Shan dal oo ka mid ah waddamada Yurub ee Soomaalidu iska dhiibto oo dal Afrikaan ah kula heshiiyey inuu qaabilo qaxootiga la soo celinayo
Tebin toos ah
War deg deg ah, Iran oo mar kale sheegtay in ay dhulka soo dhigtay diyaarad Mareykanku leeyahay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Milatariga Iran ayaa sheegay in nidaamkooda difaaca cirka uu soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 ah, taas oo ku jirtay hawada dhanka bari ee marin-biyoodka Hormuz.
Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA ayaa sheegtay in diyaaradda lagu soo riday nidaam difaac cirka oo gudaha dalka lagu farsameeyay.
Maalmihii u dambeeyay, milatariga Iran ayaa dhowr jeer ku dhawaaqay inay ku guuleysteen soo ridista diyaarado aan duuliye lahayn oo Mareykanku leeyahay.
Hase yeeshee, taliska ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe CENTCOM, ayaan weli ka jawaabin sheegashooyinkaas.
War deg deg ah, Itoobiya iyo Eritrea oo ciidamadooda geeyay xuduudda labada dal iyo cabsi laga qabo in dagaal qarxo
Xigashada Sawirka, Reuters
Itoobiya iyo Eritrea ayaa ciidamadooda milatariga geeyay
xuduudda labada dal, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen hay'adaha la
socda colaadaha iyo dad xiriir la leh kooxaha fallaagada ah ee gobolka Tigray
ee waqooyiga Itoobiya.
Tallaabadan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo inuu
qarxo dagaal toos ah oo dhex mara labada dal oo muddo dheer colaad soo dhex
taallay.
Hay'adaha la socda colaadaha ee ACLED iyo Xasaradaha
Caalamiga ah ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ay hadda isku
jiraan masaafo u saamaxaysa inay si toos ah isu weeraraan.
ACLED ayaa sidoo kale sheegtay in weerarro diyaaradaha aan
duuliyaha lahayn loo adeegsaday, kuwaas oo ay aaminsan tahay inay fuliyeen
ciidamada Itoobiya, lagu bartilmaameedsaday askar Eritrean ah oo ku sugan
gudaha dhulka Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Itoobiya kama aysan
hadlin weerarradaas.
Eritrea ayaa dhankeeda beenisay eedeymaha sheegaya inay
ciidamadeeda u dirtay gudaha Itoobiya, waxayna dowladda Addis Ababa ku eedeysay
inay raadineyso marmarsiiyo ay ku weerarto dalka deriska ah.
Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale ku eedeysay Suudaan oo
uu ka socdo dagaal sokeeye, iyo Masar inay taageerayaan kooxaha fallaagada ah
ee ka dagaallamaya gobolka Tigray.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa
sheegay in Somaliland ay iyaga u taallo howlahooda haddii ay qalad galaan iyo
haddii ay wax sax ah smaeyaan.
Hadalkiisa ayaa daba socda khubaddii uu shalay
madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh jeediyay, taasoo ku saabsaneed eedo kulul
oo u jeediyay Imaaraadka Carabta, oo uu sheegay in ay xitaa door ku leeyihiin
aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay
sheegay in Imaaraadku uu arimaha gudaha
Soomaaliya, faragaliyay oo heshiisyo
dekedeed uu la galay maamull goboleedyo, kuwaas oo ku saabsan dekedaha Berbera,
Boosaaso iyo Kismaayo. Dekedahaasi ma aha buu yiri hanti ay maamul goboleedyo
gaar ahi leeyihiin.
War deg deg ah, Baarlamaanka Israa'iil oo guddoomiye u doortay nin si weyn uga so horjeeda Netanyahu
Xigashada Sawirka, Reuters
Baarlamaanka
Israa'iil ee Knesset ayaa markii ugu horreysay yeeshay guddoomiye cusub oo ka
tirsan garabka siyaasadeed ee ka soo horjeeda ra'iisul wasaare Benjamin
Netanyahu.
Lixdan iyo lix
xildhibaan oo ka tirsan 120-ka xubnood ee baarlamaanka ayaa xalay u codeeyay
Matan Kahana, oo xulafo la ah taliyihii hore ee ciidamada Israa'iil, Gadi
Eisenkot.
Eisenkot ayaa
haysta ilaa bisha soo socota inuu soo dhiso dowlad cusub.
Knesset ayaa
la filayaa inuu codad hordhac ah ka qaado hindise-sharciyeedyada lagu doonayo
in lagu buriyo sharciyo la ansixiyay xilligii Netanyahu, kuwaas oo kordhiyay
saameynta siyaasiyiinta ku leeyihiin garsoorka iyo warbaahinta.
Hindise kasta
oo sharciyeed waa inuu maro dhowr marxaladood oo baarlamaanka ah, isla markaana
uu helo saddex codbixin ka hor inta aan la ansixin.
War deg deg ah, Dowladda Uk oo loo hanjabay iyo arrinta la isku haysto
Dowladda Mauritius ayaa ku hanjabtay inay tallaabo sharci
ah ka qaadi doonto Britain haddii aan la dhammaystirin heshiiska la xiriira
jasiiradaha Chagos ugu dambayn dhammaadka bisha soo socota.
Heshiiska ayaa dhigaya in madaxbannaanida jasiiradahaasi,
oo uu ku yaallo saldhig milatari oo Maraykanku leeyahay, laga wareejiyo Britain
loona gacan geliyo Mauritius, iyadoo Britain ay dib uga kireysanayso.
Dowladda Britain ayaa bishii Sebtembar dib u eegis ku
samaysay qorshaha, kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu ku tilmaamay
heshiiska mid aad u xun.
Ra'iisul wasaaraha Mauritius, Navin Ramgoolam, ayaa
sheegay in inkasta oo wada-hadallada ku saabsan madaxbannaanida jasiiraduhu ay
socdaan, aanu oggolaan doonin in arrintan muddo dheer la sii jiitamo.
Britain ayaa sheegtay inay ka go'an tahay in xal
diblomaasiyadeed laga gaaro khilaafka.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dalka Shiinaha
kula kulmay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.Saddexda hoggaamiye ayaa isku goob ku sugnaa taas oo loo dhigay roogga cas ka hor casho ka
dhacaysay magaalada Shenzhen, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Muuqaal ay baahisay warbaahinta madaxtooyada Ruushka ee
Kremlin-ka ayaa muujinayay Donald Trump oo garab taagan dhiggiisa Shiinaha Xi
Jinping iyo xaaskiisa, xilli uu goobta soo gaaray Vladimir Putin.
Muuqaalka ayaa sidoo kale muujinayay Trump iyo Putin oo
gacmaha isqabanaya, si diirranina isu salaamaya.
Tani waa kulankoodii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah tan
iyo shirkii ay ku yeesheen gobolka Alaska bishii Agoosto 2025.
Saddexda hoggaamiye ayaa la filayaa inay Khamiista
yeeshaan kulan rasmi ah oo saddex geesood ah, kaas oo looga hadli doono
arrimaha caalamka iyo mowduucyada la xiriira nabadda adduunka.
Daraasad la sameeyay sanado kahor ayaa lagu ogaaday in ragga bidaarta leh ay halis ugu jiraan xanuunada wadnaha in ka badan ragga cayilan ee da'doodu ka hooseyso 40 jirka.
Daraasada oo lagu sameeyay illaa 2,000 oo rag dhalinyaro ah oo Hindiya ku nool in ay badankood qabaan xanuunada wadnaha, intooda badana waa kuwa qaba bidaarta ama cirro.
Mac-hadka xanuunada wadnaha ee Yurub ayaa daraasadan sameeyay 2017-kii, waxaana laga shaaciyay shirweynaha ururka dhaqaatiirta wadnaha ee Hindiya.
Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in 50% ragga qaba xanuunada wadnaha ay durba cirro kasoo baxdo iyaga oo aanan gaarin xiligii tintooda ay cirroobi lahayd.
Xi Jinping oo Trump garoonka diyaaradaha ee Shenzhen ku soo dhoweeyay, una sameeyay maamuus gaar ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa gaaray magaalada Shenzhen ee dalka Shiinaha.
Waxaa halkaas ku soo dhoweeyay madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, oo ah martigeliyaha booqashadiisa.
Daawo sawirrada muujinaya sida Trump loogu soo dhoweeyay dalka Shiinaha.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, “Sawir muujinaya Trump iyo Xi Jinping.”
Diblomaasiyadda soo dhoweynta: Yaa garoonka diyaaradaha ku qaabili doona Trump marka uu Shiinaha gaaro?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump
Arrimaha sida dhow isha loogu hayn doono waxaa ka mid ah hoggaamiyaha Shiinaha ee garoonka diyaaradaha ku soo dhoweyn doona Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, marka uu dalkaas gaaro.
Go’aanka Beijing ee ku saabsan mas’uulka Shiinaha ee qaabilaya madaxweynaha Mareykanka ayaa muujin doona sida ay muhiim ugu aragto booqashadiisa.
Intii uu Trump booqashada rasmiga ahayd ku tagay Shiinaha bishii May, hoggaanka dalkaas wuxuu garoonka diyaaradaha ugu diray Madaxweyne-ku-xigeenka, Han Zheng, si uu u soo dhoweeyo.
Sidoo kale, markii Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu booqasho rasmi ah ku tagay Mareykanka bishii Sebtembar, Trump ayaa tallaabo aan caadi ahayn qaaday, isaga oo shaqsi ahaan garoonka diyaaradaha ugu tegay Xi.
Shiinaha ayaa la filayaa inuu doonayo inuu muujiyo ixtiraam la mid ah kii Trump sameeyay, isagoo u diraya mas’uul sare oo ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga Shiinaha, oo loo yaqaan Politburo.
Hase yeeshee, uma badna in Xi Jinping laftiisu uu garoonka ku soo dhoweeyo Trump, maadaama uu leeyahay jadwal shaqo oo mashquul ah.
Cai Qi, oo ah mas’uulka sida weyn u maamula hawlaha xafiiska madaxweynaha Xi, ayaa noqon kara qof ku habboon inuu xilkaas qabto.
Cai ayaa sidoo kale saaka garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.
Tallaabadaas waxay Beijing siin kartaa fursad ay ku muujiso inay booqashooyinka hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Ruushka si isku mid ah u qiimeyso.
Shirkadda shidaalka Abu Dhabi oo faahfaahin ka bixisay weerar lagu qaaday markabkeeda
Shirkadda Shidaalka Qaranka Abu Dhabi (ADNOC) ayaa saaka sheegtay in hal shaqaale oo ka tirsanaa shaqaalaha markabkeeda la la’yahay, halka 11 kalena ay ku dhaawacmeen weerar Talaadadii lagu qaaday markabkaas oo marayay marin-biyoodka Hormuz.
Shirkaddu waxay sheegtay in shaqaalihii kale ee markabka laga daadgureeyay.
ADNOC oo ka hadlaysay shaqaalaha la la’yahay ayaa tiri: “Waxaa socda hawlgallo goobidda iyo samatabbixinta ah, kuwaas oo lala kaashanayo hay’adaha ay khusayso.”
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan amniga maraakiibta, sheegtay in shaqaalaha markab shidaal gaas dabiici ah (LNG) siday ay Talaadadii ka baxeen markabka, kaddib markii uu haleelay walax gantaal u eg.
Ilaalada Kacaanka Iran iyo ciidamada badda ee dalkaas ayaa Talaadadii sheegay in markab siday gaaska dabiiciga ah iyo laba markab oo shidaal siday ay dab qabsadeen iyagoo marayay marin-biyoodka Hormuz.
Wafdiga nabadda Gaza oo ka digay in xabbad-joojintu qarka u saaran tahay inay burburto
Guddiga Nabadda Gaza ee uu Mareykanku taageero ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyay warbixin walaac leh, isaga oo diblomaasiyiinta uga digay xaalado halis gelinaya xabbad-joojinta Gaza oo muddo sanad ah jirtay.
Warbixinta ugu dambeysay ee guddiga, oo Talaadadii la soo bandhigay, ayaa ka digtay in haddii aan si degdeg ah loo qaadin tallaabooyin lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii xabbad-joojinta ee 2025, xabbad-joojinta Israel iyo Xamaas ay qarka u saaran karto inay burburto.
“Farqiga u dhexeeya wixii lagu heshiiyay iyo waxa dhab ahaan ka dhacaya goobta ayaa weli ah khatarta ugu weyn ee hortaagan geeddi-socodka,” ayaa lagu yiri warbixinta, nuqul ka mid ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Sababta ay Yurub uga walaacsan tahay kulan dhex mara Xi, Trump iyo Putin
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Churchill (bidix) iyo Roosevelt (dhexda) ayaa lagu dhaliilay inay u tanaasuleen Stalin intii uu socday shirkii Yalta
Waxaa jira walaac, gaar ahaan dalalka Yurub, laga qabo in kulan saddex geesood ah oo ay yeeshaan madaxweynayaasha Shiinaha, Mareykanka iyo Ruushka, Xi Jinping, Donald Trump iyo Vladimir Putin, uu u ekaado shirkii Yalta ee 1945-kii, xilli uu dhammaad ku dhowaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Shirkii Yalta waxaa ka qaybgalay madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas, Franklin D. Roosevelt, ra’iisul wasaarihii hore ee Britain Winston Churchill iyo hoggaamiyihii Midowgii Soofiyeeti Joseph Stalin.
Shirkaas waxaa si weyn loogu dhaliilay go’aanno lagu go’aamiyay mustaqbalka dalal yaryar, iyadoo aan dalalkaasi ka qaybgelin wada-hadallada.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka digay in aan la qaban shir uu ku tilmaamay “Yalta 2, 3 ama 4”, kaas oo lagu qaybsanayo saamaynta iyo awoodda siyaasadeed ee dunida.
Wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay in kulankaasi horseedi karo heshiis laga gaaro mustaqbalka Ukraine, iyadoo aan Kyiv, qayb ka ahayn wada-hadallada.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in Mareykanka iyo Shiinaha ay wax badan lumin karaan haddii dalalka Yurub laga reebo wada-hadallada.
“Moscow hubaal way soo dhoweyn lahayd arrintaas. Hase yeeshee, Washington iyo Beijing, oo labaduba Yurub u arka saaxiib dhaqaale oo weyn oo muhiim ah, waxay taasi ku noqon lahayd kharash aan loo baahnayn oo aan mudnayn in la galo,” ayay ku qoreen David Abramson iyo Evgeny Roshchin faallo ay u diyaariyeen Xarunta Falanqaynta Siyaasadda Yurub (CEPA).
Wayne Rooney oo sheegay inuu mar ka fikiray inuu naftiisa dilo xilli uu u ciyaarayay Manchester United.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Wayne Rooney
Wayne Rooney ayaa shaaca ka qaaday inuu mar ku fikiray inuu isdilo xilli uu u ciyaarayay kooxda Manchester United, isla markaana uu raadsaday caawimaad khabiir ku takhasusay caafimaadka dhimirka, si loo ogaado loona daweeyo dhibaatooyinkii uu la tacaalayay.
Rooney, oo hore u ahaa kabtanka xulka qaranka England, ayaa Manchester United kaga soo biiray Everton sanadkii 2004-tii. Wuxuu kooxda u dhaliyay 253 gool, isagoo u saftay 559 kulan.
Hase yeeshee, wareysi uu siiyay wariye Gabby Logan oo ka baxay barnaamijka Life at the Midpoint ayuu kaga hadlay dhibaatooyin waaweyn oo uu kala kulmay noloshiisa gaarka ah, xilli wiilkiisa curadka ah, Kai, uu yaraa. Kai ayaa hadda 17 jir ah.
“Waxaa jirtay xilli aan laba maalmood qol isku xiray, khamrigana aan si joogto ah u cabbayay. Taasi waxay ahayd xilli aan heerkii ugu sarreeyay ka gaaray guulaha kubadda cagta,” ayuu yiri Rooney.
Rooney oo 41 jir ah ayaa sheegay inuu la tacaalayay dareenno gudaha ah oo culus. Markii uu dhibaatadiisa kala hadlay xaaskiisa Colleen iyo hooyadii, ayuu garwaaqsaday inuu u baahan yahay caawimaad si uu uga gudbo.
“Markaan dib u milicsado, waxaan fahamsanahay inaan ahaa qof danayste ah oo hunguri badan, balse way igu adkayd inaan aqoonsado dhibaatadayda. Ugu dambayn waxaan garwaaqsaday inaanan kaligay wajihi karin. Waxaan isku qarin jiray qol, sababtoo ah ma aanan rabin in Kai uu igu arko xaaladdaas,” ayuu yiri.
“Waxaan gaaray heer aan ka fikiray inaan naftayda dilo. Ma jeclayn inaan dadka dhexgalo, waxaanan doonayay inaan keligay ahaado. Garoonka dhexdiisa waan ku faraxsanaa, laakiin bannaanka garoonka waxaan ku jiray xaalad aad u adag,” ayuu raaciyay Rooney.
Danjire Mareykanka u fadhiya Itoobiya oo sheegay in dalkiisu taageerayo xasilloonida gobolka Tigray
Xigashada Sawirka, US Embassy Addis Ababa
Qoraalka sawirka, Danjiraha Mareykanka u fadhiya Itoobiya, Ervin Masinga
Danjiraha Mareykanka u fadhiya Itoobiya, Ervin Masinga, ayaa sheegay in Mareykanku ay ka go’an tahay inuu taageero kobaca dhaqaalaha gobolka Tigray iyo dhismaha mustaqbal ku salaysan mabaadi’da dimuqraadiyadda.
Danjiraha, safiiro kale, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiin kale oo caalami ah ayaa Isniintii booqasho wadajir ah ku tagay magaalada Mekelle. Halkaas ayay kulammo kula yeesheen hoggaamiyeyaasha gobolka iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.
War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Masinga uu carrabka ku adkeeyay in xasilloonida, ka-qaybgalka bulshada oo loo dhan yahay iyo hay’ado awood leh ay muhiim u yihiin kobaca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin ay ka faa’iidaystaan dhammaan dadka Tigray.
Wuxuu sidoo kale sheegay in arrimahaasi ay lama huraan u yihiin ballaarinta fursadaha dhaqaale iyo in dhammaan qaybaha bulshada ay ka faa’iidaystaan horumarka gobolka.
Danjiruhu wuxuu mar kale xaqiijiyay in Mareykanku ka go’an tahay inuu gargaar bani’aadannimo oo naf-badbaadin ah gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Wuxuu intaa ku daray in Mareykanku la shaqayn doono dadka Tigray, dowladda federaalka Itoobiya iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah, si gobolka Tigray iyo guud ahaan waqooyiga Itoobiya looga taageero dib u soo kabashada, xasilloonida iyo horumarka.
“Waxaan diyaar u nahay inaan iskaashi la yeelanno dadka gobolka, dowladda federaalka iyo saaxiibbada caalamiga ah, si looga caawiyo gobolka inuu ka soo kabto caqabadihii uu soo maray, dibna ugu laabto horumarka,” ayuu yiri danjiruhu.
Wafdigan heerka sare ah ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee magaalada taga tan iyo markii dowladda federaalku ay la wareegtay gacan ku haynta Mekelle.
Wafdiga waxaa ka mid ahaa safiiro ka socday siddeed dal, saraakiil sare oo ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, iyo danjiraha Mareykanka.
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in wafdigu si toos ah u qiimeeyo xaaladda ka jirta Tigray, isla markaana uu taageerada loo baahan yahay ka bixiyo.
Kenya, weedhan waxay caan ku noqotay kadib markii qof majaajiliste ah uu ku kaftamay sida hooyooyinka Afrikaanka ah u isticmaalaan daawada xanuunka yareysa ee Brufen si ay u daweeyaan xanuun kasta oo jirka ku dhaca ka hor inta aanu xanuunku sii xumaan.
Mareykanka oo lumiyay meeqaamkii ahaa dal laga ciribtiray Jadeecada
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Daawo
Mareykanka ayaa lumiyay maqaamkii uu ku lahaa dalalka si rasmi ah uga ciribtiray cudurka jadeecada, kaddib markii muddo laba sano ah ay sare u kaceen tirada dadka uu cudurku ku dhacay iyo dhimashada ka dhalatay.
Hay’adda Caafimaadka ee Pan American Health Organization (PAHO), oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in nooc gaar ah oo fayraska jadeecada ah uu si joogto ah ugu faafayay qaaradda Ameerika muddo ka badan 12 bilood.
Agaasimaha hay’adda, Jarbas Barbosa, ayaa sheegay in Mexico iyo Bolivia ay sidoo kale lumiyeen maqaamkii ahaa dalal jadeecada lagaciribtiray.
Wuxuu dib u soo laba-kacleynta cudurka ku sababeeyay “farqiga weli ka jira heerka tallaalka dadka.”
Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa dhankooda sheegay inay ka go’an tahay in dalku dib u helo heerka ciribtirka jadeecada, iyagoo ballaarinaya helitaanka tallaalka.
Mareykanka ayaa sanadkan oo keliya laga diiwaangeliyay 5,400 oo kiis oo jadeeco ah iyo 10 qof oo cudurka u dhintay. Waa tiradii ugu badnayd ee la diiwaangeliyo tan iyo sagaashamaadkii.
Rubio oo ku adkaystay inaysan jirin khatar degdeg ah oo Mareykanka ku wajahan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Marco Rubio iyo Trump
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa beeniyay sheegashooyinka iyo walaaca ka dhashay cilado isdaba joog ah oo toddobaadkii la soo dhaafay ku yimid nidaamyada tiknoolajiyadda, isagoo sheegay inaysan jirin caddeyn muujinaysa inay dhacdooyinkaas xiriir leeyihiin.
Rubio ayaa qiray in dadku ay ka walaacsan yihiin ciladahaas, kuwaas oo sababay in muddo saacado ah la hakiyo dhammaan duulimaadyada gudaha Mareykanka, isla markaana ay carqaladeeyaan adeegyada bangiyada iyo nidaamyada shirkadaha Apple iyo Microsoft.
Hase yeeshee, isagoo la hadlayay wariyeyaasha ayuu yiri: “Mareykanku ma wajahayo weerarro nidaamsan. Dhacdooyinkani sinaba iskuma xirna, mid kastaana wuxuu leeyahay sabab u gaar ah.”
Khubarada amniga internetka ayaa iyaguna sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in ciladahaasi xiriir leeyihiin. Waxay intaa ku dareen in dhibaatooyin badan ay u muuqdaan kuwo ka dhashay cusboonaysiinta nidaamyo tiknoolajiyadeed oo duugoobay.
Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa cilado waaweyn laga soo sheegay nidaamyada Microsoft, taas oo hakisay adeegyo kala duwan oo shirkaddu bixiso, oo uu ku jiro iimaylka. Sidoo kale, cilad farsamo ayaa sababtay in dhammaan duulimaadyada Mareykanka la hakiyo dhowr saacadood.
Dhibaatooyin kale ayaa laga soo sheegay nidaamyada Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka (NSA), bangiyo dhowr ah iyo shirkadda Apple.
Shirkad kasta iyo hay’ad kasta oo ay ciladuhu saameeyeen waxay sheegtay in dhacdadii ku timid aysan ka dhalan weerar dhanka internetka ah.
Hadalkan Rubio ayaa yimid saacado kaddib markii agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka, Jay Clayton, uu arrintan kaga hadlay wareysi uu siiyay telefishinka Fox News. Wuxuu sheegay in ciladahaasi aysan ka dhalan weerarro dhanka internetka ah.
Wuxuu sharaxay in hay’ado badan ay wax ka beddelayaan oo ay casriyeynayaan nidaamyadooda, taasina ay sababtay in adeegyada qaarkood ay hakad galaan.
Rubio ayaa sidoo kale la weydiiyay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ka walaacsan yahay in cabsida dadweynuhu ay keento in dadku badeecooyin kaydsadaan ama ay si degdeg ah lacagtooda ugala baxaan bangiyada, iyagoo ka baqaya ammaanka hantidooda.
Rubio oo qiray in walaacaasi jiro ayaa sheegay in sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo ay tahay in dowladda Mareykanku dadweynaha u sharaxdo xogta ay ka hayso dhacdooyinkan.
Milatariga Iran oo xaqiijiyay weerarka lagu qaaday saldhigga Cali Al-Saalim ee Kuwait
Xigashada Sawirka, WANA/Reuters
Qoraalka sawirka, Diyaaradaha dagaalka
Saacad kaddib markii ciidamada milatariga Kuwait ay ku dhawaaqeen in la hawlgeliyay nidaamyada difaaca cirka si ay uga hortagaan gantaallo iyo hub kale oo lagu soo weerarayay dalka, milatariga Iran ayaa soo saaray bayaan uu ku xaqiijiyay weerarrada, iyagoo sheegay in bartilmaameedku ahaa saldhigga Cali Al-Saalim ee Kuwait, kaasoo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka.
Bayaanka milatariga Iran oo la soo saaray subaxnimadii Arbacada ayaa lagu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka loo adeegsado, nidaamyada difaaca ee Patriot iyo goobaha laga rido diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay weerareen ciidamada Mareykanka ee saldhigga Cali Al-Saalim, iyagoo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn oo wax burburiya.
Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Annagoo difaacayna Iran, uma hoggaansami doonno awood kasta, Jawaabtayada ku aaddan khatar kasta ama gardarro kasta waxay noqon doontaa mid go’aan leh, burbur xooggan geysanaysa, isla markaana aan ku koobnaan doonin xuduud juqraafiyeed.”
Subaxnimadii Arbacada, digniinaha weerarrada cirka ayaa sidoo kale laga maqlay Baxreyn, iyadoo la soo sheegay qaraxyo dhowr ah.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in bartilmaameedka weerarradaasi uu ahaa nidaamyada raadaarka ee Mareykanka ee ku yaalla Baxreyn.
Shabakadda sirta ah ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka (NSA) oo muddo cilad ku timid
Xigashada Sawirka, NSA handout via Reuters
Qoraalka sawirka, .
Shabakad sir oo heerkeedu sarreeyo oo Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka (NSA) u isticmaasho isgaarsiinta gudaha ayaa muddo aan la cayimin shaqayn weyday maalintii Talaadada, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.
NSA, oo ah hay’adda sirdoon ee ugu weyn Mareykanka, ayaa sheegtay in cilad ku-meel-gaar ahi ay ku timid habsami u shaqaynta qaar ka mid ah nidaamyadeeda, xilli ay socdeen hawlo dayactir oo caadi ah, horayna loo sii qorsheeyay. Hase yeeshee, waxay xustay in awoodaha muhiimka u ah hawlgaladeeda aysan waxyeello soo gaarin.
Wararka ayaa sheegaya in ciladdu saamaysay shabakadda NSANet, oo ay saraakiisha hay’addu u adeegsadaan dirista iyo helista xogta sirta ah ee heerka ugu sarreeya.
Ciladdan ayaa timid xilli maalmihii u dambeeyay Mareykanka laga soo sheegay cilado farsamo oo isdaba joog ah, kuwaasoo saameeyay nidaamyada duulimaadyada, bangiyada iyo kaabayaasha kale. Mas’uuliyiintu dhammaan xaaladahaas waxay beeniyeen in ay ka dhasheen weerarro dhanka internetka ah ama arrimo dibadeed.
Afhayeen u hadlay NSA oo BBC-da qoraal u diray ayaa sheegay: “Inkasta oo ciladdu saamaysay qaar ka mid ah nidaamyada gudaha, haddana adeegyada muhiimka u ah hawlgaladeennu si buuxda ayay u shaqaynayaan, awooddayada difaaca amniga qarankuna way sii socotaa.”
Wuxuu intaas ku daray in kaabayaasha farsamo ee NSA loo qaabeeyay inay hawlgaladu sii socdaan xilliyada dayactirka la qorsheeyay ama marka ay dhacaan cilado lama filaan ah, iyadoo ay jiraan nidaamyo kayd ah oo dhowr heer ah.
Hay’addu ma aysan sheegin goorta ay ciladdu bilaabatay ama goorta la filayo in la xalliyo.
Dhowr warbaahin oo Mareykan ah ayaa sheegay in ciladdu aysan ka dhalan weerar dhanka internetka ah. Hase yeeshee, isku soo beeganka iyo isku xigxiga ciladaha saameeyay nidaamyada duulimaadyada iyo bangiyada Mareykanka ayaa soo jiitay dareenka dadweynaha.