Xanuunka la yaabka leh ee ka dhigaya aabbeyaasha inay dareemaan sidii iyagoo uur leh

Xigashada Sawirka, Getty Images
Calaamadda loo yaqaan Couvade syndrome waxaa la kulma ku dhowaad kala bar dhammaan lammaanayaasha. Waxay beddelayso sida saynisyahannadu uga fikiraan sida waaliDdiinta aan uurka lahayn ay u saameyso uurka lammaanahooda.
Calaamaduhu waxay u soo bixi karaan si kedis ah. Lalabbo, daal aad u daran, kabuubyo gacmaha ah, maqaarka oo xasaasi noqda gaar ahaan gacmaha iyo laabta, ama dareen guud oo raaxo-darro ah ama qofku uusan isagu is dareemayn. Waa liis ay dad badan oo uur soo maray aqoonsan karaan.
Laakiin markan calaamadahan waxaa la kulmaya aabbayaasha mustaqbalka iyo lammaanayaasha xaaskoodu aysan uurka lahayn inta lagu jiro muddada uurka. Sababta: waa xaalad yar oo la yaqaan Couvade syndrome.
"Habka ugu fiican ee lagu sharxi karo waa uur la wada dareemayo," ayay tiri Catherine Caponero, oo ah dhakhtarad ku takhasustay cudurrada dumarka ee Cleveland Clinic ee Ohio, Maraykanka, isla markaana aragtay kiisas yar. "Asal ahaan, waa marka lammaane xaasku aysan uur lahayn ay isku arkaan calaamadaha uurka inkastoo uusan si bayooloji ah uur u lahayn."
Cilmi-baaris sii kordhaysa ayaa muujinaysa in xaaladdani ay ka baahsan tahay sidii hore loo malaynayay – qaar ka mid ah saynisyahannaduna waxay is weydiinayaan in calaamadaha yaabka leh ay qasab ka dhigayaan in dib loo fikiro sida dhalmada cunuggu u saameeyo labada waalidka.
Mid baahsan balse aan la aqoonsan
Couvade wuxuu ku dhici karaa aabbayaasha mustaqbalka, iyo xitaa ayeeyada mustaqbalka haddii ay la noolaadaan qofka uurka leh oo ay si dhow ugu lug leeyihiin daryeelkiisa, ayay tiri Caponero.
Calaamadaha ayaa kala duwan – laga bilaabo lalabbo ilaa daal, xanuun dhabarka ah ilaa ilko xanuun, isbeddel niyadeed ilaa rabitaan cunto oo gaar ah iyo miisaan kordhin.
Billowgoodu wuxuu la mid yahay uur jireed, waxayna badanaa gaaraan heerkii ugu sarreeyay saddexda bilood ee koowaad iyo saddexda bilood ee ugu dambeeya ka hor inta aanay baabi'in dhalmada kadib.
Maaddaama Couvade uu siyaabo badan isu muujiyo oo qeexiddiisuna aysan caddeyn, qiyaasta inta uu le'eg yahay way kala duwan tahay.
Hal daraasad ayaa muujisay in ilaa 52% aabbayaasha Maraykanka ay sheegeen inay la kulmeen calaamado la xiriira cudurkan inta uu uurka socday, iyadoo tirooyin la mid ah laga helay Urdun (59%) iyo Thailand (61%).
Daraasado kale ayaa helay tirooyin ka sarreeya dalalka Poland iyo Shiinaha, halkaas oo toddobo ka mid ah 10 aabbe ay sheegeen inay la kulmeen calaamadaha Couvade. Cilmi-baaris kale ayaa tilmaamaysa inuu hooseeyo Sweden uuna yahay (20%) iyo Ruushka oo ah (35%).

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo cilmi-baaristu muujinayso inuu yahay mid aad loo arko, haddana Couvade syndrome si rasmi ah looguma aqoonsana cudur caafimaad, ayuu sheegay Ronald Levant, oo ah bare sare oo dhanka cilmi-nafsiga ah oo wax ka dhiga Jaamacadda Akron ee Ohio.
Mana aqoonsana Hay'adda Caalamiga ah ee Kala-soocidda Cudurrada ama Buugga Ururka Cilmi-nafsiga Maraykanka ee Ogaanshaha iyo Tirakoobka Xanuunnada Maskaxda – oo ah laba buug oo ay si caalami ah u adeegsadaan dhakhaatiirtu. Buugaag caafimaad oo badanna ma xusaan.
"Waxaan u malaynayaa inaan hal sadar ka bartay intii aan ku jiray dugsiga caafimaadka," ayay tiri Caponero. "Xitaa ilaha aan leennahay annaga oo dhakhaatiir ah, macluumaad badan lagama helo."
Maanta, waxyaabo badan oo ku saabsan xanuunkan aan aadka loo aqoon ayaa weli qarsoon.
"Habka uu ku shaqeeyo si fiican looma fahmin," ayuu yiri Daniel Singley, oo ah khabiir cilmi-nafsiga ah iyo agaasimaha Xarunta Ragga ee San Diego. "Waxaa laga yaabaa inay tahay hab lagu wajaho arrimo dareenka ah, ama inuu jiro saldhig neerfaha ah. Runtii lama hubo."
Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaal badani waxay isku raacsan yihiin in Couvade uu yahay mid sababo badan leh, oo isku daraya arrimo bayooloji ah iyo kuwo nafsiyeed.
'Rag fekeraya'
Ereyga Couvade wuxuu ka yimid ficilka Faransiiska ah couver, oo macnihiisu yahay in la fakarayo. Cilmi-baare Ingiriis ah, Edward Burnett Tylor, ayaa ereyga caan ka dhigay sanadkii 1865-kii, markii uu ku tilmaamay wax uu u arkay aragti yaab leh oo uu ku arkay miyiga Basque: rag beeralley ah oo sariirta la jiifa dhallaankooda cusub.
Ereygaas ayaa loogu talagalay in lagu jees-jeeso ragga, ayuu yiri Richard Powis, oo ah cilmi-baare dhaqan-caafimaad oo ka tirsan Jaamacadda South Florida. "Waa fikradda guud ee ah in raggu ay u dhaqmayaan sida haweenka," ayuu yiri.
Laakiin Couvade taariikh ahaan waxaa laga raaci karaa ilaa 50 BC, markii aabbayaasha mustaqbalka ee Corsica, Qubrus iyo Iberia ay sariirta seexan jireen oo ay muujin jireen xanuunka foosha ama ay jili jireen qaar ka mid ah hababka dhalmada, mararka qaarkoodna xiran jireen dharka lammaanahooda. Dhaqammo la mid ah ayaa laga arkay Galbeedka Indies, Koonfurta Ameerika iyo Bariga Aasiya.
Dhaqammadan waxaa loo sameyn jiray xaflado qirasho ah, ayuu Tylor ku qoray 1889-kii, isagoo xusay in "qabiillada qaar, Couvade uu u yahay qaabka sharci ee aabbuhu ku aqoonsanayo cunugga inuu yahay kiisa."
Dareenno isku dhafan
Maanta, khubarradu waxay isku raacsan yihiin in dhinac nafsiyeed uu jiro, isla markaana calaamaduhu ay ka dhalan karaan culayska uu lammaanuhu dareemo marka uu isu diyaarinayo waalidnimo, xitaa haddii uusan isagu uur qaadin.
"Ilmo dhaliddu waa mid ka mid ah marxaladaha horumarineed ee ugu waaweyn nolosha qofka," ayuu yiri khabiirka cilmi-nafsiga ee Kevin Gruenberg. "Taasi mararka qaar waxay noqon kartaa mid culays leh, sidaas darteed Couvade wuxuu noqon karaa muujinta isbeddelkan weyn."
Xilliga dhalmada kadib waxa uu keenayaa culaysyo cusub oo ku dhaca labada waalid, sida hurdo la'aan iyo daryeel joogto ah oo ilmaha ah.
Qiyaastii hal ka mid ah 10 aabbe ayaa la kulma niyad-jab ka hor ama ka dib dhalmada, halka ilaa 18% ragga ay soo sheegaan heerar sare oo welwel ah.
Muujinta taageerada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar ka mid ah khubarradu waxay soo jeedinayaan in calaamadaha u ek uurka ee aabbayaasha ay yihiin nooc ka mid ah dareen qoto dheer oo ay u qabaan lammaanahooda uurka leh.
Waa ka tarjumidda "ku lug lahaansho shucuur oo qoto dheer iyo aqoonsi", ayuu yiri Levant.
"Qeexitaankeyga Couvade waa marka qof sameeyo wax kasta inta lagu jiro uurka ama dhalmada kadib si uu u taageero qofka uurka leh," ayuu yiri. "Marka aan ugu yeerno cudur, waan xanuunsaneynaa. Laakiin wax dhib ah kuma jiro. Waa damqasho bini'aadamnimo."
Isbeddelka hormoonnada
Caddeymo ayaa sidoo kale muujinaya in Couvade uu leeyahay asal bayooloji ah. Daraasado muujiyay in hormoonnada aabbayaasha markii ugu horreysay carruur loo dhalayo ay is beddelaan inta lagu jiro uurka.
Hoormoonka Testosterone iyo oestradiol ee ragga ayaa hoos u dhaca, taas oo la xiriirta daryeelka ilmaha iyo miisaan kordhinta.
Daraasad 2024 ah ayaa sidoo kale muujisay in maskaxda aabbayaasha ay is beddesho dhalmada kadib, taas oo kor u qaadaysa awoodda aqoonsiga baahiyaha ilmaha iyo dhisidda xiriirka.
Ragga leh isbeddelkan weyn ayaa sheegay inay waqti badan la qaateen ilmahooda oo ay dareemeen xiriir adag.
Iyadoo dhammaan arrimahaas la tixgelinayo, Singley wuxuu diidayaa aragtida ah in Couvade uu yahay oo keliya ku dayasho calaamadaha uurka ee lammaanaha. "Waa hab qaddiimi ah oo lagu eego waayo-aragnimada waalidnimo," ayuu yiri.
Ragga qaar way ku adkaan kartaa inay aqbalaan, iyadoo la eegayo filashada bulshada ee ku saabsan ragannimada. "Raggu waxay oran karaan: 'Anigu nin baan ahay, niyad-jab iima qalmo,'" ayuu yiri Singley. Wuxuu ku booriyay in la aqbalo in raggu ay sidoo kale dareemi karaan culaysyo jireed iyo nafsiyeed.













