Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Cilmi-baaris: Bukaannada Soomaaliyeed oo malaayiin doollar ku bixiya daaweyn dibadda ah
- Author, Fatuma Maalim
- Role, BBC Somali
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Dib-u-eegis cilmi-baariseed oo cusub ayaa qiyaastay in Soomaaliya ay sannadkii 2024 ku bixisay ku dhowaad 219 milyan oo doollar daaweynta caafimaad ee dibadda, iyadoo ka digtay in qoysasku la kulmaan kharashaad culus, halka aan si ku filan loola socon natiijooyinka daaweynta bukaannada.
Kumannaan bukaanno Soomaaliyeed ah ayaa sannad kasta u safra dalal shisheeye iyagoo raadinaya daaweyn takhasus ah oo aan dalkooda laga heli karin, ay adag tahay in la helo ama loo arko mid aan la isku hallayn karin. Sidaas waxaa lagu sheegay dib-u-eegis cilmi-baariseed cusub oo baaraysa daryeelka caafimaad ee xudduudaha ka gudba intii u dhexeysay 2014 iyo 2026.
Daraasaddu waxay Hindiya, Turkiga, Itoobiya iyo Masar ku tilmaantay afar dal oo waaweyn oo ay bukaannada Soomaaliyeed u tagaan daaweynta kansarka, cudurrada wadnaha, xanuunnada kelyaha, dhibaatooyinka taranka iyo xaalado kale oo caafimaad oo adag.
Dib-u-eegista ayaa cinwaankeedu yahay Cross-Border Health Care Seeking Among Somali Nationals oo micnaheedu yahay Raadinta Adeegga Caafimaadka ee Xudduudaha Ka Gudba ee ay Sameeyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa la daabacay 22-kii Sebtembar 2026.
Daraasaddu waxay isu keentay tirokoobyo rasmi ah oo ku saabsan safarrada iyo fiisooyinka, cilmi-baarisyo hore loo daabacay iyo xogta maalgelinta caafimaadka, si loo qiimeeyo baaxadda daaweynta dibadda, saamaynta dhaqaale ee ay ku leedahay qoysaska iyo caqabadaha ay bukaannadu la kulmaan.
Agaasimaha isbitaalka Rajab Tayyib Erdogan Hospital, Maxamed Xuseen Maxamed (Ashraf) oo wax ka qoray cilmi-baarista ayaa BBC u sheegay in arrintan aan loo arkin oo keliya dalxiis caafimaad, balse ay sidoo kale muujinayso goldaloolooyinka ka jira nidaamka caafimaadka gudaha Soomaaliya.
"Qofka Soomaaliga ah ee heysta baasaboorrada kale kuma jiraan daraasaddeenna," ayuu yiri Ashraf.
Hindiya ayaa 2023 bixisay in ka badan 16,000 oo fiiso caafimaad
Afarta dal ee daraasaddu baartay, Hindiya ayaa leh xogta ugu dhammaystiran ee dadweynuhu heli karaan ee ku saabsan safarrada caafimaad ee dadka Soomaaliyeed.
"Tirooyinka ay daraasaddu xiganayso ayaa muujinaya in Hindiya ay sannadkii 2019 siisay muwaadiniinta Soomaaliyeed 3,454 fiiso caafimaad. Tiradu waxay hoos ugu dhacday 1,386 sannadkii 2020, ka hor inta aanay kor ugu kicin 4,162 sannadkii 2021 iyo 10,206 sannadkii 2022," ayuu yiri Ashraf.
Tiradaasi waxay gaartay 16,411 sannadkii 2023, ka hor inta aanay hoos ugu dhicin 12,261 sannadkii 2024.
Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale diiwaangeliyeen 13,585 qof oo u yimid Hindiya ujeeddooyin caafimaad intii u dhexeysay 2015 iyo 2017. Marka lagu daro xogta fiisooyinka caafimaad ee la hayo, wadarta safarrada la diiwaangeliyey ee sannadaha kala duwan waxay gaareysaa 61,465.
Sida ku cad daraasad ay dib-u-eegistu xigatay, Turkiga waxaa sannadkii 2019 u safray 2,742 qof oo Soomaali ah oo raadinayey daaweyn caafimaad. Xog sannadle ah oo la barbar dhigi karo oo ku saabsan sannadihii xigay si dadweyne ah looma helin.
Dhanka Itoobiya iyo Masar, cilmi-baarayaashu waxay heleen caddaymo muujinaya in adeegyada caafimaad ee dalalkaas loo baahan yahay, balse xog ku filan oo si gaar ah u diiwaangelinaysa bukaannada Soomaaliyeed lagama hayo si loo helo tirooyin sannadle ah oo lagu kalsoonaan karo.
Kansarka, cudurrada wadnaha iyo xanuunnada kelyaha ayaa sabab u ah daaweynta dibadda
Dib-u-eegistu waxay daaweynta kansarka ku tilmaantay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee bukaannada loogu gudbiyo xarumaha caafimaadka ee dibadda.
"Baaritaannada casriga ah iyo ogaanshaha
Waxay sheegtay in Soomaaliya aanu ka jirin xarun shucaac-ku-daaweyn ah oo ku qoran liiska caalamiga ah ee ay cilmi-baarayaashu baareen, halka daaweynta kiimikooyinka kansarka lagu sameeyo xarumo gaar loo leeyahay oo kooban.
Daraasaddu waxay sidoo kale tilmaantay yaraanta qalabka sawir-qaadista caafimaadka ee casriga ah, adeegyada lagu ogaado kansarka iyo xarumaha takhasuska kansarka. Goldaloolooyinkan ayaa ka dhigan in bukaannada u baahan daaweynta shucaaca ay khasab ku noqoto inay dalka dibaddiisa u raadsadaan.
Cudurrada wadnaha iyo xanuunnada kelyaha ayaa iyaguna ka mid ah sababaha muhiimka ah ee bukaannadu dibadda ugu safraan.
Qaar ka mid ah bukaannada ayaa u baahan qalliinno wadnaha ah oo heer sare ah, beddelidda waalallada wadnaha ama qalab caafimaad oo aan si joogto ah looga heli karin gudaha dalka. Kuwo kalena waxay raadsadaan daryeel takhasus ah oo kelyaha ah ama beerista kelyaha.
"Inkasta oo adeegyada sifaynta dhiigga ee bukaannada kelyuhu ay Soomaaliya ka jiraan, haddana awoodda adeegyadaasi waa xaddidan tahay," ayuu intaa raaciyay Ashraf.
Wuxuu sheegay in dadka qaar aysan ku kalsooneyn adeegyada caafimaadka dalka, maaddaama sida uu sheegay laga yaabo in xogag kala duwan loo sheego.
Wuxuu xusay in baahi loo qabo daaweynta dhibaatooyinka taranka, oo ay ku jirto bacriminta lagu sameeyo shaybaarka (IVF), iyo qalliinno la xiriira lafaha iyo kaadi-mareenka.
Dalalka bukaannadu u safraan waxay qayb ahaan ku kala duwan yihiin adeegyada ay bixiyaan. Hindiya waxaa lala xiriiriyaa daaweynta adag ee kansarka, wadnaha iyo kelyaha; Turkiga wuxuu caan ku yahay daaweynta taranka, kaadi-mareenka iyo lafaha; Itoobiya waxay u tahay bukaannada qaar meel gobolka ka dhow oo loo gudbiyo, gaar ahaan qaar ka mid ah bukaannada kansarka; halka Masar ay iyaduna tahay meel laga helo daaweyn takhasus ah.
Qoysasku waxay celcelis ahaan 8,543 doollar ku bixiyaan safar kasta oo daaweyn ah
Culayska dhaqaale ee ka dhasha daaweynta dibadda ayaa ka mid ah natiijooyinka ugu waaweyn ee daraasadda.
Iyagoo adeegsanaya xog laga helay sahan qoysas oo Puntland laga sameeyey, cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in kharashka tooska ah ee celceliska ahi yahay 8,543 doollar safar kasta oo daaweyn dibadeed ah.
Qaybaha kharashaadka la soo sheegay waxaa ka mid ah qiyaastii 5,983 doollar oo loogu talagalay habraacyada caafimaadka, 1,995 doollar oo hoyga ah, 1,291 doollar oo safarka ah iyo 398 doollar oo fiisaha iyo maamulka ah.
Maxay daraasaddu ku talinaysaa?
Dib-u-eegistu waxay soo jeedisay tallaabooyin dhowr ah oo lagu ilaalin karo bukaannada laguna yarayn karo gudbinnada caafimaad ee dibadda ee aan loo baahnayn.
"In la sameeyo hannaan qaran oo maamula bukaannada dibadda aadaya ayay soo jeedisay cilmi-baarista. Dowladaha waxay leeyihiin qeyb ka shaqeysa arrimahaas. In la diwaan-geliyo bukaannada, cudarradooda, iyo kharashaadka ku baxa, iyo natiijada daweyntooda waxa kasoo laabta," ayuu yiri.
Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale ku talinayaan in la sameeyo hannaan dhaqaale oo ka caawiya bukaannada qaba xanuunnada kharashkoodu aadka u sarreeyo, iyadoo la adeegsanayo habab rasmi ah oo bukaannada loogu gudbiyo xarumaha dibadda iyo heshiisyo lagu dhimo qiimaha daaweynta ee isbitaallada shisheeye ee la aqoonsan yahay.
Waxay ku baaqeen in la xoojiyo kormeerka dadka iyo shirkadaha fududeeya safarrada caafimaad iyo gelitaanka isbitaallada. Waxay sidoo kale soo jeediyeen heshiisyo lala galo dalalka bukaannadu u safraan si loo hagaajiyo isku-duwidda gudbinnada iyo is-weydaarsiga diiwaannada caafimaadka.