Maraykanka oo ilaa 200 oo ciidamadiisa ah kala baxaya dal ku yaalla Galbeedka Afrika

Xigashada Sawirka, getty
Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu Nigeria kala baxo ku dhowaad 200 oo ciidankiisa milatariga ah, waana tallaabo ku soo beegmeysa bilo yar un kadib markii ciidamadaan loo diray dalkaas si ay gacan uga geystaan xakameynta xaaladda amni ee sii xumaaneysa.
Inkastoo ay tahay go'aan lama filaan ah, haddana militariga Nigeria ayaa si degdeg ah u cadeeyay in ka bixitaankan uusan micnaheedu ahayn, in xiriirkii kala dhexeeyay Washington uu go'ay ama uu daciifay.
Sida la qorsheeyay, ciidamada Mareykanka ayaa la filayaa inay dalka ka baxaan dhammaadka bisha September. Joogitaankooda Nigeria wuxuu ahaa mid ku saabsan howlgal culus oo lagula dagaallamayay argagixisada, howlgalkaas oo saraakiisha Mareykanka ay ku tilmaameen mid soo hooyay guulo waaweyn oo la taaban karo.
Intii ay joogeen dalka, ciidamadan waxay door weyn ka qaateen tababarida ciidamada Nigeria, waxay la wadaageem xog sirdoon oo muhiim ah, waxaana xusid mudan inay gacan ka geysteen fulinta howlgal lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish. Dhinaca militariga Nigeria wuxuu mar kale ku celiyay, in iskaashiga labada dal uu weli yahay mid adag oo aan waxba iska bedelin.
Guud ahaan, qorshaha ayaa ah in ilaa 200 oo shaqaale milatari ah oo Mareykan ah laga saaro Nigeria dhammaadka bishan September, taas oo soo afjareysa howlgal gaaban balse si weyn isha loogu hayay. Howlgalkan wuxuu ahaa mid lagu taageerayay ciidamada Nigeria si ay ula dagaallamaan kooxaha xagjirka ah ee Islaamiga ah.
Hase yeeshee, su'aasha ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah: Howlgalka Mareykanka ma horseeday amni waara oo mustaqbalka sii jiri doona? Tani waxay ku soo beegmeysaa iyadoo weerarrada jihaadiyiinta, falalka burcadnimada iyo afduubyadu ay weli ka socdaan dalka gudihiisa.
Saraakiisha Nigeria ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay qorshaha ka bixitaanka ciidamada, iyagoo carabka ku adkeeyay in arrintani aysan calaamad u ahayn mugdi galay xiriirka amni ee u dhexeeya Abuja iyo Washington.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamadan waxaa Nigeria la geeyay bishii Febraayo, xilli ay jirtay walaac xooggan oo laga qabay amniga dalkaas oo sii xumaanayay. Waxaa sidoo kale jiray cadaadis kaga imanayay dhinaca Washington oo la xiriiray rabshadaha joogtada ah ee ka socday Nigeria, oo ay ku jireen weerarro lagu beegsanayay bulshooyinka Masiixiyiinta ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muddadii toddobada bilood ahayd ee uu howlgalka socday, ciidamada Mareykanka waxay ciidamada Nigeria la wadaageen xogo sirdoon oo tayo leh, tababaro milatari iyo taageero dhanka howlgallada ah.
Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa daaha ka rogtay in howlgalkan uu door muhiim ah ka qaatay howlgal wadajir ah oo bishii May lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda la baxday Islamic State ee ka dagaalanta aagga harada Chad. Labada dowladoodba waxay falkaas u arkeen guul weyn oo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, General Dagvin Anderson, ayaa markii dambe shaaciyay in intooda badan ciidanka mar hore laga saaray dalka kadib howlgalkaas lagu guuleystay, inkastoo uu xusay in iskaashiga dhanka sirdoonka uu weli u sii socon doono sidii hore.
Warbaahintu waxay sheegtay in saraakiisha Mareykanka ay howlgalkan ku tilmaameen mid ku soo dhammaaday guul. Waxay sheegeen in inkasta oo ciidamada la geeyay ay tiradoodu yareyd, haddana ay saameyn weyn oo togan ku yeesheen furimaha dagaalka.
Waxaa la sheegay in AFRICOM iyo saraakiil kale oo Mareykan ah ay howlgalkan u arkeen caddayn muujinaysa in howlgallada yar yar ee ku dhisan xogta sirdoonka ah ay keeni karaan guulo waaweyn, iyadoo aan loo baahnayn in ciidan faro badan la geeyo goobta.
Wargeyska New York Times, oo ahaa kii ugu horreeyay ee soo bandhigay qorshaha ugu dambeeyay ee ciidamada looga saarayo Nigeria, ayaa sheegay in la filayo in tiro yar oo ka mid ah tababarayaasha Mareykanka iyo khubarada sirdoonka ay sii joogi doonaan Nigeria xitaa kadib marka inta badan ciidamada ay ka baxaan dalka.
Dhinaca kale, militariga Nigeria ayaa isku dayay inuu meesha ka saaro aragti kasta oo tilmaameysa, in ka bixitaanka ciidamadu uu yahay calaamad muujinaysa xiriir xumaanaya. Afhayeenka Xarunta Difaaca, Major General Samaila Uba, ayaa iskaashiga Mareykanka ku sifeeyay mid "xooggan, waara oo labada dhinacba dan u ah".
Wuxuu intaa ku daray in ka bixitaanka ciidamadu uu yahay isbeddel caadi ah oo la xiriira howlgalka gaarka ah ee jiray, balse uusan ahayn ka bixitaan istiraatiijiyadeed oo guud.
Wuxuu sheegay in wada-shaqeynta labada dal ay sii socon doonto iyadoo loo marayo is-dhaafsiga xogta sirdoonka, tababarada ciidamada, taageerada farsamo iyo barnaamijyo kale oo la xiriira amniga.

Xigashada Sawirka, Ciidamada Mareykanka
Ka bixitaanka ciidamadu wuxuu ku soo aaday iyadoo Nigeria ay wajaheyso xilli xasaasi ah. Inkastoo guulo laga gaaray kooxaha xagjirka ah, haddana dalka wuxuu weli wajahayaa weerarro, falal burcadnimo iyo afduubyo baahsan oo muujinaya baaxadda iyo qallafsanaanta caqabadaha amni ee jira.
Wargeyska Associated Press ayaa tilmaamay in weerarradii iyo afduubyadii ugu dambeeyay ay muujinayaan, halka uu gaarsiisan yahay horumarka la sameeyay, isla markaana ay iftiiminayaan dhibka ka jira in guulaha istiraatiijiga ah loo rogo amni waara oo joogto ah.
Dhinaca Washington, ka bixitaanka ciidamadu wuxuu u muuqdaa mid xoojinaya in la fuliyo howlgallo milatari oo kooban oo si sax ah loo bartilmaameedsado, halkii laga sameyn lahaa howlgallo waaweyn oo aan dhammaad lahayn.
Dhinaca Nigeria, tani waxay u tahay bilowga tijaabo muhiim ah: in ciidamadeeda ammaanku ay awood u yeelan doonaan inay sii wadaan oo ay ka faa'iideystaan islamarkaana ay sii xoojiyaan guulihii lagu gaaray taageerada sirdoonka, tababarka iyo howlgalada uu Mareykanku bixiyay, kadib marka ciidamadiisu ay dalka ka baxaan.















