Waxa ku qornaa warqaddii Muslimiinta Pujban u direen boqorkii ee beddeshay taariikhda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii Luuliyo lixdeedii 1799, Ranjit Singh oo ahaa wiil 18 sano jir aha ayaa u socdaalay magaalada Lahore, kaddib markii uu warqad ka helay qaar ka mid ah dadkii muhiimka ahaa ee magaalada.
Waqtigaas, malaha cidina ma qiyaasi karin in isla wiilkan dhalinyarada ah uu sannado yar kaddib noqon doono hoggaamiyaha boqortooyo ay caasimaddeedu tahay Lahore, dhulkeeduna ku fidsan yahay laga soo bilaabo Kashmir ilaa saxaraha Thar, iyo dhanka Khyber ilaa webiga Sutlej.
Ranjit Singh waxa 13-kii Nofeembar 1780, uu ku dhashay magaalada Gujranwala oo ku taalla waqooyiga magaalada Lahore.
Markii ay bilaabatay hoos u dhacii Boqortooyadii Mughal-ka, oo qarniyo badan ka talinaysay Hindiya, waxaa soo ifbaxay quwado kala duwan oo maxalli ah iyo kuwo goboleed. Sidoo kale, gobolka Punjab waxaa ka hanaqaaday 14 maamul-goboleed oo lahaa ismaamul xaddidan.
Afar iyo tobankan maamul-goboleed ee ismaamulkoodu xaddidnaa, 12 ka mid ah waxaa xukumi jiray dadka Sikh-ga ah. Waxaa ka mid ahaa maamulkii loo yaqaanay Sukerchakia Misl, kaas oo uu hoggaamin jiray aabbihii Ranjit Singh.
Dhulka uu ka talin jiray maamulka Sukerchakia waxaa ka mid ahaa magaalada Gujranwala iyo tuulooyinka ku xeeran.
Ranjit Singh, wuxuu jiray 12 sano oo keliya markii uu aabbihii dhintay sannadkii 1792.
Sida uu sheegay Matthew Lockwood, oo ah borofisar taariikhda ka dhiga Jaamacadda Alabama, dhaxal-sugihii yaraa ee qoyska Sukerchakia wuxuu ahaa nin gaaban, wuxuuna la'aa ishiisa bidix, halka wejigiis ay ka buuxeen raadad yaryar oo ay nabaro ku reeben.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Wax muuqda oo muujinayay inuu noqon doono ninka aasaasi doona boqortooyo weyn ma jirin," ayuu yiri.
Markii hore, hooyadii Raj Kaur, ayaa hagaysay, iyadoo u ahayd mas'uulka maamulka iyo la-taliyihiisa. Sannadkii 1796-kii, Ranjit wuxuu guursaday Mehtab Kaur, oo ahayd gabadhii hoggaamiyihii Kanhaiya. Hase yeeshee, guurka kaddib, hooyadii ayaa weli door muhiim ah ku lahayd noloshiisa.
"Kadib geeridii hooyadii sannadkii 1798-kii, Ranjit Singh wuxuu talo iyo hagid ka raadsaday soddohdiis, Rani Sada Kaur, oo iyaduna ahayd hoggaamiyaha boqortooyadii Kanhaiya, isla markaana lahayd dhammaan sifooyinkii lagu yaqaanay hoggaamiyeyaasha dagaalyahannada Sikh-ga."
Sannad ka hor, Ranjit Singh wuxuu bilaabay inuu muujiyo kartidiisa hoggaamineed, markii uu ciidan u hoggaamiyay ay dagaal isaga caabbinayeen weerar uu soo qaaday Zaman Shah, oo ahaa hoggaamiyihii Boqortooyadii Durrani ee Afgaanistaan.
Guulo kale oo uu sannadkii 1798-kii ka gaaray dagaalladii uu la galay Afgaanistaan ayaa sii xoojiyay sumcaddiisa, isaga oo noqday mid ka mid ah taliyeyaasha milatari ee caanka ka ah gobolka Punjab.
Saddexdii hoggaamiye ee Lahore

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waqtigaas, magaalada Lahore waxaa si wadajir ah u xukumayay saddex hoggaamiye oo kala ahaa Lahana Singh, Gujar Singh iyo Sobha Singh.
Syed Muhammad Latif, ayaa buuggiisa Taariikhda Punjab, ku qoray in dadka magaalada Lahore, oo ka daalay tacaddiyada iyo dulmiga ay hoggaamiyeyaashaas ku hayeen, ay diyaariyeen warqad cabasho ah. Warqadda waxaa saxiixay Hakeem Hakim Rai, Mian Ashiq Muhammad, Mian Mukhammad Din, Muhammad Baqir, Muhammad Tahir, Mufti Muhammad Mukram, Mir Shadi iyo muwaadiniin kale oo magac iyo maamuus ku lahaa magaalada.
Warqadda ay u direen Ranjit Singh waxay ku sheegeen in hab-dhaqanka xun ee saddexda hoggaamiye ee Lahore ay kula kacayeen shacabka uu magaalada ka abuuray qalalaase iyo cabasho xooggan. Waxay sidoo kale sheegeen in tirada yar ee ciidamada loo xil saaray ilaalinta magaalada aysan ku filnayn, taasina ay sababtay in shacabka lagu hayo dulmi, isla markaana ay si weyn uga niyad-jabaan maamulka magaalada.
Warqaddu waxay intaas ku dartay in:
"Xaafadaha ku hareeraysan magaalada gebi ahaanba la burburiyay. Ma jiro hal guri oo saqafkiisa iyo alwaaxyadiisa aysan wakiillada madaxdu gubin ama dumin. Xitaa gudaha derbiyada magaalada, ku dhowaad kala bar dadkii degganaa ayaa guryahoodii ka qaxay, halka waddooyin iyo xaafado badan ay noqdeen meel cidlo ah."
"Hoggaamiyeyaashu waxay caado ka dhigteen cabbidda khamriga iyo ku dhex noolaanshaha raaxada xad-dhaafka ah, waxaana inta badan ay ku jiraan xaalad miyirkoodu aanu dhammaystirnayn. Si ay u daboolaan kharashaadka noloshooda raaxada badan, waxay dhacaan hantida shacabka."
Casuumaaddii Ranjit Singh ee uu ku tegayay Lahore

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida uu qoray Syed Muhammad Latif, duruufahaas awgood, shacabka magaalada Lahore ayaa Sardar Ranjit Singh oo ka tirsanaa maamulka Sukerchakia ku casuumay inuu magaalada yimaado oo uu la wareego maamulka. Ujeeddadaas awgeed, wafdi ayaa gaaray magaalada Rasool Nagar (Ramnagar), halkaas oo uu degganaa Ranjit Singh.
Shacabka ayaa sidoo kale warqad u qoray soddohda Ranjit Singh, isla markaana ahayd hoggaamiyaha Kanhaiya, Sadakaur, iyaga oo ka codsaday inay taageerto ololahan.
"Ranjit Singh wuxuu wakiilkiisa Qazi Abdur Rahman u diray Lahore si uu wadahadal ula yeesho Mian Ashiq Muhammad, Mian Mukhammad Din iyo muwaadiniin kale oo Muslimiin ah oo saamayn ku lahaa magaalada. Wadahadalladii ugu horreeyay waxaa la isku afgartay in mid ka mid ah albaabbada magaalada loo furo si uu Ranjit Singh uga soo galo."
"Intaas kaddib, Ranjit Singh, wuxuu ururiyay ciidankiisa, wuxuuna gaaray Batala si uu wadatashi ula yeesho Sadakaur. Sadakaur iyaduna waxay ciidankeeda ula timid si ay ula kulanto.
Ciidankii uu hoggaaminayay Ranjit Singh, ayaa markii hore u dhaqaaqay magaalada Amritsar. Halkaas kaddib ayuu u dhaqaaqay dhanka Lahore. Wuxuu watay ku dhowaad 5,000 oo askari, kuwaas oo tiro badan ay ahaayeen ciidamo ka soo goostay ciidammo kale, dabadeedna isaga ku biiray."
Sida uu qoraalkiisa ku sheegay Syed Muhammad Latif, xilligii uu Ranjit Singh weerarayay magaalada Lahore, wuxuu degganaa Bara Dari-da Nawab Wazir Khan (oo maanta ah Maktabadda Dadweynaha ee Punjab), halka uu ciidankiisana dejiyay goobta uu hadda ku yaallo Xafiiska Boostada Guud ee Dowladda ee xaafadda Anarkali.
"Markii ay maqleen imaanshihiisa, saddexdii hoggaamiye ee Lahore waxay isu diyaariyeen difaaca magaalada. Keliya albaabbada Delhi, Lahori iyo Roshna ayaa furnaa, halka albaabbadii kale la xiray.
Mian Ashiq Muhammad iyo Mian Muhammad Din, waxay farriin u direen Ranjit Singh, iyaga oo u sheegay in dalool laga sameeyay darbiga u dhexeeya albaabbada Khizri iyo Yaki, si uu si nabad ah magaalada uga soo galo. Hase yeeshee, Ranjit Singh wuxuu arrintaas u arkay shirqool suuragal ah, wuxuuna go'aansaday inuu magaalada si guul iyo awood muujin leh uga soo galo albaabka rasmiga ah."
"Iska-caabbintii ugu horreysay, wuxuu kala kulmay ku dhowaad 200 oo nin oo hubaysan, kuwaas oo magaalada ka soo baxay, waxaana dagaalkaas ku dhintay shan qof.
Markii dambe, wadaxaajood qarsoodi ah oo dhacay kaddib, waxaa la isku afgartay in albaabka Lahore la furo marka Ranjit Singh yimaado, siddeedda subaxnimo.
Waqtigii lagu ballamay ayuu yimid isaga oo wata kun askari oo ka mid ahaa ciidamadiisa sida gaarka ah u tababaran. Albaabkii ayaa loo furay, wuuna ka soo galay magaalada. Intii kale ee ciidankiisa ahaydna isla markiiba gudaha ayay u soo galeen, waxayna la wareegeen darbiga difaaca magaalada."
Iska-caabbintii Chet Singh iyo go'doomintii qalcadda
Syed Muhammad Latif, wuxuu qoray in mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii magaalada, Chet Singh, oo aan ka warqabin imaanshaha Ranjit Singh, uu isku dayay inuu jidka ka hor istaago fardooleyda Ranjit Singh, xilli ay marayeen albaabka beerta Hazuri Bagh. Hase yeeshee, ciidamadii weerarka soo qaaday ayaa dilay ilaalada isku dayaysay inay albaabka xirto, waxayna gudaha u galeen qalcadda.
"Chet Singh waxaa lagu go'doomiyay gudaha qalcadda, halka labadii hoggaamiye ee kale ee Lahore ay magaalada ka baxsadeen.
Ranjit Singh, ayaa rasaas ku furay qalcadda, waxaana gudaha looga soo jawaabay rasaas kale. Dagaalku wuxuu socday 20 saacadood.
Wuxuu qorsheeyay inuu qalcadda go'doomin ku qabsado, balse Sada Kaur ayaa kula talisay in ciidanka ku jira qalcaddu aysan haysan wax cunto ah, isla markaana laga jaray xiriirkii ay la lahaayeen bannaanka, sidaas darteedna ay dhowaan is dhiibi doonaan. Saadaasheedii waa rumowday."
Sida uu qoraalk ku sheegay Syed Muhammad Latif, Chet Singh wuxuu is dhiibay isaga oo shuruud uga dhigay in loo oggolaado inuu si nabad ah magaalada uga baxo, isla markaana la siiyo gunno uu qoyskiisa ku masruufo.
Ranjit Singh wuxuu siiyay dhul ballaaran, wuxuuna ciidankiisa faray inay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka magaalada. Sidoo kale, wuxuu amar adag ku bixiyay in tallaabo laga qaado cid kasta oo ku kacda dhac ama si xun ula dhaqanta shacabka.
"Markii hore, ganacsatadu waxay cabsi darteed u xirteen dukaamadoodii, balse markii Ranjit Singh uu u xaqiijiyay ammaankooda, ganacsigii ayaa dib u billowday. Wuxuu dammaanad qaaday badbaadada iyo amniga dadka uu xukumo, isaga oo sidoo kale shaqo u abuuray farsamayaqaannada, kaddib markii uu siiyay hubkii iyo agabkii milatari ee aan la adeegsan jirin ee ku jiray qalcadda, si ay u dayactiraan. Taasina waxay keentay in bilicdii iyo firfircoonidii magaalada ay dib u soo laabtaan maalmo gudahood."
Khushwant Singh, oo wax ku qora Encyclopædia Britannica, ayaa sheegay in markii uu Ranjit Singh qabsaday Lahore sannadkii 1799-kii, boqorkii Afgaanistaan ee Zaman Shah uu u aqoonsaday inuu yahay guddoomiyaha magaalada Lahore. Hase yeeshee, sannadkii 1801-dii, Ranjit Singh wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay Maharaja-da Punjab, oo ah boqorka gobolka Punjab.
Wuxuu sidoo kale soo saaray lacago lagu xardhay magacyada hoggaamiyeyaasha diinta Sikh-ga, kuwaas oo loo yaqaanay Gurus.
"Sannadkii xigayba, wuxuu qabsaday magaalada Amritsar, oo ahayd xarunta ugu muhiimsan ee ganacsiga waqooyiga Hindiya, isla markaana ah magaalo ay qiimeeyaan dadka Sikh-ga ah.
Intaas kaddib, wuxuu bilaabay inuu awooddiisa hoos keeno maamulladii yaryaraa ee Sikh-ga iyo Afgaanistaan ee ku kala baahsanaa gobolka Punjab.
Sannadkii 1807-dii, Ranjit Singh wuxuu u dhaqaaqay dhanka waqooyi-galbeed, wuxuuna qabsaday Kasur, oo ahayd qalcaddii keliya ee Muslimiintu ku lahaayeen gobolkaas.
Hase yeeshee, ballaarintii uu dhanka bari u waday waxaa hor istaagay Ingiriiska.
Sannadkii 1806-dii, heshiis uu la galay Ingiriiska ayuu Ranjit Singh ku oggolaaday inuu Punjab ka saaro ciidamadii Maratha ee halkaas magangelyada ka helay. Ingiriiskuna wuxuu sidoo kale hor istaagay damaciisii ahaa inuu mideeyo dhammaan dhulalka ay Sikh-gu ka talinayeen, kuwaas oo gaarayay duleedka magaalada Delhi.
Ugu dambayntii, sannadkii 1809-kii, waxaa lagu khasbay inuu saxiixo Heshiiskii Amritsar, kaas oo dhigaya in webiga Sutlej uu noqdo xuduudda bari ee boqortooyadiisa."
Ballaarinta boqortooyada iyo xaaladihii xigay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intaas kaddib, Ranjit Singh wuxuu dareenkiisa u jeediyay dhulal kale.
Sida ay qortay Encyclopaedia Britannica, bishii Diseembar 1809-kii ayuu ciidan u diray si uu u caawiyo Raja Sansar Chand oo ka talinayay Kangra, oo ku taalla dhulka hoose ee buuraleyda Himalaya. Ka dib markii uu ka adkaaday ciidamadii Gorkha, wuxuu la wareegay gacan ku haynta Kangra.
"Sannadkii 1813-kii, wuxuu ka qayb qaatay duullaankii Barakzai ee Afgaanistaan ay ku qaadeen Kashmir. Barakzai-du waxay ka baxeen ballanqaadkii ay u sameeyeen. Hase yeeshee, Ranjit Singh ayaa arrintaas uga aarguday isaga oo dib u soo helay Shah Shuja, oo ahaa walaalkii boqorkii Afgaanistaan ee xukunka laga tuuray, Zaman Shah, isla markaana qabsaday qalcaddii Attock ee ku taalla webiga Indus. Shah Shuja waxaa la keenay Lahore, halkaas oo lagala wareegay dheemantii Koh-i-Noor."
"Xagaagii 1818-kii, ciidamadii Ranjit Singh waxay qabsadeen Multan, lix bilood kaddibna waxay galeen Peshawar. Bishii Luulyo 1819-kii, waxay ugu dambayn Afgaanistaan ka saareen dooxada Kashmir. Sannadkii 1820-kii, waxaa si buuxda loo adkeeyay xukunkiisa dhammaan dhulka Punjab ee u dhexeeya webiyada Sutlej iyo Indus."
Patwant Singh, oo buuggiisa Empire of the Sikhs: The Life and Times of Maharaja Ranjit Singh kaga hadlay taariikhda boqortooyada Sikh-ga iyo noloshii Maharaja Ranjit Singh, ayaa qoray in Ranjit Singh uu xukumayay boqortooyo ay ku wada noolaayeen qowmiyado iyo diimo kala duwan, taas oo dulqaadka diimaha iyo ka-qaybgelinta bulshada oo dhan ay muhiimad gaar ah ku lahaayeen.
"Ciidankiisa waxaa ka mid ahaa Hindus, Muslimiin iyo Masiixiyiin reer Yurub ah, marka laga soo tago dadka Sikh-ga ah. Askarta reer Yurub waxay ka kala yimaadeen Faransiiska, Spain, Poland, Ruushka iyo Prussia, halka Ingiriiska aan loo oggolaan inuu ciidanka ku biiro."
"Qaab-dhismeedka maamulkiisuna wuxuu sidoo kale ka tarjumayay kala-duwanaanshahaas. Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ahaa Rajput ka soo jeeda qowmiyadda Dogra, wasiirka maaliyadduna wuxuu ahaa Brahmin, halka wasiirka arrimaha dibadduna uu ahaa Muslim."
"Wuxuu dhisay boqortooyo aan caadi ahayn, oo xuduudaheedu ay dhaafeen gudaha Hindiya, kuna fidsanaayeen ilaa xuduudaha Kabul iyo Tibet. Muddo 40 sano ah ayuu Ingiriiska ka hor istaagay inuu dhanka koonfureed uga sii fido boqortooyadiisa. Waxa kale oo uu xiray marinka Khyber, oo qarniyo badan ay duullaan-yahannadu ka soo geli jireen Hindiya, kana geysan jireen boob iyo bililiqo."
Qoraaga Ingiriiska ah ee Sir Lepel Griffin ayaa buuggiisa Rulers of India: Ranjit Singh ku qoray in "Ranjit Singh aanu ahayn qof arxan daran ama dhiig-daadiye ah."
"Markii uu dhul qabsado ama uu la wareego qalcad, wuxuu si naxariis iyo dabacsanaan leh ula dhaqmi jiray Mughallada, iyada oo aan loo eegin sida adag ee ay isaga caabiyeen. Maxkamaddiisa waxaa joogay madax-dhaqameedyo badan oo dhulkoodii laga qaaday, balse waxaa loo magacaabi jiray xilal ku habboon, waxaana la siin jiray shaqooyin."
Wuxuu aad u jeclaa gabayada ku qoran afka Punjabi, balse wuxuu afka Faarisiga ka dhigay luqadda rasmiga ah ee maxkamaddii Lahore. Marka laga soo tago Faarisiga, wuxuu sidoo kale xiisayn jiray afafka Urduuga, Kashmiiriga, Sindhiga iyo luqadaha kale ee gobollada.
Guuldarrooyin Ranjit Singh
Sida uu sheegay Matthew, inkasta oo qaaradda Hindiya ay xilligaas ka jireen qalalaase iyo colaado, haddana boqortooyadii Ranjit Singh waxay ahayd xarun caan ku ah xasilloonida, barwaaqada iyo dulqaadka diimaha. Si kastaba ha ahaatee, muddadii uu xukunka hayay waxaa jiray dhaliilo iyo gaabisyo badan.
"Marka la barbardhigo kororka kharashaadka milatariga, dayactirka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha waa la dayacay. Sidoo kale, lama awoodin in dib-u-habayn lagu sameeyo nidaamkii canshuuraha dhulka ee dulmiga ku dhisnaa, kaas oo laga dhaxlay Mughallada."
"Nidaamkaas, mulkiilayaasha dhulku waxay iska haysan jireen dakhliga dheeraadka ah ee ka soo xarooda canshuurta go'an ee ay dadka ka qaadaan. Taasi waxay keentay in beeraleyda la dhibaateeyo, khilaafka ka dhex jira madaxda taladana uu sii kordho. Khilaafkaasi wuxuu isu beddelay dagaal furan markii uu geeriyooday Ranjit Singh."
"Waxaa laga yaabaa in fashilkiisii ugu weynaa uu ahaa inuu awoodi waayay inuu abuuro nidaam maamul oo sii jiri kara isaga la'aantiis, isla markaana aan ku tiirsanayn awooddiisa iyo go'aankiisa shakhsi ahaaneed."

























