda awgeed, waxayna inta badan saacadaheeda ku qaadataa inay la ciyaarto eeygeeda.

Waxay aaminsan tahay in loo baahan yahay sharciyo adag oo cad, oo ay ku jiraan qodobo si gaar ah dembi uga dhigaya dhibaataynta iyo tacadiyada loo geysto haweenka jinsigooda dartii — kuwaas oo hadda aan si toos ah ugu jirin xeerka ciqaabta ee dalka.

"Aqoonsiga in dhibaatadu jirto ayaa ah tallaabada ugu horreysa ee xal loo raadinayo," ayay tiri.

"Waxaan u baahannahay ilaalin dhab ah; kuwa dumarka dhibaateeya waa in la joojiyaa oo la ciqaabaa."

*"Qofna ogaan maayo haddii aan ku dilo"*

Haween badan oo Ciraaqiyiin ah ayaa BBC-da u sheegay inay si weyn uga niyad jabeen nidaamka garsoorka iyo kan booliiska.

Qof dacweeya ama maxkamad geysta qof dhibaatayn ama kufsi u geystay haweeney waa safar dheer oo dhib badan gudaha Ciraaq. Waa hannaan ay ka buuxaan habraacyo adag iyo natiijooyin aan la saadaalin karin, sida ay noo sheegeen dhowr dhaqdhaqaaqe iyo qareenno aan la hadalnay.

Sida lagu sheegay warbixin bishii May la daabacay oo ka soo baxday guddi ka tirsan Qaramada Midoobay, tacadiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha Ciraaq waa "mid baahsan balse aan si dhab ah loo soo sheegin". Warbixintaas ayaa ku baaqday in la sameeyo sharciyo aad u adag.

Waxaa ka mid ahaa daraasiin talooyin ah oo ay soo jeedisay, in mas'uuliyiinta Ciraaq ay meesha ka saaraan shuruucda "takoorka ah" ee dembi-dhaafka u fidiya kufsi-wadaha haddii uu guursado gabadha uu dhibaatada u geystay, iyo sidoo kale kuwa u oggolaanaya in ciqaabta loo fududeeyo qofkii geysta waxa loogu yeero "dilka sharafta".

Amal (oo ah magac loo bixiyay si loo qariyo aqoonsigeeda) ayaa ku dhow shan sano la daalaa-dhacaysay maxkamadaha. Waxay ku eedeyneysaa ninkeedii hore inuu dhowr jeer si xoog ah u kufsaday gabadheeda oo markaas ka yareyd 18 jir, isagoo qoriga ku cabsi gelinaya.

Waxay si xanuun leh u xasuusaneysaa wixii gabadheedu uga sheekeeyay dhacdadaas, markii ay tiri aabbaheed ayaa soo galay qolkeeda, qoriga dhigay sariirta dusheeda, kadibna ku hanjabay:

"Qofna ogaan maayo haddii aan ku dilo."

Ciraaq, ka hadalka tacadiyada jinsiga ayaa muddo dheer ahaa mawduuc laga aamuso oo ceeb loo arko.

Waxaan xiriir la sameynay dumar badan oo ka badbaaday tacadiyadaas, kuwaas oo intooda badan sheegay inay doorbideen inay iska aamusaan, cabsi ay ka qabaan aargoosi ka imaan kara qoyska. Kuwo kale waxay noo sheegeen inay ka baqayeen inay booliiska u tagaan, iyagoo ka cabsi qaba ceebta bulshada iyo in mar kale la dhibaateeyo.

Hase yeeshee, Amal waxay go'aansatay inaysan aamusin, balse ay caddaalad raadsato. Waxay si degdeg ah ugu tagtay hay'adaha ay khuseyso si ay dhacdada uga dacwooto.

"Waxay lahayd nabarro badan oo ku yaallay curcurada gacmaheeda, sababtoo ah wuxuu si aad ah ugu adkeynayay gacmaheeda. Mar kasta oo ay isku daydo inay qayliso, ayuu afka kaga qaban jiray gacmihiisa," ayay tiri Amal.

Amal waxay ii soo bandhigtay dukumeentiyo caafimaad, oo ay ku jiraan natiijooyinka baaritaanka DNA-da, kuwaas oo si buuxda u xaqiijinaya wixii ay sheegtay.

Waxay sidoo kale sheegtay tusaale kale oo muujinaya naxariis-darrada ninkeedii hore, markii ay maqashay isagoo qaraabadiisa ku leh: "dhaqa ceebteena" haddii la xiro. Eraygan Ciraaq waxa loola jeedaa waxa loogu yeero "dilka sharafta" - oo ah fal ay qoysaska qaarkood u geystaan haweeneyda ay aaminsan yihiin inay dhaawacday sharafta qoyska.

Amal waxay aaminsan tahay in aabbuhu gabadheeda ugu hanjabay dil, si uu uga hortago in warbixinta caafimaadka la soo bandhigo lana xaqiijiyo falkii foosha xumaa ee uu geystay.

Waxay tilmaamtay in ninkeedii hore uu hadda baxsaday, kiiskuna uu weli maxkamadda u yaallo.

"Kaligey ayaan u dagaallamay," ayay tiri Amal, iyadoo ilmadu ay indhaheeda ka qubaneyso. Waxay ka sheekeysay in ninkeedii hore uu soo qortay qareenno badan, halka iyadu aysan awoodin xitaa hal qareen, qoyskeeduna uu iska indha tiray dhibaatadeeda.

Hadda ma qabto rajo ah in caddaalad dhab ah ay hesho.

"Waxa aan rabo oo kaliya waa inuu weligiis noloshayda ka baxo," ayay tiri iyadoo si murugo leh u taaheysa.

Dhaqdhaqaaqe la dilay

Dad badan oo tacadiyada ka badbaaday ma laha wax dakhli ah ama meel ay u baxsadaan. Ciraaq oo dhan waxaa ku yaalla hoy aad u yar oo loogu talagalay haweenka la jirdilay.

Mid ka mid ah ururrada aan ka warqabno ee haweenka tacadiyada ka badbaaday hoy u sameeyay waxaa aasaastay Yanar Mohammed, oo ah gabadh caan ah oo caalamka looga yaqaanno u doodista xuquuqda haweenka.

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, Yanar waxaa lagu dilay hortiisa gurigeeda ku yaalla Baqdaad, iyadoo ay toogteen rag hubeysan. Ilaa hadda lama oga cidda ka dambeysay dilkeeda.

Bishii Abriil, khubaro ka tirsan Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in Mohammed ay muddo sanado ah la kulmaysay hanjabaado dil ah iyo aflagaaddo joogto ah oo baraha internet-ka loogu soo dirayay, kuwaas oo "loo maleynayo inay ka yimaadeen kooxo maleeshiyaad diimeed ah oo xagjir ah."

Dhaqdhaqaaqayaal badan ayaa noo sheegay in weerarrada qorsheysan ee lagu beegsanayo asxaabtooda ay si aad ah u kordheen sannadihii ugu dambeeyay.

Hanaa Edwar, oo ah dhaqdhaqaaqe kale oo caan ka ah halganka xuquuqda haweenka, ayaa sheegtay inay Yanar Mohammed aragtay labo maalmood oo keliya ka hor inta aan la dilin. Waxay intaas ku dartay in iyada qudheeda ay heshay hanjabaado dil ah.

"Ciraaq ma jiraan sharciyo, ilaalin, iyo caddaalad toona oo loogu talagalay haweenka," ayay ii sheegtay.

"Dhibaatada ka jirta Ciraaq ma ahan in haweenku aysan hadlin. Dhibaatada dhabta ah waa in marka ay hadlaan, nidaamka uusan diyaar u aheyn inuu dhageysto," ayuu yiri Mustafa Saadoon, oo ah agaasimaha Ururka Kormeerka Xuquuqul Insaanka ee Ciraaq, oo sidaas u sheegay BBC-da.

"Haweeneyda soo sheegta tacadi jinsi ah waa inay marka hore la kulantaa qoyskeeda, kadibna saldhig booliis, kadibna maxkamad — tallaabo kasta oo ka mid ah waxaa suurtagal ah in qof u sheego inay arrinta 'si hoose ama si gaar ah' u xalliso."

"Waxaa la igu daba galay baabuur"

Samira

Haweenka Ciraaqiyiinta ah ee ka niyad jabay nidaamka waxaa ka mid ah Samira, oo ah magac aan u bixinay si loo ilaaliyo aqoonsigeeda.

Sida ay BBC-da u sheegtay, in waddada lagu lugeeyo ayaa hadda u noqotay wax aad u argagax leh, kadib markii si joogto ah loo dhibaateeyay.

Mar ka mid ah, waxay sheegtay in nin ku dhex jiray gaadiidka dadweynaha "uu daawanayay muuqaal anshax-xumo ah oo taleefankiisa ku jira, kadibna wejiga iiga soo jeediyay."

Dhacdo kale oo ka dhacday Baqdaad, waxay sheegtay in nin gaari wata uu daba galay in ka badan 10 daqiiqo. "Aad ayey u argagax badneyd... Waxaan arkay gaari booliis ah. Waan u dhowaaday oo u sheegay wixii dhacay. Waxayse ii sheegeen inaysan waxba ka qaban karin".

Inkastoo hooyadeed ay tahay qof naxariis badan oo garab taagan, Samira kama warramo qoyskeeda wixii ku saabsan dhibaataynta jinsiga ee ay la kulanto. "Haddii aan qoyskayga u sheego, isla markiiba waxay iga codsan doonaan inaanan guriga ka bixin si aan u nabad galo" ayey tiri.

Samira waxay gebi ahaanba lumisay kalsoonidii ay ku qabtay hay'adaha dowladda: "Rag badan, oo ay ku jiraan booliisku, uma arkaan dhibaataynta jinsiga wax khalad ah. Haddii aadan haweeney dhibaateyn, ma tihid nin dhab ah - sidaas ayey u arkaan," ayey hadalkeeda ku dartay.

Haween badan oo aan Ciraaq kula hadlay ayaa xitaa ku eedeeyay booliiska laftiisa inuu dhibaateeyo. Waxaan eedeymahaas u bandhigay Muqdad Miri, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ciraaq.

"Waxaa jira kiisas yar oo dhibaatayn ah oo ay geystaan saraakiil booliis ah, laakiin aad ayey u yar yihiin. Kuwa sameeya waxaas waxay mudanayaan ciqaab aad u adag, oo gaari karta ilaa 10 sano oo xabsi ah, shaqadana waa laga eryaa," ayuu yiri Miri.

Waxaan u sheegay in haweenka qaarkood ay dhibaataynta ku diiwaangeliyaan baraha bulshada, sababtoo ah waxay ka baqayaan inay booliiska u tagaan. Wuxuu ku jawaabay inay sidaas sameeyaan sababtoo ah waxay u arkaan hab ka sahlan dacwad rasmi ah in la gudbiyo, isla markaana ay noqotay hab caadi ah oo dadku arrimaha ku muujiyaan.

Waxaan sidoo kale u sheegay wixii Samira la kulantay, markii sarkaal booliis ah uu u sheegay inuusan awood u laheyn inuu joojiyo dhibaataynta lagu hayo. Miri wuxuu sheegay in Samira ay dacwad ka gudbin kartay sarkaalkaas laftiisa.

Ma jiraan tirakoob lagu kalsoonaan karo oo muujinaya heerka dhabta ah ee tacadiyada iyo dhibaataynta jinsiga ee ka jirta Ciraaq.

Miri wuxuu ii sheegay in booliisku ay heleen ku dhowaad 300 oo dacwadood oo la xiriira tacadi jinsi ah tan iyo bilowgii sanadkan. Hase yeeshee, wuxuu qirtay in tirada dhabta ahi ay aad uga badan tahay intaas: "Kiisas badan weligood booliiska ma soo gaaraan, sababtoo ah bulshada, caadooyinka iyo dhaqanka ayaa haweenka ka hor istaaga inay soo sheegaan."

Sheekooyinka haweenkii ay BBC-du la hadashay waxay si cad u muujinayaan xaalad adag — waxay la dagaallamayaan ma aha oo kaliya tacadiga jinsiga ah laftiisa, balse sidoo kale maskaxda iyo caqiidooyinka qotada dheer ee bulshada ku xididaysan ee u oggolaanaya in tacadigu sii jiro.

Hanaa Edwar oo in ka badan 50 sano u halgamaysay xuquuqda haweenka, qiimeynteeda waa mid niyad-jab leh: "Labaatan iyo saddex sano kadib markii uu dhacay xukunkii Saddaam Xuseen, waxay u muuqataa inaan dib u guranayno marka ay timaado xuquuqda haweenka."

Hase yeeshee, iyada iyo Jassim labaduba waxay sheegeen ineysan marnaba is-dhiibayn:

"Haddii aan dhammaanteen baqno oo aamusno, qofna waxba ma beddeli doono," ayay tiri Jassim.