Sidee ayaad ula tacaali kartaa kalinimada?

Dareen cidlo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Halkaad doonto joog, iskuul, koleej ama guriga, waxaa jira waqtiyo aad dareemeyso kalinimo.

Waxaa suuragal ah in aad u baahato saaxiib aad la hadasho ama qof aad la wadaagto arimahaaga la xiriira nolol maalmeedkaaga.

Mararka qaar waxaad ka guuri kartaa gurigaaga oo waxaad nolol cusub ka bilaabi kartaa meel aad hore u aqoon. Tani waxay adkayn kartaa in aad si degdeg ah u samaysato saaxiibo cusub, taas oo kuu horseedi karta dareen kalinimo.

Hadaba ma ahan taas arrin kaligaa kuugu eg. Waxaa jira dad badan oo caqabado kala kulma samaysashada saaxiibtinimo marka ay galaan jaamacad, iskuul cusub ama bilaabaan nolol meel cusub.

Waa maxay kalinimo?

Sida ay sheegtay hay'adda NHS oo ah adeegga caafimaadka UK, dadka oo dhan isku si uma dareemaan kalinimada. Sidaa darteed, ha isku eedayn dareenka aad la kulanto. Dadka qaar waxay dareemaan kalinimo mararka qaarkood, halka kuwo kalena ay si joogto ah u dareemaan.

Waxaa jira dad kalinimo dareemo mararka qaar

Xigashada Sawirka, Getty Images

NHS-ta waxay sidoo kale sheegtay in kalinimada muddada dheer ay kordhin karto halista dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda, sida hoos u dhaca dhiirrigelinta, walbahaarka oo kordha iyo xitaa niyad-jab daran.

Noocyada kalinimada

In aad weyso wax ku dareema: Tani waxay dhacdaa marka qofku dareemo in uu waayay xiriir dhow oo dareen oo uu la lahaa xubin ka tirsan qoyska ama saaxiib aad ugu dhowaa.

Bulshada oo aad ka go'do: Waa xaalad uu qofku dareemo in uusan lahayn saaxiibo ama dad ay wadaagaan danaha iyo hawlaha uu isagu xiiseeyo.

Dareen Cidlo: dareen ah in aad kaligaa tahay, xitaa haddii aad ku dhex jirto dad badan.

Sidee looga gudbi karaa kalinimada?

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in xiriirka lala sameeyo dadka ay tahay tallaabo muhiim ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haddii aad dareemayso kalinimo, waxaa jira tallaabooyin kaa caawin kara in aad yarayso dareenkaas. Hay'adda caafimaadka UK ee NHS ayaa dadka kula talisa qodobadan.

Ilaali xiriirka aad la leedahay dadka kale. Ku biir kooxo bulsho ama hawlo wadajir loo qabto. Samee waxyaabaha aad jeceshahay. Ka hadal dareenkaaga. Caawimo ka raadso dadka aad ku kalsoon tahay.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in xiriirka lala sameeyo dadka ay tahay tallaabo muhiim ah, xitaa haddii mararka qaarkood aad dareento in aysan cidi ku fahmayn. Samaynta xiriir dhab ah waxay gacan ka geysan kartaa hagaajinta caafimaadka maskaxda iyo guud ahaan fayo-qabka.

Dhakhtar ku takhasusay caafimaadka maskaxda ayaa sheegay in marka aad gasho deegaan cusub, ha ahaato dugsi, jaamacad ama meel cusub oo aad degto, ay muhiim tahay in aad isku daydo in aad la sheekaysato dad cusub, ka qayb qaadato hawlo kala duwan, isla markaana dhisto xiriir cusub.

Sida uu sheegay dhakhtarku, xitaa haddii aad waqti kooban si joogto ah ula qaadato qof ama koox, taasi waxay faa'iido u leedahay caafimaadka maskaxda. Sidoo kale, la kulanka dad cusub oo ka baxsan saaxiibbadaadii hore waxay yarayn kartaa dareenka kalinimada.

Talooyinka kale ay bixiyaan khubaradu

Dhakhaatiirtu waxay sidoo kale ku taliyaan in aad aqbasho sida aad tahay. In aad si deggan u neefsato marka aad dareento walbahaar. Inta badan in aad dhoola-caddeyso. Ha isku qasbin in aad mar walba faraxsan tahay. U muuji naxariis iyo damqasho dadka kale. Ugu dambeyntii, xusuusnow qiimahaaga iyo awoodaha aad leedahay.

Goormee ayaad u baahan tahay kaalmo?

La hadal mar walba qof hadii ay jiraan wax ku dhibaya ama ku welwel gelinaya.

Xigashada Sawirka, Getty Images

La hadal mar walba qof hadii ay jiraan wax ku dhibaya ama ku welwel gelinaya. Waxaad la hadli kartaa saaxiib, waalid, masuul, macallin ama qof kale oo aad ku kalsoon tahay.

Haddii aad u baahan tahay kaalmo, raadso. Haddii aad la kulanto dhibaatooyin caafimaadka maskaxda ah, waxaa muhiim ah in aad la tashato qof aqoon u leh caafimaadka maskaxda ama dhakhtar si aad u hesho talo iyo daryeelka kuugu habboon.

WHO: Afrika waa qaaradda ugu kalinimada badan adduunka

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay'adda caafimaadka adduunka WHO, bishii Juun 2025, Afrika ayaa noqotay qaaradda heerka kalinimada uu aad u sareeyo.

Qiyaastii 24% dadka ku nool qaaradda ayaa sheegay in ay mar uun dareemeen kalinimo, iyadoo dhallinyarada da'doodu u dhaxayso 13 ilaa 17 sano ay noqdeen kuwa aadka u dareemay kalinimada.

Afrika waxaa ku xigay Bariga Mediterranean-ka oo leh 21%, halka Koonfur-bari Aasiya ay ahayd 18%. Yurub ayaa noqotay gobolka ugu kalinimada yar, iyadoo ku dhawaad 10% ay sheegeen in ay dareemeen kalinimo.

Warbixintan ayaa la daabacay kaddib markii WHO ay ku dhawaaqday in kalinimadu ay tahay caqabad weyn oo dunida oo dhan saamayneysa.

Afrika muddo dheer waxay caan ku ahayd dhaqammo mudnaanta siinaya wadajirka bulshada iyo danaha guud. Si kastaba ha ahaatee, WHO waxay sheegtay in isbeddellada bulsho iyo dhaqaale ay wax ka beddelayaan qaab-dhismeedkaas, taasoo saamayn ku yeelanaysa xiriirka bulshada.