5 Hab oo lacag lagu sameeyn karo iyo waddooyinka loo maro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dunida maanta, dadka intooda badan waxay aaminsan yihiin in helitaanka nolol wanaagsan iyo xasillooni dhaqaale ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee nolosha.
Dad badan ayaa is weydiiya sida ay u heli karaan hanti ama u noqon karaan dad maalqabeen ah.
Inkasta oo ay jiraan dad hanti ka dhaxla waalidkood ama qoyskooda oo sii maareeya hantidaas, haddana dhaqaaleyahannada iyo khubarada maaliyadda ayaa aaminsan in dhallinyarada aan hanti dhaxlin ay weli leeyihiin fursad weyn oo ay ku gaari karaan maal iyo guul haddii ay si sax ah u shaqeeyaan.
Dr. Ismaaciil Maxamed Anchau, oo ah bare sare oo ka tirsan Kulliyadda Sayniska iyo Teknolojiyadda ee Kaduna, ayaa soo bandhigay shan hab oo uu sheegay inay dhallinyaradu raaci karaan si ay u gaaraan maal iyo barwaaqo.
Dr. Anchau ayaa yiri:
"Waxa ugu muhiimsan waa in diiradda saaro waxbarashada, kasbashada waayo-aragnimada, dadaalka, adkaysiga iyo in loo shaqeeyo si xalaal ah, sababtoo ah hantida waarta badanaa hal habeen laguma helo."
1. Barashada Xirfad

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dr. Ismaaciil Maxamed Anchau ayaa sheegay in qofku marka hore is qiimeeyo oo uu naftiisa weydiiyo su'aalahan:
- Yaan ahay?
- Waqtiga aan joogo waa mid noocee ah?
- Ma qof hanti leh ayaan ahay mise qof sabool ah?
- Intee le'eg tahay aqoontaydu?
- Wuxuu sheegay in tani ay tahay tallaabada ugu horreysa ee qofka ka caawinaysa inuu go'aan ka gaaro waxa uu noloshiisa ku samaynayo.
- Marka laga hadlayo barashada xirfadaha farsamada iyo kuwa shaqo-abuurka, Dr. Anchau wuxuu xusay tusaalooyin ay ka mid yihiin:
- Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta (ICT)
- Dayactirka taleefannada iyo kombiyuutarrada
- Sawir-qaadista iyo duubista muuqaalada.
- Tolidda dharka
- Iyo Xirfado kale oo farsamo.
2. Ganacsi
Marka laga hadlayo ganacsiga, gaar ahaan iibsiga iyo iibinta, Dr. Anchau wuxuu sheegay in qofku raaci karo tallaabooyinkan si uu ganacsi u bilaabo una kobciyo:
- Iibsiga iyo iibinta badeecooyinka
- Waxyaabaha Internet-ka lagu iibiyo iyo adeegyada ku saleysan tiknoolajiyadda
- Noqoshada qaybiye oo alaabooyin u gudbiya macaamiisha ama ganacsatada kale
- Beerashada ama dhaqashada xoolaha oo heer yar lagu bilaabo, kadibna si tartiib ah loo ballaariyo
- Dr. Anchau wuxuu tilmaamay in ganacsiga guuleysta uu u baahan yahay qorshe, dulqaad, aqoon suuqa ah iyo in si tartiib ah loo kobciyo halkii si degdeg ah loo raadin lahaa faa'iido weyn.
3. Waxbarasho iyo Xirfado
Dr. Ismaaciil Maxamed Anchau ayaa sheegay in dhallinyarada waxbaratay ay kaga duwan yihiin kuwa kale, maadaama waxbarashadu ay siinayso fursad ay ku helaan xirfado kala duwan oo muhiim u ah xilligan casriga ah.
Wuxuu sidoo kale xusay qaar ka mid ah hababka lagu horumarin karo aqoonta iyo xirfadaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- Barashada barnaamij-samaynta kombiyuutarka (Computer Programming)
- Suuq-geynta dijitaalka ah (Digital Marketing)
- Abuurista waxyaabaha baraha bulshada (Social Media Content Creation), sida muuqaalada (Video)
- Naqshadeynta waxyaabo kala duwan.
- Khibradda tirakoobka iyo falanqaynta xogta (Data Analysis)
Dr. Anchau wuxuu carrabka ku adkeeyay in waxbarashada iyo xirfadaha casriga ahi ay dhallinyarada ka caawin karaan inay helaan fursado shaqo, abuuraan ganacsiyo cusub, isla markaana ay dhistaan mustaqbal dhaqaale oo wanaagsan.
Qaybta 4-aad – Kaydinta iyo Maalgashiga
Dr. Anchau ayaa sheegay in ay jiraan laba hab oo maalgashi iyo kayd ah oo qof kasta oo raaca ay ka caawin karaan inuu hanti yeesho:
In la helo il dakhli oo joogto ah
Qofku waa inuu yeeshaa dakhli joogto ah oo uu si nidaamsan u maareeyo, kana sameeyo kayd si uu mustaqbalka ugu maalgeliyo.
In si sharci ah loo maalgeliyo kadib marka la helo waxbarasho iyo aqoon ku filan
Qofku waa inuu marka hore kasbadaa aqoon iyo xirfado, kadibna uu lacagtiisa geliyo maalgashi xalaal ah oo faa'iido waarta keeni kara.
Dr. Anchau wuxuu tilmaamay in dhisidda hanti waarta ay u baahan tahay aqoon, qorsheyn, dulqaad iyo maalgashi sax ah, halkii laga raadin lahaa faa'iido degdeg ah.
5. Dhisidda Xiriirro Wanaagsan oo lala yeesho Dadka
Bare sare oo ka tirsan Kulliyadda Teknolojiyadda ee Kaduna ayaa sheegay in marka laga soo tago afarta hab ee lagu raadin karo hantida, ay sidoo kale muhiim tahay in qofku dadaal ku bixiyo dhisidda xiriirro wanaagsan iyo kuwo xirfadeed oo uu la yeesho dadka kale.
Wuxuu xusay qaar ka mid ah siyaabaha lagu dhisi karo xiriirradaas:
- La xiriirka ganacsatada waaweyn iyo dadka khibradda u leh ganacsiga
- Ka qaybgalka shirarka, tababarrada waxbarasho iyo kulamada horumarinta xirfadaha
- Raadsashada la-taliyeyaal kaa caawin kara hagidda iyo horumarinta mustaqbalkaaga
Dr. Anchau wuxuu tilmaamay in xiriirrada wanaagsan ay qofka u furi karaan fursado cusub, aqoon dheeraad ah iyo waddooyin uu ku horumarin karo noloshiisa iyo shaqadiisa.












