Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

TOOS, Guddoomiyaha Ismaamulka Nairobi oo si adag ugu hadlay dabaqii ku dumay Islii

Guddoomiyaha Ismamaulka Gobolka Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa ku baaqay in la adkeeyo ciqaabaha lagu qaado dadka dhismayaasha dhisa ee ku xadgudba xeerarka dhismaha. Waxa uu sidoo kale dib u cusboonaysiiyay baaqiisii ahaa in dowladaha gobolladu dib u helaan awoodda dacwad-oogista, kadib markii dhisme dhowr iyo tobban dabaq ah oo aan weli dhammaan uu ku dumay xaafadda Eastleigh.

Kooban

  • Iran oo sheegtay inay Mareykanka wada-hadallo kula jirto iyada oo loo marayo Pakistan iyo Qatar
  • Trump: Waa inaan go'aamiyaa sida aan Iran uga adkaan lahayn, si kasta oo ay xaaladdu u adkaato
  • Cabbaas Araqchi: "Weli waxaan Mareykanka kula jirnaa wadaxaajood aan u mareyno Pakistan iyo Qadar"
  • Abiy Ahmed oo sheegay in Eritrea wajihi doonto cawaaqib xun hadii ay sii waddo 'ku tiirsanaanta wadamada kale'
  • Soomaali ku dhimatay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gobol lagu muransan yahay oo u dhaxeeyay Koonfurta Suudaan iyo Suudaan

Tebin toos ah

  1. Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi oo dabaqii dumay ee Islii war ka soo saaray

    Guddoomiyaha Ismamaulka Gobolka Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa ku baaqay in la adkeeyo ciqaabaha lagu qaado dadka dhismayaasha dhisa ee ku xadgudba xeerarka dhismaha. Waxa uu sidoo kale dib u cusboonaysiiyay baaqiisii ahaa in dowladaha gobolladu dib u helaan awoodda dacwad-oogista, kadib markii dhisme dhowr iyo tobban dabaq ah oo aan weli dhammaan uu ku dumay xaafadda Eastleigh.

    Sakaja ayaa sheegay in ciqaabaha fudud ee lagu qaado xadgudubyada dhismaha ay wiiqayaan fulinta shuruucda, isla markaana ay dadka dhismaha dhisa u saamaxayaan inay iska indhatiraan qorshayaasha dhisme ee la ansixiyay iyo heerarka badbaadada, taas oo nafta dadka khatar gelinaysa.

    Sakaja, oohadlayey mar uu booqday goobta uu dhismuhu ku dumay ee ku taalla isgoyska 1st Avenue iyo 9th Street, ayuu guddoomiyuhu hay’adaha xirfadeed ee matala naqshadeeyayaasha dhismayaasha, injineerrada iyo khubarada qiyaasta kharashaadka dhismaha ku boorriyay inay baaraan kiisaska ay xirfadlayaal aqoon iyo shahaadooyin leh laga saaro mashaariicda dhismaha ee la ansixiyay ka hor inta aan la dhammaystirin.

    "Waxaan dareenkayga iyo garab istaaggayga u dirayaa qoysaska ay musiibadani saamaysay, gaar ahaan kuwa walaaca ku sugaya war ku saabsan xaaladda eheladooda. Waxaan u xaqiijinayaa in dowladdu garab istaagi doonto, siin doonto taageerada lagama maarmaanka ah, isla markaana ay xog la socodsiin doonto inta ay hawlgallada samatabbixintu socdaan." ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

    Wuxuu intaa ku daray in dadka dhismayaasha dhisa ay u hoggaansamaan qorshayaasha la ansixiyay, isla markaana ay helaan shahaadooyinka oggolaanshaha deggenaanshaha ee loo baahan yahay ka hor inta aan dhismayaasha la deggin.

  2. Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in weerar kale oo lagu qaado Iiraan uu sii kordhin doono xiisadaha, isla markaana uu sii hurin doono colaadda.

    Fidan ayaa hadalkan ka sheegay kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 oo ka dhacaya magaalada Istanbul, isaga oo carrabka ku adkeeyay in “diblomaasiyadda iyo wada-hadalku” ay yihiin “habka keliya ee lagu soo afjari karo dagaalka Iiraan iyo Maraykanka”.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan dalalka ka qaybgalaya kulanka aysan taageersanayn faragelin milatari ama weerar kale oo lagu qaado Iiraan.

    Daqiiqado ka hor, wasiirrada arrimaha dibadda ee Jarmalka, Faransiiska iyo Britain ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay Iiraan kala xaajoodaan barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa maanta magaalada Istanbul ku martigelinaya dhiggiisa ka socda Masar, Pakistan, Sacuudiga, Jarmalka, Faransiiska, Britain iyo Talyaaniga.

  3. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay inay bilaabi karaan qorshe aan hore loo arag tan iyo 1967-kii

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu dib u eegay qorshe hawlgal milatari oo uu ku tilmaamay mid “aan horay loo arag tan iyo 1967-kii”.

    Netanyahu ayaa qorshahan soo bandhigay wax yar kadib weerar hubaysan oo ka dhacay magaalada Hebron, kaas oo lagu dilay laba askari oo Israa’iiliyiin ah, saddex kalena lagu dhaawacay. Waxa uu sheegay inuu cayimi doono waqtiga la fulinayo hawlgalka.

    Netanyahu, oo xilligan ku jira loollan adag oo uu ugu jiro in mar kale loo doorto xilka ra’iisul wasaaraha Israa’iil, ayaa sheegay in tallaabada koowaad ee hawlgalka ay ka koobnaan doonto “barakicinta dadka deggan, baaritaanka guryaha iyo burburinta kaabayaasha argagixisada”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

  4. War deg deg ah, Toogasho ka dhacday kaniisad ku taalla Urdun oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

    Telefishinka dowladda Urdun ayaa sheegay in ugu yaraan toddoba qof lagu dilay, 10 kalena lagu dhaawacay toogasho ka dhacday gudaha kaniisad.

    Sida ay warbaahintu sheegtay, laba nin oo hubaysan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa kaniisad ku taalla tuulada Hamoud, ee gobolka Karak ee bartamaha dalka Urdun.

    Saraakiisha ammaanka ayaa baadi-goobaya tuhmanayaasha, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada.

  5. War deg deg ah, Madaxa waaxda maareynta masiibooyinka ee Nairobi oo war ka sheegay dhismihii ku dumay Islii

    Madaxa Waaxda Maareynta Masiibooyinka ee Nairobi, Bramwell Simiyu, ayaa BBC-da u sheegay in mas’uuliyiintu aysan ogeyn tirada dadka ku jiri kara dhisme ka kooban 13 dabaq oo galabta ku dumay magaalada.

    “Waxaa naloo sheegay in dabaqyada hoose ee dhismaha ay si sharci-darro ah dad qaarkood u degganaayeen. Sidoo kale, in dad qaarkood ay halkaas ka wadeen hawlo ganacsi,” ayuu yiri.

    Bramwell ayaa sheegay in maamulka gobolka uu bilaabay hawlgal baadi-goob iyo samatabbixin ah, isla markaana uu “isku dayayo inuu goobta keeno qalabka loo baahan yahay”.

    Dhismaha ayaa ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

  6. Sawarro: Samatabixinta kooxaha gurmadka oo ka socda dhismaha ku dumay Islii

    Sidii aan horrey u tebinay, kooxaha gurmadka oo wata gaadiidka cagaf cagafyada ayaa ku sugan dhismaha dhowr iyo tobanka dabaq ka kooban ee maanta ku dumay xaafada Islii.

    Sawirrada laga helayo goobta ayaa muujinaya kooxaha oo ku howlan qaadista shubabka adag ee dumay.

    Masuulliyiinta gobolka Nairobi, ayaa goobta gaaray iyagaoo dad badani weli muujinayaan argagaxa dhacdada.

    Halkan isha ku hay iyadoo wararku isasoo taraya

  7. War deg deg ah, Kooxaha samatabixinta oo weli wada gurmadka dhismaha ku dumay xaafada Islii

    Sida uu BBC-da u sheegay Cumar Axmed iskuduwaha guddiga ganacstada xaafada Islii, kooxaha gurmadka, umbalance iyo ciidamada ka qayb qaadanaya samatabixinta ayaa wada howlaha samatabixinta.

    Cumar, ayaa xusay in kooxaha ay wali ku jiraan shaqadad.

    Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhimashada.

    Sida Cumar sheegay dhismaha dabaqa ee dumay ayaa ka koobnaa ilaa dhowr iyo tobban dabaq kaas oo la rajaynayey in dhawaan xarriga laga jaro.

  8. Cumar"waxaan maqlaynay haweenay qaylinaysa oo ashahaadanaysa"guddiga xaafada Islii

    Cumar Axmed oo ah isku duwaha guddiga ganacstada xafaada Islii oo ku sugan goobta dhismuhu ku dumay ayaa BBC-da u sheegay in dhismaha dabaqa ee dumay uu ka koobnaa ilaa dhowr iyo tobban dabaq kaas oo la rajaynayey in dhawaan xarriga laga jaro.

    Wuxuu intaas ku daray in qaybta hoose ee dhismaha oo dukaamo ahaa ay furnaayeen oo ay dadi ku sugnaayeen

    ‘‘Waxaa la maqlayey hooyo qaylinaysa oo ashahaadanaysa, wiil ayaa qaylinayey oo dhahayey walaalkay ayaa ku jiray” ayuu yiri Cumar.

    Sidoo kale wuxuu xusay in dad doonayey inay guri daggaan ay eeganayeen qaybaha ay sidoo kale ku sugnaayeen dhismaha.

    Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta basle saraakiisha badbaada ayaa goobta ku sugan.

  9. War deg deg ah, Degdeg: "Dad ayaa ku hoos jira dabqa dumay"

    Warka laga helayo dhismaha ku dumay xaafadda Islii ayaa sheegaya in dad ku hoos jiraan laakin ilaa iyo hadda lama oga tiradooda.

    Qof aan la hadlanay ayaa noo sheegay in gudaha laga maqlayo dad hadlayo oo caawin dalbanaya, laakin hadda hadalkaasi uu meesha ka sii baxayo loona maleynayo in ay geeriyoodeen.

  10. Guri dabaq ah oo dumay xaafada Soomaalidu degto ee Islii ee Nairobi

    Wararka laga helayo xaafada Islii ee ay Soomaalidu degto ee magaalad Nairobi ayaa sheegaya inuu dumay guri dabaq ah oo ku yaalla xaafada Islii oo ka tirsan degmada Kamakunji ee magaalada Nairoi.

    Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay, balse waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaallo muujinaya si dadku u argagaxeen markii dhismuhu dumayey.

    Sidoo kale waxaa wararku intaas ku darayan inay jiri karaan in dad ku hoos jiraan dhismaha dumay wallow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

    Halkan kala soco wararka dheeraadka ah.

  11. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo soo saaray amar culus oo lagu soo rogayo Herbon

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa amar ku bixiyay in Bandow lagu soo rogo Daanta Galbeed ee la haysto, kadib markii weerar ay qaadeen maleeshiyaad Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen shan qof oo Israa’iiliyiin ah, ka hor inta aysan askartu toogasho ku dilin raggii weerarka geystay.

    Netanyahu ayaa sheegay in milatarigu uu ka hortagay weerar weyn oo ka dhici lahaa meel u dhow bar koontarool oo ku taalla afaafka laga galo magaalada Hebron.

    Laba ka mid ah dadka Israa’iiliyiinta ah ee dhaawacmay ayaa la sheegay in xaaladdoodu aad u liidato.

    Iyadoo ay maalmo kooban ka harsan yihiin doorashooyinka, Netanyahu ayaa sidoo kale ku baaqay in maanta la baajiyo dhammaan shirarka xisbigiisa Likud.

    Laba ka mid ah xubnaha garabka midigta fog ee ku jira isbahaysigiisa ayaa dalbaday in tallaabooyin ka adag laga qaado Daanta Galbeed.

  12. Carrabka wayn ama dheer waa "sababta hurdo la'aanta"

    Hurdo xumada ka dhalatay in qofka uu dhib kala kulmo inuu neefsado habeenkii, waxaa suuragal ah in ay la xiriirto carrabka wayn ee cayilan, sida cilmi-baaris lagu sheegay.

    Marka Bukaanada ay la xanuunsadaan hurdo la'aan, waaxay taa sababtaa in qofka uu caatoobo. Waxanaa ka dhalanaya in carrabkooda ay xeyrta ka dhacdo, natiijo wanaagsan ayaana laga helaa oo ah in bukaanka uu si wanaagsan u hurdo, waa sida ay sheegeen cilmi baarayaasha.

    Carrabka dheer iyo midka buuran wuxuu aad ugu badan yahay dadka cayilan.

    Laakiin, kooxda ka socotay jaamacadda Pennsylvania, waxay sheegayaan in dadka kale ee caatada ah ama iska caadiga ah ee carrabkoodu dheeryahay ama buuran yahay, ay sidoo kale halis ugu jiraan in hurdo la'aan ay ku dhacdo.

    Hadda, waxay cilmi-baarayaashan eegayaan cuntada keeni karta in carabka uu yaraado.

  13. Sacuudiga oo baajiyey mar kale shir ka dhici lahaa Riyaad

    Xarunta Tirakoobka Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo jimce ah ku sheegtay in ay dib u dhigtay Madasha Caalamiga ah ee Xogta ee Qaramada Midoobay iyo madasha labaad ee tirakoobka dalkaas, kuwaas oo markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Riyadh intii u dhexeysay 9-ka iyo 12-ka Nofeembar ee sanadkan. Labada madal ayaa hadda dib loo dhigay ilaa 2027.

    Tallaabadan ayaa timid kadib markii Sacuudigu Isniintii ku dhawaaqay in uu dib u dhigayo ilaa 2027 shirkiisa ugu muhiimsan ee maalgashiga. Go'aanka ayaa la qaatay kadib markii weerarro dhimasho sababay oo ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen toddobaadyadii u dambeeyay qaadeen ay carqaladeeyeen dhaqdhaqaaqyada ganacsiga.

    Shirka Hindisaha Maalgashiga Mustaqbalka ayaa la qorsheeyay in dalkaas lagu qabto intii u dhexeysay 26-ka iyo 29-ka Oktoobar.

    Munaasabado kale oo waaweyn oo Sacuudiga ka dhici lahaa, oo ay ku jiraan tartan tennis ah iyo wareeg ka mid ah Horyaalka Adduunka ee Tartanka Baabuurta ee Rally-ga, ayaa la baajiyay ama dib loo dhigay kadib markii ay sii kordheen weerarrada ay Xuutiyiinta Yemen qaadaan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. Masar oo ku baaqday in xal siyaasadeed laga gaaro colaadda Yemen

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay in dalkiisu doonayo inuu isku dayo dhammaan waddooyinka suurtagalka ah si wada-hadal loogu xalliyo colaadda Yemen.

    Hadalkan ayaa imanaya iyadoo la filayo in baarlamaanka Masar toddobaadka soo socda uu u codeeyo soo jeedin ku saabsan in ciidamada dalkaasi ay taageeraan dowladda Sacuudiga dagaalka ay kula jirto Xuutiyiinta ay Iran taageerto.

    Waxaa jira walaac laga qabo in faragelin toos ah oo ay ciidamada Masar sameeyaan ay si weyn u sii hurin karto colaadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta.

    Sabtidii, Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Siisi ayaa ku baaqay kulan degdeg ah oo baarlamaanka dalkaasi yeesho, si loo ansixiyo taageero militari oo la siiyo Sacuudiga.

    Kaddib kulan albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen Sabtidii, xildhibaannadu waxay go’aamiyeen in codbixinta dib loo dhigo ilaa Axadda.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Cabdullaati, iyo madaxa hay’adda amniga, Xasan Rashaad, ayaa Arbacadii u safray magaalada Riyadh. Waxay halkaas gaarsiiyeen farriin uu Madaxweyne Al-Siisi u diray hoggaanka Sacuudiga.

    Madaxweyne Al-Siisi ayaa sheegay in taageerada militari ee Masar ay ku koobnaan doonto difaaca dhulka iyo xuduudaha Sacuudiga, isla markaana aanay jirin qorshe lagu qaadayo weerarro ka dhan ah Yemen.

    Faahfaahinta taageerada ay Masar bixin doonto weli si cad looma shaacin.

    Khamiistii, Badr Cabdullaati ayaa mar kale sheegay in Masar ay doonayso inay isku daydo dhammaan waddooyinka suurtagalka ah si xal siyaasadeed loo gaaro.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Dad ka soo qaxay colaadda Mooyaale oo soo gaaray Kenya

    Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay inay gargaar siinayso dadka ka soo cararay colaadda ka dhacday magaalada Moyale ee koonfurta Itoobiya, una tallaabay dhinaca Kenya.

    Hay’addu waxay sheegtay in gargaar degdeg ah la gaarsiiyey kun qof.

    Laanqayrta Cas iyo mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in iska horimaadyadii toddobaadkan ka dhacay Moyale ay ku khasbeen kumannaan qof, oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dhallinyaro, inay u qaxaan dhinaca xuduudda Kenya.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay dadka deegaanka oo sheegay in rasaastu ay weli si weyn uga socotay magaalada Moyale ee Itoobiya.

    Dhanka kale, magaalada Moyale ee Kenya ayaa la sheegay inay guud ahaan deggan tahay. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay dagaalladu ka billowdeen dhinaca Itoobiya, booliska ilaalada xuduudda Kenya ayaa adkeeyey ammaanka.

    Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa bilowday diyaarinta xero ku-meel-gaar ah oo lagu qaabilo dadka soo barakacay. Waxa kale oo ay bilowday qaybinta agabka hoyga, bustayaal, biyo, weelasha wax lagu karsado iyo xoogaa cunto ah.

    “Dad badan ayaa yimid iyaga oo aan waxba wadan. Waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, oo ay ka mid yihiin hoy, cunto, dhar iyo dawo,” ayay hay’addu ku sheegtay bayaan ay soo saartay Khamiistii.

    Booliska ayaa sheegay in dagaalka ka socoday Moyale ee Itoobiya ay sidoo kale saameyn ku yeelatay dhinaca Kenya.

    Mas’uuliyiinta deegaanka ee dhinaca Kenya ee Moyale ayaa kulamo ka wada sidii loo caawin lahaa dadka ka soo cararay colaadda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  16. Xeebaha Umm Al Quwain ee Imaaraadka Carabta oo la xiray kaddib markii shidaal ku soo qubtay markab

    Iyadoo xiisadda gobolka ay sii kordhayso, isla markaana maraakiib lagu weerarayo marin-biyoodka Hormuz, ayaa Imaaraadka Carabta Jimcihii sheegay in shidaal ka daatay markab nooca shidaalka qaada ah oo ku sugnaa xeebihiisa.

    Wasaaradda Isbeddelka Cimilada iyo Deegaanka ee Imaaraadka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in mas’uuliyiinta lagu wargeliyey shidaal ka daatay markab nooca shidaalka qaada ah, kaas oo saameeyey xeebaha Umm Al Quwain, oo ku taalla waqooyiga Dubai.

    Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in kooxaha gurmadku ay markiiba bilaabeen xakamaynta shidaalka daatay, nadiifinta iyo dib-u-soo-celinta deegaanka. Waxa kale oo ay sheegtay in xeebaha imaaraddu la xiray si loo yareeyo waxyeellada deegaanka.

    Maalmihii la soo dhaafay, dad badan oo ku nool gobollada waqooyi ee dalka, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah waqooyiga Dubai, ayaa baraha bulshada ku sheegay inay dareemayaan urta shidaalka.

    Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa soo baxay warar sheegaya in maraakiib dhowr jeer lagu weeraray agagaarka marin-biyoodka Hormuz.

    Hay’adda Badbaadada Badda ee UK ayaa 9-kii Oktoobar sheegtay in markab ku sugnaa xeebaha Imaaraadka uu ku dhacay walax la soo tuuray, taas oo dhalisay dab. Dabkii ayaa markii dambe la xakameeyey.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Qiimaha Shidaalka cayriin oo sii kacay kaddib weerarro cusub oo Sacuudiga lagu qaaday

    Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in dagaallada Bariga Dhexe ay carqaladeeyaan sahayda tamarta ee gobolka.

    Qiimaha Shidaalka cayriin ee Brent ayaa kor u kacay 0.5 boqolkiiba, isagoo gaaray 113.75 doollar fuustadii, halka saliidda Maraykanka ee West Texas Intermediate (WTI) ay kor u kacday 0.7 boqolkiiba, oo gaartay 100.13 doollar fuustadii.

    Shalay oo ahayd 22-kii Oktoobar, qiimaha saliidda Brent ayaa ku xirmay heerkii ugu sarreeyay tan iyo 4-tii May.

    Shirkadda shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco, oo ay dowladdu leedahay, ayaa Khamiistii amartay in shaqaalaha laga daadgureeyo xarunteeda dhexe ee magaalada Dhahran, sababo la xiriira khatar laga cabsi qabo kaddib weerarro dhowaan lagu qaaday xarumaha shidaalka ee shirkadda.

    Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay sii xoogeysanayaan dagaallada u dhexeeya Sacuudiga, oo ah dalka ugu badan shidaalka dhoofiya dunida, iyo Xuutiyiinta Yemen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Falanqeeyayaasha hay’adda maaliyadeed ee ING ayaa qoraal ay soo saareen Jimcihii ku sheegay in suuqyada shidaalka iyo gaasku ay aad uga walaacsan yihiin suurtagalnimada in xiisadaha Gacanka Faaris ay dib u soo cusboonaadaan, taas oo sii saameyn karta sahayda shidaalka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  18. Araqchi: Maraykanka ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay 11 bilyan oo doollar ku bixiyey nidaamka difaaca Israa’iil

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa bartiisa X ku qoray in Maraykanku saddexdii sano ee la soo dhaafay uu 11 bilyan oo doollar oo ka mid ah lacagta canshuur-bixiyeyaasha ku bixiyey nidaamka difaaca gantaallada Israa’iil.

    Waxa uu intaas ku daray in Maraykanku riday gantaallo ka hortaga gantaallada oo ka badan kuwii Israa’iil lafteedu ridday, si uu u difaaco dalkaas.

    Dhammaadka farriintiisa, Araqchi ayaa xiriirka Maraykanka iyo Israa’iil ku tilmaamay mid aan ku dhisnayn iskaashi ay labada dhinacba ka faa’iidaystaan, balse uu sheegay inuu yahay xiriir hal dhinac uu kan kale ka faa’iidaysto.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  19. Warbixinta Wall Street Journal ee digniinta Iran haddii Maraykanka iyo Israa’iil ay dib u bilaabaan weerarrada

    Wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in Iran ay ka digtay inay ballaarin doonto baaxadda weerarradeeda haddii Israa’iil iyo Maraykanku ay dib u bilaabaan weerarrada ka dhanka ah dalkaas.

    Warbixintu waxay sheegtay in haddii duqeymaha cirka dib loo bilaabo, Iran ay weerari doonto saldhigyada iyo maraakiibta dagaalka ee Maraykanka oo keliya, balse ay sidoo kale bartilmaameedsan doonto garoomada diyaaradaha, dhuumaha shidaalka iyo goobaha kale ee rayidka ee dalalka deriska la ah ee ku yaalla Gacanka Faaris.

    Wargeysku wuxuu intaas ku daray in digniinahan lagu baahiyey hadallo si fagaare ah loo jeediyey iyo farriimo diblomaasiyadeed oo si gaar ah loo gudbiyey.

    Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Iran ay haysato kayd badan oo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, isla markaana ay awood u leedahay inay adeegsato.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Sideed ku ogaan kartaa in ilmahaagu maskax ahaan fiyow yahay iyo in kale?

    In aad aragto ilmo xanaaqsan ma ahan wax lagu farxo, gaar ahaan haddii aad tahay waalid, macallin ama mas'uul, goob caruurta lagu xanaaneeyo.

    Haddii carruurta ay xanaaqaan ayaga oo ku sugan meel fagaare ah ama fasalka dugsiga, waa ayba ka sii daran tahay mararka kale .