Wax ka ogow faa'iidada kadaloobku u leeyahay caafimaadka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shiinaha, Japan iyo meelo badan oo Aasiya ah, fadhiga dhulka oo jilbaha la laabayo ama Kada-loobka waa qayb ka mid ah nolol-maalmeedka. Dadku waxay si raaxo leh ugu fariistaan iyagoo ciribaha dhulka ku haya, marka ay tareenka sugayaan, saaxiibbadood la sheekaysanayaan ama wax cunayaan.
Balse muuqaallo muujinaya dalxiisayaal isku dayaya inay ku daydaan qaabkan fadhiga ah ayaa baraha internetka si weyn looga hadal hayaa. Qaar badan oo ka mid ah ayaa gadaal u dhacaya, dhinac u janjeeraya ama darbiga ku tiirsanaya si ay dheelitirkooda u ilaashadaan.
Khabiirrada ku takhasusay dhaqdhaqaaqa jirka ayaa sheegaya in arrintani ay la xiriirto su'aal ka weyn oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in qofku ilaashado dabacsanaanta iyo awoodda dhaqdhaqaaqa jirka marka uu da'a noqdo.
Haddaba, maxay dadka qaar si fudud ugu fadhiisan karaan qaabkan, halka kuwa kalena ay ku adkaato inay si toos ah u istaagaan?
Waa maxay faa'iidooyinka fadhiga lugaha la laabto ee loo yaqaan "Asian squat"?
Fadhiga jilbaha la laabo waa mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyada aasaasiga ah ee jirka bini'aadamka.
"Wax kasta oo aad samaynayso, ku dhowaad ma jirto wax aan ku lug lahayn nooc ka mid ah fadhiga jilbaha la laabo," ayuu yiri Christopher Powers, oo ah borofisar ku takhasusay dhaqdhaqaaqa jirka kana tirsan Jaamacadda Southern California.
"Ku fadhiisashada kursi, ka degista baabuur, isticmaalka musqusha ama u foorarsashada si aad dhulka uga soo qaaddo wax, dhammaantood waa noocyo ka mid ah fadhiga jilbaha la laabo," ayuu yiri.
Dadka badankoodu waxay yaqaannaan fadhiga caadiga ah ee jimicsiga, kaas oo si weyn looga isticmaalo goobaha jimicsiga. Waa dhaqdhaqaaq qofku hoos ugu foorarsado, sida qof kursi ugu fadhiisanaya, ilaa bowdyihiisu ay la simmaan dhulka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhaqdhaqaaqan, qofku aad ayuu hoos ugu dhaadhacayaa, ilaa jilbuhu si buuxda u laabmaan oo ay dibadda u jeedaan. Cagahana way kala furan yihiin, laabtu si toos ah ayay u taagan tahay, halka dhabarka bowdadu uu ku dul nasto murqaha kubka lugta.
Matt Hsu, oo ah tababare Aasiyaan-Maraykan ah oo ku takhasusay xoojinta iyo dabacsanaanta jirka, ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaallo ku saabsan fadhigan, kuwaas oo malaayiin jeer la daawaday. Balse wuxuu sheegay in magaca loo bixiyay uu marin-habaabin karo.
"Dadka Afrika waxay leeyihiin annagaa iska leh, dalalka Slavic-ka iyo Bariga Yurubna waxay leeyihiin annagaa leh," ayuu yiri. "Habkan fadhiga ah, ama fadhiga qotada dheer, wuxuu ka dhexeeyaa dhammaan dadka dunida."
Dhakhaatiirta jimicsiga iyo baxnaanintu waxay sheegayaan in samaynta fadhigan qotada dheer ay u baahan tahay dabacsanaan dheeraad ah oo ku timaadda kala-goysyada miskaha, jilbaha iyo canqowga, isla markaana ay shaqaysiiso qaybo badan oo jirka ah marka loo eego fadhiga caadiga ah.
Daraasado ayaa muujiyay in kala-bixintan ballaaran ay gacan ka geysan karto kordhinta dabacsanaanta kala-goysyada iyo baaxadda dhaqdhaqaaqooda, yareynta xanuunka dhabarka, iyo in qofku sii ilaashado awoodda uu si madax-bannaan ugu noolaan karo inta uu nool yahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Carruurtu badanaa waxay si dabiici ah ugu fadhiisan karaan qaabkan, iyaga oo aan wax dhib ah kala kulmin. Qayb ka mid ah awooddan waxaa sabab u ah dabacsanaanta badan ee kala-goysyadooda iyo kala duwanaanshaha saamiga qaybaha jirka.
Balse isbeddellada ku yimaadda qaab-dhismeedka jirka ma aha sababta keliya ee dadka waaweyn ay u lumiyaan awooddan.
Nolol-maalmeed ku dhisan fadhiisiga kuraasta iyo isticmaalka musqulaha fadhiisiga ah ayaa keentay in dad badan oo waaweyn aysan mar dambe u baahnayn inay si qoto dheer u fadhiistaan marka ay hawlahooda maalinlaha ah qabanayaan. Arrintaasna, muddo ka dib, waxay keentaa hoos u dhac ku yimaadda dabacsanaanta dhaqdhaqaaqa iyo awoodda jirka.
"Haddii aadan isticmaalin awooddan, waad luminaysaa," ayuu yiri Mr Powers, oo cilmi-baaristiisu diiradda saarto doorka isbeddellada dhaqdhaqaaqa jirka ee dhaawacyada jilibka.
Maxay dadka qaar ugu fududahay inay fadhiistaan iyagoo jilbaha laaban?

Xigashada Sawirka, Matt Hsu
Isbeddelladan hab-nololeed ayaa meelo ka mid ah Aasiya, sida Japan, ka ah kuwo aan sidaas u badnayn, halkaas oo hawlo ay ka mid tahay tagista maqaayaddu ay weli ku lug leedahay fadhiisiga jilbaha la laabo.
"Markaad gudaha soo gasho, kabaha waad iska bixisaa, waxaad ku fariisataa gogosha tatamiga ah, ka dibna cuntada ayaad cunaysaa," ayuu yiri Mr Hsu, oo sidoo kale ah aasaasaha shirkadda tababarka ee Upright Moment.
Hawlaha kale ee aasaasiga ah ayaa sidoo kale ku tiirsan isla awooddan miskaha iyo lugaha.
"Qaar ka mid ah meelaha Aasiya, waxaa jira oo keliya musqulo qofku ku qasban yahay inuu ku fariisto isagoo jilbaha laabaya," ayuu raaciyay. "Haddii aad maalin kasta sidaas u isticmaasho musqusha, si fudud uma luminaysid awooddaas."
Mr Hsu ayaa ku dhowaad dhammaan wareysigii 40-ka daqiiqo ahaa ee uu BBC-da siiyay ku qaatay Kadalooba , isagoo dhowr jeer oo kooban oo keliya nasasho qaatay.
Wuxuu sheegay inuu si fiican u fahmay muhiimadda dhaqdhaqaaqyada sida fadhiga jilbaha la laabo, taas oo uu ka bartay waayo-aragnimada qoyskiisa.
"Aabbahay ayaa mar taagnida ka dhacay, waxaana khasab noqotay in ambalaas loo yeero si ay u soo qaadaan, sababtoo ah kaligiis ma istaagi karin," ayuu yiri Mr Hsu.
Inkasta oo uu asal ahaan Aasiya kasoo jeedo, Mr Hsu wuxuu sheegay inuu lumiyay awooddii uu si qoto dheer ugu fariisan jiray markii uu ku jiray da'da labaatameeyada, kaddib markii uu muddo dheer fadhiyay xilli uu ka soo kabanayay dhaawacyo isboorti.
"Waxaan xusuustaa inaan xitaa taaban kari waayay anqowgayga, jirkeyguna aad buu u adkaa," ayuu yiri.
Mr Hsu ayaa dib u tababaray jirkiisa si uu mar kale u sameeyo dhaqdhaqaaqan, wuxuuna sheegay in awoodda fadhiga qotada dheer ama kada-loobka la baran karo, sida xirfad kasta oo kale oo jireed.
Hsu wuxuu uga digayaa dadka doonaya inay bartaan dhaqdhaqaaqan inaysan ku degdegin inay si buuxda u sameeyaan ka hor inta uusan jirkoodu diyaar u noqon.
"Waa inaadan ku degdegin inaad hal mar hoos ugu dhaadhacdo ilaa dhammaadka, sababtoo ah waad is dhaawici kartaa," ayuu yiri.
Taas beddelkeeda, wuxuu ku talinayaa in dhaqdhaqaaqa si tartiib ah loo barto, iyadoo la adeegsanayo waxyaabo lagu tiirsado sida kursi ama miis, isla markaana qofku hoos ugu dhaadhaco oo keliya inta uu dareemayo inay ku habboon tahay.
"Haddii aad sidaas samayso dhowr jeer maalintii muddo dhowr toddobaad ah, waxaad bilaabi doontaa inaad dareento in jirkaagu sii xasilloonaanayo, isla markaana aad wax yar ka sii hoos ugu dhaadhici karto," ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, su'aasha ah in dadka waaweyn ay dib u bartaan fadhiga Kada-loobka ayaa sii adkaanaysa marka ay da'du korodho.
"Marka aan sii gabowno, dabacsanaanta kala-goysyada, laf-dhabarta, miskaha iyo gaar ahaan anqowyada ayaa hoos u dhacda, taas oo sii xaddidaysa awoodda lagu samayn karo dhaqdhaqaaqan," ayuu yiri Mr Powers.
Cilmi-baarayaashu waxay sheegayaan in fadhiga jilbaha la laabo ama kada-loobka uu faa'iido leeyahay heer kasta oo si qoto dheer loo sameeyo, balse Mr Powers wuxuu ka digayaa in aan loo arkin yool qof kasta ku habboon, gaar ahaan dadka horey u qaba xanuun jilibka, miskaha ama dhabarka ah.
Powers wuxuu sheegay in goobaha daaweynta, fadhiga jilbaha la laabo inta badan wax laga beddelo si loogu waafajiyo xaaladda jireed ee bukaanka, taariikhda dhaawacyadiisa iyo ujeeddadiisa. Arrintan ayuu sheegay in inta badan lagu ilowsan yahay baraha internetka.
Dadka leh lafaha bowdada oo dheer, dabacsanaan xaddidan oo anqowyada ah ama qaab-dhismeedyo kala duwan oo miskaha ah ayaa laga yaabaa inay ku adkaato inay dheellitirkooda ilaashadaan oo ay gaaraan Kada-loobkar, iyadoo aan loo eegin qaab dhismeedka jirkooda.















