Maxaan ka naqaan Qalcadda Muhiimka ah ee Beaufort, ee ay ciidamada Israa'iil qabsadeen?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Subaxnimadii Axadda, ciidamada Israa'iil waxay ku dhawaaqeen inay si buuxda ula wareegeen Qalcadda istaraatiijiga ah ee Beaufort, oo sidoo kale loo yaqaan Qalcadda Shaqif Arnoun, ee koonfurta Lubnaan, ka dib isku dhacyo goobta ah oo ay taageerayaan dagaal xooggan oo ka imanaya ciidamada dhulka iyo cirka, taasoo muujinaysa isbeddel muuqda oo goobta ah oo ka dhacay hawlgallada milatari ee gobolka.
Wasiirka Difaaca Israa'iil Yisrael Katz ayaa ku sheegay kanaalkiisa Telegram in "44 sano ka dib Dagaalkii geesinimada lahaa ee Beaufort, iyo maalintii aan xusnay askartii ku dhimatay Dagaalkii Koowaad ee Lubnaan (1982), askartu waxay ku soo laabteen Qalcadda Beaufort waxayna mar kale ka taageen calanka Israa'iil halkaas."
Qalacadda ayaa ayaa maalmihii u dambeeyay lagu arkayay isbedelo ciidan iyo amni taasoo dib ugu soo celisay goobta taariikhiga ah dhacdooyinka koonfurta Lubnaan, iyadoo ay sii kordhayaan dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Hezbollah.
Dowladda hoose ee Arnoun ayaa cambaareysay duqeymaha Israa'iil ay ka geysatay qalcadda maalmihii la soo dhaafay, iyadoo la tixgelinayo in bartilmaameedkeedu uu yahay weerar lagu qaaday goob taariikhi ah oo qadiimi ah iyo mid dhaxal ah oo kusoo jirtay "ilaalin la xoojiyay" tan iyo 2024 iyadoo la raacayo Protocol II ee Heshiiska Hague ee Ilaalinta Hantida Dhaqanka haddii ay dhacaan isku dhac hubaysan.
Qalcaddu waa mid ka mid ah qalcadaha taariikhiga ah ee ugu caansan koonfurta Lubnaan waana midda ugu dhow ee lala xiriiriyo taariikhda khilaafaadka iyo dagaallada ee gobolku soo maray qarniyo badan. Waxay ku taal buur dhagax ah oo dheer oo ku taal magaalada Arnoun ee Gobolka Nabatieh, iyadoo hoos u fiirinaysa wabiga Litani iyo bannaanka koonfurta Lubnaan, taasoo siisay muhiimad istiraatiiji ah iyo mid milatari taasoo ka dhigtay bartilmaameed joogto ah oo loogu talagalay awoodaha is haya laga bilaabo qarniyadii dhexe ilaa xilligii casriga ahaa.
Goorma ayaa la dhisay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taraiikh ahaan Qalcaddu waxay dib ugu noqoneysaa waqtiyadii hore, laakiin ilo taariikheed ayaa ku kala duwan cidda markii ugu horreysay dhistay. Tiro ka mid ah taariikhyahannadu waxay aaminsan yihiin in asalkeedu uu dib ugu laabanayo xilligii Phoenician ama Roomaanka, ka hor inta aan dib loo dhisin oo la xoojin xilligii Salibiyada qarnigii laba iyo tobnaad ee AD.
Dhanka xogaha reer Galbeed ah, waxaa loo yaqaanay "Beaufort," oo laga soo qaatay Faransiiskii Hore oo macnihiisu yahay "qalcad qurux badan" yadoo la tixraacayo goobteeda sare iyo muuqaal ballaaran oo ku saabsan goobaha ku xeeran.
Qasriga Beaufort waxaa lagu gartaa naqshaddiisa gaarka ah ee dhismaha, kaas oo isku daraya qaabka Saliibiyadda iyo habka Islaamka Bari. Qasriga waxaa lagu dhisay meel dhagax ah oo aad u qoto dheer, taasoo ka dhigaysa mid adag in laga gaaro jihooyin kala duwan. Waxa ku jira dhagax adag oo cuf leh, qolal la adkeyay, haamaha biyaha, iyo ceelasha u oggolaanaya dagaalyahannada inay sii joogaan muddo dheer inta lagu jiro go'doominta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intii lagu jiray Dagaaladii Saliibiyiinta, qalcaddu waxay qayb ka noqotay shabakadda qalcadaha ay dejiyeen Saliibiyiinta ee Levant si loo ilaaliyo waddooyinka ganacsiga iyo isgaarsiinta ee u dhexeeya xeebta iyo gudaha. Goobta ay ku taal waxay u suurtagelisay cid kasta oo maamusha inay la socoto waddooyinka u socda Falastiin iyo Galilee, taasoo ka dhigtay bartilmaameed ay bartilmaameedsadaan ciidamada Islaamka ee doonayay inay dib u qabsadaan maamulka gobolka.
Qiyaastii sanadkii 1190kii, qalcaddu waxay hoos timid xukunkii Saladin ka dib dagaallo taxane ah oo ay la galeen Saliibiyiinta, laakiin markii dambe waxay la kulantay waqtiyo kala duwan oo ay labada dhinac wada maamulayeen.
Waqtiyadii hore, qalcaddu waxay soo martay dib u dayac tir iyo dib u dhis badan, gaar ahaan xilligii Mamluk iyo ka dibna xilligii Cusmaaniyiinta. Si kastaba ha ahaatee, muhiimaddeeda militari ayaa si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacday iyadoo la horumarinayo hababka dagaalka iyo hubka casriga ah, taasoo ugu dambeyntii ay noqotay calaamad taariikhi ah oo astaan u ah taariikhda koonfurta Lubnaan iyo dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa militari.
Taariikhda Casriga ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo ay jirto hoos u dhac ku yimid doorkii milatari ee qadiimiga ahaa, Qalcadda Beaufort (Qalaat al-Shaqif Arnoun) ayaa si xooggan ugu soo laabatay safka hore bartamihii qarnigii labaatanaad, iyadoo ay sii kordheen iskahorimaadka Carabta iyo Israa'iil iyo isbeddelka koonfurta Lubnaan oo isu beddelay goob iska hor imaad furan.
Ka dib duullaankii Israa'iil ee soo noqnoqday ee koonfurta, qalcadda waxay yeelatay muhiimad weyn sababtoo ah goobta sare ee ay ku taal oo kasoo horjeeda dhul ballaaran oo waqooyiga Israa'iil iyo koonfurta Lubnaan ah, taasoo ka dhigtay goob istaraatiiji ah ee la socodka iyo xakameyn ah.
Waqtigii ay Israa'iil duullaanka ku qaaday Lubnaan 1982, qalcaddu waxay noqotay mid ka mid ah goobaha ugu caansan ee lagu dagaallada ciidamada Israa'iil iyo dagaalyahannada Falastiin iyo Lubnaan ayh ka dhaceen. Kooxo ka socda Ururka Xoreynta Falastiin iyo ciidamada Lubnaan ee xulafada la aha ayaa halkaas ku sugnaa, iyagoo ka faa'iideysanaya dabeecadda dhagaxa ah ee qalcadda iyo qalcadaha qadiimiga ah si ay ula dagaallamaan ciidamada weerarka soo qaaday, waxaana ka dhacay dagaallo xooggan agagaarka goobta ay ku tiil.
Ka dib markii Israa'iil ay la wareegtay qalcadda, ciidamada Israa'iil waxay muddo dheer u isticmaali jireen goob militari oo horumarsan oo ku taal waxa loo yaqaan "xariiqda xuduudda" ee Israa'iil ay ka haysatay koonfurta Lubnaan ilaa 2000. Israa'iil waxay ka faa'iidaysatay goobta juqraafiyeed ee sare ee qalcadda si ay ula socoto dhaqdhaqaaqa kooxaha Hezbollah iyo tuulooyinka koonfureed, wayna sii xoojisay.
Intii lagu jiray 1990-meeyadii, magaca Shaqif wuxuu la xiriiray duqeymo joogto ah iyo iska horimaadyo dhexmaray Hezbollah iyo ciidamada Israa'iil. Markii Israa'iil ay ka baxday koonfurta Lubnaan bishii May 2000, dowladda Lubnaan waxay dib u qabsatay gacan ku haynta qalcadda.
Dalxiisayaasha ayaa loo furay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadihii xigay, waxaa la bilaabay dadaallo lagu soo celinayo qalcadda iyo in dib loogu furayo dadka booqanaya iyo dalxiisayaasha, inkastoo burbur baaxad leh uu kasoo gaaray dagaalladii iyo qaraxyadii. Qalcadda waxay noqotay meel ay booqdaan dadka Lubnaan iyo kuwa ajnabiga ah ee danaynaya taariikhda gobolka, waxayna sidoo kale noqotay xarun muhiim u ah xusuusta wadajirka ah ee dadka deggan koonfurta Lubnaan ee ku noolaa halkaas.
Inkasta oo ay jireen dabeecadda milatari ee hareysay taariikhda qalcadda tobanaankii sano ee la soo dhaafay, waxay sidoo kale leedahay qiimo dhaqameed iyo dalxiis oo weyn. Waxay u taagan tahay qayb ka mid ah dhaxalka taariikhiga ah ee Lubnaan waxayna ka tarjumaysaa is-beddelka ilbaxnimada iyo awoodaha soo maray Levant qarniyo badan.











