Museveni oo markii 7aad mar kale xilka loo dhaariyey

Xigashada Sawirka, Government of Uganda/X
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni (81 jir), ayaa loo dhaariyay xilka markii toddobaad oo xidhiidh ah kadib markii uu si weyn ugu guuleystay doorasho muran dhalisay oo dhacday bishii Janaayo. T
aasoo sii kordhinaysa muddada uu xilka hayo, isaga oo ka sii mid ahaanayaa hoggaamiyeyaasha Afrika ee ugu muddada dheer ee xilka haya.
Amniga ayaa aad loo adkeeyey, gawaadhi gaashaaman, oo ay ku jiraan taangiyo ciidan, ayaa la geeyay magaalada caasimadda ah ee Kampala ka hor munaasabadda dhaarinta, si loo ilaaliyo ammaanka.
Khudbaddiisa dhaarinta, Museveni wuxuu sheegay in muddadan cusub ay tahay waqti “aan hurdo jirin”, isagoo ugu baaqay shacabka inay xoogga saaraan abuurista shaqooyin iyo kobcinta dhaqaalaha, isla markaana la sii dhiso horumarka 40‑kii sano ee la soo dhaafay.
Museveni ayaa lagu dhawaaqay inuu helay in ka badan 70% codadka, waxaana muddadiisu dhammaan doontaa 2031.
Si kastaba, mucaaradka ugu weyn, Bobi Wine, ayaa diiday natiijada, isagoo sheegay inay doorashadu ku dhacday musuq iyo wax isdaba marin. Saraakiisha doorashada ayaa beeniyay eedahaas.
Bobi Wine oo 44 jir ah, magaciisana rasmiga ah yahay Robert Kyagulanyi, ayaa dalka ka baxay kadib doorashada, isaga oo sheegay inuu ka baqayay in la beegsado.













