Sirta boorsada nukliyeerka ee Putin: Yaa sida, sideese loo maamulaa hubka nukliyeerka ee halkaa ku jira?

Xigashada Sawirka, ONLINE
Iyadoo hoggaamiyeyaasha Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushku ay Khamiistii gaareen magaalada Shenzhen ee koonfurta Shiinaha, si ay uga qaybgalaan wada-hadallo saddex geesood ah oo ka dhinac dhacayey shirka APEC, ayaa nin ku labisnaa dareyska ciidamada Ruushka uu soo jiitay indhaha dadka, kaddib markii uu watay boorso madow oo gaar ah.
Markii kamaradda telefishinka dowladda Ruushku ay diiradda saareen y sarkaal ka tirsan ciidamada badda oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa wariye Yevgeny Popov, uu farta ku fiiqay boorsada, isaga oo daawadayaasha u sheegay inay tahay boorsada lagu keydiyo qalabka xiriirka hubka nukliyeerka.
Sarkaalka ayaa dhoolla-caddeeyay, wuxuuna xaqiijiyay in boorsadau tahay mida loo yaqaan Cheget, taas oo u suuragelisa madaxweynaha Ruushka inuu xiriir toos ah la sameeyo ciidamada gacanta ku haya hubka nukliyeerka ee dalkaas.
Muuqaalka Putin iyo wafdigiisa oo wata qalabkan awoodda u leh in lagu maamulo hubka nukliyeerka ayaa loo arkay muujin awoodda milatari ee Ruushka. Si kastaba ha ahaatee, Ruushku si rasmi ah uma uusan sheegin in dhab ahaantii uu watay hub nukliyeer ah iyo in kale.
Dhacdadan ayaa dhalisay dood ku saabsan in hoggaamiye dal, ha ahaado madaxweyne ama ra'iisul wasaare, uu dhab ahaantii amri karo weerar nukliyeer ah isaga oo ka qaybgalaya shir caalami ah, saaran diyaarad ama ku sugan hoteel.
Sidee ayuu Cheget uga shaqeeyaa Ruushka?

Xigashada Sawirka, Reuters
Shandadda nukliyeerka ee Ruushka waxaa loo yaqaan Cheget, waana magac laga soo qaatay buur ku taalla gobolka Caucasus.
Waxaa markii ugu horreysay la hirgeliyay sannadkii 1983-kii, xilligii Midowgii Soofiyeeti. Sida caadiga ah, sarkaal ka tirsan ciidamada badda ayaa qaada shandaddan gaarka ah ee madaxweynaha.
Cheget, waxay ku xiran tahay nidaamka isgaarsiinta iyo xakamaynta milatariga Ruushka oo loo yaqaan Kazbek. Nidaamkan ayuu madaxweynuhu u adeegsadaa inuu kula xiriiro hoggaanka sare ee milatariga, isla markaana uu ku diro amarro la xiriira adeegsiga hubka nukliyeerka.
Warar ayaa sheegaya in Ruushku leeyahay saddex shandadood oo noocan ah, kuwaas oo lala xiriiriyo madaxweynaha, wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.
Sida ku cad siyaasadda nukliyeerka Ruushka, go'aanka adeegsiga hubkan waxaa iska leh madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, gantaalladu iskood uma fulin karaan weerar. Waxaa jira hannaan-yo kale oo milatari oo ku lug leh helitaanka, xaqiijinta iyo fulinta amarrada.
Maxay hoggaamiyeyaashu u safraan iyagoo wata shandadahaas?

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sababta ugu weyn ayaa ah in la hubiyo in xiriirka iyo awoodda bixinta amarrada milatari aysan go'in, meel kasta oo uu hoggaamiyuhu joogo.
Weerar nukliyeer ah ayaa dhici kara xilli madaxweynuhu safar ku jiro, ka qaybgalayo shir caalami ah ama xitaa ku sugan yahay hoteel. Xaaladahaas oo kale, in lagu tiirsanaado oo keliya nidaamyada yaalla Aqalka Cad waxay caqabad ku noqon kartaa xiriirka iyo bixinta amarrada.
Sidaas darteed, nidaamyada nooca Cheget waxaa loo sameeyay in hoggaamiyuhu uu mar kasta xiriir la yeesho hoggaanka sare ee milatariga.
Sidoo kale, jiritaanka awooddan ayaa muhiim u ah istaraatiijiyadda looga hortago weerarrada cadowga. Fikradda ayaa ah in dal og in cadowgiisu weli awood u leeyahay inuu ka jawaabo weerar nukliyeer ah, xitaa haddii weerarka koowaad la qaado, uu ka waantoobi karo inuu weerarkaas fuliyo.
Fikraddan oo ah in weerarrada looga hortago hanjabaadda aargoosiga ayaa loo yaqaan ka-hortagga weerarrada nukliyeerka.
Marka la eego arrintan, muuqaalka sarkaalka sita boorsada Cheget ee la socda Putin intii uu ku sugnaa Shiinaha ma aha oo keliya arrin amni. Khubarada amniga caalamiga ah ayaa sidoo kale ku tilmaamay inay tahay muujin awoodda nukliyeerka ee Ruushka, xilli hoggaamiyeyaasha quwadaha waaweyn ay ka wada hadlayaan mustaqbalka amniga caalamka.
Dalalka kale ma leeyihiin shandado la mid ah kuwaas?

Xigashada Sawirka, Reuters
Marka hore, si dal uu u yeesho kayd hub nukliyeer ah, waa inuu hubkaas ku haystaa gudaha xuduudihiisa.
Waxaa sidoo kale jira dalal haysta hub nukliyeer ah, balse nidaamyadooda lagu maamulo ama looga hortago weerarrada nukliyeerka aan lagu qaadin boorso gaar ah.
Ruushka oo keliya ma laha nidaamkan qarsoon ee hubka nukliyeerka. Mareykankuna wuxuu leeyahay nidaam la mid ah oo loo yaqaan Nuclear Football. Waa shandad gaar ah oo la safarta madaxweynaha Mareykanka, taas oo u suurtagelisa inuu la xiriiro nidaamka taliska milatariga ee ku saabsan adeegsiga hubka nukliyeerka.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan dalalka haysta hubka nukliyeerka si cad uma sheegin in hoggaamiyeyaashoodu safarrada ku qaataan qalab la mid ah.
Tusaale ahaan, Boqortooyada Midowday ee UK, awoodda oggolaanshaha adeegsiga hubka nukliyeerka waxaa leh ra'iisul wasaaraha. Ra'iisul wasaare kasta oo cusub wuxuu qoraa afar warqadood oo loo yaqaan Letters of Last Resort (Warqadaha Amarka Ugu Dambeeya), kuwaas oo la siiyo taliyeyaasha afarta gujis ee nukliyeerka ee dalkaas.
Warqadahaasi waxay qeexayaan tallaabooyinka la qaadayo haddii weerar nukliyeer ahi burburiyo dowladda UK, isla markaana uu gooyo xiriirka hoggaanka dalka.
Faransiiska, awoodda ugu dambeysa ee oggolaanshaha adeegsiga hubka noocan ah waxaa leh madaxweynaha dalka.
Shiinaha ayaa sidoo kale sheegaya inuu raaco siyaasadda ah inuusan marka hore adeegsan hubka nukliyeerka . Taas macnaheedu waa inuusan hubkaas u adeegsan doonin weerar ka dhan ah dal kale, haddii aan isaga marka hore lagu soo qaadin weerar nukliyeer ah. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in Madaxweyne Xi Jinping uu sito boorso gaar ah oo loogu talagalay hubka nukliyeerka iyo in kale.
Hindiya waxay sheegaysaa in awoodda oggolaanshaha adeegsiga hubka nukliyeerka ay leeyihiin Golaha Siyaasadda ee Taliska Nukliyeerka, kaas oo uu hoggaamiyo ra'iisul wasaaraha dalkaas.
Pakistan iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa iyaguna haysta hub nukliyeer ah, halka la rumeysan yahay in Israa'iil ay sidoo kale haysato, inkasta oo aysan si rasmi ah u xaqiijin.
Xogta ku saabsan qalabka ay hoggaamiyeyaasha dalalkan u adeegsadaan inay kula xiriiraan nidaamyada milatariga ee maamula hubka nukliyeerka ayaa ah mid kooban
Waa maxay mowqifka Afrika ee ku aaddan hubka nukliyeerka?
Helitaanka kayd qarsoodi ah oo hub nukliyeer ah ayaa noqon kara arrin la yaab leh, gaar ahaan haddii laga helo qaaradda Afrika.
Way adag tahay in dowladaha Afrika ay yeeshaan kayd hubka noocaas ah, maadaama ay jiraan heshiisyo wadajir ah oo mamnuucaya in dalalka qaaraddu sameystaan hub nukliyeer ah.
Sannadkii 1964-kii, hoggaamiyeyaashii Ururkii Midowga Afrika (OAU) ayaa ansixiyay bayaan ku baaqayay in Afrika laga dhigo qaarad ka caagan hubka nukliyeerka.
Mowqifkan waxaa lagu dhaqan-geliyay Heshiiska Pelindaba, kaas oo dhaqan galay sannadkii 2009-kii.
Sida uu dhigayo heshiiska, dalalka xubnaha ka ah waxay isku raaceen inaysan samaysan, iibsan, haysan, kaydsan ama gacanta ku dhigin hub nukliyeer ah. Waxa kale oo ay ku heshiiyeen inaysan tijaabin hubkaas ama oggolaan in dhulkooda la keeno laguna howlgaliyo.
Heshiiskani wuxuu qayb ka yahay dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo faafitaanka hubka nukliyeerka, laguna xaqiijinayo himilada ah in dunidu noqoto meel ka caagan hubka noocaas ah.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Afrika ay ku adkeysanayso mowqifkan, quwadaha waaweyn ee haysta hubka nukliyeerka ayaa weli leh nidaamyo milatari oo hoggaamiyeyaashooda u suurtageliya inay xiriir sameeyaan, isla markaana go'aanno ka gaaraan adeegsiga hubkaas.
Sidaas darteed, boorsada Cheget ma aha oo keliya qalab safar oo caadi ah. Waxay qayb ka tahay nidaam muujinaya sida go'aannada ku saabsan adeegsiga hubka wax gumaada loo gaari karo, xitaa marka hoggaamiyeyaashu kumannaan kiiloomitir u jiraan saldhigyadooda milatari.
Doodda ku saabsan hubka nukliyeerka
Kulanka dhexmaray Xi Jinping, Donald Trump iyo Vladimir Putin ayaa waxaa hareeyay su'aalo la xiriira mustaqbalka hubka nukliyeerka ee dunida.
Iran ayaa hadda ku jirta iska horimaad kala dhexeeya Mareykanka iyo Israa'iil, kaas oo salka ku haya eedeymo la xiriira inay haysato isla markaana hodmiso macdanta yuraaniyamka ee loo baahan yahay samaynta hubka nukliyeerka. Israa'iil waxay aaminsan tahay in haddii Iran ay hesho hub nukliyeer ah ay taasi khatar ku noqonayso amniga dalkeeda, halka Iran ay weli ku adkeysanayso inaysan haysan hub nukliyeer ah.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka iyo Shiinaha, Vladimir Putin iyo Xi Jinping, ayaa soo saaray bayaan nabadeed oo wadajir ah, kaddib markii ay yeesheen wada-hadallo taariikhi ah oo ay saddexda hoggaamiye si wadajir ah uga qaybgaleen.
Hoggaamiyeyaashu waxay muddo 90 daqiiqo ah ku kulmeen magaalada Shenzhen ee koonfur-bari Shiinaha, iyagoo kulankooda dhinac socday shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga (APEC).
Inkasta oo hoggaamiyeyaashani ay horay fool-ka-fool u kulmeen, haddana tani waa markii ugu horreysay ee ay yeeshaan wada-hadal saddex geesood ah oo ay dhammaantood si wadajir ah uga qaybgalayaan.
Bayaankooda ayay ku sheegeen in dagaal nukliyeer ah aan lagu guuleysan karin, isla markaana aan marnaba la bilaabin. Waxa kale oo ay sheegeen in dalalkoodu qorsheynayaan inay kordhiyaan wax-soo-saarka iyo sahayda shidaalka.
Mareykanka ayaa walaac ka qaba kobaca kaydka hubka nukliyeerka ee Shiinaha. Walaacaas ayaa sidoo kale kordhay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine, xilligaas oo Madaxweyne Putin uu heegan sare geliyay ciidamada nukliyeerka ee Ruushka, hakiyay ka-qaybgalka dalkiisa ee heshiiska xakameynta hubka ee New START, isla markaana wax ka beddelay tilmaamaha lagu maamulo adeegsiga hubka noocaas ah.

























