TOOS, Iiraan: Ma jiraan qorshayaal lagu booqanayo xarumaha waxyeelladu soo gaartay ee Nukliyeerka

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay:“Ma jiro qorshe ay IAEA ku kormeerto xarumaha Iran ee ku waxyeelloobay duullaankii militari ee Maraykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda"

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xoghayaha Dhaqaalaha Mareykanka: Hay’ad ayaa laga dhisi doonaa Qatar si ay ula socoto lacagta Iran

    Scott Bessent

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Scott Bessent

    Isaga oo tix-raacaya hadallada Trump, Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka ayaa adkeeyay in “qayb weyn” oo ka mid ah hantida Iran ee la xayiray loo adeegsan doono in lagu iibsado cunto iyo dawo laga keeno Maraykanka, xilli saraakiisha Maraykanku ay sheegeen inay iyagu go’aamin doonaan halka lacagta lagu bixinayo.

    Scott Bessent ayaa u sheegay CNBC in Wasaaradda Maaliyadda Maraykanku ay yeelan doonto xafiis hawlgal ah oo ku yaal Doxa si uu u kormeero lacagahaas.

    Donald Trump ayaa sheegay in qaar ka mid ah lacagta Iran “la fasixi doono” si looga iibsado beeralayda Maraykanka galley, Qamadi, Digir iyo dalagyo kale.

    Wuxuu yiri:“Iran si aad ah ayay (Iran) ugu baahan tahay cunto, waxaana si gaar ah uga iibin doonnaa Maraykanka.”

    Dhanka kale, Iran ayaa beenisay in lacagta uga iibsan doonto cunno beeraleydaMareykanka ama dawooyinka Maraykanka ah.

  2. Israa'iil oo mar kale duqeysay Lubnan

    Warbaahinta dowladda Lubnan ayaa sheegtay in laba qof lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil gaari ku sugnaa koonfurta Lubnaan.

    Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa weerarka ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah xabbad-joojinta.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay beegsadeen laba “xubnood oo hubeysan oo ka tirsan Xisbullah” oo ku sugnaa agagaarka Nabatieh.

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in dadkaas ay khatar ku ahaayeen ciidamadooda, waxayna carrabka ku adkeeyeen in ay sii wadi doonaan “baabi’inta khatarta”.

    Dhanka kale, Maxammad Baqer Qalibaf, oo ah madaxa wada-hadallada Iran ee la xiriira Maraykanka, ayaa maanta sheegay in joojinta dagaalka Lubnaan ay la mid muhiim u tahay sida joojinta dagaalka Iran.

  3. Trump: Kormeerayaasha Maraykanka waxay booqan doonaan Iiraan iyaga oo la socda kormeerayaasha IAEA

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Donald Trump ayaa sheegay in kormeerayaal Maraykan ah, oo ay weheliyaan kormeerayaasha hay'adda IAEA, ay booqan doonaan xarumaha nukliyeerka ee Iran.

    Wuxuu u sheegay Fox News:“Waxay galaan heshiis, way qoraan, dabadeed way ka baxaan — taasina ma aha run.”

    Wuxuu adkeeyay in Iran ay oggolaatay kormeerka ka socda hay'adda quwadda atoomikada ee Qaramada Midoobey ee IAEA.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin qorshe degdeg loogu dirayo kormeerayaasha.

    Agaasimaha guud ee IAEA, Rafael Grossi, ayaa maanta sheegay—isagoo aan cayimin waqti—in kormeerayaashu ugu dambayn ay tagi doonaan Iran si ay u kormeeraan xarumaha nukliyeerka.

    Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa beenisay heshiiska sheegaya in IAEA ay kormeeri doonto.

    Saacado ka hor, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iran ayaa bartiisa X ku qoray:“Ma jiraan qorshayaal lagu gelayo xarumaha la weeraray mana jiro wax agab nukliyeer ah.”

  4. Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

    Xoghayaha difaaca Pete Hegseth

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha difaaca Pete Hegseth

    Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada ee Golden Dome for America, sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Dagaalka Pete Hegseth, isagoo sheegay in tijaabadu ay si weyn u guulaysatay.

    “Maanta, tijaawabdii ugu horreeyey ee Golden Dome for America (GDA) ayaa guul buuxda laga gaaray— aniguna waxaa sharaf ii ah inaan si toos goob-joog uga ahaa,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

    Waxaa uu intaa ku daray: in gantaalkan uu si qummati ah oo iskiis ah u calaamadeeyey, u bartilmaameedsaday, una baabi'iyey khataro badan oo soo fool-lahaa".

    Inkastoo faahfaahinta aan weli la shaacin, Golden Dome waxaa la filayaa inuu ka koobnaado shabakad aad u ballaaran oo ka kooban dareemayaal , qalb sameeya raad-raaca, iyo nidaamyo qabta oo baabi’iya khataraha , kuwaas oo loogu talagalay in ay burburiyaan khataraha ka hor inta aysan gaarin dhulka Maraykanka.

    Nidaamkan ayaa la filayaa inuu difaaco oo uu daboolo dhulka Maraykanka oo dhan, oo ay ku jiraan Alaska iyo Hawaii.

    Hegseth ayaa sheegay inuu si toos ah uga qaybgalay tijaabo “taariikhi ah” oo lagu sameeyay nidaamkaas kaas oo lagu qiyaasay inuu ku kici doono $1.2 tirilyan muddo 20 sano ah — wuxuuna sheegay in tijaabadu ay ahayd “ mid si buuxda loogu guulaystay.

  5. Trump: Iran waxay sheegtay inuusan lacag ka qaadi doonin maraakiibta maraaysa Hormuz

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay u sheegtay Maraykanka inaysan wax lacag ah ka qaadi doonin maraakiibta mara Marin-biyoodka Hormuz.

    Madaxweynaha ayaa ku qoray bartiisa Truth Social:“Iran waxay Maraykanka ku wargelisay in, si ka duwan wararka walaaca leh ee ay faafinayaan warbaahinta been-abuurka ah, aan wax lacag ah, khidmad caymis ama lacag kale toona laga qaadi doonin maraakiibta ka gudbaya Marin-biyoodka Hormuz," ayuu yiri rump

    “Maraykanku wax lacag ah ma siin Iran mana fasixi doono hantida Iran,waxaan sii dayn doonaa qayb ka mid ah lacagaha Iran oo si buuxda gacanteenna ugu jira si loogu iibiyo galley, qamadi, digir iyo badeecooyin kale oo laga soo iibsanayo beeralayda iyo xoolo-dhaqatada Maraykanka.”

    Trump ayaa intaas ku daray:“Iran si ba’an ayay ugu baahan tahay cunto, waxaana si gaar ah uga iibin doonnaa Maraykanka.”

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa maanta mar kale sheegay in “qayb weyn” oo ka mid ah hantida Iran ee la xayiray loo isticmaali doono “cunto iyo dawo”.

    Kadib kulankii ugu horreeyay ee Maraykanka iyo Iran ku dhex maray Switzerland, Iran waxay sheegtay in hantideedii la xayiray ama la xaddiday la fasixi doono, waxayna beenisay inay ka iibsan doonto wax-soo-saarka beeraha Maraykanka.

    Sida ku cad heshiiska u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, Iran wax lacag ah kama qaadi doonto maraakiibta mara marin-biyoodka muddo 60 maalmood ah.

    Iran waxay sheegtay in muddadaas ka dib ay lacag ka qaadi doonto “adeegyada” la xiriira hagidda maraakiibta, amniga iyo ilaalinta deegaanka, iyadoo taas lagu salaynayo heshiis ay la leedahay Cumaan.

    Sidoo kale akhri

  6. Pakistan: Wadahadallada farsamada ee Iran-Mareykanka ayaa dib u bilaaban doona toddobaadka dambe

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ay dib u bilaaban doonaan toddobaadka soo socda, "waxayna u badan tahay Talaadada."

    Goobta lagu qaban doono wada-hadallada lama shaacin.

    Kadib markii ay Axaddii soo dhammaadeen wada-hadalladii heerka sare ahaa, saraakiil sare oo Iran iyo Maraykan ah ayaa ka baxay Switzerland, balse wafdiyada farsamada ayaa sii waday wada-hadallada Isniintii.

    Isagoo Talaadadii ku dhawaaqay dhammaadka wareeggii koowaad ee wada-hadallada farsamo, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa Talaadadii sheegay in wada-xaajoodayaashu ay go'aansadeen inay sameeyaan afar kooxood oo shaqo oo ku saabsan "yaraynta cunaqabataynta", "arrimaha nukliyeerka", "dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha", iyo "kormeerka iyo hirgelinta".

    Kooxaha shaqada ee farsamada ayaa la filayaa inay mas'uul ka noqdaan dabagalka faahfaahinta farsamo ee isfahamka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.

    Sidoo kale akhri

  7. Hay’adda Duulista Yurub oo ku boorrisay shirkadaha diyaaradaha inay sii wadaan taxaddarka marka ay ka duulayaan hawada Bariga Dhexe

    Hay’adda Badbaadada Duulista Hawada ee Yurub (EASA) ayaa kordhisay digniinta ku saabsan in taxaddar dheeraad ah laga muujiyo duulimaadyada mara hawada dalalka Bariga Dhexe ilaa 1-da July Arbacada soo socota.

    Sida ay hay’addu sheegtay, inkastoo uu jiro isfaham u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, haddana inta ay jirto suurtagalnimada in xabbad-joojinta la jebiyo, waxaa lagama maarmaan ah in si taxaddar leh loogu duulo guud ahaan gobolka.

    Hay’adda Badbaadada Duulista Hawada ee Yurub (EASA) ayaa si gaar ah uga digtay suurtagalnimada jebinta muddada-gaaban ee xabbad-joojinta ee ka dhici karta aagga Marinka Hormuz iyo hawada ku xeeran.

    Hay’adda badbaadada duulista ayaa sidoo kale carrabka ku adkaysay in isla heerka digniinta ahi ay ka jirto Lubnaan.

    Waxay ugu baaqday dhammaan hawl-wadeennada duulista inay sameeyaan hubinno amni marka ay ku duulayaan hawada Baxrayn, Kuwait, Israa’iil, Urdun, Qatar, Cumaan, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya.

    Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Iran, waxaa gobolka ka jiray carqalado ballaaran oo ku yimid duulimaadyada.

  8. Iran: Ma jiraan wax qorshe ah oo lagu geli doono goobaha Nukliyeerka

    Kazem Gharibabadi

    Xigashada Sawirka, Anadolu Agency via Getty

    Qoraalka sawirka, Kazem Gharibabadi

    Wasiirka ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa mar kale beeniyay inuu oggolaaday in Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) ay kormeerto xarumaha nukliyeerka ee waxyeelladu gaartay iyo agabka nukliyeerka.

    Mr Gharibabadi ayaa bartiisa X ku qoray:“Switzerland wax kulan ah lagulama yeelan Rafael Grossi, inkastoo uu codsaday,sidoo kale ma jiraan qorshayaal lagu galayo xarumaha la weeraray, mana jiro wax agab nukliyeer ah oo halkaas yaalla.”

    Isagoo ka jawaabaya hadalladii uu maalmihii la soo dhaafay sheegay Donald Trump iyo ku-xigeenkiisa J.D. Vance, ayuu qoray:“Ma raaci kartaan siyaasad ah ‘samee oo tuur’ oo lagu laray buunbuunin warbaahineed.”

    Saacad ka hor qoraalka Gharibabadi, madaxa IAEA, Rafael Grossi, ayaa sheegay in la filayay in dib loo bilaabo kormeerka xarumaha nukliyeerka ee Iran, balse ma uusan sheegin waqti cayiman.

    Grossi oo ku sugnaa Japan ayaa wariyeyaasha u sheegay in isfahamka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran uu si cad u dhigayo in hawlaha nukliyeerka:“Ay hoos iman doonaan kormeerka Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada.”

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay:“Ma jiro qorshe ay IAEA ku kormeerto xarumaha Iran ee ku waxyeelloobay duullaankii militari ee Maraykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda, mana jiro siyaasad arrintaas ku saabsan.”

  9. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

    "Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.

    Faaliga ama dhan qalalka waxaa uu ka mid yahay saddexda xanuun ee bini’aadamka ku dhaca ee loo dhinto, wuxuu kaloo kaalinta labaad ka gala xanuun kasta oo ku dhaca bini’aadamka ee curyaanimada uga taga

    Qiyaasaha ayaa muujinya in cudurka Faaliga uu in kabadan 12 milyan oo qof uu caalamka aafeeyo sanadkiiba.

  10. Muxuu yahay hubka uu dalkan Muslimka ah samaysatay ee aan dunida laga heysan?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Milatariga casriga ah ee waddamada caalamka waxay qalabkooda ka saareen hub aad muhiim u ah oo la isticmaali jiray waa hore.

    Waa nooc ka mid ah taangiyada oo lagu tilmaamay in ay yihiin hub laga gudbay, balse miliyeriga Pakistan ayaa go'aansaday in uu dib u casriyeysto hubkaas.

    Labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay Pakistan ku mashquulsanayd dib u casriyeynta taangi lagu magacaabay Al-Khalid.

    Muxuu yahay Al-Khalid?

    Dowladda Pakistan waxa ay maalgelin wayn ku sameysay labo nooc oo ka mid ah taangiyadaas oo lagu guulaystay in si buuxda loo hormariyo.

    Labada noocba waa isla taangiga Al-Khalid.

    Warshad hubka farsamaysa oo ku taalla gudaha Pakistan ayaa taangiyadaas casriyaysay iyadoo taageero ka heleysa Shiinaha iyo Ukraine.

    Labadaas nooc ee hubka ah waxaa hadda lagu soo kordhiyay liiska qalabka ugu muhiimsan ee ay adeegsanayaan militeriga Pakistan.

    Al-Khalid waxa uu ka mid yahay gawaarida culus ee ku fiican dagaalka gacanta la iskula tago, waxaana aad loo adeegsan jiray 1990-meeyadii.

  11. War deg deg ah, Xogo laga helayo in ciidanka Lubnaan lagu wareejiyo dhul ay hadda Iisraa'iil gacanta ku hayso

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay, in Israa'iil iyo Lubnaan ay ka fiirsanayaan mashruuc tijaabo ah oo uu dabada ka riixayo Mareykanka, kaas oo ciidamada Israa'iil ay viidamada Lubnaan ku wareejin doonaan maamulka qaybo ka mid ah koonfurta dalka Lubnaan.

    Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa saddex sarkaal oo sare oo Israa'iili ah, ayaa ku warantay in ciidamada Lubnaan ee ku lugta leh qorshahan la siin doono tababarro iyo baaritaanno amni oo Mareykanku bixinayo, si loo hubiyo inaysan wax xiriir ah la lahayn kooxda Xisbullah"

    Sida laga soo xigtay ilo-wareedyadan, Israa'iil waxay sii joogi doontaa gobolka ilaa amniga deegaannada koonfurta Lubnaan loogu wareejiyo ciidamada Lubnaan.

    Mareykanka iyo Israa'iil weli si rasmi ah uma xaqiijin arrintan.

    Wadahadallada Israa'iil iyo Lubnaan ayaa maanta ka sii soconaya magaalada Washington.

    Arrinta ka bixitaanka iyo joojinta dagaalka dhinac walba, oo ay ku jirto Lubnaan, waa qodobka ugu horreeya ee heshiiska is-afgaradka ee Mareykanka iyo Iiraan.

    Sidoo kale waxaad akhrisan kartaa

  12. Trump oo ka jawaabay qaraarka ay ansixiyeen Aqalka Senetka ee ka dhanka ah dagaalka Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo ka jawaabaya ansixinta qaraarka awoodaha dagaalka ee Aqalka Senate-ka Mareykanka fiidnimadii Talaadada, ayaa bartiisa bulshada ku qoray sidan:

    "Waxaan Iiraan geliyay meel ay si buuxda cadaadis ugu jirtay, diyaar u ahayd inay dib u laabato, oo ay ku dhowaad wax walba na siiso. Markii ugu horreysay muddo tobanaan sano ah, Iiraan waxay ixtiraam badan u haysay dowladda Mareykanka iyo madaxweynaheeda, oo ah aniga. Laakiin Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa go'aansaday waqtigii ugu xumaa, iyadoo cod aan macno lahayn lagu qaaday Xeerka Awoodaha Dagaalka, inay farriin u diraan dowladda ugu weyn adduunka ee maalgelisa argagixisada in Mareykanku uusan ku faraxsanayn tallaabooyinka aan ka qaadayo oo aan joojiyo. Waxay taageero u fidinayaan cadowga. Afar ka mid ah Jamhuuriyiinta laga badiyay ayaa codkooda ku biiriytay Dimuqraadiyiinta, 'Maxay codkani ka dhigan tahay?' Senetaradani waxay shaqadayda ka dhigeen mid adag, laakiin shaqada waan qaban doonaa, wax kasta haa igu qaadato, sababtoo ah taasi waa waxa aan had iyo jeer sameey"!

    Sida aan horey u sheegnay, Aqalka Senate-ka Mareykanka oo ay Jamhuuriyiintu ku leeyihin aqlabiyadda, ayaa Talaadadii taageeray hindise sharciyeed lagu joojinayo tallaabada milatari ee Mareykanka uu ka qaadayo Iiraan, laakiin weli ma cadda saameynta uu sharcigan ku yeelan doono dagaalka, gaar ahaan iyadoo maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka gorgortamayo heshiis nabadeed oo uu la galayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Aqalka Senate-ka ayaa u codeeyay 50-48 si ay u taageeraan qaraarka wadajirka ah, kaas oo horey u ansixiyay Aqalka Wakiilada horraantii bishan.

    Ra'yi ururinta ayaa muujinaysa walaac sii kordhaya oo ku saabsan dagaalka Iiraan, walaacyadaas oo xitaa dareemayaan qaar ka mid ah xubnaha Jamhuuriyiinta taageersan Mr. Trump.

    Dagaalkan, oo bilaabmay Febraayo 28, isla markaana aanay taageersaneyn inta badan dadweynaha Mareykanka, ayaa weli waxaa socda heshiiskiisa rasmiga ah.

    Sidoo kale akhri

  13. Maraykanka oo qorsheynaya in uu cunaqabteynta ka qaado Eritrea xiriirna la yeesho

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Mareykanka ayaa doonaya in cunaqabateynta laga qaado Eritrea, isla markaana dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Asmara, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal.

    Eritrea waxaa cunaqabateyn ku soo rogay Qaramada Midoobay sanadkii 2009-kii, kaddib markii ay taageertay maleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

    Eritrea ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi.

    Ka dib sanado badan oo cilmi baaris ah oo ay ka sameeyeen Soomaaliya iyo Eritrea, kooxda baarista Qaramada Midoobay ma helin cadeymo lagu qanci karo cunaqabateynta Eritrea ee 2009 ee taageerada maleeshiyada al-Shabaab.

    Waxay ku eedaysay Maraykanka oo markaa u madax ka ahaa Obama inuu wado olole dublamaasiyadeed oo uu ku doonayo "in Eritrea loogu ciqaabo siyaasad madax-bannaan oo dibadda ah."

    Sidoo kale, bishii February 2017, Maraykanku wuxuu cunaqabatayn u gaar ah ku soo rogay ciidamada badda ee Eritrea, taasoo ka careysiisay dowladda Eritrea.

    "Waa tallaabo dheeraad ah oo aan la fahmi karin oo aan macquul ahayn... waa ciyaar duug ah oo aan sharci ahayn," ayay yiri Eritra.

    Bishii Maarso 2021, Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay cunaqabatayn fiisaha ah oo ka dhan ah saraakiisha hadda joogta iyo kuwii hore ee dawladda, xubnaha ciidamada ammaanka iyo shakhsiyaad uu ku sheegay inay xiriir la leeyihiin ciidamada gobolka Tigray ee Itoobiya.

  14. Raysal Wasaaraha Qatar: Waa lama huraan in la sameeyo khad toos ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wargeyska Financial Times ayaa Arbacadii soo xigtay Ra'iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, isagoo sheegay in dowladda Khaliijka ay dib u bilaabi doonto soo saarista gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah "dhowr toddobaad gudahood".

    Wuxuu sheegay in sameynta khad taleefan oo toos ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ay muhiim u tahay dib u furista marin biyoodka Hormuz."

    Shirkadda Qatar Energy ayaa joojisay wax soo saarka LNG ee xarunteeda weyn ee Ras Laffan, ka dib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay weerartay goobtaas.

    Ugu yaraan 13 shaqaale oo Pakistani iyo Hindi ah ayaa ku dhintay, halka 66 qof oo kale oo jinsiyado kala duwan leh ay dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay xarunta gaaska ee Barzan ee ku taalla magaalada warshadaha ee Ras Laffan.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qadar ayaa sheegtay in xarunta ugu weyn ee lagu farsameeyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ay la kulantay "shil farsamo" habeenkii Axadda, gudaha aagga warshadaha ee Ras Laffan. Qaraxa ayaa sababay in cirka magaalada uu isu beddelo midab oranji ah.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  15. Kim Jong Un oo sheegay inuu ciidankiisa badda ku qalabaynayo hub nukliyeer ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka .

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi, waxa uu hadalkan Talaadada shalay ahayd ka sheegay munaasabad loo sameeyay markab dagaal oo ku soo biiray adeegga ciidanka badda ee dalkaas.

    Kim Jong Un ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday qorshayaal lagu ballaarinayo ciidanka badda.

    Maalmihii la soo dhaafay, hoggaamiyahan awoodda Kelitalisnimada ah ku jooga ayaa ka sheegay shirka guud ee xisbigiisa talada haya, inuu ballaarin doono xoogagga niyukliyarka, isagoo ku eedeeyay Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka inay gobolka qarka u saareen dagaal niyukliyar ah.

    Sidoo kale akhri.

  16. Afarteeda addin ayey ku weyday xanuun ay ka qaadday xayawaan Soomaalida kula nool xaafadaha

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Digniin: Qormadan waxaa ku jira muuqaallo laga yaabo in akhristayaasha qaarkood ay dhibsadaan

    Ka dib 32 toddobaad oo isbitaal ay ku jirtay, dhawr goorna wadnaha looga soo booday, afarta addinna laga jaray, ayaa Manjit Sangha oo ka badbaadday xanuunka Sepsis waxay ugu dambayntii ku soo laabtay gurigeeda.

    In kasta oo ay dhakhaatiirtu u malaynayeen in gabadhan 56 jirka ah ay runtii dhiman doonto, haddana waxay ka tagtay Ward 9 ee Moseley Hall ee Birmingham todobaadkii hore, iyada oo ka heshay soo dhawayn geesinimo leh qoyskeeda oo ku sugan Penn, oo ku taal xadka Wolverhampton/Staffordshire.

    Dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in xanuunka haya ee Sepsis uu ka dhashay wax aan waxba galabsan oo aan laga shakin karin sida leef-leefka eygeeda oo meel yar ka jaray ama ka xoqay.

    Ayadoo hadda soo kabanaysa, bilaabaysana inay dib u dhisto nolosheeda, ayaa waxay hadda doonaysaa inay uga digto dadka kale khatarta Sepsis, iyada oo aaminsan "inay ku dhici karto qof kasta".

    " Way adag tahay in la sharraxo waayo-aragnimada" ayay tiri. "In aad ku lumiso addimadaada iyo gacmahaaga muddo gaaban waa arrin aad u weyn. "Waa arrin aad u halis ah, mana aha in la fududeysto".

    Sepsis waa xaalad caafimaad oo naadir ah laakiin halis ah oo dhacda marka habka difaaca jirka ee loogu talagalay la dagaalanka cudurada iyo caabuqa uu bilaabo inuu weeraro unugyada iyo xubnaha jirka.

  17. War deg deg ah, Cumaan oo war cusub kasoo saartay marinka Hormus kadib saaraakiishii Iiraan ee booqday dalkaas

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    gudiga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Cummaan ayaa ku dhawaaqday inay la shaqeysay Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO) si loo sameeyo marin badeed ku meel gaar ah, taas oo sahleysa in maraakiibtu ka gudbaan Marinka Hormuz.

    Wakaaladda wararka dowladda Cummaan ayaa sheegtay in maraakiibta doonaysa inay maraan Marinka Hormuz ay tahay inay sameeyaan qabanqaabada lagama maarmaanka ah iyagoo la xidhiidhaya Ururka Caalamiga ah ee Badaha iyo mas’uuliyiinta Cummaan.

    Warkan ayaa yimid saacado kadib markii Mohammad Baqer Qalibaf, oo hoggaaminayay wafdiga diblomaasiyadeed ee Iiraan, uu booqday dalkaas. Waxa kale oo uu yimid kadib markii Iiraan iyo Cummaan ay Talaadadii bayaan wadajir ah ku sheegeen inay ka go’an tahay ilaalinta Marinka Hormuz si uu u ahaado marin-biyood ammaan ah oo u furan maraakiibta caalamiga ah, iyagoo isla markaasna adkeeyay madaxbannaanidooda iyo xuquuqdooda qaran ee ku saabsan biyaha Marinka Hormuz.

    Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen inay baari doonaan sida mustaqbalka loo maamuli doono Marinka Hormuz iyo kharashaadka adeegyada laga bixiyo marin-biyoodkan, iyagoo sameynaya guddi wadajir ah.

    Bayaankan ayaa la soo saaray kadib kulan dhexmaray saraakiil sare oo ka kala socday labada dal oo ka dhacay caasimadda Muscat.

    Kadib markii ay ka soo baxeen Switzerland, Mohammad Baqer Qalibaf, madaxa kooxda wada-xaajoodka Iiraan, iyo Abbas Araqchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, waxay aadeen Cummaan, halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Badr Busaidi iyo Suldaanka Cummaan Haitham bin Tariq.

    Talaadadii, Ururka Caalamiga ah ee Badaha, oo ah hay’ad hoos tagta Qaramada Midoobay, ayaa ku dhawaaqay bilowga geeddi-socodka dib loogu celinayo in ka badan 11,000 oo badmaaxiin ah oo ku xayirnaa Marinka Hormuz; badmaaxiinta ayaa ku go’doonsanaa gobolka tan iyo dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan iyo xaddidaaddii lagu soo rogay isu socodka Marinka Hormuz.

    Ururka Caalamiga ah ee Badaha ayaa sheegay in hawlgalka samatabixinta badmaaxiintan loo fulin doono si dhow oo iskaashi ah, iyadoo lala kaashanayo dhammaan dalalka gobolka iyo Mareykanka.

  18. War deg deg ah, Maraykanka: "Dalna looma ogola in uu lacag maris ka qaado marinka Hormus"

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Rubio

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Talaadadii safarkiisa dalalka Gacanka ka bilaabay Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE). Waxa uu sidoo kale booqan doonaa Kuwait iyo Baxreyn, oo labaduba ay ku yaallaan saldhigyo militari oo Mareykan leeyahay, si uu ugala hadlo heshiiska lala galay xukuumadda Tehran.

    Rubio ayaa mar kale Talaadadii ku celiyay in aragtida Mareykanka ay tahay in aan waddan loo oggolaan inuu canshuuro ama lacag maris ah ka qaado maraakiibta sii maraya Marinka Hormuz, arrintaas oo la soo hadal qaaday kadib markii Iiraan isku dayday inay lacag ka qaaddo maraakiibta halkaas maraysa.

    “Marinka Hormuz waa marin-biyood caalami ah. Waddana looma oggola inuu canshuuro ama lacag maris ah ka qaado marin-biyood caalami ah. Taasi waa qayb ka mid ah sharciga caalamiga ah ee jira,” ayuu yiri isagoo gaaray Imaaraadka Carabta.

    “Uma maleynayo inaan cid ku qancinno halkan,” ayuu Rubio sii raaciyay. “Waxaan aaminsanahay in dhammaan dalalka gobolka ay nagu raacsan yihiin.”

    Hadalladan oo uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka markii uu gaarayay UAE ayaa yimid saacado yar kadib markii Iran iyo Cumaan ay soo saareen bayaan wadajir ah oo ay ku caddeeyeen inay ka go’an tahay in Marinka Hormuz uu ahaado marin-biyood ammaan ah oo furan oo loo isticmaalo maraakiibta caalamiga ah, iyagoo sidoo kale xoojiyay madax-bannaanidooda iyo xuquuqdooda ku aaddan biyaha marinka.

    Waxay sidoo kale shaaciyeen inay dib u eegi doonaan maamulka mustaqbalka ee Marinka Hormuz iyo kharashaadka adeegyada laga bixiyo, iyagoo samaynaya guddi wadajir ah.

    Bayaankan ayaa ka dambeeyay kulan ay Mas’uuliyiin sar sare oo labada dal ah ku yeesheen magaalada Muscat.

    Ka dib markii uu ka yimid Switzerland, Mohammad Baqer Qalibaf, oo ah madaxa wafdiga wada-xaajoodka Iran, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araqchi, ayaa u safray Cumaan halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Badr Al-Busaidi iyo Suldaanka Cumaan Haitham bin Tariq.

  19. War deg deg ah, Kooxda kubadda cagta England oo barbaro la gashay Ghana

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    England Ghana

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxda kubadda cagta England, oo ciyaarteedii koowaad 4-2 kaga badisay Croatia isla markaana rejo weyn siisay taageerayaasheeda, ayaan wax ka fiican barbaro 0-0 ah ka helin Ghana.

    Inkasta oo England ay marar badan weerar ku qaaday goolka Ghana ciyaarta dhexdeeda, isla markaana Harry Kane uu lumiyay fursado muhiim ah, haddana Ghana ma ahayn mid si fudud loo jabin karo, waxayna dhowr jeer halis ku abuurtay England weerarro rogaal celis ah.

    Natiijadan ayaa ka dhigtay in England ay hoggaanka sii hayso iyadoo leh 4 dhibcood, halka Ghana oo kulankeedii koowaad ka badisay Panama ay sidoo kale leedahay 4 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta labaad.

    Ciyaarta xigta ee group-kan ayaa dhex mari doonta Croatia iyo Panama.

  20. War deg deg ah, Senetka Mareykanka oo ansixiyay hindisaha lagu joojinayo dagaalka Iran

    Golaha Senetka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Senetka Mareykanka oo ay maamulaan Xisbiga Jamhuuriga ayaa Talaadadii taageeray hindise sharciyeed lagu joojinayo hawlgallada militari ee Mareykanka ka waday Iran, balse weli ma cadda saameynta ay yeelan doonto tallaabadan, iyadoo maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wada-hadallo nabadeed la leeyahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

    Senetka ayaa u codeeyay 50-48 isagoo taageeray go’aankan wadajirka ah, kaas oo horey uga soo gudbay Golaha Wakiillada horraantii bishan.

    Codbixintan waxay muujinaysaa walaac sii kordhaya oo laga qabo dagaal lala galo Iran, walaacaas oo xitaa ka dhex jira qaar ka mid ah xildhibaanada Jamhuuriga ee taageersan Madaxweyne Trump.

    Dagaalkan oo billowday 28-ka Febraayo, isla markaana aan laga helin taageero badan bulshada Mareykanka, ayaa warbaahinta dalkaasi marar badan ku tilmaamtay inuu yahay “guuldarro” ka dhan ah Iran.