Dad ku dhintay diyaarad ku burburtay garoonka Miami

Diyaaradda shilka gashay ee ay leedahay Amazon

Xigashada Sawirka, Reuters

    • Author, Max Matza
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay shirkadda Amazon Air ayaa ka baxday dhabaha diyaaradaha xilli ay isku dayaysay inay ku degto Garoonka Caalamiga ah ee Miami, taasoo sababtay dhimashada shan qof, halka shan kalena uu soo gaaray dhaawac daran.

Diyaaradda xamuulka ee Boeing 767-300 ayaa shilka gashay wax yar ka hor 2:00 duhurnimo waqtiga maxalliga ah (19:00 GMT), kaddib markii ay ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Luis Muñoz Marín ee magaalada San Juan, Puerto Rico. Diyaaraddu waxay sidoo kale ku dhacday dhowr gaari oo ka ag dhowaa goobta shilka.

Shirkadda Amazon ayaa sheegtay inay "si dhow ula shaqaynayso mas'uuliyiinta iyo hay'adaha maxalliga ah si loo fahmo waxa saxda ah ee dhacay."

Maamulka Duulista Hawada Federaalka Mareykanka (FAA) ayaa hakiyay dhammaan duullimaadyadii garoonka, iyadoo kooxaha dab-demiska iyo gurmadka ay si degdeg ah u gaareen goobta shilka oo dab iyo qiiq ka muuqday. Shilku wuxuu dhacay dhammaadka fasaxa Maalinta Shaqaalaha, oo ka mid ah xilliyada ugu mashquulka badan safarrada sannadka.

"Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, halka shan qof oo kalena ay dhaawacmeen," ayay Duqa Degmada Miami-Dade, Daniella Levine Cava, ka sheegtay shir jaraa'id oo ay qabatay fiidnimadii Axadda.

Waxay intaas ku dartay in kooxaha gurmadka ay goobta shilka ku gaareen "ilbiriqsiyo gudahood" markii shilku dhacay.

"Waqtigan xaadirka ah, waxa aan diiradda saaraynaa qoysaska, dadka dhaawacmay iyadoo gurmadku weli socdo," ayay sii raacisay.

Taliyaha Dab-damiska Miami, Raied Jadallah, ayaa sheegay in saddex ka mid ah shanta qof ee dhaawacmay ay xaaladdoodu aad u daran tahay. Waxay sheegtay in dhammaan dadka dhaawacmay loo qaaday isbitaallada, iyadoo dhaawacyadooda aan weli si rasmi ah loo ogeyn.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jadallah ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay ku xayirmeen gudaha ama gawaarida yaallay dhulka hoostooda, taasoo keentay in kooxaha dab-damiska iyo gurmadka ay ka soo saaraan.

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in ay weli goor hore tahay in la ogaado sababta shilka, waxaana baaritaanka sameyn doona Guddiga Qaranka ee Badbaadada Gaadiidka. Hay'addan federaalka ah oo baaritaanno ku sameysa dhammaan shilalka diyaaradaha ee ka dhaca Mareykanka, ayaa qorshaynaysa inay shir jaraa'id qabato Isniinta.

Garoonka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duulimaadka Amazon, oo ay maamushay 21 diyaaradood, oo ah shirkad duulimaadyo kireysan ka shaqaysa oo fadhigeedu yahay gobolka North Carolina, uu "ka gudbay dhabaha diyaaradaha ee dhinaca geeska ah ee Garoonka Caalamiga ah ee Miami, diyaaradduna waxay ku istaagtay qaybta waqooyi-galbeed ee garoonka."

Waaxda Dab-damiska iyo Gurmadka Miami-Dade ayaa sheegtay, in kooxaha gurmadku "markii ay goobta yimaadeen ay arkeen diyaarad uu dab qabsaday kaddib shilka, iyadoo olol xooggan iyo qiiq badan ay ka baxayeen."

Diyaaradda shilka gashay

Xigashada Sawirka, Getty Images

In ka badan 200 oo gawaari dab-demis ah ayaa ka qayb qaatay gurmadka. Dabkii waa la damiyey, balse weli shidaal ayaa ka daadanaya diyaaradda, sida uu sheegay Jadallah.

Amazon ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay si dhow ula shaqaynayso mas'uuliyiinta, iyadoo tacsi u dirtay dadkii ku waxyeelloobay shilka.

"Waxaan aad uga murugaysanahay inaan ogaano in shan qof ay ku dhinteen dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka Caalamiga ah ee Miami," ayay tiri Kelly Nantel, oo ah Agaasimaha Xiriirka Warbaahinta Caalamiga ah ee Shirkadda Amazon.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska, ehellada iyo dhammaan dadka ay saameysay khasaarahan naxdinta leh.

"Diyaaradda, oo ay maamusho shirkadda 21 Air, ayaa isku dayaysay inay degto markii ay dhacdadani dhacday. Waxaan si dhow ula shaqaynaynaa mas'uuliyiinta iyo hay'adaha maxalliga ah si aan wax badan uga ogaanno wixii dhacay, waxaana si buuxda uga qayb qaadan doonnaa baaritaan kasta oo la sameeyo."

Khariirad

BBC ayaa email u dirtay shirkadda 21 Air, si ay wax uga ogaato dhacdadan, balse ilaa hadda wax jawaab ah kama aysan helin.

Xogta duulimaadka ee laga helay barta la socodka diyaaradaha ee FlightRadar24 ayaa muujinaysa, in diyaaradda xamuulka ah ee Amazon ay ku socotay xawaare dhan 112 knot (129 mayl saacaddii, oo u dhiganta 207 km saacaddii) xilli ay ka baxaysay qaybta dhabaha diyaaradaha ee la isticmaali karay.

FlightRadar24 ayaa qoraal ay ku daabacday boggeeda ku sheegtay, in diyaaradda ay ugu dambayn ku istaagtay meel u dhow goob baarkin oo u adeegta bakhaar Amazon leedahay iyo ganacsiyo kale.

Waxay sheegtay in xilliga shilku dhacay ay magaalada Miami ka jireen onkod-roobaadyo fudud iyo dabaylo xooggan oo mararka qaar si lama filaan ah u xawaareynayay.

Shilkan ayaa dhacay xilli uu Maraykanka ka socday mid ka mid ah maalmaha fasaxyada ugu mashquulka badan ee sannadka.

Rakaab ku sugnaa Garoonka Caalamiga ah ee Miami ayaa BBC-da u sheegay inay ka niyad-jabeen xogta yar ee ay ka helayeen mas'uuliyiinta, iyadoo duulimaadyo badan la baajiyay ama dib loo dhigay shilka awgiis.

Waxaa garoonka ka jiray safaf dhaadheer iyadoo qaar ka mid ah rakaabka ay sheegeen inay khasab ku noqon doonto inay hal habeen oo dheeraad ah ku hoydaan Miami.

Maamulka Ammaanka Gaadiidka Maraykanka ayaa sheegay in 17 milyan oo qof ay mari doonaan garoomada diyaaradaha ee Maraykanka toddobaadka ku beegan fasaxa Maalinta Shaqaalaha ee Isniinta.

TSA, oo qaabilsan baaritaanka rakaabka ku safraya diyaaradaha gudaha Maraykanka, ayaa saadaalisay in 2.3 milyan oo qof ay Axadda oo keliya duuli doonaan.

Garoonka Caalamiga ah ee Miami (MIA) wuxuu ku yaallaa meel u dhow bartamaha magaalada Miami, waana mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ugu mashquulka badan dalka Maraykanka.

"Waxaa la aasaasay sanadkii 1928, MIA waa garoonka ugu mashquulka badan Maraykanka marka laga hadlayo xamuulka caalamiga ah, halka uu kaalinta labaad kaga jiro tirada rakaabka caalamiga ah. Waxa kale oo uu leeyahay duulimaadyo badan oo taga Latin America iyo Kariibiyaanka marka loo eego garoon kasta oo kale oo ku yaalla Maraykanka," sida lagu sheegay bogga garoonka.

Sida boggu sheegay, qiyaastii 60% dadka ajaanibta ah ee booqda gobolka Florida waxay dalka soo galaan iyagoo soo mara garoonkan.