You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Koobka Adduunka: Maxay yihiin caqabadaha ay wajahayaan taageerayaasha Afrika?
Taageerayaasha kubadda cagta ee ka socda shan dal oo Afrikaan ah oo u socda Maraykanka si ay uga qeyb galaan koobka adduunka ee 2026 ayaa la siiyay suurtagal ah ka-dhaafitaan shuruuddii dammaanadda maaliyadeed ee $15,000 ee fiisaha, haddii ay hore u haystaan tikidhada ciyaaraha.
Maamulka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in taageerayaasha haysta tikidhada kana kala socda Algeria, Cape Verde, Ivory Coast, Senegal, iyo Tunisia laga dhaafi doono shuruuddii ahayd in ay dhigaan lacag dammaanad ah si ay u helaan fiiso.
Shantan dal ayaa ka mid ahaa 50 dal oo lagu daray shuruuddan oo la soo rogay sannadkii hore, taas oo loogu talagalay in lagu xakameeyo dadka fiisaha la siiya ee dabadeed ku sii nagaada, taas oo qayb ka ah olole ballaaran oo lagu adkaynayo siyaasadaha socdaalka ee dalkaas.
Iyadoo 78 ka mid ah 104-ka ciyaar ee FIFA World Cup 2026 lagu qabanayo gudaha Maraykanka, isbedelka shuruudaha waa mid muhiim ah.
Laakiin taageerayaasha Afrika ee qorsheynaya safar ay ku tagayaan tartanka oo lagu kala qabanayo dalala Maraykanka, Kanada iyo Mexico inta u dhexeysa 11-ka Juun ilaa 19-ka Luulyo, weli waxay wajahaan caqabado badan.
Maxaa isbeddelay?
Lacagaha loo baahan yahay dammaanadda fiisaha waxay u dhexeeyaan $5,000ilaa $15,000.
"Waxaan ka dhaafaynaa shuruudda dammaanadda fiisaha taageerayaasha u qalma ee iibsaday tigidhada Koobka Adduunka," ayay tiri kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ee adeegyada qunsuliyadda, Mora Namdar, bayaan ay siisay BBC.
Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay leedahay shuruud.
Si looga dhaafo shuruudda dammaanadda, dadka haysta tigidhada ee ka imanaya dalalka ay khusayso waa inay iska diiwaangelin lahaayeen nidaamka khadka tooska ah ee Fifa Pass ka hor 15-ka Abriil.
Nidaamkaas oo la shaaciyay bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, waxa loogu talagalay inuu ka caawiyo dadka haysta tigidhada inay helaan ballamaha fiisaha si degdeg ah.
Yaa weli ka maqnaanaya?
FIFA waxay sheegtay in ku dhawaaqista ka-dhaafitaanka damaanada fiisaha ay muujinayso wada-shaqaynteeda joogtada ah ee Aqalka Cad "si loo xaqiijiyo dhacdo caalami ah oo guul leh, rikoodh jabisa oo aan la ilaawi karin".
Laakiin warkan waxa laga yaabaa inuu u yimaado goor dambe dad badan oo rajaynayay inay safraan oo ay daawadaan kooxdooda oo ciyaaraysa.
Ma cadda haddii qof kasta oo ka yimid shanta dal ee Afrikaanka ah ee iibsada tigidh ciyaar daqiiqad-dambe ah laga doonayo inuu bixiyo deebaajiga fiisaha.
Sidoo kale, dadka safarka ka imanaya Ivory Coast iyo Senegal weli waxay wajahaan xannibaado qayb ah oo hoos yimaada mamnuucidda socdaalka ee sii socota ee maamulka Trump.
Taageerayaasha ka yimid labadan dal ee Galbeedka Afrika ee aan helin fiisahooda ka hor Disembar lama siin doono fiiso booqasho si ay u safraan Mareykanka.
Dhanka kale, xitaa dadka ka imanaya dalal aanay saamayn ku lahayn shuruudaha deebaajigu waxay weli la kulmayaan dhibaatooyin ku saabsan helitaanka safarkooda.
BBC Sport Africa waxay ogaatay in qaar ka mid ah Ghanaian-ka, oo rajaynaya inay arkaan kooxdooda oo ka ciyaaraysa Boston iyo Philadelphia, loo diiday fiisaha gelitaanka Mareykanka.
Caqabadaha kale ee horyaalla taageerayaasha Afrikaanka ah
Kharashka duulimaadyada, hoyga iyo gaadiidka gudaha dalka ayaa ah caqabad degdeg ah oo hortaalla dadka ka safri doona qaaradda.
Maadaama tartanku ka dhacayo saddex dal oo kala duwan, inta badan taageerayaasha Afrika waxay u baahan doonaan inay ka gudbaan xuduudo caalami ah inta lagu jiro wareegga group-yada iyadoo kaliya Algeria, Cape Verde iyo Morocco ay ku ciyaarayaan gudaha Mareykanka inta uu socdo groupyadu.
Taageerayaasha ka imanaya Masar, Ghana, Ivory Coast iyo Senegal dhammaantood waxay u baahan doonaan fiiso ay ku galaan Canada si ay uga daawadaan ciyaaraha Toronto ama Vancouver, halka DR Congo, South Africa iyo Tunisia ay ugu yaraan hal kulan ku ciyaari doonaan Mexico.
Kadibna waxaa imanaya qiimaha tikidhada oo aad u sarreeya.
Kuraasta qiimahoodu yahay lix boqol oo dollar ayaa lagu heli karay ciyaarta Masar iyo Belgium ee laga iibsaday bogga rasmiga ah ee FIFA Khamiistii, laakiin kuwaas ayaa ahaa kuwa kaliya ee ka hooseeya $1,170 ee laga heli karo 10-ka ciyaar ee ugu horreeya ee ay ku lug leeyihiin koox Afrikaan ah.
Tigidhada yar ee weli la heli karo ee ciyaarta furitaanka ee Mexico iyo South Africa ayaa lagu iibinayaa $3,840.