Wiilka Yoweri Museveni oo ku hanjabay inuu xabsiga dhigi doono ciddii aabbihii wax ka sheegta

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Taliyaha Ciidanka Milatariga Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku hanjabay in qof kasta oo aflagaadeeya ama xaqira Madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni, xubnaha qoyskiisa ama isaga laftiisa lagu xukumi doono 10 sano oo xabsi ah.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa rasmiga ah ee X, ayuu Muhoozi oo ah wiilka madaxweynaha Uganda, sidoo kale digniin gaar ah u diray warbaahinta caalamiga ah ee ka hawlgasha Uganda, isaga oo sheegay in la diyaarinayo siyaasad cusub oo lagu maamulayo shaqadooda.

"Waxaan dhowaan ku dhawaaqi doonaa siyaasad cusub oo lagu maamulayo dhammaan warbaahinta shisheeye ee Uganda. Waxaa dhammaaday xilligii ay dalkeenna aflagaadeyn jireen," ayuu qoray.

Weli ma uusan faahfaahin siyaasadda uu soo jeediyay ama tallaabooyinka laga qaadi karo hay'adaha warbaahinta shisheeye.

Hanjabaadahan ayaa imanaya ku dhowaad 10 maalmood kaddib markii wakaaladda wararka AFP ay, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan xisbiga talada haya ee National Resistance Movement, sheegtay in saraakiil sare oo xisbiga ka tirsan ay diideen soo-jeedin uu Madaxweyne Museveni ku doonayay in wiilkiisa loogu diyaariyo xilka madaxweynaha ee isaga ka dambeeya.

Hase yeeshee, xisbiga NRM ayaa beeniyay wararka sheegaya in hoggaankiisu diiday in Muhoozi uu beddelo aabbihii oo 82 jir ah.

Xoghayaha Guud ee xisbiga, Richard Todwong, ayaa warbixinta ku tilmaamay mid aan run ahayn.

"Qoraalka waxaa lagu sheegay in xisbiga NRM uu diiday qorshe lagu doonayay in Jeneraal Muhoozi Kainerugaba loogu diyaariyo inuu noqdo madaxweynaha xiga ee Uganda. Warkaas waa been," ayuu yiri Todwong.

Bishii Juun, waxaa la xiray hay'adda warbaahinta madaxa-bannaan ee Uganda ee Nation Media Group, oo maamusha wargeyska Daily Monitor iyo xarumaha NTV Uganda, Spark TV, KFM iyo Dembe FM. Xiritaanka ayaa yimid kaddib go'doomin ay ciidamada milatariga iyo kuwa ammaanku ku sameeyeen xarunta, taas oo la sheegay inuu Muhoozi amray.

Hawlaha warbaahinta ayaa dib u billowday bil kaddib, kaddib wada-hadallo heer sare ah oo ay ka qayb galeen Madaxweyne Museveni, Muhoozi iyo madaxda sare ee NMG.

Inkasta oo dastuurka Uganda iyo xeerka anshaxa ciidamada difaaca dalka ay saraakiisha milatariga ee shaqada ku jira ka mamnuucayaan inay dhinac siyaasadeed raacaan ama ku lug yeeshaan hawlo xisbiyeed, haddana Muhoozi ayaa marar badan muujiyay damaciisa madaxweynenimo, isaga oo sidoo kale hanjabaado u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka.

Qoraalladiisii ugu dambeeyay ayuu mar kale ku celiyay inuu doonayo inuu aabbihii xilka kala wareego.

"Waxaan u tartami doonaa xilka madaxweynaha dalka kaddib Oday Museveni. Qofna ima hor istaagi doono. Rajadayda waxaan ku qabaa Ilaaha Qaadirka ah iyo muwaadiniinta dalkayga," ayuu baahiyay.

Qoraalladan ugu dambeeyay ayaa imanaya kaddib markii horay loo xiray akoonkiisa rasmiga ah ee X, kaddib markii uu hanjabaado u jeediyay madaxweyne ku-xigeenka dalka, isaga oo ugu baaqay inay isu diyaariso inay xilka wareejiso.

Dhanka kale, afhayeenka ku-meel-gaarka ah ee ciidamada Uganda ayaa horay, isaga oo soo xiganaya Muhoozi, u sheegay in taliyaha ciidanku uu muddo ka nasan doono baraha bulshada si uu isugu diyaariyo doorashadiisa madaxtinnimo ee 2031.