Alhassan Dantata: Ninkii u dhashay Nayjeeriya ee xajka ku aaday doonta

Xigashada Sawirka, Wikipedia
Qiyaastii 99 sano ka hor, ninkii ugu taajirsanaa Galbeedka Afrika waqtigaas, Alxaji Alhassan Dantata, ayaa gudtay xajka isaga oo wata koox ka kooban 15 qof oo uu dhammaantood kharashkooda bixiyay.
Taariikhyahannadu waxay sheegaan in Alxaji Alhassan Dantata uu ahaa ninkii labaad ee caan ah oo u dhashay Nayjeeriya ee xaj ku taga doon, kadib Boqorkii Katsina, Muhammadu Dikko, sanadkii 1921. Arrintaasi waxay soo jiidatay indhaha caalamka waqtigaas.
Xilligaas inta badan dadka xajka tegaya waxay isticmaali jireen dameero, fardo, iyo geel, iyagoo marar badan degganaan ku meel gaar ah ka samayn jiray magaalooyin iyo dalal kala duwan ka hor inta aysan gaadhin Maka.
Si loo soo bandhigo taariikhda xajkii Dantata, BBC waxay adeegsatay buugga "The Life and Times of Alhaji Alhassan Dantata, A Merchant Par Excellence," oo uu qoray Hassan Sanusi Dantata.
Safarkii Kano ilaa Maka

Xigashada Sawirka, Hassan Sanusi Dantata
Alxaji Alhassan Dantata iyo 15-kii qof ee uu xajka u kafaala qaaday waxay ka ambabaxeen Kano kuna sii jeedeen Lagos 1-dii Abriil 1927.
Kooxda oo ka koobnayd 16 qof waxay gaareen dekedda Tema ee Ghana ka hor intii aysan gaadhin dekedda Liverpool ee Britain 21-kii Abriil 1927.
Dantata waxaa si gaar ah u soo dhaweeyay Boqor George V oo ahaa boqorkii Ingiriiska waqtigaas, waxaana lagu qaabilay qasriga Buckingham maadaama uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee caan ah oo Nayjeeriyaan ah oo Ingiriiska sii mara isaga oo xaj u socda.
Kooxdu waxay laba maalmood joogeen Ingiriiska kadibna waxay safarka sii wateen 24-kii Abriil. Waxay gaadheen Faransiiska 26-kii Abriil, kadibna waxay mareen Port Said ka hor intii aysan gelin Qaahira 7-dii May 1927.
Dekedda Qaahira ayay uga sii gudbeen Jeddah, halkaas oo ay gaadheen 16-kii May 1927, taas oo ku beegnayd 14 Dhul-Qa'dah 1345 Hijriyada
Sida Dantata u Gutay Xajka

Xigashada Sawirka, Hassan Sanusi Dantata
Markii uu ka baxay Jeddah, Dantata wuxuu galay Maka. Wararku waxay sheegayaan inuu ilmooday markii ugu horreysay ee uu indhihiisa ku arkay Kacbada.
Buugga Hassan Sanusi Dantata wuxuu sheegayaa in Dantata ahaa nin hoos isu dhiga oo diiday inuu dego qol dabaq sare ah oo loo diyaariyay.
Waxaa la sheegay inuu waqtigiisa intiisa badan ku qaadan jiray Kacbada isagoo dawaaf sameynaya, tukanaya, Qur'aanka akhrinaya, isla markaana ka qayb galaya duruus Qur'aan ah.
Wuxuu sidaas sameyn jiray maalin kasta ilaa ay bilaabatay gudashada xajka. Kadib xajka wuxuu u safray Madiina halkaas oo uu joogay 15 maalmood.
Ganacsadaha taajirka ah wuxuu sidoo kale ka mid ahaa dadkii fuulay Buurta Carafa iyagoo aan kabo wadan si ay u muujiyaan ixtiraam iyo qadarin.
Mahadnaq uga yimid Sacuudiga
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ku qoran buugga Hassan Sanusi, Alxaji Alhassan Dantata wuxuu lacag ugu deeqay dayactirka Kacbada.
Wuxuu sidoo kale taageeray mashruuca biyaha ee xujeyda loo yaqaan "Aynu Zubayda."
Intaa waxaa dheer, Dantata wuxuu ballan qaaday inuu sanad kasta sii wadi doono taageerada dadka saboolka ah ee deggan Maka.
Deeqsinimadiisa darteed, maamulka Sacuudiga ayaa u diray warqad mahadnaq iyo ammaan ah.
Warqadda waxaa ku qornaa:
"Waxaan helnay lacag pound sterling ah oo uu soo diray Alhaji Muhammadu Sani Sharu sida caadiga ah (bil kasta). Lacagta waxaa lagu shubay akoonka mashruuca biyaha ee Aynu Zubayda."
Kadib markii uu Maka yimid, deeqsinimada Dantata ayaa sii muuqatay. Wuxuu caawin jiray xujeyda saboolka ah si ay xajka ugu gutaan si dhib la'aan ah.
Wuxuu ido u iibiyay dadka aan awoodin inay qalaan udxiyada, waxaana la sheegay inuu hubiyay in qof kasta oo Nayjeeriyaan ah oo uu la kulmo uu helo fursad uu wax ku qalo.
Wuxuu sidoo kale baaray dadka aan haysan lacag ay dib ugu noqdaan guryahooda, gaar ahaan dadka ka yimid Kano, Katsina, Sokoto, iyo Zaria.
Waxaa la sheegay inuu ku dhawaaqay in qof kasta oo doonaya inuu gurigiisa ku laabto balse aan lacag haysan uu isa soo diiwaangeliyo. Qiyaastii 430 qof ayaa la helay, wuxuuna dhammaantood bixiyay kharashkii safarkooda. Arrintan waxaa si weyn u amaanay dowladda Sacuudiga.
25-kii Juun 1927, Alxaji Alhassan Dantata iyo kooxdiisii waxay ka baxeen Jeddah, waxayna dib ugu soo laabteen Kano 11-kii Agoosto 1927.
Safarkoodu wuxuu socday 140 maalmood qiyaastii afar bilood iyo labaatan maalmood.
Yuu Ahaa Alhassan Dantata?
Alxaji Alhassan Dantata wuxuu ku dhashay sanadkii 1877 magaalada Bebeji ee gobolka Kano. Waalidkiis waxay ahaayeen ganacsato ka shaqayn jiray ganacsiga u dhexeeya Nayjeeriya iyo Ghana.
Aabbihii wuxuu ahaa Malam Abdullahi oo loo yiqiin Baba Talatin, kana soo guuray Madobi una guuray Bebeji.
Kadib geeridii aabbihii, hooyadii Alhassan waxay u guurtay Ghana si ay ugu noolaato adeerkeed agtiisa, iyadoo Alhassan iyo walaalihiis uga tagtay haweeney addoon ahayd oo la oran jiray Tata.
Xiriirka dhow ee uu la lahaa Tata ayaa sababay in loogu yeero "Dan Tata," magac ay qoyskiisu weli isticmaalaan.
Dantata wuxuu noqday ninkii ugu taajirsanaa Galbeedka Afrika waqtigaas. Wuxuu dhisay ganacsiyo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen lawska, lo'da, iyo ganacsiga qudaarta kola nuts isaga oo xiriir wanaagsan la lahaa reer Yurub.
Alxaji Alhassan Dantata wuxuu geeriyooday sanadkii 1955, isagoo ka tagay 65 carruur ah, oo ay ku jiraan Alhaji Aminu Dantata iyo Alhaji Sanusi Dantata. Wuxuu sidoo kale ahaa awoowga qoyska ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote.












