Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo 46 jir ah

Ronaldinho
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Isagoo xiran lambarkiisa uu ugu jecel yahay ee 10, madaxiisana ay ka buudxo cirro ayaa xiddiga reer Brazil ee Ronaldinho dunida ciyaaraha ka yaabiyay markii uu dib ugu soo laabtay kubadda cagta heerkeeda xirfadleyaasha ah. Wuxuu ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay ee rasmi ah muddo 11 sano ah, isagoo u ciyaaraya kooxda Ravenna oo ka tirsan heerka saddexaad ee horyaalka Talyaaniga.

Isagoo jira da'da 46 sano ayaa xiddigan oo dalkiisa kula guuleystay Koobka Adduunka sannadkii 2002dii wuxuu ciyaaray qaybtii hore oo dhan ee kulankii xafiiltanka (derby) ahaa ee ay la yeesheen kooxda Forlì; kulankaas oo ku soo dhammaaday guul 2-0 ah oo ay gaartay kooxda Ronaldinho maalintii Axadda.

Xiddigii hore ee kooxaha AC Milan iyo Barcelona ayaa ka qayb qaatay goolka koowaad ee kooxdiisu dhalisay daqiiqaddii 36aad. Waxaa xusid mudan in tani ay ahayd ciyaartii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu Ronaldinho ciyaaro tan iyo markii uu u ciyaaray kooxda reer Brazil ee Fluminense sannadkii 2015-kii.

Ronaldinho ayaa si rasmi ah uga fariistay kubadda cagta sannadkii 2018-kii.

Ronaldinho

Ciyaaryahankii ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or (oo la siiyo xiddiga ugu fiican adduunka) sannadkii 2005-tii, ayaa garoonka soo galay iyadoo taageerayaashu ay si weyn u soo dhaweynayaan. Garoonka "Bruno Pinelli", oo qaadi kara shan kun oo daawade, ayaa lagu daray qayb fadhi oo ku meel gaar ah oo leh 1,800 oo kursi, taas oo loogu magac daray "R10" munaasabaddan awgeed.

Goobta daawadayaasha waxaa laga shiday nalalka calaamadaha (flares) iyo bambooyinka qiiqa, iyadoo isla markaasna garoonka dhexdiisa laga baahinayay heesta "Con Te Partirò" ee uu qaado Andrea Bocelli.

Intii lagu guda jiray nasashada qaybta hore, Ronaldinho ayaa wareeg ku sameeyay garoonka Bruno Pinelli, isagoo gacanta u taagaya taageerayaasha oo sacab ugu dhiirrigelinayay.

Intii ay nasashadu socotay, weriyeyaal badan ayaa ku hareer wareegayey Ronaldinho, waxaana garoonka dhexdiisa ugu yimid saaxiibkiisii hore ee ay uga wada ciyaareen xulka Brazil iyo kooxda AC Milan, Dida.

Cayaarta ayaa si toos ah looga daawanayey dunida oo dhan.

Ronaldinho
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ronaldinho ayaa u sheegay Sky Sport Italia: "Waxay ahayd wax aad u wanaagsan inaan halkan joogo, aan ciyaaro, oo aan dareemo jawiga diyaar garowga ee qolka labiska."

Xiddiga reer Brazil, kaas oo kooxda Barcelona kula guuleystay Champions League sannadkii 2006-dii, ayaa intaas ku daray inuu ku raaxaystay la ciyaarista saaxiibbadiisii kooxda, kuwaas oo ku soo koray iyagoo daawanaya isaga.

Ka hor ciyaarta, Ronaldinho ayaa yiri: "Inaan garoonka ku soo laabto muddo dheer ka dib waa wax aad u qurux badan, waxaana halkan u joogaa inaan la kulmo daqiiqad gaar ah oo noloshayda ka mid ah."

Soo laabashada xiddigan reer Brazil ayaa hadal hayn badan ka dhalisay baraha bulshada, iyadoo dadka isticmaala ay soo dhigeen sawirro iyo muuqaallo muujinaya Ronaldinho oo markii ugu horreysay muddo toban sano ka badan dib uga soo muuqday garoomada.

Kooxda Ravenna, oo uu madax ka yahay Ignazio Cipriani oo ah saaxiib hore oo uu leeyahay Ronaldinho ayaa bishii Juun ku dhawaaqday inay heshiis la saxiixdeen xiddigan, iyadoo Ronaldinho uu sidoo kale helay saamiyo uu ku leeyahay lahaanshaha kooxda.

Ravenna, oo aan ka ciyaarin horyaalka Serie B tan iyo sannadkii 2008-dii, ayaa hadda kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Serie C; ka hor kulamadii dhammaadka usbuuca, waxay lix dhibcood ka dambeeyeen kooxda hoggaaminaysa ee Spezia. Ravenna waxay hiigsanaysaa inay u soo baxdo horyaalka Serie A.

Hal koox oo ka mid ah mid kasta oo ka mid ah saddexda qaybood (groups) ayaa si toos ah ugu dallici doonta heerka labaad, halka booska ugu dambeeya ee heerka labaad lagu go'aamin doono kulamada isreeb reebka (play-offs).

Markii la weydiiyay Ronaldinho inuu mar kale ciyaar la ciyaari doono Rafinha, wuxuu ku jawaabay: "Haddii uu guddoomiyuhu hadda i soo waco, waan soo laaban doonaa."

Marka laga soo tago kooxaha Barcelona iyo Milan, xiddigan reer Brazil wuxuu u soo ciyaaray kooxaha Paris Saint-Germain, iyo sidoo kale kooxaha dalkiisa ee Gremio, Flamengo, Atletico Mineiro iyo Fluminense, wuxuuna sidoo kale u soo ciyaaray kooxda reer Mexico ee Queretaro.

Intii uu ku guda jiray waayihiisa ciyaareed ee xirfadeed, Ronaldinho wuxuu dhaliyay 299 gool, wuxuuna rajaynayay inuu Rafinha la wadaago goolkiisii 300-aad. Haddii kooxda loo dhigi lahaa wax rigoore ah, isaga ayaa qaadi lahaa.