Maxay waalidiinta Falastiiniyiinta ah uga baqayaan inay carruurtooda dugsiga u diraan?

Maalintii ugu horreysay ee sannad-dugsiyeedka cusub ee Falastiin, maamulaha Dugsiga Wiilasha Al-Mughir ayaa shaqada yimid waaberigii ka hor.
Wuxuu soo maray xayndaabyo cusub oo silig qodxo leh iyo albaabbo la xoojiyay, iyadoo qorraxdu si tartiib ah uga soo baxaysay geedaha saytuunka ee ku hareeraysan tuulada Al-Mughir, oo ku taalla Daanta Galbeed ee la haysto.
"Waan baqaynaa," ayuu Bassam Assaf ii sheegay. "Ardaydu way baqayaan, waalidkoodna way ka walaacsan yihiin."
Lix qof ayaa sanadkan lagu dilay Al-Mughir, saddex ka mid ahna waxay ahaayeen ardayda dugsigan, iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha ay Israa'iiliyiintu kula kacayaan Falastiiniyiinta.
Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa Aws al-Naasan oo 14 jir ahaa, kaas oo bishii Abriil nin ka mid ah dadka deggan Israa'iil uu toogasho ku dilay bannaanka albaabka dugsiga.
"Waxaan fasalka ku jiray markii laba arday oo yaryar ay gudaha u soo carareen, iyagoo sheegay in dadka Israa'iiliyiinta ah ay joogaan meel u dhow darbiga dugsiga," ayuu yiri Wahid Abu Na'eem, oo ah macallin Ingiriis. Walaalkiis Jihad ayaa sidoo kale lagu dilay isla weerarkaas, waxaana dilkiisa lagu eedeeyay askari Israa'iili ah.
Markii uu isku dayay inuu ardayda gudaha albaabka dugsiga u raro si ay ammaan u helaan, ninkii ayaa rasaas ku furay.
Muuqaal laga duubay taleefan ayaa qabtay xilligii Aws la toogtay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Markii aan dhabarka u rogay, waxaan arkay dhiig badan oo sanka iyo afka ka soo baxaya, waxaana arkay xabbad madaxiisa ku jirta. Waan waynay," ayuu yiri macallinku.
Wuxuu sheegay Wahid Abu Na'eem in rasaastu ay gaartay dhismaha dugsiga, xilli ardaydu ay darbiyada fasallada gadaashooda ku dhuumanayeen ama dhulka jiifayeen.
Milatariga Israa'iil ayaa xilligaas bayaan ku sheegay in dhagxaan lagu tuuray gaari ay saarnaayeen "dad rayid ah, oo uu ku jiray askari ka tirsan ciidamada kaydka ", kadibna askarigu uu gaariga ka degay oo uu rasaas ku furay dadkii uu uga shakiyay falkaas.
Warbaahinta Israa'iil ayaa sheegtay in askarigaas markii dambe laga joojiyay shaqada, isla markaana baaritaan lagu sameeyay dhacdada.
Tan iyo maalintaas, iyadoo tirada dadka la dilay ay sii kordhayso, waxaa sidoo kale sii xoogaystay cabsida waalidiinta.
Intii lagu jiray xagaaga, laba arday oo kale ayaa lagu dilay weerarro ay dadka deegaamaystay halkaa ee Israa'iiliyiinta ah ku qaadeen tuulada, iyo howlgallo ay ciidamada Israa'iil halkaas ka sameeyeen. Waxaa sidoo kale la dilay wiil 19 jir ahaa oo dhawaan dugsiga ka baxay.
Labada kiisba, milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ka jawaabayeen waxa ay ku tilmaameen "rabshad xooggan".
Inkasta oo fasallada dugsiga ay hadda bannaan yihiin saddex miis oo ay fadhiisan jireen ardaydii la dilay, haddana qaar ka mid ah waalidiinta ayaa ka caga-jiiday inay carruurtooda u diraan dugsiga sannad-dugsiyeedkan cusub.
Dugsigu wuxuu ku yaallaa duleedka Al-Mughir, oo ah tuulo go'doonsan oo waqooyi-bari kaga beegan Ramallah. Tuulada ayaa si tartiib ah loogu hareeraynayaa xarumo ay deggan yihiin bulshada Israa'iiliyiinta ah ee ku nool dhulka la haysto.
Ciidamada Israa'iil ayaa sidoo kale si joogto ah u xaddida dhaqdhaqaaqa dadka tuulada, iyagoo mararka qaar jidka laga soo galo ku sameeya baro kontorool oo ku-meel-gaar ah.
Si uu waalidiinta u dejiyo, Bassam Al-Assaf ayaa dugsiga ku wareejiyay xayndaab dheer oo ah silig qodxo leh, wuxuuna xoojiyay albaabbada.
Kooxo gurmad ah ayaa la dhigay waddada ka horreysa dugsiga, halka waalidiin dhowr ah ay si iskood ah ugu tabaruceen inay maalintii bannaanka dugsiga joogaan, si ay u bixiyaan ilaalin dheeraad ah.

Haroon Bishara, oo wiilashiisu dhigtaan fasallada koowaad iyo labaad ee dugsiga hoose, ayaa yiri: "Waxaan u imid sababtoo ah tani waxay carruurta dareensiinaysaa in waalidkood garabkooda taagan yihiin, inay ammaan yihiin, waxayna siinaysaa xasillooni maskaxeed. Sannadkan waxaan carruurteenna uga walaacsannahay si ka badan. Waan ognahay in xaaladda dugsigu aysan ammaan ahayn."
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in cabsidan ay weheliso go'aan adag oo ah inaan loo oggolaan weerarrada deegaameystayaasha inay ku qasbaan inay ka guuraan.
Ardayda oo safaf ugu jiray barxadda dugsiga xilligii safka subaxnimo ee ugu horreeyay, ayaa maqlay tilmaamo ay macallimiintu maalintii oo dhan marar badan ku celceliyeen: "Haddii askar ay u soo dhowaadaan dugsiga, ha qaylinina, ha u dhowaanina, hana ka falcelinina."
Wax yar ka badan saacad kaddib markii ay duruustu bilaabatay, askar ayaa laga arkay daaqadaha dugsiga: laba nin oo ido ku dhex wadaya dhul-beereed ay Falastiiniyiintu leeyihiin, oo dhowr boqol oo mitir u jira dugsiga, halka askar Israa'iili ah ay ag taagnaayeen.
Dhowr daqiiqo kaddib, deegaameyste kale ayaa soo muuqday isagoo wata ari tiro badan.
"Waxay tuulada kusoo sii dhowaanayeen tan iyo bishii Abriil," ayuu yiri Abu Naciim. "Hore waxay adhigooda ku hayn jireen buurtaas gadaasheeda, laakiin hadda askartu waxay deegaameystayaasha si toos ah ugu soo gelinayaan tuulada."
Waxaan ciidamada Israa'iil ka codsannay inay sharxaan dhammaan eedeymaha lagu soo bandhigay warbixintan, balse wax jawaab ah kama aanan helin.
Dhammaan deegaamada Israa'iil ee ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto waa sharci-darro marka loo eego sharciga caalamiga ah. Saldhigyada yaryar ee ku-meelgaarka ah ee deegaameystayaasha, kuwaas oo ku baahay agagaarka Al-Mughir, ayaa sidoo kale sharci-darro ka ah marka loo eego shuruucda Israa'iil lafteeda.
Laakiin shaqaale ambalaas oo bannaanka dugsiga ku sugnaa ayaa sheegay in halkii ay burburin lahaayeen deegaamada sharci-darrada ah, askarta Israa'iil ay bilaabeen inay taageeraan oo fududeeyaan duullaannada deegaameystayaashu ku qaadaan tuulada.

Muuqaallada kaamirooyinka CCTV-ga ee laga duubay beerta ayaa muujinaya Salim oo farta ku fiiqaya una qaylinaya waalidkiis, una sheegaya in deegaameystayaashu soo dhowaanayaan, ka hor inta uusan isaga iyo walaalihiis iyo hooyadii ula cararin hoyga gabbaadka. Kadib waxaa la maqlayaa laba xabbadood oo la riday. Salim waxaa la arkayaa isagoo garabka qabsanaya.
Wuxuu sheegay in ninkii toogtay wiilkiisa uu ku noolaa saldhig sharci-darro ah oo ay deegaameystayaashu sameysteen, kaas oo ka soo muuqday agagaarka beerta bishii Juun, isla markaana uu Salim ku toogtay isla goobtaas toddobaadkii ka horreeyay:

Xigashada Sawirka, AFP
Sida lagu sheegay tirakoobka Qaramada Midoobay, sannadkan tirada Falastiiniyiinta ay dhaawaceen askarta Israa'iil ama deegaameystayaashu intii lagu jiray weerarrada deegaameystayaasha ayaa si weyn kor ugu kacday, iyadoo celcelis ahaan gaartay saddex qof oo dhaawacma maalintii. Tirada dhaawacyada tooska ah ee ay sababeen deegaameystayaasha laftoodu ayaa xitaa ka badan.
Kororkaas waxaa barbar socday ballaarinta deegaamada Israa'iil iyo saldhigyada deegaameystayaasha ee Daanta Galbeed.
Dhammaan deegaamada Israa'iil ee ku yaalla Daanta Galbeed waa sharci-darro marka loo eego sharciga caalamiga ah, waxaana dowladda Israa'iil saaran cadaadis caalami ah oo sii kordhaya, sababo la xiriira taageerada ay siiso dhismaha deegaamadaas.
Xarigga qaar ka mid ah deegaameystayaasha rabshadaha geysta iyo qorshe la sheegay inuu Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil doonayo inuu ku burburiyo saldhigyada sharci-darrada ah ee Daanta Galbeed, ayaa ilaa hadda ku guuldarreystay inay joojiyaan weerarrada ama ay Falastiiniyiinta siiyaan kalsooni iyo ammaan. Falastiiniyiintu waxay sheegayaan in saldhigyo hore loo burburiyay ay mas'uuliyiinta Israa'iil si degdeg ah dib ugu dhiseen.












