Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Xagee ayey Iran ka heshaa qalabka ay diyaaradaha Drones-ka ku sameyso?
Bishii Sebtembar 2023-dii, wasaaradda maaliyadda Maraykanka waxay sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Iran nooca loo yaqaan Shahed-136 laga helay qalab laga soo iibsaday shabakad caalami ah.
Qalabka waxaa laga helay diyaarad Ruushku u adeegsaday dagaalka Ukraine. Qaybta la helayna waxay ahayd matoor yar oo loo yaqaan servo motor, kaas oo loo isticmaalo xakamaynta dhaqdhaqaaqa qaybaha kala guura ee diyaaradda.
Sida ay sheegtay wasaaradda maaliyadda Maraykanka, shirkad Irani ah ayaa adeegsanaysay dilaaliin ku sugan Hong Kong, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, si ay kumannaan matoorrada loo yaqaan servo ah ugu soo gudbiyaan Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee IRGC.
Iran waxaa saaran cunaqabatayn ballaaran, waxayna ku tiirsan tahay qalab dibadda laga keeno si ay u soo saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Dukumentiyada cunaqabataynta Maraykanka ayaa sharraxaya in shirkado iyo ganacsato dilaaliin ah ay ku lug leeyihiin keenista qalabka Iran u baahan tahay.
Warbixintan, oo ku salaysan dukumentiyadan, la daabacay iyo sharraxaadaha khubarada, waxay baareysaa sida ay shabakadahaasi u shaqeeyaan iyo saamaynta cunaqabatayntu ku leedahay helitaanka qalabka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
Damien Splitters oo ah cilmi-baare ku takhasusay hubka isla markaana aasaasay shirkadda Heimdall ayaa BBC-da laanteeda Faarisiga u sheegay in waxtarka cunaqabataynta inta badan lagu qiimeeyo halbeeg khaldan.
Waxa uu sheegay, si loo fahmo silsiladda sahayda, waa in si gooni-gooni ah loo baaro meesha lagu sameeyo qalabkana, cidda iibisa iyo waddada ay ku gaarto qofka ugu dambeeya ee isticmaala.
Saraakiil reer Iran ah ayaa marar badan ku tilmaamay barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn guul isku filnaasho difaac oo la gaaray. Caddaymaha laga helay goobaha dagaalka iyo cilmi-baarisyadu waxay muujinayaan in Iran ay tobannaan sano oo la soo dhaafay ballaarisay awooddeeda naqshadaynta, samaynta, isku-ururinta iyo dib-u-samaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Baaritaanno lagu sameeyey haraadiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ee Ruushku u adeegsaday dagaalka Ukraine ayaa muujiyey in diyaaradahaasi ay ku tiirsan yihiin qalab laga keenay dalal shisheeye.
Qaybo badan oo ka mid ah qalabka droneska Iran, si ka duwan sida dad badani aaminsan yihiin, ma ahan kuwo aad casri u ah ama qaali ah.
Keith Koren, oo ah ku-xigeenka agaasimaha barnaamijka dhaqaalaha Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiyadda CSIS, ayaa muuqaal uu machadkaasi dhowaan soo saaray ku sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iran ay "si aad u weyn" ugu tiirsan yihiin qalab dibadda laga keenay.
Sida ay sheegtay Ms. Koren, Iran ma lahan awood ay ku soo saarto wareegyada elektaroonigga ah ee isku-dhafan ee ay u baahan yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalladeedu, sidaas darteedna waxay ku khasban tahay in ay dibadda ka keensato.
"Waxaan arkay gudaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn," ayey tiri Keith. "Weli waxay isticmaalaan qalab-yaryar oo nooca kombuutarada ah oo fudud, kuwaas oo ay samayso shirkadda Maraykanka ah, isla markaana markii ugu horreysay suuqa soo galay sannadkii 2008."
Sidee Iran ku heshaa qalabka?
Mr. Splitters, oo ah aasaasaha shirkadda Heimdall, ayaa sannado badan ka soo shaqaynayey raadraaca hubka iyo shabakadaha sharci-darrada ah ee lagu kala gudbiyo tignoolajiyadan.
Waxa uu sheegay in kiisaska la diiwaangeliyey ay muujinayaan in hay'adaha u xilsaaran soo iibsiga qalabka milatari ee Iran ay adeegsadaan dilaaliin ku sugan dalal kale, oo ay ku jiraan Shiinaha, Hong Kong iyo Imaaraadka Carabta.
Imaaraadka Carabta, oo hakiyey ganacsigii uu la lahaa Tehran bishii Agoosto 2026, ayaa ka mid ahaa waddooyinka muhiimka ah ee badeecadaha shisheeye lagu gaarsiin jiray Iran. Arrintan waxaa sabab u ahaa doorka ballaaran ee Imaaraadku ku leeyahay ganacsiga gobolka.
Cawaaqibka cunaqabateynta
Damien Splitters wuxuu sheegay marka la xaddido helitaanka shirkadaha rasmiga ah ee wax soo saara iyo qaybiyeyaasha, iibsadayaashu waxay ku khasban yihiin in ay adeegsadaan dilaaliin ay adagtahay in laga xaqiijiyo sax ahaanshaha qalabka ay dalkaas gelinayaan.
Sababtaas awgeed, dalalka wajahaya cunaqabatayn iyo dagaalka ayaa laga yaabaa in ay si gaar ah ugu nuglaadaan in qaybo been-abuur ahi galaan silsiladahooda sahayda.
Jim Lemson, oo hore u ahaa falanqeeye ka tirsan sirdoonka Mareykanka CIA-da, ayaa maqaal lagu daabacay barta internetka bishan Oktoobar 2026 ku qiimeeyey in weerarrada Mareykanka ay waxyeello gaarsiiyeen qayb muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha wax-soo-saarka gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
Sida uu sheegay, Iran waxa laga yaabaa in ay muddada dhow sii waddo samaynta ama isku-ururinta qaar ka mid ah hubkeeda iyadoo adeegsanaysa qaybihii ay kaydsatay ka hor dagaalka.
Hase yeeshee, dib-u-dhis waara oo lagu sameeyo warshadaha milatarigu waxay u baahan tahay sahay cusub mashiinno iyo qalab.
Su'aasha hadda taagani waa heerka ay warshadaha milatari ee Iran ku awoodi karaan in ay ka helaan gudaha ama dibadda qaybaha ay u baahan yihiin, kaddib khasaarayaashii dhowaan soo gaaray.