TOOS, Marco Rubio - Horumar ayaa laga sameeyay wada-hadallada Iran

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Syed Mohsin Naqvi ayaa Tehran kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araqchi.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Mareykanka oo diyara 5,000 oo askari oo dheeri ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku uu 5,000 oo askari oo dheeraad ah u diri doono Poland, toddobaad ka dib markii Pentagon-ka uu joojiyay qorshe uu dalkaas ugu diri lahaa 4,000 oo askari.

    Isagoo qoraal soo dhigay bartiisa Truth Social, Trump wuxuu sheegay in go'aanka uu ku salaysan yahay xiriirka Mareykanka uu la leeyahay Madaxweynaha Poland Karol Nawrocki, kaasoo uu taageeray xilligii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii hore.

    Madaxweynaha Mareykanka ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan in ciidamada dheeraadka ah ay qayb ka ahaayeen howlgalkii hore ee la qorsheeyay ama hawlgal ka duwan.

    Aqalka Cad ayaa toddobaadyadii u dambeeyay tilmaamayay inuu damacsan yahay, inay yareyso tirada guud ee ciidamada ka jooga Yurub, taasoo qayb ka ah ajandaheeda "America First".

    Horraantii bishan, Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu 5,000 oo askari ka soo saari doono Jarmalka, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Trump iyo raysal wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, oo ku saabsan dagaalkii Iiraan.

    Wasiirada arrimaha dibadda ee ka socda wadamada Nato ayaa Jimcaha ku kulmi doona Sweden, waxaana shirkaas ka qeyb geli doona Xoghayaha Arrimaha Dibadda. ee Mareykanka, Marco Rubio.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  2. Mararka qaar xusuuta ma kaa luntaa? hadaba cun cuntooyinkan iyo cabitaannadan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Marka laga fekero xusuusaha iyo cunnada waxaa kugu soo dhaceysa buuggii ahaa "Baadigoobka Waqtiga Lumay" ee uu qoray qoraaga u dhashay Faransiiska ee Marcel Proust, oo geeriyooday qarni ka hor, taariikhdu markii ay ahayd November 18, 1922.

    Waxyaabaha xusuustiisa carruurnimo soo kiciya waxaa ka mid ah doolsho la tiimbiyay shaah.

    Xusuusahaas lala xiriiriyo cunnada "waxay sameysmaan iyadoo aan wax ka beddel lagu sameyn," sida ay BBC Travel u sheegtay Susan Krauss Whitbourne, oo cilmu-nafsiga ka dhigtay Jaamacadda Massachusetts Amherst.

    "Waxay ku lug leeyihiin meelaha caadiga ah, ee aan hadalka lahayn ee maskaxda taasoo u gudbi karta iska warqabkaaga," ayay tiri.

    "Taasi waa sababta aad u bixin karto falcelinno qiireysan oo xooggan marka aad cunto cunno soo kicinaysa xusuusahaas qotada dheer.

    "Xitaa inkastoo aadan xusuusahaas erayo ahaan u beddeli karin, waad ogtahay inuu jiro 'shey' wax tegay ah oo ay cuntadaas soo kiciso. Xusuusta wax ka qoto dheer tahay cunnada qudheeda, waxyaabaha xiriirka la leh xusuustaas muddada dheer, sida goob amaba qof".

    Balse, xiriirkan ka dhexeeya cunnada iyo xusuusta, suurtogal ma tahay inay jiraan waxyaabo gacan ka geysta?

  3. Saddex waxyaabood ka ogoow gaariga mucjisada ah ee Trump

    The Beast

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, The Beast

    Marka madaxweynuhu keligiis yimaado oo uu safar galo, waxaa lagu galbiyaa gaari nooca raaxada ah oo ammaankiisu aad loo xaqiijiyey oo la yiraahdo Cadillac One.

    Gaarigan oo ah mid si gaar ah loonaqshadeeyay ama loo sameeyo waxaa loo yaqaan "Z Beast".

    Baabuurtan magacan looma siinin sabab la'aan. Hubka iyo qalabka difaaca ee ku jira ayaa sababay in magacaas loo bixiyo.

    Inta uu madaxweynuhu ku safrayo mid ka mid ah gawaaridan raaxada leh, gawaar kale ayaa ku hareereysan si aan loo garan gaariga uuuu madaxweynuhu saaran yahay.

    Labada gaari waxay isticmaalaan taargooyinka Washington DC — 800-0.

    Laanta sida gaarka ah ugu qaabilsan amniga amadaxwaynaha ee loo yaqaano Secret Service iyo shirkadda sameysa gawaaridan oo ah General Motors ma bixiyaan wax faahfaahin ah oo ku saabsan gawaaridan.

    Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah astaamaha ammaanka ee gawaaridan waa kuwa la yaqaan.

  4. Mojtaba Khamanei oo soo saaray amar ka xanaajin kara Trump

    .

    Xigashada Sawirka, TASNIM NEWS AGENCY

    Qoraalka sawirka, .

    Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa laba sarkaal oo sare oo Iiraan ah oo aan la shaacin magacyadooda, ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, uu amray in aan dalka laga dhoofin Yuraaniyamka uu dalku hodan ku yahay.

    Tallaabadan ayaa ka dhigaysa Tehran mid xoojinaysa mowqifkeeda ku aaddan mid ka mid ah dalabaadka ugu muhiimsan ee Mareykanka ee wadahadallada nabadda.

    Amarka Mojtaba Khamenei ayaa sidoo kale ka xanaajin kara Donald Trump sababo la xiriira caqabado markii horeba ka taagnaa wadahadalladii iyo dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa'iil iyo Iiraan.

    Mas'uuliyiinta Israa'iil ayaa u sheegay Reuters, in Donald Trump uu Israa'iil u xaqiijiyay in kaydka Yuraaniyamka ee aadka loo tayeeyay ee Iiraan, oo u dhow heerka loo isticmaali karo in lagu sameeyo hubka nukliyeerka, laga saari doono Iiraan, iyo in heshiis kasta oo nabadeed uu ku jiro qodob ku saabsan arrinta Yuranimyamka.

    Ilaa hadda, ma jiro wargeys dawladeed oo Iiraan ah oo daabacay macluumaadkan.

    Sidoo kale akhri

  5. Dibi lagu naanayso "Donald Trump" oo xiddig ka noqday baraha bulshada

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Marka ay soo dhowaanayaan maalmaha Ciidul-Adxaa, suuqyada xoolaha waa la qurxiyaa waxaana sii kordha ciriiriga dadka doonaya inay iibsadaan xoolaha lagu qalo.

    Xaaladdan oo kale, xoolo badan ayaa noqda kuwo caan ah—qaarkood qiimahooda awgiis, halka kuwo kalena caan ku noqdaan cabbirkooda iyo astaamahooda jireed.

    Bangladesh, maalmahan, xoolo loo diyaariyay qurbaan ayaa si weyn u caan baxay sabab la xiriirta magaca loo bixiyay, iyadoo dad badani ay saf ugu jiraan inay sawirro la galaan.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, dibigan albino-ga ah ee leh timo dahab ah ayaa loogu bixiyay magaca "Donald Trump" sabab la xiriirta timihiisa.

    Milkiilaha xoolahaas oo 37 jir ah, Ziauddin, ayaa sheegay in walaalkiis uu u bixiyay magaca madaxweynaha Maraykanka sababo la xiriira timaha gaarka ah ee dahabiga ah isagoo miisaankiisu yahay 700 kiiloogaraam.

    Ziauddin ayaa AFP u sheegay isagoo jooga beertiisa oo ku taalla degmada Narayanganj ee u dhow caasimadda Dhaka: "Walaalkay yar ayaa u bixiyay magacaas sabab la xiriirta timahiisa aan caadiga ahayn."

    Waxaa kale oo uu intaas ku daray in bishii May ay dad badan si joogto ah u imanayeen si ay u arkaan dibigan.

  6. Baasaboorrada ugu awoodda badan 2026

    Tusmada ugu dambeysay ee tilmaanta Baasaboorka Henley ayaa muujinaysa waxqabadka guud ee baasaboorrada, gaar ahaan baasaboorrada Afrika, marka la eego socdaalka caalamiga ah.

    Dalal badan oo ku yaal Afrika ayaa lagu kala darajeeyay heerar kala duwan, qaar ka sarreeya kuwa kale inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho dhab ah oo dhinaca dhaqaale iyo siyaasadeed ah.

    Sida lagu sheegay warbixintan, qaar ka mid ah baasaboorrada Afrika ayaa helay darajooyin wax yar ka wanaagsan marka loo eego sannadkii hore, taasoo muujinaysa horumar yar oo laga sameeyay helitaanka safarro aan fiiso lahayn ama fiiso lagu helo marka la yimaado.

    Darajooyinka baasaboorrada Afrika ayaa isbeddello waaweyn soo maray sannadihii la soo dhaafay, iyadoo qiimahooda kor u kacay 2000-meeyadii, balse si lama filaan ah hoos ugu dhacay horraantii 2020-meeyadii.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  7. Saddex arrimood ka ogow magaalada ay Somaliland ka furaneyso safaaradda

    Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa shaacisay in safaarad ay ka furaneyso magaalada Qudus oo ay isku heystaan Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.

    Qoraal uu barta X soo dhigay safiirka ay Somaliland u magacowday Israaiil Maxamed Xaaji ayaa lagu sheegay in dhowaan ay Somaliland safaarad ka furaneyso Qudus, taas beddelkeedana ay Israa'iil ka fursaneyso magaalada Hargeysa.

    "Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland laga furi doono Quddus – safaaradda mar dhow ayaa la furi doonaa, halka sidoo kale Israa'iil ay ka furan doonto safaaraddeeda Hargeysa, taasoo ka tarjumaysa saaxiibtinnimada sii kordheysa, is-ixtiraamka, iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada shacab." Ayaa lagu yiri qoraalka.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  8. Nin ku dhawaad 20 sano dambi uusan gelin xabsi ugu jiray

    Andrew Malkinson ayaa ugu baaqay dowladda in ay soo farageliso, arrinta ku saabsan in laga codsaday inuu bixiyo lacagihii ku baxay adeegyadii qareennimo ee loo sameeyey markii ay socotay dacwaddiisii xilli uu ku xunnaa kufsi uusan gelin.

    Waxaa kale oo uu ka baqayaa in lagu soo rogo lacago gaaraya £10,000 oo loogu talagalay sharci-yaqaannadiii ka caawiyey dacwaddiisii guulaysatay ee maxkamadda, isaga oo ku tilmaamay dalabka lacag-bixintaas 'bakhaylnimo'.

    "Waxaan u malaynayaa in tani ay tahay arrin uu Xoghayaha Cadaaladda David Lammy ku xallin karo saxiix qalin oo keliya si fudud," ayuu u sheegay barnaamijka Today ee BBC Radio 4.

    Malkinson ayaa xabsi ku jiray in ka badan 17 sano, kadib markii lagu soo eedeeyey weerar arxan-darro ah oo ka dhacay 2003 gudaha Greater Manchester, taas oo noqotay mid ka mid ah gefafkii ugu xumaa ee caddaalada taariikhda Ingiriiska

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  9. War deg deg ah, Hoggaamiye mucaaradka Turkiga oo shaqo joojin lagu sameeyay

    Özgür Özel

    Xigashada Sawirka, BBC TÜRKÇE

    Qoraalka sawirka, Özgür Özel

    Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa amar ku bixisay in shaqada laga joojiyo hoggaamiyaha hadda ee xisbiga mucaaradka ugu weyn dalkaasi. Tani waa go’aankii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsanayo xisbiga CHP, kaas oo wajahaya eedeymo badan oo uu xisbigu sheegay inay yihiin kuwo siyaasadaysan.

    Amarkan ayaa ka dhigan in hoggaamiyaha hadda ee xisbiga, Özgür Özel, shaqada laga joojin doono, halka hoggaamiyihii hore, Kemal Kılıçdaroğlu, uu si ku meel gaar ah xilka ula wareegi doono.

    Go’aankan wuxuu la xiriiraa dacwad sharci ah oo laga gudbiyay shirkii guud ee xisbiga ee sanadkii 2023, kaas oo lagu doortay Özel.

    Waxaa la filayaa in racfaan laga qaato go’aankaas. Özel ayaa ugu yeeray dhammaan xubnaha baarlamaanka ee xisbigiisa inay isugu yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga si loo qabto kulan degdeg ah.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  10. Gabdho uu kufsaday Sheekh Qur'aan saarayey

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, .

    Digniin: Maqaalkani waxa uu xambaarsan yahay sharraxaad ku saabsan faraxumayn, gogol-dhaaf qasab ah iyo erayo kale oo laga yaabo in dadka qaar ay dhibto

    "Aria" waxay ahayd 13 jir markii uu faraxumeeyay imaam u sheegay inuu "daawayn" u samaynayo.

    Cabdul Xaliim Khaan oo ahaa wadaad dhanka diinta aad loogu qadariyo masaajid ku yaalla Bariga London ayaa gabdhaha yaryar iyo waalidkood u sheegi jiray inay u baahan yihiin "daawayn" looga saarayo "ruuxaanta ama jinka noociisa xun".

    Gabar kasta marka uu ula dhaqmo si aan wanaagsaneyn waxa uu u sheegi jiray in aysan cidna la wadaagin, isaga usii raacin jiray laga yaabo in qaar kamid ah qoyskeeda ay waxyeello soo gaari karto.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  11. Dad caraysan oo gubay isbitaal uu ku jiray maydka qof looga shakiyay inuu ku dhacay Ebola

    DR Congo

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, DR Congo

    Dad careysan ayaa dab qabadsiiyay isbitaal ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kadib geerida bukaan looga shakiyay inuu qabay cudurka Ebola.

    BBC-da ayaa fahamsan in qaraabada bukaanka ay xoog ku galeen xarunta caafimaadka oo ku dhow magaalada Bunia, kadib markii shaqaalaha caafimaadku ay diideen in lala baxo meydka bukaanka.

    Intii uu qalalaasuhu socday, lix bukaan ayaa baxsaday, kuwaas oo saddex kamid ah si rasmi ah looga xaqiijiyay inay qabaan Ebola.

    Shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Rwampara ayaa hadda ku jira ilaalin militari, iyadoo boolisku isku dayayaan inay dib u soo celiyaan kala dambeynta.

    Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in cudurka dillaacay uu dilay in ka badan boqol iyo konton (150) qof, halka in ka badan lix boqol (600) oo kiis oo looga shakisan yahay lasoo sheegay.

    (Hore, kooxda fallaagada ah ee M23 ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola ee gobolka South Kivu, taas oo sare u qaaday cabsi laga qabo faafitaanka fayraska ee meelaha ay colaadaha hubeysan ka jiraan.)

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  12. War deg deg ah, Cristiano Ronaldo oo ugu dambayn ku guulaystay koobka Saudi Pro league

    Ciyaartooyda Alnassr oo dabaal degaya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciyaartooyda Alnassr oo dabaal degaya

    Ciyaaryahan reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa soo afjaray abaartii ka haysatay dhanka koob la’aanta, kadib markii ciyaar kooxdiisa ay la yeelatay Damac ay kaga adkaadeen 4:1, taasi oo 86 dhibcood ugu suurtagalisay in ay koobka Saudi Pro League ay ku qaadaan.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  13. War deg deg ah, Horumar ayaa laga sameeyay wada-hadallada Iran - Marco Rubio

    Marco Rubio

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Marco Rubio

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa Khamiistii sheegay inuu rajo ka qabo in booqashada taliyaha ciidanka Pakistan ee Iran ay horumar u horseedi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka, isagoo xusay in horumar laga sameeyay wada-hadallada.

    Rubio ayaa wariyeyaasha u sheegay inuu ka warqabo in saraakiil Pakistani ah ay maanta u safri doonaan Tehran.

    Wuxuu sheegay inuu rajaynayo in tani ay sii dardargelin doonto wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sidoo kale mar kale dhaleeceeyay NATO, isagoo ku eedeeyay inaanay taageero siin dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah Iran.

    Wuxuu wariyeyaasha u sheegay in Donald Trump “uusan ka codsanayn inay diraan diyaaradaha dagaalka, balse ay diidan yihiin inay wax kasta qabtaan. Arrintaas aad ayaan uga niyad-jabsanahay.”

    SII AKHRI WARBIXINO KALE