Iraan:Axdiga Qaramada Midoobay ma aqoonsana fikradda dagaalka lagama maarmaanka ah
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in weerarkii Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iran iyo dagaalkii ka dhashay ay ahaayeen “xadgudub cad” oo ka dhan ah Axdiga Qaramada midoobey.
Farriin uu ku qoray barta bulshada ee X kuna socotay Madaxweynaha Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, Ismail Baghaei ayaa ku yiri: “Axdiga Qaramada Midoobay ma aqoonsana fikradda ‘dagaal lagama maarmaan ah’ oo siinaysa Maraykanka xaq uu xoog ugu adeegsado dal madax-bannaan iyadoo lagu saleynayo go’aanno aan sharciyeysneyn oo ay gaareen kuwa gardarrada wada.”
Madaxweynaha Jarmalka ayaa dhawaan ka hadlay dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil, iyo Iran. Wareysi uu siiyay podcast Jarmal ah ayuu ku sheegay in dagaalkii dhawaan lala galay Iran uu ahaa mid aan loo baahnayn islamarkaana laga hortegi karay.
Isagoo ka jawaabaya hadalladaas, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa maanta yiri: “Weerarka Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran lama yareyn karo ama dib looguma qeexi karo si fudud inuu ahaa ‘dagaal aan loo baahnayn.’”














