Maxamed Cusmaan: Sheekhii dariiqada suufiyada ee siyaasadda galay, kuna baaqay midnimada"

Xigashada Sawirka, Wikipedia
Indhaha shacabka Suudaan ayaa ku jeeda magaalada Khartuum Waqooyigeeda, halkaas oo lagu aasayo hoggaamiyihii diimeed iyo siyaasadeed ee caanka ahaa, Maxamed Cismaan al-Mirghani, oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu saamaynta badnaa taariikhda casriga ah ee Suudaan.
Taliyaha guud ee ciidamada Suudaan, Cabdifataax al-Burhaan, ayaa amray in meydkiisa diyaarad gaar ah lagu keeno dalka, kadib markii uu Jimcihii fiidkii ku geeriyooday Qaahira, caasimadda Masar, isagoo 90 jir ah.
Qoyskiisa ayaa Axaddii Qaahira ku qabtay munaasabad xusuus ah oo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin, diblomaasiyiin iyo jaaliyadda Suudaan.
Meydkiisa ayaa Isniinta dib loogu celinayaa dalkiisa, waxaana lagu aasi doonaa qabuuraha qoyskiisa ee Hilla Xamad, Khartuum Waqooyi. Salaadda janaasada ayaa lagu tukan doonaa masaajidka aabbihii, Sayid Cali al-Mirghani.
Soo celinta meydkiisa ayaa ku beegan sannad-guuradii 38-aad ee heshiiskii nabadeed ee uu la saxiixday Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Suudaan, kaas oo lagu tilmaamo mid ka mid ah kaalintii ugu weynayd ee uu ka qaatay mideynta shacabka Suudaan.
Dhaxalkii diimeed iyo siyaasadeed

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxamed Cusmaan Cali Al-Mirghani waxa uu sannadkii 1936 ku dhashay deegaanka Xilla Xamad ee magaalada ee waqooyiga magaalada Khartuum, caasimadda Suudaan.
Aabbihii ayaa u bixiyay magaca "Maxamed Cusmaan" isaga oo ku maamuusaya awoowgiis, Maxamed Cusmaan Al-Mirghani Al-Khaatim, oo qarnigii 19-aad aasaasay dariiqada suufiyada ee Khaatimiyya. Dariiqadani waxay taageerayaal badan ku leedahay Suudaan, Masar, Ereteriya iyo dalal kale oo Afrikaan ah. Abtirsiinta aasaasaheeduna waxay gaartaa Imaam Xuseen bin Cali bin Abii Daalib, oo awow u ahaa Nebi Maxamed (NNKH).
Maxamed Cusmaan waxa uu ku soo koray guriga qoyska Al-Mirghani. Waxa uu yaraantiisii xifdiyay barashada diinta qaybaheeda kala duwan si gaar ah Qur'aanka, isaga oo qoyskiisa ka bartay aasaaska culuumta Islaamka iyo tasawufka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu dhaxlay hoggaankii aabbihii, Sayid Cali, oo magaciisu ku xirnaa dariiqada Khaatimiyya iyo dhaqdhaqaaqii midnimada qaranka Suudaan. Sayid Cali waxa uu door muuqda ku lahaa siyaasadda dalka xilliyadii gumeysiga iyo xornimada.
Cali Al-Mirghani waxa uu hoggaaminayay Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka, isaga oo taageersanaa in Suudaan ay xiriir iyo midnimo la yeelato Masar, taas oo uu kaga soo horjeeday garabyadii doonayay madax-bannaani buuxda.
Sannadkii 1967-kii, Xisbiga Midnimada Qaranka iyo Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka ayaa midoobay, waxaana la aas-aasay Xisbiga Dimuqraadiga Midnimada. Xisbiga cusub waxaa xafiiskiisa siyaasadeed ku biiray Maxamed Cusmaan, oo ahaa wiilka ugu weynaa carruurta Cali Al-Mirghani.
Cali Al-Mirghani ayaa hoggaanka xisbiga ku wareejiyay Ismaaciil Al-Azhari, oo ahaa ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Suudaan intii u dhexeysay 1954 ilaa 1956. Al-Azhari waxaa lagu naanaysi jiray ninkii taagay calanka xorriyadda Suudaan, sidoo kalena waxa uu lixdamaadkii hoggaaminayay Golaha Madaxbannaanida dalka.
Markii Cali Al-Mirghani uu geeriyooday 1968-kii, hoggaanka dariiqada Khaatimiyya waxa la wareegay Maxamed Cusmaan. In ka badan 50 sano ayuu ahaa hoggaamiyaha iyo shakhsiga ugu saameynta badan dariiqada.
Mudadaas waxa uu isku xirayay xarunta diimeed ee qoyska iyo siyaasadda, oo uu yaqaanay tan iyo yaraantiisii, xilligaas oo uu la-taliye u ahaa aabbihii. Waxa uu si toos ah ugu biiray siyaasadda markii uu ku biiray xafiiska siyaasadeed ee Xisbiga Dimuqraadiga Midnimada, isaga oo ku jiray da'da soddonaadka.
Sannadkii 1982-kii, Maxamed Cusmaan waxa uu la wareegay hoggaanka Xisbiga Dimuqraadiga Midnimada, isaga oo beddelay Shariif Xuseen Al-Hindi oo geeriyooday. Sidaas ayuu Al-Mirghani ku noqday hoggaamiyihii saddexaad ee xisbiga, iyo mid ka mid ah shakhsiyaadkii ugu saamaynta badnaa siyaasadda iyo diinta Suudaan muddo tobannaan sano ah.
Xisbigiisu waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray marxaladdii dimuqraadiyadda ee ka dambaysay kacdoonkii Abriil 1985, kaas oo soo afjaray xukunkii 16-ka sano ahaa ee Madaxweyne Jacfar Nimeyri.
Xisbiga Dimuqraadiga Midnimada waxa lagu yaqaannay inuu matalo dhaqdhaqaaqii qarannimada Suudaan iyo dabaqadda dhexe ee bulshada. Waxa kale oo uu taageero ku lahaa ardayda jaamacadaha dalka.
Doorashadii baarlamaanka ee 1986-kii, xisbigu waxa uu galay kaalinta labaad, isaga oo ka dambeeyay Xisbiga Umma. Waxa uu sidoo kale ka qayb galay dowladdii isbahaysiga ahayd ee uu hoggaaminayay Saadiq Al-Mahdi.
Waxaa xusid mudan in Maxamed Cusmaan uu ahaa walaalka ka weyn Axmed Al-Mirghani, oo intii u dhexeysay 1986 ilaa 1989 soo noqday madaxa Golaha Madaxbannaanida Suudaan. Xukunkiisa ayaa dhammaaday markii afgambigii Jabhaddii Islaamiga ahayd ay talada dalka la wareegtay 30-kii Juun 1989.
Al-Mirghani iyo Garang

Xigashada Sawirka, alrakoba.net
Al-Mirghani ayaa isbahaysi la sameeyay dowladdii uu hoggaaminayay Saadiq Al-Mahdi. Balse xisbigiisu markii dambe ayuu ka baxay isbahaysigaas, kadib markii Al-Mahdi uu diiday heshiiskii nabadeed ee Al-Mirghani uu 1988-kii magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya kula saxiixday John Garang.
Garang waxa uu hoggaaminayay Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Suudaan (SPLM), kaas oo muddo 22 sano ah dagaal kula jiray dowladihii kala dambeeyay ee Suudaan. Al-Mirghani dhankiisa waxa uu ku baaqayay hal-ku-dhegga ahaa: "Midnimada dhulka iyo shacabka Suudaan."
Hindisihii nabadeed waxa uu ujeedkiisu ahaa in dagaalkii sokeeye ee koonfurta Suudaan lagu soo afjaro heshiis siyaasadeed oo dhammaystiran, isla markaana la ilaaliyo midnimada dalka, oo koonfurtiisu u badnayd Masiixiyiin, waqooyigiisuna u badnaa Muslimiin.
Arrintani waxay dhacday in ka badan 20 sano ka hor intii aan Koonfurta Suudaan ka go'in waqooyiga, isla markaana ay 2011-kii ku dhawaaqin madax-bannaanideeda.
Heshiiskaasi waxa uu horseeday xabbad-joojin dhexmartay waqooyiga iyo koonfurta, hakinta qaar ka mid ah sharciyadii Sebtembar 1983, iyo baabi'inta heshiiskii milatari ee Suudaan la lahayd dalal kale, kaas oo heshiisku u arkayay mid wax u dhimaya madaxbannaanida qaranka.
Laga soo bilaabo mucaaradnimada ilaa dib-u-heshiisiinta

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Inqilaabkii 30-kii Juun 1989, ee uu hoggaaminayay Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa fashiliyay heshiiskii nabadeed ee Al-Mirghani iyo Garang. Al-Mirghani waxaa lagu xiray xabsiga Kober ee Khartuum, balse sababo caafimaad iyo cadaadis goboleed awgood ayaa la sii daayay bishii Febraayo 1990.
Kadib waxa uu u guuray Qaahira, halkaas oo uu hoggaamiyay Isbahaysiga Dimuqraadiga Qaranka ee mucaaradka ku ahaa xukuumadda Al-Bashiir.
Sannado badan ayuu mucaarad ahaa, balse heshiiskii nabadeed ee dowladda Suudaan iyo Garang ay 2005 ku gaareen Naivasha, Kenya, ayaa horseeday inuu mowqifkiisa beddelo. Bishii Juun 2005 ayuu saxiixay heshiiskii Qaahira, kaas oo xisbigiisa u suurageliyay inuu dowladda ku biiro 2006-dii.
Qaahira... hoygiisii koowaad iyo kii ugu dambeeyay

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qiyaastii toddoba sano kadib, Al-Mirghani ayaa sababo caafimaad awgood ugu guuray Qaahira. Xilligaas waxa uu ku jiray da'da toddobaatamayda, wuxuuna caasimadda Masar ku noolaa ku dhowaad toban sano, isaga oo sii hayay hoggaankiisii diimeed iyo xisbiyeed.
Sannadkii 2022 ayuu muddo dheer kadib dib ugu laabtay Suudaan, balse muddo kooban ayuu joogay. Waxa uu helay soo dhaweyn iyo hadal-hayn siyaasadeed iyo mid bulsho, hase yeeshee mar kale ayuu Masar u baxay kadib markii dagaalka sokeeye ee Suudaan qarxay Abriil 2023.
Waxa uu sannadihii ugu dambeeyay noloshiisa ku qaatay Qaahira, magaalada uu lixdamaadkii kula kulmay madaxweynihii hore ee Masar, Jamaal Cabdinaasir, isla markaana hoy u ahayd markii ugu horreysay ee uu Suudaan ka maqnaado sagaashamaadkii. Halkaas ayuu ku dhammaaday safarkiisii nololeed iyo hoggaankiisii diimeed iyo siyaasadeed ee in ka badan nus qarni socday, raadna ku reebay taariikhda Suudaan.

























