Taariikh-Nolooleedkii: Qoraa, taakhiiryahan iyo ruug cadaa, Boobe Yuusuf Ducaale

Xigashada Sawirka, Google
Allaha u raxmadee waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay Ruug cadaagii Siyaasadeed, Qoraa, xeeldheere dhaqan iyo taaariikhyahan. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo shalay ku geeriyooday isla magaalada Hargeysa.
Boobe, waxay dadka yaqaana ku tilmaameen inuu ahaa qof abgaaban, hufan, dadkana si isku mid ah u ixtiraama.
Sheekh Almis Yaxya, oo Allaha u u naxaiistee Cabdiraxmaan Boobe, uu abti u ahaa ayaa ku sifeeyey tiir weyn oo ka baxay ehelka, asxaab iyo guud ahaan Soomaalidaba.
"Wuxuu aha qof qoys, aad u carruur jeclaaa, kuwa uu dhalay, kuwa ay walalaahiis dhaleen, xagga qoyska aad ugu weyn yahay, talo iyo tusaale ka qaadan jirnay, dhimirsan kuna dhagaysanaya "ayuu BBC-da u sheegay Sheekh Almis.
Isagoo ka hadlayey intii dambe ee noloshiisa, wuxuu Sheekhu xusay in Marxuunku uu jeclaa inuu kali ku qaato nolashiisa, 'Wuxuu diidi jiray inuu waqti badan ka lumo, waxaadna mooday qof tartan kula jira gabalka dumaya iyo waaga baryaya' ayuu intaas raaciyey.
Qalinleyda Soomaalida, dadka aruuriya dhaxalka suugaantaba, waxay Boobe, ku tilmaamaan inuu ahaa tusaale mudan in lagu daydo.
Taariikh nololeedkii Boobe
Alla u raxmadee, Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa sanadkii 1948-dii ku dhashay magaalada Hargeysa.
Waxbarashadiisii hore ee barashada Quraanka waxaa u uku qaatay magaalada Hargeysa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxbarashadiisa maadiga ahayd wuxuu ka bilaabay magaalada Hargeysa isagoo dugsiga hoose ka bilaabay Reece Primary School, ka dibna waxa uu u wareegay dugsiga Biyo-Dhacay Primary School, halkaas oo uu kaga qalin-jabiyay sannadkii 1959.
Sannadkii 1964-kii, waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho si uu wax uga barto dugsiga sare ee Banaadir, kaas oo ahaa dugsi hoy ah oo ay aasaaseen, waxna ka dhigi jireen macallimiin ka socday Midowgii Soofiyeeti.
Waxa uu dugsiga sare ka qalin-jabiyay sannadkii 1968-kii. Isla sannadkaas ayuu u ambabaxay dalka Talyaaniga si uu waxbarasho jaamacadeed u soo qaato.
Sanadkii 1973-kii, waxa uu magaalada Moscow ee Midowgii Soofiyeeti ku soo qaatay waxbarasho la xiriira cilmiga siyaasadda.
Dhanka kale, mihnaddiisa qoraannimo waxa ay bilaabatay sannadkii 1971-kii, markaas oo uu daabacay afar buug oo ku saabsan gabayaagii Timacadde (Cabdillaahi Suldaan Maxamed Timacadde).
Markii uu waxbarashadiisii ka soo laabtay, Boobe waxa uu sannadihii 1973 ilaa 1974 ka shaqeeyay waaxda tababarrada ee xafiiska xiriirka dadweynaha ee Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliya.
Bishii Luulyo 1976-kii, waxa uu ka mid noqday dadkii aasaasay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxa uu xubin ka ahaa guddiga BANFAS oo qaabilsanaa diyaarinta ka-qaybgalka Soomaaliya ee bandhiggii dhaqanka iyo farshaxanka FESTAC 77, oo sannadkii 1977 lagu qabtay dalka Nigeria.
Sannadkii 1981-kii, waxa uu si joogto ah uga qayb qaadan jiray barnaamijyada Radio Muqdisho, sidoo kalena waxa uu wax ku qori jiray wargeyska maalinlaha ah ee Xiddigta Oktoobar.
Bishii Janaayo 1981-kii, Boobe waxaa loo magacaabay Guddiga Dhexe ee Jabhaddii Xoreynta Soomaali Galbeed (Western Somali Liberation Front – WSLF), oo ahayd jabhad ka soo horjeedday Itoobiya.
Bartamihii sannadkii 1981-kii, isaga oo ka soo horjeeday nidaamkii milatari ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, ayuu Boobe ka baxay Jabhaddii Xoreynta Soomaali Galbeed (WSLF).
Kadibna sida isagu ku sheegay wareysiyo hore oo uu bixiyey intuu uu noolaa waxaa uu ku biiray Jabhadii SSDF.
Sanadkii 1982-dii ayuu Boobe ku biiray ururkii SNM, isagoo diiwaangeliyay howlgalladii milatari.
Doorkiisii Somaliland iyo xilalkii uu ka soo qabtay
Sanadkii 1991-kii asaaskii Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday Somaliland, Boobe, wuxuu ka mid ahaa dadkii foollaadka ua ahaa asaaskaas.
Sannadkii 1999-kii, Boobe waxa uu noqday cilmi-baare ka tirsan Akadeemiyadda Nabadda iyo Horumarinta ee Somaliland.
Bishii Maarso 2012-kii, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Boobe u magacaabay Wasiirka Warfaafinta.
Bishii Luulyo 2012-kii, Boobe waxa uu ka qaybgalay munaasabad uu Naadiga Maktabadda Guurguurta ku qabtay magaalada Burco, taas oo ujeeddadeedu ahayd dhiirrigelinta akhriska iyo ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka.
Bishii Agoosto 2012-kii, Madaxweyne Siilaanyo ayaa xilkii Wasiirka Warfaafinta ka qaaday Boobe.
Qalinkiisii iyo buugaagtii uu qoray

Xigashada Sawirka, Google
Allaha u raxmadee Cabdiraxman Yuusuf Ducaale (Boobe), waxaa lagu tiriyaa dadka Soomaalida kuwa ugu badan ee ka tagay dhaxal qoraal oo qiimo leh oo jilal badani dhaxli doonaan.
Wuxuu lahaa hibo gaara oo qoraalka ah, taas oo la soo bilaabay intuu dhalinyarada ahaa, waxaa dadka taariikhdisa yaqaan ay xusaan inuu toddobaataneeyadii bilaabay qoralkiisa, ilaa intii dambe ee noloshiisana uu wax qorayay ha noqdeen buugaag iyo qoraale kale oo taariikhiya.
"Had iyo jeer buug iyo qalin baa agtiisa yaalay iyo sameecad uu wax ku dhageysto, buugaag uu horey u qoray iyo warqado uu horey wax ugu qoray ayuu dib u eegi jiray'
Dhaxalka qoraal ee uu ka tagay marxuunku, waa kuwo farabadan oo isugu jira , kuwa uu ka reebay suugaan maalkii Soomaalida, abwaanadii hore iyo kuwo uu kaga sheekeeyey waayihii kala duwanaa iyo dhacdooyinkii uu u soo joogay.
Buugaagtaas waxaa ka mid ah. Dhaxal Reeb kow iyo laba, Horaad, Diiwaanka Maansada, Deeley Saadaal Rumowday, Ilmadii Hal abuurka, Dharaaro ina soo maray.
Buugga Gulaal ee inta badan uu kaga hadlay taariikhdiisa iyo waayo-joognimada aqooneed, aftahanimo iyo odorosyo kala duwan ayaa ugu dambeyey buugaatiisa.
Allaha u naxariisto Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)

























