Booliiska Pakistan oo isu diyaarinayay wadahadal aan la xaqiijin oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhanka kale, booliiska caasimadda Islamabad ee Pakistan ayaa durba bilaabay diyaar garowga booqasho ay iman karaan wafdi shisheeye, inkastoo weli aan si rasmi ah loo xaqiijin wareeg labaad oo wadahadallo ah.
Booliiska taraafikada ee magaalada ayaa ku dhawaaqay inay xidhayaan dhammaan xarumaha gaadiidka ee Islamabad iyo magaalada deriska ah ee Rawalpindi muddo 10 maalmood ah, laga bilaabo 5 saac caawa ilaa 26-ka APril.
Gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha Rawalpindi, Islamabad iyo degmooyinka kale waa la joojin doonaa. Sidoo kale, booliiska taraafikada Islamabad ayaa mamnuucay in gaadiidka culus uu galo magaalada laga bilaabo 18-ka April.
Horaantii maanta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay inaysan jirin wax ku dhawaaqis rasmi ah oo ku saabsan wareeg labaad oo wadahadallo ah.
















