TOOS, Cumaan oo shaacisay inay sameyneyso waddo ku meel gaar ah si loo fududeeyo marinnada marinka Hormuz
Cumaan ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay arrinta kala shaqeysay hay'adda caalamiga ah ee badaha, si loo abuuro marin badeed ku meel gaar ah si loo fududeeyo marinada maraakiibta ee Marinka Hormuz
Donald Trump ayaa sheegay in kormeerayaal Maraykan ah, oo ay weheliyaan kormeerayaasha hay'adda IAEA, ay booqan doonaan xarumaha nukliyeerka ee Iran.
Wuxuu u sheegay Fox News:“Waxay galaan heshiis, way qoraan, dabadeed way ka baxaan — taasina ma aha run.”
Wuxuu adkeeyay in Iran ay oggolaatay kormeerka ka socda hay'adda quwadda atoomikada ee Qaramada Midoobey ee IAEA.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin qorshe degdeg loogu dirayo kormeerayaasha.
Agaasimaha guud ee IAEA, Rafael Grossi, ayaa maanta sheegay—isagoo aan cayimin waqti—in kormeerayaashu ugu dambayn ay tagi doonaan Iran si ay u kormeeraan xarumaha nukliyeerka.
Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa beenisay heshiiska sheegaya in IAEA ay kormeeri doonto.
Saacado ka hor, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iran ayaa bartiisa X ku qoray:“Ma jiraan qorshayaal lagu gelayo xarumaha la weeraray mana jiro wax agab nukliyeer ah.”
Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Xoghayaha difaaca Pete Hegseth
Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada ee Golden Dome for America, sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Dagaalka Pete Hegseth, isagoo sheegay in tijaabadu ay si weyn u guulaysatay.
“Maanta, tijaawabdii ugu horreeyey ee Golden Dome for America (GDA) ayaa guul buuxda laga gaaray— aniguna waxaa sharaf ii ah inaan si toos goob-joog uga ahaa,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.
Waxaa uu intaa ku daray: in gantaalkan uu si qummati ah oo iskiis ah u calaamadeeyey, u bartilmaameedsaday, una baabi'iyey khataro badan oo soo fool-lahaa".
Inkastoo faahfaahinta aan weli la shaacin, Golden Dome waxaa la filayaa inuu ka koobnaado shabakad aad u ballaaran oo ka kooban dareemayaal , qalb sameeya raad-raaca, iyo nidaamyo qabta oo baabi’iya khataraha , kuwaas oo loogu talagalay in ay burburiyaan khataraha ka hor inta aysan gaarin dhulka Maraykanka.
Nidaamkan ayaa la filayaa inuu difaaco oo uu daboolo dhulka Maraykanka oo dhan, oo ay ku jiraan Alaska iyo Hawaii.
Hegseth ayaa sheegay inuu si toos ah uga qaybgalay tijaabo “taariikhi ah” oo lagu sameeyay nidaamkaas kaas oo lagu qiyaasay inuu ku kici doono $1.2 tirilyan muddo 20 sano ah — wuxuuna sheegay in tijaabadu ay ahayd “ mid si buuxda loogu guulaystay.
Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay u sheegtay Maraykanka inaysan wax lacag ah ka qaadi doonin maraakiibta mara Marin-biyoodka Hormuz.
Madaxweynaha ayaa ku qoray bartiisa Truth Social:“Iran waxay Maraykanka ku wargelisay in, si ka duwan wararka walaaca leh ee ay faafinayaan warbaahinta been-abuurka ah, aan wax lacag ah, khidmad caymis ama lacag kale toona laga qaadi doonin maraakiibta ka gudbaya Marin-biyoodka Hormuz," ayuu yiri rump
“Maraykanku wax lacag ah ma siin Iran mana fasixi doono hantida Iran,waxaan sii dayn doonaa qayb ka mid ah lacagaha Iran oo si buuxda gacanteenna ugu jira si loogu iibiyo galley, qamadi, digir iyo badeecooyin kale oo laga soo iibsanayo beeralayda iyo xoolo-dhaqatada Maraykanka.”
Trump ayaa intaas ku daray:“Iran si ba’an ayay ugu baahan tahay cunto, waxaana si gaar ah uga iibin doonnaa Maraykanka.”
Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa maanta mar kale sheegay in “qayb weyn” oo ka mid ah hantida Iran ee la xayiray loo isticmaali doono “cunto iyo dawo”.
Kadib kulankii ugu horreeyay ee Maraykanka iyo Iran ku dhex maray Switzerland, Iran waxay sheegtay in hantideedii la xayiray ama la xaddiday la fasixi doono, waxayna beenisay inay ka iibsan doonto wax-soo-saarka beeraha Maraykanka.
Sida ku cad heshiiska u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, Iran wax lacag ah kama qaadi doonto maraakiibta mara marin-biyoodka muddo 60 maalmood ah.
Iran waxay sheegtay in muddadaas ka dib ay lacag ka qaadi doonto “adeegyada” la xiriira hagidda maraakiibta, amniga iyo ilaalinta deegaanka, iyadoo taas lagu salaynayo heshiis ay la leedahay Cumaan.
Pakistan: Wadahadallada farsamada ee Iran-Mareykanka ayaa dib u bilaaban doona toddobaadka dambe
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ay dib u bilaaban doonaan toddobaadka soo socda, "waxayna u badan tahay Talaadada."
Goobta lagu qaban doono wada-hadallada lama shaacin.
Kadib markii ay Axaddii soo dhammaadeen wada-hadalladii heerka sare ahaa, saraakiil sare oo Iran iyo Maraykan ah ayaa ka baxay Switzerland, balse wafdiyada farsamada ayaa sii waday wada-hadallada Isniintii.
Isagoo Talaadadii ku dhawaaqay dhammaadka wareeggii koowaad ee wada-hadallada farsamo, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa Talaadadii sheegay in wada-xaajoodayaashu ay go'aansadeen inay sameeyaan afar kooxood oo shaqo oo ku saabsan "yaraynta cunaqabataynta", "arrimaha nukliyeerka", "dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha", iyo "kormeerka iyo hirgelinta".
Kooxaha shaqada ee farsamada ayaa la filayaa inay mas'uul ka noqdaan dabagalka faahfaahinta farsamo ee isfahamka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.
Hay’adda Duulista Yurub oo ku boorrisay shirkadaha diyaaradaha inay sii wadaan taxaddarka marka ay ka duulayaan hawada Bariga Dhexe
Hay’adda Badbaadada Duulista Hawada ee Yurub (EASA) ayaa kordhisay digniinta ku saabsan in taxaddar dheeraad ah laga muujiyo duulimaadyada mara hawada dalalka Bariga Dhexe ilaa 1-da July Arbacada soo socota.
Sida ay hay’addu sheegtay, inkastoo uu jiro isfaham u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, haddana inta ay jirto suurtagalnimada in xabbad-joojinta la jebiyo, waxaa lagama maarmaan ah in si taxaddar leh loogu duulo guud ahaan gobolka.
Hay’adda Badbaadada Duulista Hawada ee Yurub (EASA) ayaa si gaar ah uga digtay suurtagalnimada jebinta muddada-gaaban ee xabbad-joojinta ee ka dhici karta aagga Marinka Hormuz iyo hawada ku xeeran.
Hay’adda badbaadada duulista ayaa sidoo kale carrabka ku adkaysay in isla heerka digniinta ahi ay ka jirto Lubnaan.
Waxay ugu baaqday dhammaan hawl-wadeennada duulista inay sameeyaan hubinno amni marka ay ku duulayaan hawada Baxrayn, Kuwait, Israa’iil, Urdun, Qatar, Cumaan, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Iran, waxaa gobolka ka jiray carqalado ballaaran oo ku yimid duulimaadyada.
Iran: Ma jiraan wax qorshe ah oo lagu geli doono goobaha Nukliyeerka
Xigashada Sawirka, Anadolu Agency via Getty
Qoraalka sawirka, Kazem Gharibabadi
Wasiirka ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa mar kale beeniyay inuu oggolaaday in Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) ay kormeerto xarumaha nukliyeerka ee waxyeelladu gaartay iyo agabka nukliyeerka.
Mr Gharibabadi ayaa bartiisa X ku qoray:“Switzerland wax kulan ah lagulama yeelan Rafael Grossi, inkastoo uu codsaday,sidoo kale ma jiraan qorshayaal lagu galayo xarumaha la weeraray, mana jiro wax agab nukliyeer ah oo halkaas yaalla.”
Isagoo ka jawaabaya hadalladii uu maalmihii la soo dhaafay sheegay Donald Trump iyo ku-xigeenkiisa J.D. Vance, ayuu qoray:“Ma raaci kartaan siyaasad ah ‘samee oo tuur’ oo lagu laray buunbuunin warbaahineed.”
Saacad ka hor qoraalka Gharibabadi, madaxa IAEA, Rafael Grossi, ayaa sheegay in la filayay in dib loo bilaabo kormeerka xarumaha nukliyeerka ee Iran, balse ma uusan sheegin waqti cayiman.
Grossi oo ku sugnaa Japan ayaa wariyeyaasha u sheegay in isfahamka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran uu si cad u dhigayo in hawlaha nukliyeerka:“Ay hoos iman doonaan kormeerka Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay:“Ma jiro qorshe ay IAEA ku kormeerto xarumaha Iran ee ku waxyeelloobay duullaankii militari ee Maraykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda, mana jiro siyaasad arrintaas ku saabsan.”
Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.
Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.
"Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.
DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.
"Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.
Faaliga ama dhan qalalka waxaa uu ka mid yahay saddexda xanuun ee bini’aadamka ku dhaca ee loo dhinto, wuxuu kaloo kaalinta labaad ka gala xanuun kasta oo ku dhaca bini’aadamka ee curyaanimada uga taga
Qiyaasaha ayaa muujinya in cudurka Faaliga uu in kabadan 12 milyan oo qof uu caalamka aafeeyo sanadkiiba.
Muxuu yahay hubka uu dalkan Muslimka ah samaysatay ee aan dunida laga heysan?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Milatariga casriga ah ee waddamada caalamka waxay qalabkooda ka saareen hub aad muhiim u ah oo la isticmaali jiray waa hore.
Waa nooc ka mid ah taangiyada oo lagu tilmaamay in ay yihiin hub laga gudbay, balse miliyeriga Pakistan ayaa go'aansaday in uu dib u casriyeysto hubkaas.
Labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay Pakistan ku mashquulsanayd dib u casriyeynta taangi lagu magacaabay Al-Khalid.
Muxuu yahay Al-Khalid?
Dowladda Pakistan waxa ay maalgelin wayn ku sameysay labo nooc oo ka mid ah taangiyadaas oo lagu guulaystay in si buuxda loo hormariyo.
Labada noocba waa isla taangiga Al-Khalid.
Warshad hubka farsamaysa oo ku taalla gudaha Pakistan ayaa taangiyadaas casriyaysay iyadoo taageero ka heleysa Shiinaha iyo Ukraine.
Labadaas nooc ee hubka ah waxaa hadda lagu soo kordhiyay liiska qalabka ugu muhiimsan ee ay adeegsanayaan militeriga Pakistan.
Al-Khalid waxa uu ka mid yahay gawaarida culus ee ku fiican dagaalka gacanta la iskula tago, waxaana aad loo adeegsan jiray 1990-meeyadii.
War deg deg ah, Xogo laga helayo in ciidanka Lubnaan lagu wareejiyo dhul ay hadda Iisraa'iil gacanta ku hayso
Wakaaladda
wararka ee Reuters ayaa sheegtay, in Israa'iil iyo Lubnaan ay ka fiirsanayaan
mashruuc tijaabo ah oo uu dabada ka riixayo Mareykanka, kaas oo ciidamada
Israa'iil ay viidamada Lubnaan ku wareejin doonaan maamulka qaybo ka mid ah
koonfurta dalka Lubnaan.
Wakaaladda
wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa saddex sarkaal oo sare oo Israa'iili ah,
ayaa ku warantay in ciidamada Lubnaan ee ku lugta leh qorshahan la siin doono
tababarro iyo baaritaanno amni oo Mareykanku bixinayo, si loo hubiyo inaysan
wax xiriir ah la lahayn kooxda Xisbullah"
Sida laga
soo xigtay ilo-wareedyadan, Israa'iil waxay sii joogi doontaa gobolka ilaa
amniga deegaannada koonfurta Lubnaan loogu wareejiyo ciidamada Lubnaan.
Mareykanka
iyo Israa'iil weli si rasmi ah uma xaqiijin arrintan.
Arrinta ka
bixitaanka iyo joojinta dagaalka dhinac walba, oo ay ku jirto Lubnaan, waa
qodobka ugu horreeya ee heshiiska is-afgaradka ee Mareykanka iyo Iiraan.
Trump oo ka jawaabay qaraarka ay ansixiyeen Aqalka Senetka ee ka dhanka ah dagaalka Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Madaxweynaha
Mareykanka, Donald Trump, oo ka jawaabaya ansixinta qaraarka awoodaha dagaalka
ee Aqalka Senate-ka Mareykanka fiidnimadii Talaadada, ayaa bartiisa bulshada ku
qoray sidan:
"Waxaan Iiraan geliyay meel ay si buuxda cadaadis ugu jirtay,
diyaar u ahayd inay dib u laabato, oo ay ku dhowaad wax walba na siiso. Markii
ugu horreysay muddo tobanaan sano ah, Iiraan waxay ixtiraam badan u haysay dowladda
Mareykanka iyo madaxweynaheeda, oo ah aniga. Laakiin Aqalka Senate-ka
Mareykanka ayaa go'aansaday waqtigii ugu xumaa, iyadoo cod aan macno lahayn lagu
qaaday Xeerka Awoodaha Dagaalka, inay farriin u diraan dowladda ugu weyn
adduunka ee maalgelisa argagixisada in Mareykanku uusan ku faraxsanayn
tallaabooyinka aan ka qaadayo oo aan joojiyo. Waxay taageero u fidinayaan
cadowga. Afar ka mid ah Jamhuuriyiinta laga badiyay ayaa codkooda ku biiriytay
Dimuqraadiyiinta, 'Maxay codkani ka dhigan tahay?' Senetaradani waxay
shaqadayda ka dhigeen mid adag, laakiin shaqada waan qaban doonaa, wax kasta haa
igu qaadato, sababtoo ah taasi waa waxa aan had iyo jeer sameey"!
Sida aan horey
u sheegnay, Aqalka Senate-ka Mareykanka oo ay Jamhuuriyiintu ku leeyihin
aqlabiyadda, ayaa Talaadadii taageeray hindise sharciyeed lagu joojinayo
tallaabada milatari ee Mareykanka uu ka qaadayo Iiraan, laakiin weli ma cadda
saameynta uu sharcigan ku yeelan doono dagaalka, gaar ahaan iyadoo maamulka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka gorgortamayo heshiis nabadeed oo uu
la galayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Aqalka
Senate-ka ayaa u codeeyay 50-48 si ay u taageeraan qaraarka wadajirka ah, kaas
oo horey u ansixiyay Aqalka Wakiilada horraantii bishan.
Ra'yi
ururinta ayaa muujinaysa walaac sii kordhaya oo ku saabsan dagaalka Iiraan,
walaacyadaas oo xitaa dareemayaan qaar ka mid ah xubnaha Jamhuuriyiinta
taageersan Mr. Trump.
Maraykanka oo qorsheynaya in uu cunaqabteynta ka qaado Eritrea xiriirna la yeesho
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Mareykanka ayaa doonaya in cunaqabateynta laga qaado Eritrea, isla markaana dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Asmara, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal.
Eritrea waxaa cunaqabateyn ku soo rogay Qaramada Midoobay sanadkii 2009-kii, kaddib markii ay taageertay maleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Eritrea ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi.
Ka dib sanado badan oo cilmi baaris ah oo ay ka sameeyeen Soomaaliya iyo Eritrea, kooxda baarista Qaramada Midoobay ma helin cadeymo lagu qanci karo cunaqabateynta Eritrea ee 2009 ee taageerada maleeshiyada al-Shabaab.
Waxay ku eedaysay Maraykanka oo markaa u madax ka ahaa Obama inuu wado olole dublamaasiyadeed oo uu ku doonayo "in Eritrea loogu ciqaabo siyaasad madax-bannaan oo dibadda ah."
Sidoo kale, bishii February 2017, Maraykanku wuxuu cunaqabatayn u gaar ah ku soo rogay ciidamada badda ee Eritrea, taasoo ka careysiisay dowladda Eritrea.
"Waa tallaabo dheeraad ah oo aan la fahmi karin oo aan macquul ahayn... waa ciyaar duug ah oo aan sharci ahayn," ayay yiri Eritra.
Bishii Maarso 2021, Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay cunaqabatayn fiisaha ah oo ka dhan ah saraakiisha hadda joogta iyo kuwii hore ee dawladda, xubnaha ciidamada ammaanka iyo shakhsiyaad uu ku sheegay inay xiriir la leeyihiin ciidamada gobolka Tigray ee Itoobiya.
Raysal Wasaaraha Qatar: Waa lama huraan in la sameeyo khad toos ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Wargeyska
Financial Times ayaa Arbacadii soo xigtay Ra'iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh
Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, isagoo sheegay in dowladda Khaliijka ay dib
u bilaabi doonto soo saarista gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah "dhowr
toddobaad gudahood".
Wuxuu
sheegay in sameynta khad taleefan oo toos ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo
Iiraan ay muhiim u tahay dib u furista marin biyoodka Hormuz."
Shirkadda
Qatar Energy ayaa joojisay wax soo saarka LNG ee xarunteeda weyn ee Ras Laffan,
ka dib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay weerartay goobtaas.
Ugu yaraan 13 shaqaale oo Pakistani iyo Hindi ah ayaa ku dhintay, halka 66 qof oo kale oo jinsiyado kala duwan leh ay dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay xarunta gaaska ee Barzan ee ku taalla magaalada warshadaha ee Ras Laffan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qadar ayaa sheegtay in xarunta ugu weyn ee lagu farsameeyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ay la kulantay "shil farsamo" habeenkii Axadda, gudaha aagga warshadaha ee Ras Laffan. Qaraxa ayaa sababay in cirka magaalada uu isu beddelo midab oranji ah.
Kim Jong Un oo sheegay inuu ciidankiisa badda ku qalabaynayo hub nukliyeer ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Hogaamiyaha
Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku
qalabaynayo hubka niyukliyarka .
Sida ay
sheegtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi, waxa uu
hadalkan Talaadada shalay ahayd ka sheegay munaasabad loo sameeyay markab
dagaal oo ku soo biiray adeegga ciidanka badda ee dalkaas.
Kim Jong Un
ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday qorshayaal lagu ballaarinayo ciidanka badda.
Maalmihii la
soo dhaafay, hoggaamiyahan awoodda Kelitalisnimada ah ku jooga ayaa ka sheegay
shirka guud ee xisbigiisa talada haya, inuu ballaarin doono xoogagga
niyukliyarka, isagoo ku eedeeyay Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka inay
gobolka qarka u saareen dagaal niyukliyar ah.
Afarteeda addin ayey ku weyday xanuun ay ka qaadday xayawaan Soomaalida kula nool xaafadaha
Qoraalka sawirka, .
Digniin: Qormadan waxaa ku jira muuqaallo laga yaabo in akhristayaasha qaarkood ay dhibsadaan
Ka dib 32 toddobaad oo isbitaal ay ku jirtay, dhawr goorna wadnaha looga soo booday, afarta addinna laga jaray, ayaa Manjit Sangha oo ka badbaadday xanuunka Sepsis waxay ugu dambayntii ku soo laabtay gurigeeda.
In kasta oo ay dhakhaatiirtu u malaynayeen in gabadhan 56 jirka ah ay runtii dhiman doonto, haddana waxay ka tagtay Ward 9 ee Moseley Hall ee Birmingham todobaadkii hore, iyada oo ka heshay soo dhawayn geesinimo leh qoyskeeda oo ku sugan Penn, oo ku taal xadka Wolverhampton/Staffordshire.
Dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in xanuunka haya ee Sepsis uu ka dhashay wax aan waxba galabsan oo aan laga shakin karin sida leef-leefka eygeeda oo meel yar ka jaray ama ka xoqay.
Ayadoo hadda soo kabanaysa, bilaabaysana inay dib u dhisto nolosheeda, ayaa waxay hadda doonaysaa inay uga digto dadka kale khatarta Sepsis, iyada oo aaminsan "inay ku dhici karto qof kasta".
" Way adag tahay in la sharraxo waayo-aragnimada" ayay tiri. "In aad ku lumiso addimadaada iyo gacmahaaga muddo gaaban waa arrin aad u weyn. "Waa arrin aad u halis ah, mana aha in la fududeysto".
War deg deg ah, Cumaan oo war cusub kasoo saartay marinka Hormus kadib saaraakiishii Iiraan ee booqday dalkaas
Article Information
Author, Abdishukri Haybe
Role, BBC, Somali
Xigashada Sawirka, Getty Images
Cummaan ayaa ku dhawaaqday inay la
shaqeysay Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO) si loo sameeyo marin
badeed ku meel gaar ah, taas oo sahleysa in maraakiibtu ka gudbaan Marinka
Hormuz.
Wakaaladda wararka dowladda Cummaan ayaa sheegtay in maraakiibta doonaysa
inay maraan Marinka Hormuz ay tahay inay sameeyaan qabanqaabada lagama
maarmaanka ah iyagoo la xidhiidhaya Ururka Caalamiga ah ee Badaha
iyo mas’uuliyiinta Cummaan.
Warkan ayaa yimid saacado kadib markii Mohammad Baqer Qalibaf,
oo hoggaaminayay wafdiga diblomaasiyadeed ee Iiraan, uu booqday dalkaas. Waxa
kale oo uu yimid kadib markii Iiraan iyo Cummaan ay Talaadadii
bayaan wadajir ah ku sheegeen inay ka go’an tahay ilaalinta Marinka
Hormuz si uu u ahaado marin-biyood ammaan ah oo u furan maraakiibta
caalamiga ah, iyagoo isla markaasna adkeeyay madaxbannaanidooda iyo xuquuqdooda
qaran ee ku saabsan biyaha Marinka Hormuz.
Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen inay baari doonaan sida mustaqbalka loo
maamuli doono Marinka Hormuz iyo kharashaadka adeegyada laga bixiyo
marin-biyoodkan, iyagoo sameynaya guddi wadajir ah.
Bayaankan ayaa la soo saaray kadib kulan dhexmaray saraakiil sare oo ka kala
socday labada dal oo ka dhacay caasimadda Muscat.
Kadib markii ay ka soo baxeen Switzerland, Mohammad
Baqer Qalibaf, madaxa kooxda wada-xaajoodka Iiraan, iyo Abbas
Araqchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, waxay aadeen Cummaan,
halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Badr Busaidi
iyo Suldaanka Cummaan Haitham bin Tariq.
Talaadadii, Ururka Caalamiga ah ee Badaha, oo ah hay’ad
hoos tagta Qaramada Midoobay, ayaa ku dhawaaqay bilowga
geeddi-socodka dib loogu celinayo in ka badan 11,000 oo badmaaxiin ah
oo ku xayirnaa Marinka Hormuz; badmaaxiinta ayaa ku go’doonsanaa gobolka tan
iyo dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan iyo
xaddidaaddii lagu soo rogay isu socodka Marinka Hormuz.
Ururka Caalamiga ah ee Badaha ayaa sheegay in hawlgalka samatabixinta
badmaaxiintan loo fulin doono si dhow oo iskaashi ah, iyadoo lala kaashanayo
dhammaan dalalka gobolka iyo Mareykanka.
War deg deg ah, Maraykanka: "Dalna looma ogola in uu lacag maris ka qaado marinka Hormus"
Article Information
Author, Abdishukri Haybe
Role, BBC, Somali
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Talaadadii
safarkiisa dalalka Gacanka ka bilaabay Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE). Waxa
uu sidoo kale booqan doonaa Kuwait iyo Baxreyn, oo labaduba ay ku yaallaan
saldhigyo militari oo Mareykan leeyahay, si uu ugala hadlo heshiiska lala galay
xukuumadda Tehran.
Rubio ayaa mar kale Talaadadii ku celiyay in aragtida Mareykanka ay tahay in
aan waddan loo oggolaan inuu canshuuro ama lacag maris ah ka qaado maraakiibta
sii maraya Marinka Hormuz, arrintaas oo la soo hadal qaaday kadib markii Iiraan
isku dayday inay lacag ka qaaddo maraakiibta halkaas maraysa.
“Marinka Hormuz waa marin-biyood caalami ah. Waddana looma oggola inuu
canshuuro ama lacag maris ah ka qaado marin-biyood caalami ah. Taasi waa qayb
ka mid ah sharciga caalamiga ah ee jira,” ayuu yiri isagoo gaaray Imaaraadka
Carabta.
“Uma maleynayo inaan cid ku qancinno halkan,” ayuu Rubio sii raaciyay.
“Waxaan aaminsanahay in dhammaan dalalka gobolka ay nagu raacsan yihiin.”
Hadalladan oo uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka markii uu
gaarayay UAE ayaa yimid saacado yar kadib markii Iran iyo Cumaan ay soo saareen
bayaan wadajir ah oo ay ku caddeeyeen inay ka go’an tahay in Marinka Hormuz uu
ahaado marin-biyood ammaan ah oo furan oo loo isticmaalo maraakiibta caalamiga
ah, iyagoo sidoo kale xoojiyay madax-bannaanidooda iyo xuquuqdooda ku aaddan
biyaha marinka.
Waxay sidoo kale shaaciyeen inay dib u eegi doonaan maamulka mustaqbalka ee
Marinka Hormuz iyo kharashaadka adeegyada laga bixiyo, iyagoo samaynaya guddi
wadajir ah.
Bayaankan ayaa ka dambeeyay kulan ay Mas’uuliyiin sar sare oo labada dal ah
ku yeesheen magaalada Muscat.
Ka dib markii uu ka yimid Switzerland, Mohammad Baqer Qalibaf, oo ah madaxa
wafdiga wada-xaajoodka Iran, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas
Araqchi, ayaa u safray Cumaan halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Arrimaha
Dibadda Badr Al-Busaidi iyo Suldaanka Cumaan Haitham bin Tariq.
War deg deg ah, Kooxda kubadda cagta England oo barbaro la gashay Ghana
Inkasta oo England ay marar badan weerar ku qaaday goolka Ghana ciyaarta
dhexdeeda, isla markaana Harry Kane uu lumiyay fursado muhiim ah, haddana Ghana
ma ahayn mid si fudud loo jabin karo, waxayna dhowr jeer halis ku abuurtay
England weerarro rogaal celis ah.
Natiijadan ayaa ka dhigtay in England ay hoggaanka sii hayso iyadoo leh 4
dhibcood, halka Ghana oo kulankeedii koowaad ka badisay Panama ay sidoo kale
leedahay 4 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta labaad.
Ciyaarta xigta ee group-kan ayaa dhex mari doonta Croatia iyo Panama.
War deg deg ah, Senetka Mareykanka oo ansixiyay hindisaha lagu joojinayo dagaalka Iran
Xigashada Sawirka, Getty Images
Senetka Mareykanka oo ay maamulaan Xisbiga Jamhuuriga ayaa Talaadadii taageeray hindise sharciyeed lagu joojinayo hawlgallada militari ee Mareykanka ka waday Iran, balse weli ma cadda saameynta ay yeelan doonto tallaabadan, iyadoo maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wada-hadallo nabadeed la leeyahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Senetka ayaa u codeeyay 50-48 isagoo taageeray go’aankan wadajirka ah, kaas oo horey uga soo gudbay Golaha Wakiillada horraantii bishan.
Codbixintan waxay muujinaysaa walaac sii kordhaya oo laga qabo dagaal lala galo Iran, walaacaas oo xitaa ka dhex jira qaar ka mid ah xildhibaanada Jamhuuriga ee taageersan Madaxweyne Trump.
Dagaalkan oo billowday 28-ka Febraayo, isla markaana aan laga helin taageero badan bulshada Mareykanka, ayaa warbaahinta dalkaasi marar badan ku tilmaamtay inuu yahay “guuldarro” ka dhan ah Iran.
Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu fududeeyay xannibaadaha ku saabsanaa
safarka xulka qaranka Iran ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka.
Sida lagu sheegay warbixinta, Mareykanka ayaa u oggolaaday kooxda inay dalka
soo galaan laba maalmood ka hor ciyaartooda xigta.
Xayiraadaha uu Mareykanku ku soo rogay xulka Iran, oo ah dalka martigelinaya
Koobka Adduunka, ayaa hore u oggolaanayay in ciyaartoydu soo galaan Mareykanka
kaliya maalinta ka horreysa ciyaarta, isla markaana sida ku xusan shuruudaha
fiisahooda ay khasab ku ahayd inay si degdeg ah uga baxaan dalka isla maalinta
ciyaartu dhacdo.
Sababta xannibaaddan awgeed, xulka Iran ayaa xaruntooda tababarka ka raray
Arizona oo Mareykanka ah, una wareejiyay Tijuana oo ku taalla Mexico.
Iran waxay illaa hadda ciyaartay laba kulan oo ka tirsan heerka group-yada
Koobka Adduunka, waxaana kulankooda saddexaad ay la ciyaari doonaan Masar 27-ka
Juun magaalada Seattle.
Qaramada Midoobay hay’addeeda qaabilsan arrimaha badaha ee la dhaho International
Maritime Organization (IMO), ayaa qorshaynaysa inay daadgureyso in ka
badan 11,000 oo badmaaxayaal ah oo
ku xayirmay gacanka Hormuz, taasoo ka dhalatay dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil kula jireen Iiraan.
Xoghayaha guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa sheegay in “hawlgalkan ballaadhan”
la fulin doono iyadoo lala kaashanayo Iiraan,
Cumaan, Mareykanka, dowladaha kale ee xeebaha gobolka, iyo sidoo kale warshadaha gaadiidka badda.
Wuxuu intaas ku daray:“Waxaan helnay dammaanadaha amni ee lagama
maarmaanka ah, sidoo kalena si buuxda ayaan u hubinnay xaaladaha ku habboon
socdaalka badbaadada leh si loo taageero hawlgalladan.”
Toddobaadkii hore waxaa la saxiixay heshiis ku-meel-gaar ah oo lagu soo
afjarayo colaadda, balse Mareykanka iyo
Iiraan weli waxay isku hayaan faahfaahinta ku qoran Is-afgaradka (MoU).
Mareykanku wuxuu sheegay in MoU-ga uu ka mid yahay dammaanad qaadyo
dhigaya in barnaamijka hubka nukliyeerka
ee Iiraan uu mari doono kormeer ay sameyso Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomiga.
Hase yeeshee, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa shir jaraa’id oo
wadajir ah oo uu maalintii Talaadada
la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz
Sharif ku sheegay in gantaalladu
aysan ku jirin MoU-ga, isla markaana aysan waligood ku jiri doonin.
Pezeshkian wuxuu intaas ku daray:“Iiraan waligeed kama wada xaajoon doonto
awooddeeda difaaca dal kasta, waxayna si adag u aaminsan tahay in nabadda iyo
xasilloonida gobolka lagu gaari karo oo keliya wada-hadallo daacad ah iyo
iskaashi dhex mara dalalka gobolka.”
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa maalintii Talaadada ka bilaabay socdaal
uu ku marayo gacanka Carabta,
isagoo gaaray Isutagga Imaaraadka Carabta
(UAE), waxaana uu sidoo kale booqan doonaa Kuwait iyo Baxreyn
si uu ugala hadlo heshiiska Tehraan.
Rubio wuxuu Talaadadii sheegay in aysan jirin waddan loo oggol yahay inuu canshuuro
ama lacag marin ah ka qaado marinka Hormuz, halkaas oo Iiraan ay ku
dadaalaysay inay lacag ka qaaddo maraakiibta halkaas maraysa.