Cabdikariin Axmed Mooge, ma isagaa doortay mise waa lagu qasbay in uu xilka banneeyo?

Xigashada Sawirka, Dawladda Hoose Hargeysa/Facebook
Duqii hore ee magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa xilka laga qaaday kadib mooshin ay gudbiyeen xubno ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa.
Inkastoo hore loo sheegay in xil ka qaadista lagu saleeyay arrimo shaqo, haddana dhacdadan ayaa timid xilli uu Cabdikariin hore u shaaciyey inuusan aqbalayn muddo korodhsi, islamarkaana uu xilka banneyn doono marka ay dhammaato muddadiisa sharciga ah.
Cabdikariin wuxuu hore u muujiyay mowqif cad oo ahaa inuusan doonayn inuu kursiga sii joogo waqti ka baxsan mudadii loo doortay, taas oo dad badan u fasirteen inuu ixtiraamayo nidaamka iyo isbeddelka maamulkam marka xilligiisu dhammaado.
Waxaana uu sheegay saaka: "Anigoo faraxsan ayaan saaka halkan imi, aniga oo faraxsanna saaka halkan waanka tagayaa. waxaanan Ilaahay ugu mahadnaqayaa in uu qalbigaya ka saaray in aan kursiga jeclaado."
Si kastaba, inkastoo uu hore u sheegay inuu xilka wareejin doono marka waqtigiisu dhammaado, haddana xilka kama uusan degin si iskiis ah wakhttigan, balse waxaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan golaha deegaanka, kuwaas oo doortay maayar cusub iyo ku xigeenkiisa, xilli eedo lagusoo oogay.Dhammaadka bishan ayaa la filayaa in Cabdikariin iska casilo xilka xubinnimada Golaha Deegaanka Hargeysa, isaga oo fulinaya ballankii uu hore u qaaday.













