You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo sheegay in xabbad joojinta Lubaan iyo Israa'iil saddex toddobaad lagu kordhiyey, iyada oo aan weil xiisadda Iiraan iyo Maraykanka aan xal laga gaarin

Trump ayaa ku dhawaaqay in heshiiska xabbad-joojinta Lubnaan iyo Israa'iil in lagu kordhiyey sadex todobaad, isaga oo tilmaamay in "Maraykanku uu la shaqaynayo Lubnaan si uu uga caawiyo sidii ay isaga difaaci lahayd Xisbullah".

Tebin toos ah

  1. Shan waxbood oo ay dumarka marnaba rabin inay ragga u sheegaan

    Guurku waa muhiim, sababtoo ah waa waxa mideeya nin iyo xaaskiisa isla markaana uu ka bilowdo qoys, wuxuuna wataa barako badan sida carruur iyo qaar kaloo badan.

    Maalmahan, si kastaba, qoysas badan ayaa burbura sababo jira awgood, gaar ahaan is fahan waa labada qof ku timaadda.

    Dabcan waa inaysan sir kala qarsan lammaanaha, balse waxaa jira waxyaabo aan habbooneyn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda, si walba oo ay isu jecel yihiin.

    Bulshooyin badan oo Afrikaan ah ayaa waxay ku maahmaahaan, haddii aysan dheguhu wax maqleyn, wadnuhu ma caroodo. Annaguna haddii aan dooneyno inay nabad ka dhex jirto qoyska waxaa jiri kara caqabado badan, haweeneyduna waxaa laga doonayaa inay ka qeyb qaadato xallinta arrimahaas.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa shan arrimood oo aysan ahayn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda:

    1. Ha kala hadlin inta nin ee aad soo shukaansatay

    Waa inaadan seygaaga u sheegin amaba u faahfaahin inta nin ee ay sheeko kaala dhaxeysay kahor intaydaan is guursan.

  2. Markab kale oo diyaaradaha dagaalka xambaara oo ku sii siqaya Bariga Dhexe

    Markabka xambaara diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ee USS George H. W. Bush (CVN-77), ayaa ku soo dhowaanaya Bariga Dhexe, wuxuuna galay qaybta hawada ee taliska, sida laga soo xigtay CENTCOM".

    CENTCOM ayaa sawir soo dhigtay X-Net, sawirkaas oo muujinaya markab nooca Nimitz-class ah oo ku socda Badweynta Hindiya.

    Ma cadda in markabku uu ku biiri doono ciidamada hadda ka jira gobolka ama uu beddeli doono mid ka mid ah, taasoo ah arrin ay warbaahinta qaar ka ku warramayaan.

    Horay, CENTCOM, oo ah Taliska Dhexe ee Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa ku dhawaaqday in markabka diyaaradaha ee ugu weyn adduunka, USS Gerald R. Ford (CVN-78), uu wali ka shaqeynayo Badda Cas, isagoo taageeraya amniga badda ee Markabka Shanaad ee Mareykanka.

    Sidoo kale akhri

  3. Faahfaahin ka soo baxeysa ku dhowaad 20 dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyooday Algeria

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa ku dhowaad 20 dhalinyaro oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku geeriyooday badda u dhaxeysa Spain Iyo Algeria.

    Dhalinyaradan oo gaaraya ilaa 17 ayaa la sheegay inay geeriyoodeen 17-kii bishan April.

    “Waalidiin Soomaaliyeed oo ilmahooda raadinaya ayaa i soo wacay, kadib waxaan tegay labo isbitaal oo u dhow goobta uu shilka ka dhacay,isbitaalki ugu horreeyay hal qof oo dhalinyaro Soomaali ah ayaa talaagada ku jiray, isbitaalka labaadna waxaan kula kulmay 11 rag ah iyo shan gabdhood oo Soomaali ah, ayuu yiri Amb Yuusuf Jeego oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Algeria oo BBC-da u warramay.

    Soomaalidu keliya ma aha ee dad kale oo iyagana ka soo jeeda wadamada Afrika ayaa sidoo kale saarnaa doonta.

    Dhalinyaradan ayaa ku geeriyooday gobol la yiraahdo Abu Mardaas oo ka tirsan Algeria.

    Lama oga halkii ay ka soo kicitantay doonta qalibantay ito halka lagu aasi doono dhalinyartaas.

    Sawirada dhalinyarada geeriyooday waxaa laga heli karaa bogga wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayuu yiri wasiirka.

    Wadada u dhaxaysa Waqooyiga Afrika iyo Spain waa mid ka mid ah dhowrka waddo ee ay isticmaalaan dadka soogalootiga ah ee doonaya inay gaaraan Yurub, kuwaas oo inta badan ku safra doomo aad u buux dhaafiyay oo aan u qalmin inay badda maraan.

    Mas'uuliyiinta Aljeeriya weli ma aysan soo saarin faahfaahin buuxda oo ku saabsan musiibadii ugu dambeysay, oo ay ku jiraan tirada guud ee rakaabka saarnaa diyaaradda ama sida ay doontu u degtay.

  4. Trump oo la weydiiyay inuu hubka nukliyeerka u isticmaali doono Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uusan hubka nukliyeerka u adeegsan doonin Iiraan, isagoo sheegay in Mareykanka uu ku gaaray yoolkiisa milatari habab ku habboon.

    Trump ayaa yiri: "Maxaan ugu baahan doonaa taas?" markii weriye uu weydiiyay inuu hubka nukliyeerka u adeegsan doono Iiraan, isagoo su'aashaas ku tilmaamay "wax aan macquul ahayn."

    Wuxuu intaas ku daray: "Maxaan u isticmaali lahaa hubka nukliyeerka iyadoo aan horey u burburinay wax kasta oo aan awoodnay la'aantiis?"

    "Hubka nukliyeerka waa in aan marnaba loo isticmaalin cidna," ayuu yiri Trump.

    Sidoo kale akhri

  5. Maxaad ka taqaan kooxda ka awoodda badan Xamaas ee reer Israa'iil baqdinta ka muujiyeen? - warbixin hore

    Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ay beegsadeen fariisimo ay ciidamada Israa’iil ku lahaayeen beeraleyda lagu muransan yahay ee Shebaa, iyagoo sheegay in ay si wadajir ah u garab taaganyihiin shacabka Falastiin kadib weerarkii aan hore loo arag oo Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil.

    Xilligaasi Israa'iil ayaa ku jawaabtay madaafiic ay ku garaacday koonfurta Lubnaan. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

    Iyada oo ay taageerto Iran, kooxda shiicada ah ayaa ka soo dhex baxday koox la aasaasay intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Lubnaan ee 1975-kii illaa 1990-kii, waxayna noqdeen ciidan aad u hubaysan oo awood weyn ku leh dowladda Lubnaan. Dowlado uu Maraykanku kamid yahay ayaa waxay u arkaan urur argagixiso.

    Qoraal uu daabacay waregeys Israa'iili ah ayaa xaalad walaac leh ku tilmaamay xiisadda sii siyaasedysa ee uruka Xizbullah iyo Israa'iil oo dagaalo laxaad leh ay horay u dhexmareen.

    Asalka kooxda

    Ilaalada Kacaanka Iran ayaa aas aasay Ururka Xisbullah sanadkii 1982-kii, si ay u dhoofiyaan Kacaankeeda Islaamiga ah ayna ula dagaallamaan ciidamada Israa’iill ee duullaanka ku soo qaaday Lubnaan.

    Awoodda millitari

  6. Kanini ay Soomaalidu aad u isticmaasho oo la ogaaday inuu hoos u dhigo khataraha kansarka

    Nick James, oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada Ingiriiska oo ku jira sano afartanaad, ayaa bilaabay inuu ka walwalo caafimaadkiisa ka dib markii hooyadii ay u dhimatay kansar kadibna walaalkiis iyo qaraabo kale uu ku dhacay kansarka mindhicirka.

    Wuxuu qaatay go'aan ah in lagu sameeyo baaritaanka hidda-sidaha, kaa oo daaha ka qaaday in uu leeyahay hidde-side cilladaysan, oo la og yahay inuu keeno xaaladda loo yaqaano Lynch syndrome, xaalad si weyn u kordhisa khatarta ah inuu ku dhaco qofka nuuca kansarkaan.

    Si kastaba ha ahaatee, James wuxuu caawimo ka helay ilo aan la filayn markii uu noqday qofkii ugu horreeyay ee iska diiwaangeliya tijaabo caafimaad oo loogu talagalay in lagu go'aamiyo in qaadashada aspirin-ka ay ka hortagi karyo kansarka.

    Qiyaastii 80% dadka qaba Lynch syndrome waxay yeelan doonaan kansarka mindhicirka inta ay nool yihiin.

    Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda arrintaan waa ay anfacday James. "Waxa uu qaadanayey asbiriin iyada oo la kor joogteynayo muddo toban sano ah hadda, ilaa hadda, kuma uusan dhicin wax kansar ah," ayuu yiri John Burn, oo ah borofisar ku takhasusay hidde-sideyaasha kiliinikada ee Jaamacadda Newcastle.

  7. Ergeyga Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobe oo sheegay in xabbad-joojintu ahayn 100%

    Ergayga Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuusan hubin in xabbad-joojinta cusub ee la kordhiyay ay si buuxda u joojin doonto colaadda u dhaxaysa Israa’iil iyo ururka Xisbullaah ee ay taageerto Iiraan, kaas oo ka dagaallama Lubnaan.

    “Dowladda Lubnaan wax xakameyn ah kuma lahaXisbullaah” ayuu yiri Danny Dannon oo wareysi siiyay CNN.

    “Xisbullaah waxay ridaysaa gantaallo si ay u burburiso xabbad-joojinta, Israa’iilna waa in ay ka jawaabtaa, Mar kasta oo aan aragno hanjabaad, waan inaan tallaabo qaadnaa.”

    Hadalladiisa ayaa imaanaya kadib markii safiirrada Israa’iil iyo Lubnaan ee Mareykanka ay ku kulmeen Aqalka Cad, halkaas oo Trump uu ku dhawaaqay muddo kordhin saddex toddobaad ah oo lagu sameeyay xabbad-joojintii hore ee 10-ka maalmood ahayd.

    “Waxaan rajeynayaa… in ciidanka Lubnaan ay dhab ahaantii awood u yeeshaan inay hirgeliyaan oo ay dhaqan geliyaan xabbad-joojintan," ayuu yiri Danny Dannon

  8. Xisbullaah oo noqoneysa caqabadda ugu weyn ee is hortaagi karta heshiiska Lubnaan iyo Israa'iil

    Markii uu Donald Trump ku dhawaaqayey kordhinta xabbad-joojinta Israa’iil iyo Lubnaan waxa uu ku sugnaa miiska Resolute Desk ee ku yaalla xafiiska Oval, waxaana garabkiisa taagnaa madaxweyne ku xigeenkiisa iyo xoghayaha arrimaha dibadda, iyo sidoo kale safiiro ka kala socday Lubnaan iyo Israa’iil

    Dhammaantood waxa ay Madaxweynaha ku amaanayeen tallaabada taariikhda cusub ee uu sameeyey.

    In kasta oo ay arrin muhiim ah tahay, haddana xabbad-joojintu waxay weli u muuqataa isku day lagu joojinayo dagaalladii dib u qarxay markii Trump laftiisa uu Iiraan dagaal ku qaaday, isaga oo ay la jirto Israa’iil.

    Marka laga hadlayo rabitaanka in la gaaro nabad waarta oo u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan, arrintaasi waa mid qoto ballaaran una baahan in laga fakao in hub ka dhiigis lagu sameeyo ururka Xisbullaah ee ka dagaallama Lubnaan.

    Kooxdan ay taageerto Iiraan muddo dheer waxay ahayd awoodda ugu xooggan ee Lubnaan. Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka iyo Israa’iil waxay aaminsan yihiin in hadda ay daciiftay kooxda, kadib markii ay hoos u dhacday awoodda Iiraan sanadihii u dambeeyey, taasina ay abuurtay fursad lagu hub ka dhigi karo Xisbullah.

    Hase yeeshee, si ay dowladdu Lubnaan u sameyso dadaal noocaas ah, waxay u baahan tahay in waxyaabo badan isbeddel xoogan lagu sameeyo, tusaale ahaan in Israa’iil ay ka baxdo dhulka ay hadda haysato iyo in la helo dammaanad lagu joojinayo weerarrada Israa’iil, iyo sidoo kale taageero badan oo ka timaadda Washington si loo xoojiyo ciidamada rasmiga ah ee Lubnaan.

    Xisbullah waxay isu aragtaa inay tahay xoogga keliya ee hubeysan ee si dhab ah uga hortagi kara Israa’iil, waxaana suuragal ah in qorshe Maraykan ah oo ku salaysan cadaadis keliya oo aan lahayn dhiirrigelin uu kiciyo xiisado diimeed oo cusub gudaha Lubnaan, oo aan weligeed si buuxda uga soo kaban dagaalkii sokeeye ee burburka weyn sababay ee socday 15 sano.

  9. Xabbad joojinta Israa'iil iyo Lubnaan oo lagu kordhiyay saddex toddobaad

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xabad joojinta Israa'iil iyo Lubnaan lagu kordhiyay saddex toddobaad.

    Arrintaan ayaa dab socota sida uu ku sheegay Trump qoraal uu soo dhigay Social Truth kulan dhexmaray saraakiisha Israa'iil iyo Lubnaan ee Xafiiska Oval, isaga oo tilmaamay in ay goobjoog ka ahaayeen madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio.

    "Maraykanku waxa uu la shaqaynayaa Lubnaan si uu uga caawiyo sidii ay isaga difaaci lahayd Xisbullah," ayuu yiri Trump.

    Waxa uu sheegay in ay "sharaf weyn u tahay" in aan ka soo qayb gallo "kulankan taariikhiga ah" waxa uuna sheegay in uu rajaynayo marti galinta ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun mustaqbalka.

  10. Subax wanaagsan Akhriste

    Waxaad kusoo dhawaataa tebiteenna tooska ah ee saaka oo halkan innooga bilaaban doonta