Fariimaha ay isku dirayaan labada dhinac oo socda iyo hakin weerar oo 'shuruudaysan' oo shaaca laga qaaday

.

Xigashada Sawirka, shutterstock

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Ismail Baghaei ayaa shaaca ka qaaday in is-weydaarsiga fariimaha u dhexeeya Tehran iyo Washington uu sii socdo, marka laga soo tago dhaqdhaqaaqa socda ee wada-xaajoodayaasha.

Ciidanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan weerarradooda, oo ay ugu yeereen "aargoosi," ka dib markii weerarradii Mareykanku ay joogsadeen labadii habeen ee la soo dhaafay, iyagoo isla markaana ku hanjabay inay ballaarin doonaan baaxadda juqraafiyeed ee dagaalka gobolka haddii Mareykanku uu sii wado weerarrada uu ku hayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Ilo wareed ayaa u sheegay Reuters Axaddii: "Mowqifka Iiraan wuxuu weli yahay mid is-dhaafsi ah: haddii weerarradu joogsadaan, Iiraan sidoo kale waxay joojin doontaa hawlgalladeeda. Mareykanka ayaa horey loogu wargeliyay farriintan."

Ilo wareedku wuxuu raaciyay: "Waxaa jira shaki ka badan rajo laga qabo joojinta weerarrada. Aragtida baahsan ayaa ah in joojintani ay tahay mid xeeladaysan oo aan ahayn mid dhab ah."

Tani waxay timid ka dib markii warbixinnada laga helay Mareykanka ay muujiyeen in Trump uu si ku meel gaar ah u go'aansaday inuu hakiyo kordhinta weerarka militariga Mareykanka ee Iiraan.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Mike Waltz ayaa sheegay in Trump uu wadahadalka Iran siinayo "waqti".

Dhanka kale, warbixinnada Maraykanku waxay muujiyeen in saraakiisha Maraykanku ay walaac ka muujiyeen hoos u dhaca kaydka nidaamka difaaca gantaallada Patriot, iyo sidoo kale fogaanshaha suurtagalka ah ee xulafada Carbeed ee Khaliijka, taas oo soo noolayn karta rajada laga qabo in dib loogu soo laabto wada xaajoodka ka dib ku dhawaad ​​​​laba toddobaad oo isdaba joog ah duqeymo habeenkii Mareykanku fulinayay ah.

Tan iyo fiidnimadii Jimcaha, Mareykanku ma uusan qaadin duqeymo xagga cirka ah oo uu ku beegsanayo Iran, iyadoo aan wax sharraxaad rasmi ah laga bixinin go'aankan.

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay inuu u safri doono Washington Isniinta si uu ula kulmo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu ugala hadlo amniga gobolka, oo ay ku jirto Iiraan, halkaas oo la filayo inuu ku boorriyo inuu sii wado qaadashada mowqif adag oo ku wajahan Tehran, gaar ahaan barnaamijkeeda nukliyeerka.

War qoraal ah oo uu siiyay Fox News, Netanyahu wuxuu ku sheegay inuu taageersan yahay dadaallada Trump ee lagu joojinayo barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Wuxuu yiri: "Haddii uu taas sameyn karo isagoon ku soo laaban dagaal culus oo militari, markaas waa hagaag. Maxaa diidaya? Laakiin, si uun ama si kale, waa inay joojiyaan barnaamijkooda nukliyeerka, haddii heshiis la gaaro iyo haddii kaleba, waa in arrintaan la xalliyaa."

Bab al-Mandab iyo Hormuz

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marinka Bab al-Mandab ayaa hoos u dhacay maalintii Axadda ka dib markii fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay weerareen xarumaha shidaalka Sacuudiga ee ku yaalla xeebta Badda Cas, halka marinka Hormuz uu dhaqdhaqaaqiisu ahaa mid hooseeya maalmaha Sabtida iyo Axadda, sida lagu sheegay xogta maraakiibta ee ay Isniintii soo saartay shirkadda xogta badda ee Kpler.

Xogtu waxay muujisay in 11 markab oo xamuul ah ay mareen marinka Bab al-Mandab maalintii Axadda, taas oo ahayd heerarkii ugu hooseeyay muddo bilo ah.

Toddobo ka mid ah maraakiibtaas maray Bab al-Mandab ayaa ahaa kuwa qaada shidaalka; saddex ka mid ah ayaa galay Badda Cas, halka afar kale ay ka baxeen.

Dhanka marinka Hormuz, xogta shirkadda Kpler ayaa muujisay in wax ka yar 10 markab oo ganacsi ay mareen marinkaas maalmaha Sabtida iyo Axadda, inkastoo ay jirto hakad ku meel gaar ah oo ku yimid is-weydaarsiga weerarrada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ee Bariga Dhexe.

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sharraxaadaha ku saabsan joojinta weerarrada

Axios ayaa sheegtay in Pentagon-ku ay Trump u soo bandhigeen qorshe ay ku duqaynayaan Iran habeenkii 14-ka, laakiin wuu diiday inuu ansixiyo, isagoo doorbiday inuu sii wado wadahadallada.

Faalladda rasmiga ah ee kaliya ee arrintan ku saabsan waxay ka timid afhayeen Aqalka Cad, kaasoo sheegay in Trump uu had iyo jeer doorbido xal diblomaasiyadeed.

Si kastaba ha ahaatee, CNN, oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin oo ka tirsan Pentagon-ka, ayaa sheegtay in howlgallada Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan ay "joojiyeen," xitaa markii Trump uu ku hanjabay weerarro "aad uga sarreeya" weerarradii hore Jimcihii la soo dhaafay.

Wargeyska New York Times, oo soo xiganaya laba qof oo yaqaan arrinta, ayaa sheegay in qorshayaasha lagu kordhinayo ololaha ay qayb ahaan dib u dhaceen sababtoo ah sahayda oo yaraatay.

Wargeysku wuxuu sheegay in Trump uu sidoo kale wajahayo khatarta dagaal ballaaran oo ka qarxa Bariga Dhexe, xiriirka xulafada Khaliijka oo xumaaday, iyo sidoo kale dhibaatooyin dheeraad ah oo soo food saaray dhaqaalaha adduunka.

CNN ayaa ku warrantay in Madaxweyne-ku-xigeenka J.D. Vance iyo Guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Isku-dhafka ah (Joint Chiefs of Staff), Jeneraal Dan Keane, ay walaac ka muujiyeen sii xoogeysiga xaaladda intii lagu guda jiray kulan Jimcihii ka dhacay Aqalka Cad.

Sida ay sheegtay shabakaddaasi, Keane ayaa u sheegay Trump in ciidamadu ay awood u leeyihiin inay si guul leh u fuliyaan tallaabooyinka u bannaan, balse wuxuu uga digay cawaaqib-xumada ka dhalan karta.