Maxaa sababay in haween badan oo Afrikaan ah ay is caddeeyaan?

    • Author, Oyenike Balogun
    • Role, The Conversation*
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dalal qaarkood oo Afrikaan ah, in ka badan 50% haweenka ayaa si joogto ah u isticmaala alaabooyin maqaarka lagu iftiimiyo.

Sahan la sameeyay sanadkii 2022 oo lagu bartilmaameedsaday haweenka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu ayaa lagu ogaaday in 75.6 boqolkiiba haweenkii la wareystay ay isticmaaleen alaabooyinka caddeeya maqaarka.

Baaritaanno badan ayaa gudaha Soomaaliya laga sameeyay oo ku saabsan is caddeynta, kuwaasoo lagu ogaaday in haween badan ay maqaarkooda caddeeyaan.

Kareemada la isku caddeeyo ayaa si fudud looga heli karaa dukaamada lagu iibiyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

Koonfur Afrika, boqolkiiba waa 32%, halka Nigeria uu gaarayo 77%, taas oo aad uga sarreysa heerarka laga diiwaangeliyo gobollada kale ee adduunka.

Is caddeyntan waxay keeni kartaa cawaaqib culus. Kiniiniyada iyo kareemada maqaarka lagu caddeeyo waxaa la iibiyaa iyadoon warqad dhakhtar loo baahnayn, waxaana lala xiriiriyay dhibaato daran oo maqaarka ah, dhaawacyo xubnaha gudaha ah, dhibaatooyin neerfaha ah, iyo khatarro halis ah marka la sameynayo qalliimo.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaashu weli si sax ah uma ogaan sababta haweenku u isticmaalaan alaabtan. Tani waa arrin muhiim ah maaddaama jawaabtu hagayso xalalka caafimaadka guud.

Sharraxaad sahlan ayaa noqon karta in haweenku maqaarkooda iftiimiyaan sababtoo ah kuma qanacsana maqaarkooda, balse waa adag tahay in si cad loo xaqiijiyo arrintaas.

Inta badan cilmi-baarista aragtida jirka waxay ku tiirsan tahay su'aalo toos ah. Si kastaba ha ahaatee, habkan wuxuu leeyahay xaddidaadyo. Dadku mar walba si sax ah ugama jawaabaan, maaddaama cadaadiska bulshada uu saameeyo jawaabaha.

Si loo xalliyo arrintan, cilmi-baarayaashu waxay adeegsadeen tijaabada Skin IAT, taas oo cabbirta sida maskaxdu si degdeg ah ugu xiriiriso maqaarka iftiinka iyo erayo togan ama taban.

Haddii qof si toos ah uu ugu xiro maqaarka iftiinka wax wanaagsan, taasi waxay ka muuqan kartaa jawaabihiisa xitaa haddii uusan si cad u sheegin.

Tijaabooyinkani waxay ka gudbaan xadka waxa ay dadka diyaar u yihiin inay qirtaan, waxaana loo adeegsaday arrimo badan sida midab-takoorka, miisaanka, iyo diinta.

Natiijooyinku waxay muujinayaan in 79% dadka ay doorbidaan maqaarka iftiinka marka la eego jawaabaha qarsoon, halka sahanno toos ah ay muujiyaan tiro aad uga hooseysa intaas.

Xiddidaadda arrintani waxaa ku jira gumeysi, halbeegyada quruxda ee reer galbeedka, nidaamyo dhaqaale iyo warbaahin.

Qiimeynta jawaabta qarsoon

Daraasaddeennu waxay ku saabsanayd muunad ka kooban 221 haween madow ah, kuwaas oo intooda badan ahaa Koonfur Afrikaan. Muunaddan ayaa ahayd qaybta ugu weyn ee ka qaybgalayaasha sahankan internet-ka lagu sameeyay, kaas oo bartilmaameedsanayey haweenka madow ee Afrikaanka ah ee ku nool qaaradda oo dhan.

Waxaan ka codsannay inay buuxiyaan laba is-qiimayn oo ku saabsan qanacsanaanta midabka maqaarkooda, marka lagu daro tijaabada xiriirka qarsoon ee maqaarka.

Si ay ugu qalmaan ka qaybgalka daraasadda, ka qaybgalayaashu waa inay isku aqoonsadaan haween madow oo Afrikaan ah, ay ugu yaraan jiraan 18 sano jir, isla markaana diyaar u yihiin inay ka jawaabaan su'aalo ku saabsan muuqaalkooda jireed.

Kadib tijaabada qarsoon, 78.5% ka qaybgalayaasha ayaa sheegay inay doorbidaan maqaar iftiin badan. Labadii is-qiimayn ayaa muujiyey boqolley aad uga hooseeya (18.5% iyo 29.8% siday u kala horreeyaan).

Natiijada tijaabada qarsoon ee daraasaddeenna (78.5%) waxay aad ugu dhoweyd xadka sare ee heerarka isticmaalka waxyaabaha maqaarka iftiimiya ee qaaradda (77% gudaha Nayjeeriya).

Kala duwanaanshahan qiimaynta ku jira waa mid muhiim ah. Waxa uu muujin karaa in tiro badan oo haween madow oo Afrikaan ahi ay aad u door bidaan midabka iftiinka ah ee maqaarka, ama laga yaabee inay ka hooseyso heerka ay ku dareemayaan raaxo inay si cad u muujiyaan.

Kuwani waa haween marka sahamin lagu sameeyo laga yaabo inay ku jawaabaan inay ku qanacsan yihiin maqaarkooda, balse xiriirrada maskaxdooda ee tooska ahi waxay sheegayaan sheeko gebi ahaanba taas ka duwan.

* Oyenike Balogun waa borofisar cilmi-nafsi ka dhigta Jaamacadda Bentley University ee dalka United States.

Maqaalkan waxaa markii ugu horreysay lagu daabacay bogga wararka jaamacadaha ee The Conversation, waxaana dib loogu daabacay Creative Commons.