Sababta uu Kim Jong Un waligiis uga hadlin hooyadiis meel fagaare ah

- Author, Sangmi Han
- Role, BBC News Korean
- Reporting from, Seoul
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Siraha badan ee ku hareereysan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, waxaa ka mid ah tan hooyadii oo ah mid gooni u taagan.
Kim waligiis hal marna meel fagaare ah kuma uusan sheegin magaceeda 15-kii sano ee uu xukunka hayay.
Si ka duwan labadii hooyo ee hore ee taliska - Kang Pan Sok, hooyada aabbihii oo aasaasay waddanka Kim Il Sung iyo Kim Jong Suk, hooyada Kim Jong Il - oo labadaba loo qaddariyo inay yihiin "hooyooyinka Kuuriya", Ko Yong Hui waa qof daahsoon, iyada oo aan waxba lagu magacaabin si loo sharfo.
Habkan af-duuban ee lagu hayo Ko Yong Hui ayaa laga yaabaa inuu ka yimid wax loo arko inay tahay dabaqad bulsho oo wasakhaysan iyo maqaamkeeda oo laga dhigay mid ku ekaa marwanimo, xaqiiqooyinay falanqeeyayaashu sheegeen inay khatar gelin karaan nidaamka.

Xigashada Sawirka, Cheong Seong-chang
Laga soo bilaabo waxa dadka taariikh-nololeedyada qora ay isku soo ururiyeen, Ko waxay ku dhalatay Osaka, Japan 1952 waalidkeed ayaana asal ahaan ka soo jeeda jasiiradda Jeju ee Kuuriyada Koonfureed ee casriga ah - kaa oo ay u tix galiyaan dhul cadaw.
ka dad deegaan ahaan, qoyska Ko waxay ahaayeen "Zainichi Kuuriya" - soo galooti intii lagu jiray xukunkii gumeysiga ee Jaban 1910-1945 ee jasiiradda.
Dadka ku soo laabtay Waqooyiga ayaa markii hore lagu qaabilay hinaaso markii ay la yimaadeen lacag, dhar iyo alaab guri oo ay ka keeneen halkii ay ka yimaadeen.
Laakiin sidoo kale waxaa lagu calaamadiyay "jjaepo", oo ah erey sharaf dhac ah oo loogu talagalay koox loo arko inay wasakheeyeen fikradaha shisheeye, khatarna ah.
Kala soocida bulshada ee Waqooyiga Kuuriya - oo loo yaqaan songbun - Kuuriyaanka Zainichi waxay ka tirsan yihiin "dabaqadda dhexdhexaadka ah", oo u dhaxaysa dabaqada asalka ah iyo tan rabashadaha badan.
Waxaa lagu hayaa ilaalo culus oo dawladeed waxaana badanaa loo diidaa inay galaan jaamacado wanaagsan ama shaqooyin rajo leh in ay helaan.
Waqooyiga Kuuriya waa bulsho si qoto dheer u kala sarraysa, taas oo falanqeeyayaasha qaar ay sheegeen in ay la mid tahay nidaamka dabaqadaha.
Sheekada 'Cinderella'

Xigashada Sawirka, Yoji Gomi
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii ay jirtay ilaa 10 sano, qoyska Ko waxay u haajireen Kuuriyada Waqooyi.
Qoyskeedu waxay ka mid ahaayeen qiyaastii 93,000 oo Kuuriyaan ah oo ka soo guuray dawladdii shuuciga ahayd ee Japan intii u dhaxaysay 1959 iyo 1984 ee ololaha "Jannada Dunida" - qorshe u ballan qaaday kuwa soo laabta nolol aan fiicneyn oo leh daryeel caafimaad, waxbarasho iyo shaqo bilaash ah.
Si kastaba ha ahaatee, Ko, waxay ku guulaysatay inay ka baxsato nolosha dhibka iyo faqriga ahayd ee sugayay saaxiibadeed Zainichi Kuuriya ka dib markii ay qabatay dareenka hogaamiyihii wakhtigaas Kim Jong Il.
In kasta oo Kim aanu waligiis si cad u soo bandhigin xaaskiisa ama lammaanihiisa, haddana sirdoonku waxa ay muujinayaan in uu markaas hore uu guursaday Kim Young Sook, oo ah gabar uu dhalay sarkaal sare oo ka tirsan milatariga.
Ko, oo xubin ka ahayd kooxda caanka ah ee Mansudae Art Troupe, ayaa la sheegay inay soo jiidatay dareenka Kim sababtoo ah "quruxda dabiiciga ah iyo xirfadeeda qoob ka ciyaarka", ayuu yiri Yoji Gomi, oo ah wariye Japan ah oo buug ku daabacay Ko 2025.

Xigashada Sawirka, Cheong Seong-chang
Dhaxlidda xukunka
"Ko Yong Hui waligeed looma aqoonsan in uu soddog u yahay Kim Il Sung," Ryu Hyun-woo, oo ah dublamaasi u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo dibad joog ah ayaa ku qoray buugiisa, Kim Jong Un's Secret Vault.
Sawirrada Kim Il Sung iyo wiilka uu awoowe u yahay ee Jong Un ayaa meelo badan lagu faafin lahaa - haddii Ko ay ku guuleysan lahayd oggolaanshaha Kim ka weyn, ayuu yiri Dr Cheong Seong-chang oo ka tirsan machadka Sejong.
Laakiin in kasta oo aanay taasi dhicin, Ko waxa ay kasbatay kalsoonida Kim Jong Il - iyada oo u dhaqmaysa sidii marwada koowaad ee dalka, iyada oo ninkeeda ku wehelinaysay kormeerro ciidan oo ay la saaxiibtay dadkii la socday.
Kim xitaa wuxuu waydiin jiray ra'yigeeda ka hor inta uusan go'aan ka gaarin siyaasadda, ayuu qoray Fujimoto, cunto kariyahoodii.
Dukumentari rasmi ah oo la sameeyay ka dib markii Kim Jong Il uu dhintay 2011 ayaa muujiyay muuqaalka Ko oo la socota hoggaamiyihii ugu sarreeyay safarrada maxalliga ah - in kasta oo aan waligeed la shaacin magaceeda.
Documentary-ga sidoo kale waligiis si toos ah looma sii dayn, waxaa la tusay kaliya saraakiisha sarsare ee xisbiga bishii Juun 2012, ayuu yiri Dr Cheong, in kasta oo markii dambe la faafiyay oo lagu dhex faafiyay muwaadiniinta caadiga ah.
"Markii uu sii faafay... xiisihii dadku u qabay Ko Yong Hui ayaa cirka isku shareeray, sidaa awgeed talisku si degdeg ah ayuu u xusuustaa [dukumentigaas]," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in taariikhdeeda ay su'aal gelin karto sharcinimada taliska.
Haddaba sidee ku dhacday wiilka labaad ee marwada, oo ah wiilka ugu yar ee Kim Jong Il in uu dhaxlo awoodda?
Wiilka ugu weyn ee Kim Jong Il, oo lagu magacaabi jiray Kim Jong Nam, ayaa horey uga baxay wiilasha uu aabhihii jecelyahay, sababtoo ah waxa uu su'aal galiyay dhaxalka awoodda ee Waqooyiga Kuuriya, isaga oo dib u habeyn in la sameeyo dalbaday, ayuu yiri Goji, oo ay is dhaafsadeen iimaylo muddo sanado ah.
Aragtida siyaasadeed ee Jong Nam waxay noqon kartay mid ka dhalatay daraasad uu dibadda ku soo qaatay toban sano, wuxuuna si fiican u yaqaannay Faransiiska iyo Ingiriiska. Waxa kale oo uu yeeshay sumcad sababtoo ah safarradiisa joogtada ah ee kasiinooyinka iyo qaab nololeedkiisa ahaa in diyaaradda uu saarnaado inta badan.
Kim Jong Un waxa uu noqday kan uu aabbihii ugu jecel yahay, sababtoo ah awooddiisa hoggaamineed iyo dabeecadiisa tartanka, ayay falanqeeyayaasha sheegeen.
'shadki u faafay sida dabka'

Xigashada Sawirka, Yoji Gomi
Ko ayaa dhimatay ka hor intii uusan dhiman Kim Jong Il, laakiin geerideeda, iyo in ay ku dhimatay isbitaal ku yaal magaalada Paris, ma aysan sheegin warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi.
Waxaa kale oo la aaminay in Kim Jong Un abtirsiintiisa sirta ah ay noqon kartay sababta dhalashadiisa aan loogu dhawaaqin fasax qaran, si ka duwan awoowgii iyo aabihiis, falanqeeyayaasha ayaa leh sidaas.
Soo jiidashada dareenka dhalashadiisa waxay dhalin kartaa su'aalo qodxo wata oo ku saabsan hooyadiis iyo sababta loogu soo koriyay meel ka baxsan Pyongyang.
Qarsoonaanta ku xeeran waalidnimada Kim Jong Un waxay noqon kartaa qayb ka mid ah sababtii uu si fagaare ah ugu soo bandhigay xaaskiisa Ri Sol Ju horaantii xukunkiisa isagoo u muuqda inuu gabadhiisa yar ee Ju Ae u diyaarinayo in ay isaga badasho mustaqbalka, Cheong ayaa ku dooday.
Kim Jong Un waligiis daaha ma ka qaadi doonaa asalka hooyadii?
Waxay noqon doontaa hawl adag, xitaa kooxda dacaayadda ee Kuuriyada Waqooyi ku adkaan doonta.











