You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Aabbe dilay 7 carruur ah oo uu dhalay
Aabbe ayaa todobo ka mid ah caruurtiisa iyo cunug 8aad ku dilay toogasho wadareed ka dhacday Shreveport oo ka tirsan gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka taasi oo ay booliisku ku tilmaameen "rabshad qoys".
Carruurta ayey da'doodu u dhaxaysay sannad ilaa 14 jir sida ay sheegtay CBS oo bahwadaag la ah BBC-da.
Saraakiisha ayaa sheegay in toogashadu ay bilaabatay abbaaraha 1dii duhurnimo ee xilliga Afrikada bari ee Axadii. Tuhmanaha ayaa toogtay 10 qof ka hor inta uusan ku baxsan baabuur la xaday, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Waaxda Bilayska ee Shreveport oo la yiraahdo Chris Bordelon. Booliska ayaa eryaday oo dilay ninkaas.
Labo haween ah oo qaangaar ah oo ay ku jirto hooyada carruurta ayaa iyaguna ku jira xaalad halis ah.
Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Shamar Elkins, sida ay BBC-da u sheegtay agaasimaha warbaahinta ee duqa magaalada Shreveport Leigh Anne Evensky.
Eedeysanaha ayaa qof dumar ah ku toogtay waddada ka hor inta uusan tagin guri u dhow halkaas oo uu ku dilay siddeedda carruurta ah. "Mid ka mid ah qaraabo lama ahayn" sida ay booliisku sheegeen.
Mid ka mid ah dhibanayaasha ayaa u orday guri u dhawaa wuxuuna wacay maamulka, sida ay booliisku sheegeen. Waxa ay sheegeen in ninka hubeysan uu kaligiis falka geystay. Ilmo sagaalaad ayaa ka booday dusha sare wuxuuna ku jiraa isbitaal, ayuu yiri Bordelon.
Isagoo ka hadlayay arrinta ayaa goor sii horeysay Axadda Duqa Magaalada Shreveport Tom Arceneaux wuxuu yiri: "Tani waa xaalad naxdin leh, laga yaabee xaaladdii ugu xumayd ee aan waligeen ku soo marno Shreveport.
"Waxa aanu dhaawacnay qoysas, waxa aanu dhaawacnay askar bilays ah, shaqaale baadhayaal ah.
"Tani waxay saamaynaysaa dhammaan bulshada, markaa dhammaanteen waan la murugoonnay qoysaskan".
Dhacdadan ayaa ah toogashadii ugu dhimashada badneyd ee ka dhacda Mareykanka tan iyo Janaayo 2024, markaasoo sideed dhibane lagu dilay Joliet, Illinois, sida alaga soo xigtay Gun Violence Archive (GVA), oo ah urur aan faa'iido doon ahayn oo dabagal ku sameeya rabshadaha hubka Mareykanka.
GVA waxa ay ku qeexday toogasho-wadareed inay tahay dhacdo afar qof ama in ka badan oo dhibanayaal ah la toogtay, kuwaasoo uusan ku jirin tuhmanaha.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id horaantii Axadii, Bordelon wuxuu sheegay in askartu ay tageen guri wax yar ka hor 06:00 wakhtiga maxaliga ah ayna heleen caruurta.
"Dhammaan dadka ku dhintay kiiskan waa carruur" ayuu yiri Bordelon.
Wuxuu sheegay in saraakiishu ay go'aamiyeen in arrintu tahay "mushkilad qoys".
Toogashada ka dib ayaa ninka looga shakisan yahay inuu hubaysnaa uu gaari qafaashay oo isku dayay inuu baxsado, sida ay booliisku sheegeen.
Booliska ayaa sheegay in askartu ay uga daba tageen xaafad kale oo lagu magacaabo Bossier Parish, ayna rasaas ku fureen ninka looga shakisan yahay inuu hubeysnaa, kaasoo hadda dhintay.
Madaxa Bilayska ee Shreveport Wayne Smith ayaa sheegay in uu la murugoonayo bulshada oo dhan.
" Ma qiyaasi karo sida dhacdadan oo kale u dhici karto" ayuu yiri Smith.
Waxa uu intaa ku daray in baaristaasi ay iska kaashadeen Booliska Gobolka Louisiana iyo hay'ado kale oo caawiyey.
"Waxaan u shaqeyn doonnaa si dadaal lehsi kasta oo ay qaadato si aan jawaabo uga helno wixii dhacay" ayuu yiri.
Xubin ka tirsan golaha deegaanka Shreveport oo la yiraahdo Grayson Boucher ayaa sheegay in in ka badan 30% dambiyada iyo 30% dilalka ka dhaca magaalada ay yihiin kuwo "guud ahaan xiriir la leh arrimo qoys" isagoo intaa raaciyay "hadda tiradaasi kor ayay u kacday".
"In ka badan laba jibaar ayey kordheen dilka magaalada Shreveport sababtoo ah waa hal fal oo ah rabshad qoys" ayuu yiri.
Guddoomiyaha gobolka Louisiana Jeff Landry ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay "ka xumaadeen xaaladdan naxdinta leh, waxaana u ducaynaynaa cid kasta oo ay saamaysay".
"Waxaan si qoto dheer ugu mahadcelineynaa saraakiisha fulinta sharciga iyo jawaab-bixiyeyaasha ugu horreeyey ee si hagar la'aan ah uga shaqeynayay goobta" ayuu yiri Landry.
Afhayeenka aqalka Mike Johnson, oo matala degmada afraad ee Louisiana, ayaa sidoo kale ka faallooday "masiibada qalbi-jabka ah".