Maxaan ka ognahay falalka lagu beegsanayo Oromada ee ka dhacay Boorama?

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Qaar ka mid ah dadka Oromada ah ee ku nool magaalada Boorama, ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa BBC u sheegay in in ka badan 150 guri oo ay leeyihiin dad Itoobiyaan ah la burburiyay ama la dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo ammaan awgood, ayaa sheegay in rabshaduhu ay sii xoogeysteen ka dib markii ay dhowaan iska horimaadyo ka dhaceen magaalada Mooyaale.

"Dhalinyaro rag iyo dumar ah ayaa is-abaabulay, waxayna beegsadeen dadka Itoobiyaanka ah, gaar ahaan qowmiyadda Oromada, inkastoo aynaan wax khalad ah samayn," ayuu u sheegay BBC-da.

Wuxuu sheegay inuusan ilaa hadda ka warqabin wax dhimasho ah oo dhacday. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in guryo la burburiyay, hantina la dhacay, isla markaana haween la kufsaday.

Sida uu sheegay qofka deegaanka ah, Itoobiyaan badan ayaa magangalyo u doontay garoonka diyaaradaha ee Boorama, halka kuwo kalena ay u qaxeen goobo kala duwan, oo ay ku jiraan xarumaha hay'adaha aan dawliga ahayn.

Muxuu arrintan ka ogyahay maamulka Boorama?

Guddiga amniga gobolka Awdal ee Somaliland ayaa xalay shir jaraa'id ku qabtay magaalo-madaxda gobolka, Borama. Waxay ka hadleen wixii ka dhacay magaalada ee lagu beegsaday qowmiyadda Oromada ee halkaasi ku nool.

Badhasaabka gobolka Awdal, Xasan Daahir Xaddi ayaa sheegay inay ka xun yihiin wixii ka dhacay magaalada.

"Annagoo ah guddidii gobolka, waxaan halkan ka cambaareyneynaa falkii foosha xumaa ee loo geystay dadkii kasoo jeeday dalka aa naan jaarka nahay ee walaalaha nahay ee degganaa halkan. Falkaas dhacay waxaa adgeesaday dad ujeeddo badan ah, oo ugu talo galay inay sumcad dilaan geedi-socodka nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland iyo degganaanshaha gobolka Awdal iyo dadkooda oo lagu majeerto nabad-gelyo iyo inay dadka jaarka soo dhwoeeyaan oo aanay dhaqan u lahayn waxa maanta la falay.

Kuwaa waxaa sameeyay, xagga Ilaahayna way ka ganaaxan yihiin, xaggeennana way ka ganaaxan yihiin. Lagana hari mayo, oo sharcigaan marin doonnaa ina aan hadda u qabannay iyo intaan kusoo biirin doonno iyo inta aan ku daba jirno," Ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago falalkan.

"Dadweynaha reer Boorama ee xariirta ah ee gobolka Awdal waxaan leeyahay, sidaad uga falceliseen ee aad uga damqateen waan idinkaga mahad celineynaa. Waxaan farriin halkan u marinayaa dadkaas xariirta ah ee jecel nabadda, ee jecel dalkooda Somaliland ee jecel horumarka in aan ka xumuumad ah ka gobol ahaan iyo ka shacab ahaanba aan gacan qura ku qabanno cidda ina dumineysa."

Duqa magaalada Boorama, Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa isagana sheegay in wixii dhacay ay ka raalli-gelinayaan dadka dhibaatada loo geystay.

"Kow waan ka xunnahay wixii magaalada ka dhacay. Waxaan raalli-gelin siineynaa dadkii walaalaha ahaa ee maanta falalkaa arxan-xumada ah ee dadka reer Boorama aanay dhaqanka u lahayn ee nagu cusub ee nagu dhacay, waana ka raalli-gelineynaa. Aad baan dhalinyarta ugu baaqayaa inaan mar dambe la khaldin, oo waxa baraha bulshada lasoo gelinayo ee khaladka ahna aanan la rumeysan," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka baraha bulshada leysla dhex marayo ee ah in dad Oromo ah la musaafurinayo.

"Somaliland waa mid xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ixtiraameysa. Haddii dad la raafayo nidaam iyo qawaaniin loo maro ayay leedahay. Tani tii dalka u taallay ma ahayn, shaqo ay dowladda qabatayna ma ahayn ee dad amniga ku xumeynaya, magaca magaalada ku dilaya, magaca qarankana ku xumeynaya oo dalalka jaarka iska horgeynaya ayaa soo abaabulay. Tallaabo ayaa laga qaadayaa, qaarkood waa la hayaa, kuwo Kalena waa lagu daba jiraa." Ayuu yiri.

Qof kale oo waayeel ah oo ka tirsan bulshada Itoobiya ee Borama, ayaa BBC-da u sheegay in odayaasha bulshadu ay wadahadallo la yeesheen mas'uuliyiinta deegaanka si looga hortago khasaare kale oo dhimasho ah.

Wuxuu ku qiyaasay in qiyaastii 5,000 oo Itoobiyaan ah ay isugu soo baxeen garoonka diyaaradaha oo ay sugayaan mas'uuliyiinta inay go'aamiyaan waxa xiga ee dhici doona.

"Waxaan ka codsannay dowladda inay noo sheegto inay naga caawin doonto inaan ku laabanno nolosheenna caadiga ah ama ay noo diyaarin doonto inaan dib ugu laabanno dalkeenna. Waxaan sugeynaa jawaab," ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale ka digay in warbixinnada marin-habaabinta ah iyo sawirrada ku wareegaya baraha bulshada, oo ay ku jiraan sheegashooyinka ah in bulshooyinka Soomaalida la weeraray, ay sii kordhinayaan xiisadda.

Dhanka kale, Taliyaha Qeybta Booliska ee gobolka Awdal Cabdi Khayre Dugsiiye Araweello oo isagana ka hadlay shirkii jaraa'id ee xalay ayaa sheegay in dhacdooyinkaasi loo soo qabtay dad, qaar kalena lagu daba jiro.

"Gobolka, gaar ahaan magaalo-madaxda Boorama waxaa ka dhacay mashaqo khasaare baaxad leh geysatay, oo dadkii ajnabiga ahaa ee dowladda deriska kasoo jeeday ee halkan degganaa lagu qaaday. Shalay casirkii ilaa xilligan aan joogno howshaas waa socotay. Ciidamadana, iyagoo maamulka gobolka iyo degmada kala qeyb qaateen, si wanaagsan bey uga howlgaleen. Nasiib wanaag, guryihii iyo cariishyadii dadkaas ay ku jireen mooyaane, naftooda waa la badbaadiyay oo wax khasaare ah ma gaarin, maamul ahaan halkii la isla gartayna waa la isu geeyoo waa lagu xafiday oo dadka halkaas bey joogaan.

"Si kastaba ha ahaatee, dad badan waa u xiran yihiin, kuwo bandanna waa lagu daba jiraa, haddii ay ka baxaan gobolkana laga hari mayo ee waan soo qaban doonnaa. Waxaanan ugu ballan qaadeynaa inay ka qoomameyn doonaan dadka hwoshaas galay. Wixii khasaare ee dadka soo gaareyna, waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu u sakhiro." Ayuu yiri.