TOOS , Trump oo sheegay in Iran ay toddobaadkan gaysatay weerarradii ugu badnaa iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaallo
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay toddobaadkii la soo dhaafay weerarro u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo tiradoodu ka badan tahay intii ay ridday toddobaad kasta oo kale sannadkii la soo dhaafay.
War deg deg ah, Maal-qabeen dhimashada ka dhuumanayay oo dacwad lagu soo oogay
Xigashada Sawirka, MONTGOMERY COUNTY COURT
Nin taajir ah oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa
gurigiisa hoostiisa ka qoday god weyn oo uu ka galo haddii uu dhoco weerar dhanka
Niyuukleerka ah, hase-yeeshee hadda isagii ayaa lagu furay dacwo dil ah, kadib
markii uu dhintay ninkii uu usoo kireystay in uu godkaas u qodo.
Ninkan oo lagu magacaabo Daniel Beckwitt oo 27 jir ah ayaa
qodayay godkan cabsi uu ka qabo weerar Niyuukleer ah oo adduunka ka dhaca
awgiis, balse ninkii godka u qodayay Askia Kafta oo 21 jir ahaa ayaa ku dhintay
godkii kadib markii uu gudaha godka dab ka kacay.
Booliiska ayaa Daniel ku eedeeyay dacayaad iyo beylah uu
ku sameeyay nafta bini'aadamka.
Godka oo dhirirkiisu dhanyahay 60 mitir ayaa ku yaalla
qaybta hoose ee guriga ninkan oo ku yaalla magaalada Washington.
Waxa ay booliiska sheegeen in markii dabka kacay uu ninkan
guriga ka baxsaday, balse uu ka gaabiyay in kooxaha gargaarka degdega ah uu u
sheego in qof kale meesha ku xayiranyahay.
War deg deg ah, Ilmo saqiir ah oo 14 saacadood ku hoos jiray dhisme dumay oo isagoo nool laga soo bad-baadiyay
Xigashada Sawirka, Ukraine State Emergency Service
Wiil toddoba jir ah ayaa laga soo badbaadiyay burburka
dhisme la degganaa oo ku yaalla magaalada Dymer, kaddib markii uu halkaas ku
xayirnaa muddo 14 saacadood ah, kaddib duqeyn cirka ah oo ay Ruushku ka
fuliyeen gobolka Kyiv, taas oo lagu dilay sagaal qof, sida ay sheegeen
mas’uuliyiinta Ukraine.
Weerarku wuxuu dhacay aroornimadii Axadda. Madaxa
maamulka gobolka Kyiv, Tymur Tkachenko, ayaa sidoo kale sheegay in haweeney 79
jir ah iyadana iyadoo nool laga soo badbaadiyay dhismaha dumay.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay
in saddex qof ay dhinteen, 13 kalena ay ku dhaawacmeen weerar kale oo shalay ka
dhacay magaalada Vyshneve ee isla gobolka Kyiv. Weerarkaas ayaa lagu qaaday
dukaan raashin.
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in wiilka laga soo
badbaadiyay magaalada Dymer uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, isla markaana
loola cararay isbitaal.
War deg deg ah, Dood adag oo ka dhalatay laba qof oo laga qabtay gudaha Mareykanka iyo hab-dhaqanka ICE
Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Xarigga laba muhaajiriin ah oo ay saraakiisha laanta
socdaalka Maraykanka ee ICE ka qabteen garoonka diyaaradaha Seattle-Tacoma,
xilli ay diyaarad u raacayeen Los Angeles, ayaa dhalisay caro iyo muran.
Labada qof oo u dhashay Mexico, Ricardo Larrando Mendoza
iyo Sofia Hernandez Mejia, ayaa loo xiray inay waqtigii fiisahooda dhaafeen.
ICE ayaa sheegtay in rakaab kale ay farageliyeen oo
weerareen saraakiisha markii Mendoza la xirayay. Waxay sidoo kale ku eedeysay
Mejia inay saraakiisha ku shubtay qaxwo kulul, taas oo keentay in lagu soo oogo
eedeyn weerar.
Shirkadda diyaaradaha ee Alaska Airlines ayaa sheegtay
inaan hore loogu wargelin in saraakiisha amnigu imaanayaan, waxayna ku
dhawaaqday inay baarayso dhacdada. Maamulka garoonka ayaa sidoo kale sheegay
inuu ka xun yahay wixii dhacay.
Qareenka labada qof ayaa sheegay inaysan lahayn wax
taariikh dembiyeed ah, isla markaana ay sharciga u hoggaansanaayeen. Qoyskoodu
wuxuu sheegay in saraakiisha ICE, oo dhar caadi ah xirnaa, aysan aysan aqoonsan
ka hor xarigga.
Guddoomiyaha gobolka Washington, Bob Ferguson, ayaa
cambaareeyay hab-dhaqanka ICE, isaga oo sheegay in hay'addu ay faraha ka baxday
oo waxa ay doontu sameynayso.
War deg deg ah, Cilmi-baaris Haddii aad habeenkii arrimahaan hurdada ku aragto-warbixintaan adiga ayay kaa hadlaysaa.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka ninku riyoodo (biyo baxo) inta uu hurdada ku jiro, khubaradu waxay xaaladdan ku tilmaamaan "riyo baraarug leh" (lucid dream). Rag badan way ka welwelaan arrintan, iyaga oo u arka calaamad hore oo tusinaysa in shahwadoodu yar tahay ama xitaa ay noqon karaan madhalays.
Dhakhaatiirtu waxay sheegayaan in biya baxa intaad hurdo ay tahay arrin caadi ah oo mar walba dhacda.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay leedahay marka wiilku gaaro da'da qaangaarnimada, heerka hormoonka ragga ee testosterone ayaa kor u kaca, taasoo keenta inuu riyoodo, xilliga hurdada.
War deg deg ah, Madaxweynihii ugu horreyay ee Hirshabeelle oo geeriyooday
Xigashada Sawirka, Hiiraan
Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle
Allaha u naxariistee waxaa dalka Masar ku geeriyooday madaxweynihii
hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, sida ay xaqiijiyeen
qaar ka mid ah eheldiisa. Waxaa la sheegay in muddooyinkii la soo dhaafay uu xanuusanayay.
Lixdan iyo dhowr jir ayuu ahaa.
Waxaa uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulka
Hirshabeelle lagu aasaasay isla markaana loo doortay 17-kii Oktoobar sannadkii
2016-kii.
Laakin markii dambe khilaaf ayaa hareyay dowladdii uu
hogaaminayay waxaa laga keenay mooshin lagu kala qayb samay oo xildhibaannadii
xilligaasi qaarkood ayaa xilka ka qaaday.
Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ahaa siyaasi xilal kala
duwan soo qabtay lana soo shaqeyay dowlado kala duwan.
Waxaana geeridiisa ka tacsiyay siyaasiin, qaar ka mid ah
hoggaamiyaasha Soomaaliya, iyo dad badan oo shacab ah.
War deg deg ah, Mareykanka oo ka cabsi qabta in Xuutiyiintu dhibaato u gaystaan muwaadiniintiisa Bariga Dhexe
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa mar kale
muwaadiniinteeda ku sugan Baxrayn kula talisay inay muujiyaan “taxaddar iyo
feejignaan heerka ugu sarreeya ah”, kaddib markii ay soo saartay digniin cusub
oo dhinaca amniga ah.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu Axaddii ku baahisay barta X,
ayay ku sheegtay in muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Baxrayn ay
feejignaadaan, sababo la xiriira khatarta sii kordhaysa ee weerarro hubeysan oo
ay geysan karaan Xuutiyiinta Iiraan taageerto iyo isku dayada Iiraan ay ku
beegsanayso mas'uuliyiinta iyo xarumaha dowladda Maraykanka ee gobolka.
“Dadka safraya waa inay u diyaar garoobaan digniino amni
oo degdeg ah, baajinta duullimaadyada, xiritaanka hawada iyo carqalado kale oo
ku yimaada isu-socodka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Iiraan ay weerarro ku
qaadday bartilmaameedyo Maraykanku leeyahay oo ku yaalla Kuwait iyo Baxrayn.
Waxay sidoo kale sheegtay in Xuutiyiinta ay Iiraan
taageerto ay weerarro ka geysteen Sacuudiga, kuwaas oo ay ku jiraan weerarro
lagu beegsaday garoomada diyaaradaha rayidka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka
ah.
Weerarradaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray
dad rayid ah, waxayna si weyn u carqaladeeyeen isu-socodka iyo gaadiidka.
War deg deg ah, Netanyahu iyo Eisenkot oo isku mari la' soo dhisitaanka xukuumad
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Xisbiyada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin
Netanyahu, iyo siyaasiga loollanku kala
dhexeeyo, Gadi Eisenkot, ayaa Axaddii soo afjaray wareeg cusub oo wadahadallo
ah, iyaga oo aan heshiis ka gaarin dhismaha dowlad wadaag ah.
Wufuud ka kala socotay xisbiga Yashar ee uu hoggaamiyo
Eisenkot iyo xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Netanyahu ayaa mar kale kulmay,
waxayna muddo afar saacadood ah ka wada hadleen arrimaha la xiriira dhismaha
dowladda. Kulankan ayaa daba socday wareeggii koowaad ee wadahadallada oo
dhacay Axaddii hore.
“Wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada dhismaha
dowladda wadaagga ah ayaa soo dhammaaday,” ayay labada xisbi ku sheegeen war ay
si wadajir ah u soo saareen. “Labada dhinac waxay soo bandhigeen oo ay ka wada
hadleen mowqifyadooda ku aaddan dhowr arrimood oo muhiim ah.”
Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulan kale la qaban doono,
balse lama cayimin waqtiga uu dhacayo, faahfaahin dheeraad ahna lagama bixin
wadahadallada.
Gadi Eisenkot, oo hore u soo noqday taliyaha guud ee
ciidamada milatariga Israa’iil, ayaa haysta illaa 6-da Diseembar si uu dowlad u
soo dhiso. Muddadaas waxaa loo kordhin karaa 14 maalmood oo dheeraad ah.
Isbahaysiga uu Eisenkot hoggaamiyo, oo haysta 48 kursi,
wuxuu u baahan yahay 61 kursi si uu aqlabiyad uga helo baarlamaanka. Hase
yeeshee, weli waxaa jira kala aragti duwanaansho ku saabsan qaabka loo dhisayo
dowladda.
Fursadaha horyaalla isbahaysigaas waxaa ka mid ah inuu la
shaqeeyo xisbiyada Yuhuudda diinta ku adag, inuu wadahadal la furo xisbiyada
Carabta ama inuu xukuumad midnimo qaran la dhiso xisbiga Likud.
Benjamin Netanyahu ayaa doonaya in la dhiso dowlad midnimo
qaran, taas oo xilka ra’iisul wasaaraha ay isaga iyo Eisenkot si is-beddel ah u
kala qaban karaan.
War deg deg ah, Trump oo qiray arrin Iraan ay sameysay toddobaadkan iyo sababta ay u dhacday
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in
Iran ay toddobaadkii la soo dhaafay fulisay weerarro iyadoo adeegsanaysa
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo tiradoodu ka badan tahay intii
ay ridday toddobaad kasta oo kale muddo ka badan hal sano.
Trump ma uusan soo xigan warbixin ama xog taageeraysa
sheegashadiisa, balse wuxuu arrintan ku xiriiriyay guushii Dimuqraadiyiintu ka
gaareen doorashooyinkii Aqalka Kongareeska iyo hoos u dhaca suuqa saamiyada
Maraykanka.
“Qof walba wuu xusuustaa inaan sameeyay daadaalin laba
ah oo ku saabsan doorashooyinkii xilliga dhexe ee 3-dii Nofeembar,” ayuu ku
qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.
“Saadaashaydii koowaad waxay ahayd in haddii
Dimuqraadiyiintu guuleystaan uu suuqa saamiyadu hoos u dhici doono, taasina way
dhacday. Saadaashaydii labaadna waxay ahayd in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee
Iiraan, oo ilaa hadda dishay 81,000 oo dibadbaxayaal ah, ay kordhin doonto
weerarradeeda, taasina iyaduna way dhacday,” ayuu yiri Trump.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa qoraalkiisa oo uu
baahiyay ku celiyay sheegashadiisa, isaga oo aan soo bandhigin warbixin cusub
ama xog caddeynaysa waxa uu sheegayo.
“Iiraan ayaa toddobaadkii la soo dhaafay adeegsatay
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ka badan intii ay ridday xilli
kasta oo kale muddo ka badan hal sano. Ha welwelina, dhammaantood waa la qabtay
ama hawada ayaa lagu burburiyay, waxyeellona ma geysan,” ayuu qoray.
Trump ayaa sheegay in sababta labadaas arrimood ay
tahay, sida uu aaminsan yahay, in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay Dimuqraadiyiinta u
arkaan kuwo tabar daran, aan wax ku ool ahayn isla markaana dalka burburinaya.