You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Maraykanka iyo Iiraan waxay ka wada hadlayaan qabashada wareeg labaad oo wada-xaajood ah, iyo walaac ka taagan kordhinta xabad-joojinta

Maraykanka iyo Iiraan waxay ka wada hadlayaan qabashada wareeg labaad oo wada-xaajood ah, iyo walaac ka taagan kordhinta xabad-joojinta

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil oo hanjabaad diray xilli dedaallo nabdeed ay socdaan

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in inkastoo wadahadallo nabadeed ay la yeesheen Lubnaan, haddana ciidamada Israa'iil ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah Xisbullah, ayna ku dhow yihiin inay la wareegaan Bint Jbeil oo ku taal koonfurta Lubnaan, oo uu ku tilmaamay inay tahay xarunta ururka Xisbullaah.

    Muuqaal uu baahiyay Netanyahu wuxuu ku sheegay inuu faray militariga inay sii xoojiyaan aagga amniga ee koonfurta Lubnaan, halka wadahadallo ku saabsan heshiis nabadeed oo lala galayo Bayruut ay socdaan.

    "Wadahadalladani ma dhicin 40-kii sano ee la soo dhaafay. Hadda suurtagal ayay noqonayaan sababtoo ah waan xoog badannahay dalalkuna way noo imaanayaan, ma aha oo kaliya Lubnaan," ayuu yiri.

    Sida uu sheegay Netanyahu, Israa'iil waxay leedahay laba yool oo muhiim ah wadahadalladeeda Lubnaan: kan koowaad waa ciribtirka Xisbullaah kan labaadna waa nabad waarta, oo uu sheegay in lagu gaari doono "xoog."

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in ciidamada Israa'iil ay hadda diiradda saarayaan Bint Jbeil, oo uu ku tilmaamay caasimadda Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.

    "Waxaan ku dhownahay baabi'inta xaruntan weyn ee Xisbullah," ayuu yiri.

  2. Shiinaha oo shaaciyay mowqifkiisa Marinka Hormuz

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa ku boorriyay dhiggiisa Iiraan, Cabbaas Caraqji, inuu sameeyo dadaallo lagu soo celinayo hannaan maraakiibtu ay si caadi ah ugu gudbaan Marinka Hormuz.

    Wang wuxuu sheegay in iyadoo la ixtiraamayo lana ilaalinayo madax-bannaanida iyo amniga Iiraan ee Marinka Hormuz, ay sidoo kale tahay in la hubiyo xorriyadda iyo badbaadada maraakiibta ku safaraya marin-biyoodkaas.

    Wuxuu intaas ku daray in ay jirto dan guud oo loo qabo oo ah in marinka dib loo furo.

    Wang ayaa sidoo kale sheegay in Shiinuhu uu taageerayo ilaalinta xabbad-joojinta iyo dib u bilaabidda wada-hadallada.

  3. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay safiirka Israa'iil u magacowday Somaliland

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil oo ku saabsan magacaabista safiirkaoo Israa’iil u soo magacowday Somaliland.

    Soomaaliya ayaa sheegtay “in tallaabadan ay si cad u jebinayso madaxbannaanida, midnimada iyo amniga dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay si toos ah uga hor imaanayso qawaaniinta sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay, Mabaadi’da Aasaasiga ah ee Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo si cad u qeexaya in Soomaaliya ay tahay hal dal oo madax-bannaan oo aan la kala qaybin karin, xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay”.

    Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri: dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u diidaysaa isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb ka mid ah dhulkeeda oo ka baxsan awoodda dowladda. Gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan (Somaliland) weli waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dadaal kasta oo lagu muujinayo inuu yahay dal gaar ahna ma laha wax sal sharci ah, wuxuuna wiiqayaa is-afgaradka beesha caalamka".

    Safiirkan Israa'iil u soo magacowday Somaliland waxaa lagu magacaabaa Michael Lotem.

    Israa’iil ayaa bishii December ee sanadkii la soo dhaafay Somaliland u aqoonsatay dal madax bannaan, taasoo dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid. Somaliland qudheeda waxey sheegtay in ay wakiil u magacowday Israa'iil.

  4. War deg deg ah, Mareykanka oo qabtay markab wata calanka Iiraan

    Taliska Dhexe ee Maraykanka ee Centcom ayaa sheegay inuu qabtay markab xamuul ah oo wata calanka Iran, kaas oo isku dayay inuu ka baxsado xayiraadda ay saareen dhammaan maraakiibta galaysa ama ka baxaysa dekedaha Iran.

    Centcom waxay sheegtay in markabka la qabtay Talaadadii kadib markii uu ka baxay magaalada dekedda ah ee Bandar Abbas isla markaana uu ka gudbay marin-biyoodka Hormuz.

    Waxay intaas ku dartay in markabka ciidamada badda ee Maraykanka USS Spruance u uku guuleystay inuu leexiyo markabka”, kaas oo hadda dib ugu laabanaya Iran.

    Centcom waxay sidoo kale sheegtay inay hadda dib ugu celisay Iran 10 markab, ayna jirin wax markab ah oo jebiyay xayiraadda tan iyo markii la hirgeliyay Isniintii.

  5. War deg deg ah, Aqalka Cad oo ka hadlay halka wax marayaan hadda

    Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Karoline Leavitt ayaa la weydiiyay arrinta xabbad-joojinta Iran, waxayna sheegtay in wararka sheegaya in Maraykanku codsaday in si rasmi ah loo kordhiyo “aanay run ahayn”.

    “Waxaan weli si buuxda ugu hawlan nahay wadahadalladan,” ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in wada wadahadalku yahay “mid wax ku ool ah oo weli socda”.

    Marka laga hadlayo wararka sheegaya in la qorsheynayo wadahadallo fool-ka-fool ah, waxay tiri “wadahadalladaas way socdaan, balse wax rasmi ah ma aha ilaa aad naga maqashaan annaga Aqalka Cad”.

    “Waxaan ku qanacsanahay rajada heshiis la gaaro,” ayay Leavitt tiri, iyadoo ku dartay in ay “danta ugu wanaagsan ee Iran ku jirto” inay aqbasho dalabaadka Trump, taasoo ay sheegtay inuu si “aad ah” u muujiyay.

    Haddii wadahadallo dhacaan, waxay sheegtay inay “u badan tahay” in lagu qabto isla goobtii hore oo ah magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.

  6. War deg deg ah, Weerar kale oo toogasho ah oo Turkiga ka dhacay

    Ugu yaraan siddeed arday iyo hal macallin ayaa la dilay, dhowr kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii rasaas lagu furay dugsi ku yaalla koonfurta Turkiga, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mustafa Cifci.

    Dhacdadan ayaa ka dhacday Dugsiga Sare ee Ayser Calik ee ku yaalla deegaanka Kahramanmaras, halkaas oo Cifci uu sheegay in 13 qof oo kale ay sidoo kale dhaawacmeen, lix ka mid ahna ay xaaladdoodu aad u liidato.

    Qofka weerarka geystey oo 14 jir ahaa ayaa isna la dilay intii uu weerarku socoday, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

    Arrintan ayaa timid maalin kadib markii 16 qof ay ku dhaawacmeen weerar uu geystay arday hore oo rasaas ku furay dugsi sare oo kale oo ku yaalla isla koonfurta dalka, ka hor inta uusan is dilin.

    Sababta ka dambeysa weerarkii Arbacadaii weli lama oga, waxaana la bilaabay baaritaanno.

    Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in qofka weerarka gaystay oo la rumeysan yahay inuu arday ahaa, uu galay laba fasal isla markaana uu watay shan qori iyo toddobo qasnadood oo rasaas ah.Guddoomiyaha gobolka, Mukerren Unluer, ayaa ku eedeeyay in hubkaasi uu lahaa aabaha ardayga oo hore uga tirsanaa booliska.

  7. War deg deg ah, Xog ku saabsan wadahadalladii Iiraan iyo Mareykanka

    Maraykanka iyo Iiraan ayaa ka wada hadlaya qabashada wareeg labaad oo wada-xaajood ah, halka ciidanka Israa’iil ay ku dhawaaqeen in koonfurta Lubnaan ilaa wabiga Litani loo aqoonsaday “aag xabaddu aaney ka joogsan”.

    Mareegta The Wall Street Journal ayaa sheegtay in labada dhinac ay gaareen heshiis hordhac ah oo lagu qabanayo kulan, iyada oo aan la cayimin waqtiga ama goobta, halka Tehran ay sheegtay in “isbeddelka iyo is-khilaafka mowqifyada Maraykanka ay ka dhigayaan kalsoonida sii socoshada heshiis kasta mid caqabad wajaha.”

  8. War deg deg ah, Iiraan oo Washinton farriin u dirtay

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in dhammaystirka iyo xoojinta xabbad-joojin dhammaystiran oo ka hirgasha Lubnaan ay noqon doonto natiijada adkaysiga iyo halganka Xisbullaah iyo midnimada waxa loo yaqaan “xudunta iska-caabinta”.

    Qalibaf waxa uu intaas ku daray in Maraykanka ay waajib ku tahay inuu ixtiraamo heshiiska, isaga oo tilmaamay in “iska-caabinta iyo Iiraan ay yihiin hal jir, ha noqoto xilli dagaal ama xilli xabbad-joojin.”

    Wuxuu ugu baaqay Washington inay ka noqoto waxa uu ku tilmaamay “qaladka siyaasadda ee Israa’iil galisay.”