Wadaad Islaami ah oo muran badan dhaliyay oo lagu toogtay Nigeria

    • Author, Mansur Abubakar
    • Reporting from, Abuja
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Wadaad Islaami ah oo muran badan dhaliyay ayaa lagu dilay bannaanka gurigiisa oo ku yaalla gobolka Katsina ee waqooyiga Nigeria.

Laba nin oo mooto watay ayaa yimid, waxayna rasaas ku fureen Yahaya Masussuka, xilli uu fiidnimadii Isniinta magaalada Dutsin-Ma ku sagootinayay dad marti u ahaa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen BBC-da.

Wadaadka oo 47 jir ahaa iyo mid ka mid ah martidiisa oo isaguna la toogtay ayaa loola cararay isbitaal, balse labadoodaba waxaa markii dambe lagu dhawaaqay inay dhinteen, sida ay booliisku sheegeen.

Lama oga sababta Masussuka loo bartilmaameedsaday, hase yeeshee wadaadku wuxuu baraha bulshada kala kulmay hanjabaado dil ah. Wuxuu halkaas ku baahin jiray muuqaallo uu ku diidayay qaybo ka mid ah caqiiddada Islaamka ee sida guud loo aaminsan yahay, oo ay ku jirto waxa ku dhaca dadka marka ay dhintaan.

Diinta Islaamka waxaa si weyn looga aaminsan yahay in qofka marka uu qabriga ku jiro ay laba malag su'aalo weydiin doonaan naftiisa. Haddii uu si sax ah uga jawaabo, naftiisu waxay si nabad ah u nasan doontaa ilaa maalinta Qiyaame. Haddii uusan si sax ah uga jawaabinna, waa la cadaabi doonaa.

Fahamkan wuxuu ka soo jeedaa Xadiiska Nebi Muxamad (NNKH).

Xadiisku waa il muhiim ah oo laga helo aqoonta Islaamka, waxaana loo adeegsadaa fasiraadda Qur'aanka Kariimka ah.

Hase yeeshee, Masussuka wuxuu waxbaristiisa inta badan ku saleeyn jiray waxa ku qoran kitaabka Qur'aanka, wuxuuna su'aal gelin jiray qaar ka mid ah axaadiista. Sidoo kale, ma uusan rumaysnayn in dadka dhintay dib loo soo noolayn doono oo su'aalo la weydiin doono.

Mar ayuu sagaal bilood xabsi ku jiray ka dib markii uu ku jeesjeesay culimo la qadariyo, isaga oo ku maadaysanayay aaminsanaantooda xadiiskan iyo waxbarisyo kale.

Masussuka, oo lahaa laba xaas iyo toddoba carruur ah, ayaa bilaabay wacdinta isagoo 13 jir ah, isaga oo wax ka dhigi jiray dugsiyada Qur'aanka.

Markii dambe, wuxuu waxbarasho ka qaatay Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar, dabadeedna wuxuu waxbarasho dheeraad ah u aaday dalka Cumaan.

Gurigiisa ayuu ku lahaa istuudiyo uu ku duubi jiray muuqaallo uu ku soo bandhigayo waxbaristiisa, kuwaas oo baraha bulshada loogu baahin jiray taageerayaashiisa.

Wadaadku wuxuu sidoo kale si cad uga hadli jiray xagjirnimada rabshadaha wata iyo dadka loo jiheeyo fikirrada xagjirka ah. Wuxuu si furan u taageeri jiray wada-hadalka diimaha kala duwan iyo nabad ku wada noolaanshaha Muslimiinta iyo Masiixiyiinta, kuwaas oo tiradoodu ku dhowaad kala bar kala yihiin dadka ku nool Nigeria.

Kumannaan Muslimiin iyo Masiixiyiin ah ayaa lagu dilay rabshado ku salaysan qowmiyad iyo diin oo dalkaas ka dhacay 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Dadaalladiisa awgood, ururka Nigeria Network for Good Governance and Transparency ayaa sannadkii hore Masussuka guddoonsiiyay abaalmarinta Safiirka Nabadda.

Lix kale oo ka mid ahaa wadaaddada Muslimiinta ee caanka ah ayaa lagu dilay waqooyiga Nigeria labaatankii sano ee la soo dhaafay. Qaarkood waxaa bartilmaameedsaday kooxda Boko Haram, ka dib markii ay dhaleeceeyeen ururkaas jihaad doonka ah, kaas oo bilaabay kacdoonkiisa hubaysan sannadkii 2009-kii.

Boko Haram oo laga aasaasay waqooyi-bari Nigeria ayaa ka soo horjeeda dhaqanka reer Galbeedka, waxbarashada reer Galbeedka iyo dowladnimada aan diinta ku dhisnayn. Ujeeddadeeda siyaasadeedna waa in la dhiso dowlad Islaami ah.

Warbixin dheeraad ah: BBC Pidgin