Madaxwaynaha Turkiga oo ka hadlay Shidaal qodista Soomaaliya iyo Markabkii dhawaan gaaray Muqdisho

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta ka hadlay shidaalka lagu wado in dalka Soomaaliya dhawaan qodidiisa laga bilaabo.

Madxwaynaha oo maanta la hadlayay baarlaamnka Turkiga ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qorshaha shidaal qodista ee ay Turkiga ka wdaan dalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tusaale u soo qaatay wiil yar oo Soomaali ah oo oo sida uu sheeg ka falceliyay markii uu dhawaan arkay markabka Turkiga ee Shidaal qodista oo taagan xeebaha Soomaaliya.

"waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dareenka walaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo meel dhow ka arkay markabka Çağrı Bey,wuxuu si toos ah u yiri: "Weli kama soo kaban saamaynta markabka Çağrı Bey. Inaan si dhow u arko waxay ii ahayd waayo-aragnimo aan la ashqaraaray. Sababtoo ah Çağrı Bey wuxuu u ekaa magaalo weyn oo socota. Aad u weyn, aad u cusub, si qurux badanna loo dhisay. Maashaa Allaah. Runtii waa farshaxan la yaab leh." ayuu yiri mr Erdogan.

Madaxwayne Erdogan ayaa ereyadaas ku tilmaamay sawir qurux badan oo muujinaya awoodda Turkiga.

Waxaa uu sidoo kale madaxwaynaha Turkiga ka shaanqariyay walaalnida Turkiga iyo Soomaaliya iyo rejada la qabo.

"Erayadan daacadda ah ee ka soo burqanaya qalbiga iyo qalinka dhalinyaro Soomaaliyeed waxaan u aragnaa astaan qurux badan oo muujinaysa awoodda Turkiga iyo walaaltinimada u dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya". ayuu intaa ku daray madaxwaynaha Turkiga.

Markabka Shidaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markabka Shidaal qodista Turkiga

Hadalka madaxwaynaha Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan oo magaalaada Muqdisho soo gaaray Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey halkaasi oo lagu soo dhaweeyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay "waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga."

Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri "Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa'iideysan karo shidaalka."

Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda.

Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood:

1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay.

2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah.

Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir.

Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency.

Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

gobolka.

Ololaha qodista ayaa waxaa gacan ka geysan doona maraakiib gurmad ah oo gacanta ku haya saadka, meeleynta iyo kala wareejinta shaqaalaha, iyadoo ciidamada badda ee Turkiga oo sugi doon ammaanka xeebaha.

Talaabadan ayaa waxa ay salka ku haysaa dadaalkii Turkiga ee tobankii sano ee la soo dhaafay si ay u balaariso awooda sahaminta gudaha iyada oo adeegsiga maraakiibteeda gaarka ah, kuwaas oo hadda ka mid ah maraakiibta qodista shidaalka ee badda gunteeda.