Dhawr arrimood oo kaa xumayn kara hilibka ciiddul adxaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar badan oo idinka mid ah ama waxay qalaan xoolo aad si kalgacal leh u dhaqateen ama aad soo iibsateen. Waxaana jiri doona dad aad u tiro badan oo sugaya Hilibka ciida ah, balse ma fududa in si ammaan ah oo caafimaad qabta loo maareeyo Hilibka cusub.
Hadaba qodobadaan ayaa ka mid ah waxyaabaha aad u baahan tahay in aad samayso si aad u ilaaliso tayada hilibka udxiyada.
Dhogorta iyo dhiigga
Ka Nadiifinta hilibka cusub dhiigga iyo dhogorta sidoo waa hawl waqti badan qaadata.
Balse sida uu qabo Mehboob oo ah nin yaqaana hilib samaynta, waxa uu sheegay in dhogortu ay hilibka ku badan tahay marka kawaanluhu uu waayo-aragnimo la'aan yahay.
Sidaa daraadeed, " ku dhaq hilibka meel nadiif si haddii timuhu ku dhegaan, si fudud aad uga saari karto."
Tasneem ayaa ka warantay waayo aragnimada ay u leedahay in ay dhogorta ka nadiifiso hilibka, iyada oo ay hilibka ku ridda weel furan kadibna waxa ay ka buuxisaa biyo,taas oo keenta in dhogortu ka mayranto.
"Kadibna waxay ku shubtaa biyo iyaga oo marar kala duwan sidaas sameeya, laba ilaa saddex jeerna hilibku wuxuu noqonayaa mid nadiif ka dhogor iyo dhiig."
Nimra waxay sheegtay in waayo-aragnimadeeda, haddii hilibka la dhaqo oo la kaydiyo, uu dhaqso u xumaado. Haddii hilibka la dhaqo oo lagu kaydiyo faranjiyeerka ama talaagada, biyo ayaa bilaaba in ay ka soo daataan shayga lgu duubay jilibka. Sidaa darteed, waxay ku qalajisaa hilibka marawaxad, waxay ku duubtaa baakado waxayna ku kaydisaa qaboojiyaha.
"Hilibka waxaan ku qallajinaa gogol weyn, ka dibna ku waxaa u kala qaybinaa deriska iyo qaraabadayada. Marka la gaaro xilliga karinta, waxaan hilibka ku dhaqnaa gacmo gashi."
Dad badan ayaa weydiiya in hilibka udxiyada la dhaqo oo la barafeeyo ama aan la dhaqin.
Mehboob wuxuu isagu qabaa, "Suurtagal maaha in la dhaqo oo la kaydiyo tiro intaa le'eg oo hilib ah. Inta badan meelaha qaar malaha qaboojiyeyaal ku filan oo ay wax ku kaydsadaan."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Lafaha ku jajaba hilibka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka qaar ayaa sidoo kale waxa ay dhibaato ku qabaan lafaha oo lagu jajabiyo hilibka taa oo ka dhigta aan lagu raaxaysan cunistiisa, maadaama laga cabsi qabo in lafuhu afka kuu galaan marka aad hilib cunayso.
Waxaa la sheegay in hiliblayaashu sameeyaan qaladka nuucaas oo kale ah marar badan, gaar ahaan maalmaha mashquulka la yahay ee Ciida.
"Lafaha hilibku waa fiiqan yihiin, marka marka la dhaqayo, waxaa badanaa laga baqayaa inay dhaawacaa maqaarka gacamahaaga, sidaas darteed waxaan gacanta mar walba gashanaa galoofisyada caagga ah ee adag si aan gacmahayaga u ilaalino.", sidaas waxaa yiri Nimra oo ah gabar karisa hilibka.
Laakin lafahaas hadii ay sii galaan cuntada, waxay dhaawici karaan afka ama cirridka.
Sida uu sheegay Mehboob, "Inta badan hilibluhu, hilibka wuu ruxaa ama jafaa si uu uga saaro lafaha jajabka ah, haddii jajab badan uu ka haro lafaha, isku day in aad iska saarto marka aad dhaqayso hilibka, haddii kale mararka qaarkood lafaha yaryar waxay ku dhegaan ilkaha iyo cirridka oo ay geystaan waxyeelo weyn."
Waa muhiim inaad gacmahaaga saabuun ku dhaqdo markasta oo aad taabato hilib
Waxa kale oo aad muhiim u ah in fiiro gaar ah loo yeesho nadaafadda marka la diyaarinayo, la qaybinayo, lana kaydinayo qaybo ka mid ah hilibka udxiyada.
Zainab Gayur waxa ay xooga saartaa in gacmaha si fiican loo dhaqo mar kasta ka dib marka la dhaqo hilib ama aad taabato.
"sababtuna waa in si isdaba joog ah loo taabto hilibka maalinta Ciidda, waxaa aad u fiicnaan lahayd in aan si fiican u dhaqno gacmaheena muddo 20 ilbiriqsi ah sida ku cad tilmaamaha Ururka Caafimaadka Adduunka mar kasta oo aan taabanno hilibka ceyriinka ah."
Waxay tiri, "Kadib markaad taabatid hilibka, marka hore mindida si fiican ugu dhaq saabuun, kana fogow inaad isla markiiba ku darto khudaarta. Way fiicantahay in lagu dhaqo mindida koloriin ama jeermis-dile, haddii kale waxaa sidoo kale lagu dhaqi karaa saabuun caadi ah. Waxaa fiican inaad haysato mindi hilib oo gaar ah."











