Iran oo soo jeedisay in la hakiyo dhaqdhaqaaqa nukliyeerka ilaa shan sano - warbixin

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Iran ayaa soo jeedisay hakinta tayeynta yuraaniyumteeda muddo shan sano ah, dalabkaas oo uu diiday Mareykanka isla markaana uu ku adkeystay 20 sano, sida uu wargeyska New York Times kasoo xigtay saraakiil sare oo Iran iyo Mareykanka ah.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in Maraykanka iyo Iran ay ku kala beddesheen soo jeedinta joojinta dhaq-dhaqaaqa nukliyeerka Tehraan intii lagu guda jiray wada-hadalladii Pakistan, balse ay aad uga fogaadeen heshiiska.

Laakiin wadahadalladu waxay soo jeedinayaan in laga yaabo inay weli jirto waddo loo maro heshiis nabadeed, iyada oo ay suurtogal tahay wareeg labaad oo wadahadallo fool ka fool ah.

BBC-da ayaa la xiriirtay Aqalka Cad si uu faallo uga bixiyo.

Damaca nukliyeerka ee Iran ayaa ahaa barta ugu weyn ee khilaafka, iyadoo Donald Trump uu ku celceliyay Axadda in Mareykanka uu xaqiijin doono in Iran aysan yeelan doonin hubka nukliyeerka.

Waa sidee xaaladda barnaamijka Nukliyeerka ee Iran?

Xaaladda barnaamijka Nukliyeerka Iran ayaan wali la ogaan, tan iyo markii la beegsaday goobihii muhiimka ahaa ee Nukliyeerka intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood ee Israel iyo Iran.

Mareykanku wuu ku lug lahaa duqeynta Iran, isagoo weeraray saddex goob oo Nukliyeerka Iran ah, oo ay ku jirto xaruntii ugu weyneyd ee cilmi-baarista Nukliyeerka ee Isfahan, iyo tan ku taal Fordow.

Kaddib weerarradii Mareykanka, Trump wuxuu ku dhawaaqay in gabi ahaan la burburay xarumahaasi. Toddobaad kaddib madaxa hay'ada Atoomikada adduunka, Rafael Grossi, ayaa sheegay in duqeymaha ay sababeen waxyeelo weyn, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah howlaha bacriminta dib loo bilaabi karo bilooyin gudaheed.

Grossi wuxuu wakaaladda wararka AP u sheegay bishii Oktobar ee sanadkii hore hadii la kordhiyo heerka bacriminta in ay ku filan tahay in lagu sameeyo 10 bam oo nukliyeer ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araqchi ayaa u sheegay wargeyska The Economist bishii Nofember ee sanadkii hore in la joojiyay naaxinta Yuraniyamka.

Bishii Janaayo wuxuu Grossi u sheegay wakaaladda wararka Reuters in hay'adda Atoomikada Caalamiga ay kormeertay 13 goobood oo Iran ku yaal kuwaas oo aan la duqeyn isagoo intaas ku daray in hay'adda ay aragtay tiro badan oo Yuraniyam ah oo aad loo naaxiyay.

Wax badan oo muhiim ah lagama oga arrimaha xasaasiga ah iyo diiwaanka nukliyeerka Iran sida halka hadda lagu keydiyo iyo xaaladda goobaha naaxinta.

Ma shaqeynayaan xarumaha nukliyeerka Iran?

Muuqaallo uu qaaday dayaxgacmeedka bilihii u dambeeyay ayaa muujinaya in shaqo ay ka socoto xarumaha Natanz iyoIsfahan.

Dhammaan meelaha laga galo Isfahan ayaa u muuqday in la xiray iyadoo saqafka korena la dhisay sida ay muujinayaan muuqaallada uu qaaday dayaxgacmeedka.

Sawiradii ugu dambeeyay ee dayax-gacmeedka, oo markii ugu horreysay ay sharaxeen Machadka Sayniska iyo Amniga Caalamiga ah, ayaa muujinaya in Iran ay xoojisay dhismah dhulka hoostiis ah ee loo yaqaan Mount Kolang Gas La, sidoo kale loo yaqaan Mount Axe. Goobtan, oo aanay weerarin Israel iyo Mareykanka, waxay ku taal qiyaastii laba kiiloomitir koonfurta xarunta Nukliyeerka ee Natanz.

Maxay muhiim u tahay in Iran ay haysato hub nukliyeer ah?

Hoggaamiyayaasha galbeedka ayaa muddo dheer ka hadlayay in loo baahan yahay in Iran laga joojiyo in ay haysato hub nukliyeer ah.

Bishii May 2025, Trump wuxuu ka digay in "haddii Iran hesho hub Nukliyeer, ay dunida burburin doonto."

Raysalwasaaraha Britain, Sir Keir Starmer, ayaa ku tilmaamay in hadii Iran ay nukliyeer yeelato ay tahay, "khatarta ugu weyn ee xasiloonida gobolka".

Falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin hadii ay Iran hesho hub Nukliyeer ay ku dhiirran karto dagaal.