Shan siyaabood oo aad ku yarayn karto muddada ay carruurtaadu indhaha ku hayaan shaashadaha

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Haddii aad tahay waalid, waxay u badan tahay inaad maqashay in maxkamad Maraykan ah ay xukuntay in Meta iyo Google ay abuureen oo buunbuuniyeen baraha bulshada kuwaas oo waxyeello u leh caafimaadka maskaxda gabdhaha da'da yar.

Qareenada u doodaya gabar da' yar oo la yiraahdo Kaley ayaa ku dooday in qaar ka mid ah waxyaabaha ku jira Instagram-ka loogu talagalay in lagu soo jiito dareenka qofka.

Inkastoo go'aankan maxkamaddu ay u badan tahay inuu wax ka beddelo muuqaalka baraha bulshada, misna waalidiinta dunida ayaa ka baqaya in carruurtoodu ay waqti yar ku qaataan goobahan.

Waxaan talo ka raadinnay khubarada qoyska taasoo ah sida loo xaddido gelitaanka carruurta ee taleefannada gacanta, xitaa si ku meel gaar ah.

1. Si tariib ah ku billow, laakinse kaa dhab ah

Waalidiin badan oo hore u siiiyay caruurtooda taleefan ayaa laga yaabaa inay u maleynayaan in ka qaadistiisa ay tahay xalka ugu fiican.

Laakiin tani ma noqon karto xalka ugu fiican, sida laga soo xigtay khabiir ku takhasusay dhaqanka ilmaha Dr. Jane Gilmor. "Beddelista caadooyinka waa adag tahay" ayay tiri.

Waxay soo jeedinaysaa taa beddelkeeda in la sameeyo isbeddellada lagama maarmaanka ah iyada oo aan la xanaaqin marka ilmuhu isticmaalo taleefankiisa. "Maskaxda deggan waxay u badan tahay inay xasuusato waxyaabaha wanaagsan".

Habka ugu wanaagsan ee lagu bilaabi karo dhimista isticmaalka taleefoonka waa in la sameeyo meel bannaan oo gurigaaga ah, meel gaar ah tusaale ahaan.

"Qorshayso meel aad ku dabayso jaajarka...si haddii uu taleefoonku damo, uu isla markiiba dib loogu dabayn karo".

2. In la wada shaqeeyo

Carruurta waaweyn waxaa u roon in aad kala hadasho wakhtiga shaashada halkii aad ku soo rogi lahayd xeerar, ayay tiri Dr. Maryhan Baker oo ku takhasustay cilmi nafsiga carruurta.

Si wanaagsan oo carruurta ugala hadasho isticmaalkooda baraha bulshada faa'iido ayey yeelan kartaa ayay tiri, tusaale ahaan adigoo dhaha:

"Waan fahamsanahay in tani ay tahay meesha aad kula kulanto asxaabtaada, waan ogahay sida aad dareemeyso marka aadan ku jirin baraha bulshada, si buuxda ayaan u fahmay".

"Marka aan ka hadalno sida aan u qorshaysan karno waqtiyada maalinta, iyo maalmaha aanad ku jirin telefoonkaaga".

Dr Olivia Edwards ayaa intaa ku dartay in la dhiso xiriir adag oo aad ilmahaaga la yeelato ay lama huraan u tahay in laga caawiyo inay yareeyaan wakhtiga shaashadda.

"Waxaan u baahannahay inaan dhisno xiriir adag oo aan la yeelanno caruurteena, sababtoo ah taasi waa waxa noo ogolaanaya inaan si wax ku ool ah u wada shaqeyno".

Tani waxay ku lug yeelan kartaa xiisaha waxa ilmahaagu ka daawanayo baraha bulshada.

3. Isticmaalka taleefanka si wax looga barto

Waalidiin badan ayaa dareema inaysan la sii socon karin xawaaraha isbeddelada ee baraha bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, carruurta iyo dadka waaweyn waxay haystaan fursad ay wax ku bartaan midba midka kale iyaga oo ka hadlaya wakhtiga shaashadda.

"Waxaan is weydiin karnaa su'aalo sida: 'Sidee u maleyneysaa in warbaahinta bulshada ay u shaqeyso? Sidee ayaad u maleyneysaa in ay u maareyso qabsashada dareenka dadka? Ma ogtahay in ay lacag ka sameyso iyada oo ku saleysan waqtiga ay dadku ku qaataan? " ayey tiri Olivia.

Jane ayaa iyadana intaa ku dartay in waalidku ay tahay in ay caruurtooda baraan badqabka internetka.

"Waxaa jira waxyaabo aanan filayn oo aan la yaabnay: 'Ma runbaa? Sideen ku ogaan karaa?"

4. Caadooyinka Wanaagsan

Sida la wada ogsoon yahay carruurtu waxay ku daydaan waalidkood; sidaas darteed, waa lagama maarmaan in waalidiintu ku dhiirigeliyaan inay yareeyaan wakhtiga shaashadda.

Taleefannada gacanta ayaa maaweeliya dadka da' kasta leh, laakiin Jane waxay sheegtay in dadka waaweyn iyo sidoo kale carruurtu ay ka faa'iideysan karaan haddii ay u isticmaalaan si caqli-gal ah.

"In aan haysano taleefoon ayaa noo ogolaaneysa inaan aragno aduunka nagu wareegsan, sidoo kale waxay noo ogolaaneysaa inaan dib u milicsano wixii la soo dhaafay oo aan qiyaasno mustaqbalka".

"Marka, haddii carruurtaadu ka cawdaan caajis, waa sababtoo ah waxay raadinayaan meelo kale; taasina waa wax fiican, sababtoo ah waxay u horseedi kartaa inay ka fekeraan yaraynta wakhtiga shaashadda."

5. Ha baqin

Waalidnimadu waligeed ma fududayn, laakiin korinta carruurta da'da taleefanka gacanta waxay keenaysaa caqabad dhab ah.

Dr. Tony Sampson, oo bare ka ah jaamacadda Essex, ayaa sheegay in waalidiintu aanay ka nixin ama aanay ka murugoon.

"Waxaan baranay siyaabo badan oo baraha bulshada ay caruurteena ku mashquulin karaan," ayuu yiri.

"Isticmaalka ku habboon ee tignoolajiyada waxay kor u qaadi kartaa hal-abuurka, wacyiga, iyo barashada" ayuu yiri.