Qaramada Midoobey oo soo saartay digniin ku saabsan halis gaajo
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa ka digay in dagaalka Bariga Dhexe uu malaayiin qof oo dheeraad ah geliyey halis gaajo.
Hay’addu waxay sheegtay in,dhinac ahaan, kororka qiimaha shidaalka iyo gaadiidku uu cuntada ka dhigay mid qaali ah, halka dhinaca kale yaraanta dhaqaalaha ay ku qasabtay hay’adaha gargaarka inay yareeyaan taageeradooda.
Weeraradii wadajirka ahaa ee Maraykana iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan bishii Febraayo ayaa sababay dagaal goboleed ku fiday Gacanka Faaris, kaas oo gaaray Lubnaan isla markaana carqaladeeyay marinno muhiim ah oo maraakiibta, oo ay ku jirto Marinka Hormuz.
Xaaladdan ayaa ku qasabtay maraakiibta inay beddelaan waddooyinkooda, waxayna si weyn u xaddiday socodka caalamiga ah ee tamarta iyo silsiladaha sahayda.
Qoysaska ku nool Afgaanistaan, Soomaaliya iyo Sri Lanka ayaa ka mid ah dhinacyada ugu daran ee ay saameysay xaaladdu; waxay wajahayaan cadaadis sii kordhaya oo ka dhashay kororka qiimaha shidaalka, qiimaha cuntada oo sare u kacay, dakhliga oo hoos u dhacay iyo ganacsiga oo carqaladoobay.
Barnaamijka Cunnada Adduunka ayaa sheegay in qiyaastii 6.5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya — taas oo u dhiganta ku dhawaad saddex meelood meel dadka dalka — ay wajihi doonaan gaajo daran marka la gaaro sannadka 2026.
Afgaanistaan gudaheeda, 17.4 milyan oo qof ayaa sidoo kale laga yaabaa inay saameeyaan yaraanta cuntada.









