Trump on Iran: Ama waa in aan heshiis la galno ama gabi ahaanba waa la burburin doonaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay isagoo usii dhoofaya safar uu ku aadayay Shiinaha in uusan u baahnayn kaalmo ka timaadda dalkaas si loo soo afjaro dagaalka Iran.
Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu wadahadal faahfaahsan la yeelan doono madaxweynaha Xi Jinping kulankooda toddobaadkan.
Shiinaha ayaa ka mid ah saaxiibbada dhaqaale ee ugu muhiimsan Iran, waxayna iibsataa qayb weyn oo ka mid ah Shidaalka dalkaas, sidoo kale Beijing ayaa loo arkaa inay taageero muhiim ah siiso Iran.
Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay inuusan u baahnayn Xi Jinping si uu xal ugu helo khilaafka ka billowday laba bilood iyo bar kahor kadib weerar ballaaran oo Mareykanka iyo Israa’iil ay fuliyeen, kaasoo markii dambe gaaray xaalad hakad ah oo la xiriirta xakamaynta marinka maraakiibta ee Hormuz.
Wuxuu yiri: “Wax badan ayaan ka hadlaynaa. Run ahaantii, ma dhihi doono Iran waa mid ka mid ah, sababtoo ah Iran si buuxda ayaan u xakameynay.”
Wuxuu intaas ku daray: “Ama waan heshiinnaa ama si buuxda ayaa loo burburin doonaa.”
Iyadoo ay jiraan warar sheegaya in China ay sii waddo inay ka caawiso Iran hub iyo iibinta Shidaalka cunaqabataynta saaran, Trump wuxuu sheegay in Xi Jinping uu “si wanaagsan u dhaqmay.”









