Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Daraasad lagu ogaaday in halista Kansarka Naasaha uu Somaliland ku sii kordhayo
- Author, Fardowsa Sheekh Cabdiraxmaan
- Role, Wariye BBC Somali
- Published
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
Xanuunka Kansarka ayaa noqonaya mid kasoo badanaya oo ku dhex faafaya bulshada Somaliland. Kansarka cunaha, naasaha iyo mindhicirka oo uu wehliyo kan ragga u gaarka ah ee qanjirka kaadida ayaa lagu tilmaamay kuwa ugu badan ee laga helayo bukaanada baaritaanka gudaha iyo dibeda lagu sameynayo.
Daraasado kala duwan oo laga sameeyey magaalooyinka Boorama iyo Hargeisa ayaa muujiyey in kansarku yahay mid ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee ku soo kordhaya Somaliland, iyadoo bukaannada badankoodu xarunta caafimaadka yimaadeen markii cudurka marayay heerkii u dambeeyey ama darajada sadexaad iyo afaraad.
Marka laga yimaado daraasadda Dr. Yaxye Cabdi Cali oo BBC Soomaali la hadlay ayaa sheegay in bukaannada qaar ay isbitaalka yimaadaan marka ay xaaladoodu gaarto meel halis ah.
Natiijooyinka mid ka midka ah daraasadda oo laga sameyey Hargeysa, taas oo uu sameeyey isbitaalka Needle oo ah isbitaal gaar loo leeyahay ayaa muujisay in 56.5 boqolkiiba bukaannadu ahaayeen haween.
Darasaddaan oo ay lagu sameeyey bukaanno gaaray 232 bukaan oo la xanuusan Kansarka qeybahiisa kala duwan ayaa la sameeyey intii u dhexeesay 2022-2023.
Dr Cabdirashiid Salaad Amarre oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda Camuud ee ku taallada magaalada Boorama ayaa xog ururin uu ka sameeyey isbitaalka Alxayaat ee ku yaalla magaaladaasi ku ogaaday heerka baahsanaanta iyo noocyada ugu badan Kansarka ee la xanuusanayeen bukaannadii yimid isbitaalkaas intii u dhexeesay 2018-2020,
Waxa uu sheegay dhaqtarka bukaannadu ay iskugu jireyn kuwo qabay Kansarka sida kan Qanjirka kaadi haysta oo ay ku badnaayeen ragga, kansarka Cunaha/ dhuunta iyo Kansarka Naaasaha, sadexdaan ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ay dadku qabeen. "Maadaama xogtaan ay tahay sadex sano sanad kasta, sanadba kan ka dambeeya bukaannadu waa ay sii kordhayeen, dadkuna waa ay la qabsanayeen oo waa iska baarayeen, korodhkaas ayaana jira".
Noocyada Kansarka iyo heerarkooda
Xog ururintii laga sameeyey Boorama ayaa soo saartay in Kansar Qanjirka ee Borosteedka uu kordhay 11% intii uu dhexeysay sadexda sano uu ay socotay cilmi baaristu, halka Kansarka ku dhaca hungurga uu kordhay 3.54%. " Kaliya lama dhihi karo xanuunka ayaa si toos ah u kordhayey ee dadka fahamkooda ayaa isbeddel ku yimid, waxaana soo badanayey dadka is baaraya Kansarka".
Halka daraasad uu sameeyey Isbitaalka Needle, Kansarka naasaha ayaa ahaa nooca ugu badan ee la ogaaday, isagoo ka koobnaa 15.9 boqolkiiba bukaannada, waxaana ku xigay kansarka hunguriga cuntada oo ahaa 8.2 boqolkiiba iyo kansarka qanjirka prostate-ka ee ragga oo ahaa 7.3 boqolkiiba.
Daraasaddu waxay sidoo kale muujisay in 44.4 boqolkiiba bukaannadu lahaayeen kansar maraya heerka afraad, halka 29.3 boqolkiiba ay lahaayeen kansar heerarkaas ha hooseeya.
Dr. Yaxye Cabdi Cali oo ku takhasusay Baarista Xanuunada Iyo Cancerka oo aan wax ka weydiinay daweynta xanuunkan iyo sida ay bulshadu u fahamsan tahay ayaa sheegay in wacyiga bulshada uu weli yahay mid hoose oo aan gaarin heerkii loo baahnaa, taasina ay keeneyso in dadku ay yimaadaan goobaha caafimaadka iyada oo aan waxa laga qaban karo ay yar tahay.
Sababaha ugu waaweyn ee keena Kansarka
Dr. Yaxye Cabdi Cali ayaa tilmaamay in xanuunka Kansarka uusan lahayn qodobbo cad cad oo sabab u noqon kara, balse uu yahay xanuun ay keenaan dhawr arrimood oo isku taga ama siyaabo kala duwan u iman kara, "Xanuunkan Kansarka guud ahaan, iyo gaar ahaan kan Naasaha wax ay wadaagaan baa jira, iyo qaar Naasaha gaar u ah, kansarka oo dhan ma jiro shey la oran karo waa uu keenay waa arrimo isku tagay, waxyaabaha ugu badan ee keena waxaa kamid ah:
- Hidde-sidaha oo dhalan doorsooma ama ay wax ka khaldamaan "Hidde sidahaas waxa uu noqon karaa mid aad waalidkaa Aabahaa ama hooyadaa ka dhaxashay".
- Kiimikooyinka; gaar ahaan shucaaca ka yimaada makiinadaha "shucaacaas ha noqdo mid ka yimaada goob uu qofka ka shaqeeyo ama ha ahaado sheybaarrada sida CT scans-ka ama raajada".
- Caabuq qofka ku raaga: waxa uu keeni karaa xanuunka Kansarka Dr. Yaxye mar uu arrintaas ka hadlayey ayuu yiri "haddii caabuq jiro, kaas oo noqda mid uusan qofka hore uga bogsoon, waxaa suuragal ah unugyadaa kolba si noqonaya marka dambe in iyaguna inta ay dhallan doorsoomaan ay unugyo Kansar ah isku beddelaan".
Intaas oo kaliya maaha arrimaha sabab u noqon kara in qofka uu soo rito xanuunka Kansarka, sida uu tilmaamayo Dr. Yaxye waxaa jira cuntooyinka qaar oo keeni kara. Sida ay sheegeyso warbixin aan hore u daabacnay taas oo ka hadleesay Bariiska, baastada iyo cunooyinka kale ee aan maalinlaha u qaadano ee sababi kara Kansarka ku badanaya Soomaalida
Da'da ayaa sidoo kale, noqotay sababaha keena nugeylka Kansarka "Si guud ahaan qofka waxa Kansarrada looga shakiyaa marka ay da'diisu weynaato oo waxaa la yiraahdaa qofka marka uu 50 jir ka weynaado ayuu uga halis bataa marka ay haweeneydu ilmaha dhalayso", ayuu yiri Dr. yaxye.
Tallaabooyin ka caawin kara in laga hortago Kansarka Naasaha
Maadaama Mid kamid ah cilmi baarisyada la sameeyey ay sheegtay in 44.4% dadkii la baaray ay xarumaha caafimaadka yimaadeen marka ay Kansarka uu gaaray darajada 4aad. Sidaa darteed Dr. Cabdiqaadir Cumar Rabiile waxa uu ku talinayaa in ay haboon tahay in qofka uu caafimaadka la socdo oo noqdo qof ka war haya xubnaha jirkiisa.
- Marka ay qubeysaneyso waa in ay naaskeeda gacanta marisaa, haddii ay dareento wax siyaado ah sida nabar kuusan ama xanuun waa in ay si dhaqse ah ay u tagtaa xarunta caafimaad ee ugu dhaw ee lagu baaro.
- Haddii xanuunka laguugu sheego ama qofka ehelka ah laga helo, waqtiga hakaga lumin dawo dhaqameed iyo waxyaabo kale, taas i wax ay horseedeysaa in xanuunka uu ku faafo.
- Haddii aadan ku qancin isbitaalka baarista koowaad sameeyey, waa inaad isbitaallo kale aaddaa si aad u xaqiijiso, hala tagin meel aan goob caafimaad ahayn.
- La soco hidde-sidehaaga; Dr Yaxye Cabdi mar uu ka hadlayey qodobka in la kala dhaxli karo Kansarka ayuu yiri "qoysaska noo yimaada badankoodu ugu yaraan qof qoyskooda kamid ah ayuu Kansar ku dhacay, qasab maaha kan Naasaha inuu yahay, balse waxaa jira wax loo yaqaanno sadex xagalka Kansarka; oo Kansarka ku dhaca naaska, makaanka ama ku dhaca caloosha waa isku xiran yihiin, haddii midkood laga helo ehelkaaga ma halis yarid waa inaad ka taxadar badnaato dadka uusan ehelkoodu ku dhicin".
Waddamadee Soomaalidu u aadan daweynta xanuunkan
La'aanta xarumo lagula tacaalo xanuunka Kansarka waa dhibaatada ugu wayn ee sheegayaan badi dhaqaatiirta, taasoo waliba qeyb ka qaadan karta in bukaannada qaar ka daahaan daweyntii ay heli la haayeen.
Sida uu inoo sheegay Dr. Cabdiqaadir Cumar Rabiile oo ka hawl-gala qeybta kansarka ee isbitaalka Al-xayaat ee magaalada Boorama, badi bukaannada ogolaada inay la tacaalaan ayaa u baxa waddamo ay kamid tahay Itoobiya.
Si la mid ah ayuu Dr Yaxye sheegay in gudaha dalka aysan oolin agabka muhiimka ah ee uu baahan yahay bukaanka, Mar uu sharraxayey Dr. Yaxye ayuu yiri "Daweyntu Kansarka ma aha hal daweyn oo kaliya ee waa daweyn dhawr qaab ah oo la isku dardaray, marka daweynta ugu wayn waa 'Radio Therapy' Soomaalidu Shucaac bay u taqaan, kaasi ma yaallo Soomaaliya/Soomaaliland toona, halka ugu dhaw ee uu yaallo waa Itoobiya iyo Kenya."
Dr. Yaxye waxa uu intaas ku daray in ay jirto daweyn kale oo ah dawooyin xididka laga qaato, kuwaas oo laga heli karo magaalooyin ay Hargeisa kamid tahay.
"Mararka qaar daweyntaas la tacaalidda ah waddanka waa yaalaan, inta badan waa looga maarmaa mashiinka wayn ee bannaanka loo aado, inkasta oo dadka ay yimaadaan xarumaha caafimaadka xilli aan la tacaalis waxba looga qaban karin".
Inta badan reer Soomaaliland ayaa safarrada caafimaad u aada magaalooyinka Harar ama Addisababa ee dalka Itoobiya, ma jirto sabab gaar ah oo ay u sheegayaan dhaqaatiirta marka laga yimaado qalabka iyo takhasusyada qaar oo aan laga helayn deegaannada Soomaaliland.
Dhanka kale, cilmi-baarayaashu waxay ku taliyeen in la sameeyo qorshe qaran oo lagu xakameynayo kansarka, diiwaan qaran oo lagu kaydiyo xogta bukaannada, iyo in la xoojiyo awoodda xarumaha lagu ogaado laguna daweeyo cudurka.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in cilmi-baadhis dheeraad ah lagu sameeyo kansarka hunguriga cuntada, maadaama uu ka mid ahaa noocyada sida weyn uga dhex muuqday bukaannada daraasadda lagu sameeyay.
BBC waxay isku dayday inay macluumaad cilmi baaristan la xiriira ka hesho dhanka xukuumadda Somaliland, hase yeeshee uma suurto gelin in laga jawaabo wicitaannadeeda.