Sawirka Trump iyo saxiixiisa oo ka muuqan doona baasaboorka Maraykanka

Xigashada Sawirka, Reuters
Mareykanka ayaa sii deyn doona tiro kooban oo baasabooro ah oo uu ku sawiran yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, sida uu xaqiijiyay Aqalka Cad.
Markii ugu horreysay oo ay sheekadan soo warisay Fox News, ayaa baasaboorrada waxaa la sii dayn doonaa iyaga oo qayb ka ah dabbaaldegga sannad-guurada 250-aad ee ku dhawaaqida madax-bannaanida Mareykanka ee Luulyo.
Sarkaal ka tirsan maamulka ayaa BBC-da u xaqiijiyay in naqshadahan cusub ay diyaar u noqon doonaan "qof kasta oo haysta dhalashada Maraykanka" ee soo codsada baasaboorka marka la bilaabayo bixinta noocan cusub, ayna socon doonto ilaa iyo inta la heli karo.
Baasaboorada waxaa sidoo kale laga heli karaa oo keliya Wakaaladda Baasaboorka Washington.
Marka la eego Baasaboorkii ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, ayaa waxaa lagu arkayay sawirka Trump oo ay ku hareereysan yihiin qoraalka ku dhawaaqista madax-bannaanida iyo calanka Mareykanka, oo uu la socdo saxiixa madaxweynaha oo dahab ah.
"Naqshadaynta baasaboorka waddaniga ah ee cusub ee madaxweyne Trump waxa ay siinaysaa hab kale oo wanaagsan oo ay dadka Maraykanku uga qayb qaadan karaan dabbaaldegyada cajiibka ah ee sannad-guurada 250-aad ee Maraykanka" ayuu yiri afhayeen u hadlay Aqalka Cad oo BBCdu la hadashay.
"Inta u dhaxaysa cayaarta UFC250 Fight, Bandhiga Great American State Fair, tartanka gawaarida Freedom250 Grand Prix, iyo baasaboorkan cusub ee u dabaaldegaya xorriyada, ayaa Madaxweyne Trump wuxuu sii wadaa inuu si sharaf leh u hogaamiyo dib u cusbooneysiinta sharafka qaranka iyo waddaniyadda inta lagu jiro dabaaldega taariikhiga ah ee sannadguuradii 250aad" ayay raaciyeen.
Baasaboorka Maraykanka ee hadda jira waxa uu muujinayaa muuqaalo ka mid ah taariikhda waddanka, sida Dayaxa oo lagu dul degay, oo ay la socdaan astaamaha Maraykanka sida Taallada Xorriyadda.
Weli ma cadda sida ay dadka Maraykanka ahi ula dhici doonaan naqshaddan.
Baasaboorkan naqshadda cusub leh ayaa ah talaabadii ugu dambeysay ee uu maamulku kula xiriirinayo magaca Trump barnaamijyada kala duwan ee dowladda iyo dhismayaasha bulshada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shirkadda Maraykanka ee Mint ayaa dhawaan shaacisay inay qorshaynayso sunuud dahab ah ee xuska oo uu ka muuqdo Trump taasoo lagu beegayo oo ku beegan sannad-guuradii 250-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Maraykanka, waxaana sidoo kale lagu wadaa in madaxweynuhu uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Maraykan ah oo xilka haya oo saxiixiisa saara waraaqaha lacagta Maraykanka.
Guddiga xarunta Kennedy ayaa u codeeyay in xarunta fanka lagu magacaabo Trump-Kennedy Centre si loogu sharfo madaxweynaha, taasoo ay cambaareeyeen xubno ka tirsan qoyska madaxweynihii geeriyooday ee John F Kennedy.
Horaantii bishii Abriil, Aqalka Cad ayaa daaha ka rogay qorshaha aargada guusha ee dahabku ku xardhan yahay oo loogu magac daray "Arc de Trump". Guddi federaali ah ayaa ogolaansho horudhac ah siiyay aargadaas dhererkeedu gaarayo 250ft (76m) gudaha Washington DC, in kasta oo jawaab celin xun oo xad dhaaf ah ay ka heleen xubnaha dadweynaha iyo kooxaha ilaalinta.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale calaamad joogta ah ku sameeyay Aqalka Cad laftiisa, isaga oo dumiyay Garabkii Bari ee dhismahaasi, taasoo qeyb ka ah qorshihiisa uu ku dhisayo qolka lagu dheelo.
Aqalka Cad ayaa tan iyo markaa waxaa dacweeyey Hay'adda Qaranka ee Ilaalinta aathaarta Taariikhiga ah, oo ku andacoonaysa in dhismuhu bilaabmay ka hor inta aan qorshayaasha loo gudbin Guddiga Qorshaynta Caasimada.











