Maxaan ka ognahay heshiiska taariikhiga ah ee ay kala saxiixdeen Sacuudiga iyo Mareykanka?
- Author, James FitzGerald
- Author, Max Matza
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo la sheegay inuu u oggolaanayo boqortooyada Khaliijka inay horumariso barnaamij tamarta nukliyeerka ee rayidka.
Waaxda Tamarta ee Mareykanka ayaa heshiiskan ku tilmaantay "heshiis iskaashi oo nabadeed oo dhanka nukliyeerka ah", kaas oo siinaya "shirkadaha Mareykanka fursad ballaaran oo ay kaga qayb qaataan barnaamijka tamarta nukliyeerka ee Sacuudi Carabiya."
Qoraalka heshiiska si rasmi ah looma shaacin, balse warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay inuu mustaqbalka u oggolaan karo Sacuudi Carabiya inay kobciso yuraaniyamka. Yuraaniyamka la hodmiyey waxaa loo isticmaali karaa shidaalka warshadaha korontada laga dhaliyo, hase yeeshee sidoo kale waxaa laga samayn karaa hubka nukliyeerka.
Khubarro ayaa sheegaya in haddii arrintaasi dhacdo ay noqon doonto markii ugu horreysay ee Mareykanku oggolaado heshiis noocaas ah, isla markaana ay kordhin karto halista faafitaanka hubka nukliyeerka ee gobolka, oo horeba u ahaa mid xasillooni-darro ka jirto.
Waaxda Tamarta ee Mareykanka ayaa sheegtay in marka laga soo tago heshiiska iskaashiga, sidoo kale la saxiixay "heshiis laba geesood ah oo dammaanad iyo kormeer ah".
War-saxaafadeedka waaxda ayaa lagu yiri: "Labadan heshiis waxay si wadajir ah u dhigayaan saldhig sharci oo iskaashi kaasoo socon doona tobannaan sano, kuna kacaya balaayiin doollar, isla markaana horumarinaya dhowr mudnaan oo dhaqaale iyo istaraatiiji ah, oo ay ku jirto ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka."
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa iyaduna soo saartay bayaan ay ku sheegtay in heshiiskani "uu yahay sii ballaarinta iskaashigii hore ee labada dal ee dhinaca tamarta."
Waxay sidoo kale xustay in heshiiska la gaaray uu daba socdo booqashadii hoggaamiyaha Sacuudiga uu ku tagay magaalada Washington bishii Nofeembar ee sannadkii hore.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ku dhawaaqista heshiiskan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo iska horimaadka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan. Sacuudi Carabiya oo muddo dheer xulafo la ahayd Mareykanka ayaa martigelisa saldhigyo ciidan oo Mareykan ah, kuwaas oo bartilmaameed u noqday weerarro ay Iiraan fulisay. Sidoo kale, waxay ku soo beegmaysaa laba maalmood kaddib markii kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, oo xulafo la ah Iiraan, ay ku dhawaaqeen "go'doomin dhinaca badda ah" oo ka dhan ah boqortooyada Sacuudiga.
Faahfaahinta gaarka ah ee heshiiska nukliyeerka lama shaacin. Hase yeeshee, warar hore oo ay baahiyeen warbaahinta ayaa sheegayay in, kaddib daraasad wadajir ah oo ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya, boqortooyada loo oggolaan karo inay dhulkeeda ku hodmiso yuraaniyamka, si ay u soo saarto shidaalka nukliyeerka ee loo baahan yahay, iyadoo adeegsanaysa xarun uu Mareykanku dhisayo, halkii ay shidaalka dibadda ka soo dejisan lahayd.
Arrintan ayaa lagu qiyaasayaa inay Mareykanka u horseedi karto heshiisyo qiimahoodu gaarayo balaayiin doollar, maadaama shirkadaha Mareykanka ay ka qayb qaadan karaan dhismaha xarunta lagu hodminayo yuraaniyamka. Yuraaniyamka la hodmiyey waxaa loo isticmaali karaa shidaalka warshadaha korontada laga dhaliyo, balse sidoo kale waxaa laga samayn karaa hubka nukliyeerka.
Xoghayaha Tamarta ee Mareykanka, Chris Wright, ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: "Waxaan idin xaqiijinayaa in heshiisyadani ay ilaalinayaan heerarka ugu sarreeya ee badbaadada nukliyeerka iyo ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka, iyagoo ku tiirsan tiknoolajiyadda iyo saynisyahannada ugu wanaagsan dunida ee dhanka nukliyeerka, kuwaas oo lagu horumariyey halkan Mareykanka."
Waaxda Tamarta ee Mareykanka ayaa sheegtay in heshiiskani uu xoojinayo "ammaanka Mareykanka iyo kan gobolka", isla markaana uu ilaalinayo heerarka ugu sarreeya ee badbaadada, amniga iyo ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka, isagoo sidoo kale sare u qaadaya tartanka Mareykanka ee dhinaca tiknoolajiyadda nukliyeerka ee rayidka.
Khubarro ku takhasusay arrimaha nukliyeerka iyo saraakiil hore oo Israa'iiliyiin ah – oo ka socda Israa'iil, oo ah xulafada ugu dhow Mareykanka ee Bariga Dhexe – ayaa walaac ka muujiyay in qorshahani uu ugu dambayn u sahli karo Sacuudi Carabiya inay yeelato awood ay ku samaysato hub nukliyeer ah. Si kastaba ha ahaatee, khubarro badan ayaa sheegaya in waddadaasi ay qaadan karto tobnaan sano, isla markaana ay la kulmi doonto cadaadis iyo diidmo xooggan oo uga timaadda beesha caalamka.
Rosemary Kelanic, oo ah agaasimaha barnaamijka Bariga Dhexe ee machadka cilmi-baarista ee fadhigiisu yahay Mareykanka ee Defense Priorities, ayaa sheegtay inay "aad ula yaabi lahayd" haddii heshiiskan uu ka mid yahay in Mareykanku u oggolaado Sacuudi Carabiya inay yeelato xarumo ay ku hodmiso yuraaniyamka.
Waxay tiri: "Mareykanku waligiis sidan uma samayn dal kale. Marna kama aanu caawin waddan kale inuu dhulkiisa ku hodmiyo yuraaniyamka."
Waxay intaas ku dartay in sababta arrintaasi ay tahay: "Haddii aad awood u yeelato inaad soo saarto shidaalkaaga nukliyeerka, waxaad noqonaysaa halis aad u weyn marka ay timaaddo suuragalnimada samaynta hub nukliyeer ah."
Heshiiska ayaa hadda loo gudbin doonaa Golaha Kongareeska Mareykanka si uu dib ugu eego.
Qaar ka mid ah xildhibaannada labada xisbi ee waaweyn ayaa la filayaa inay ka horyimaadaan heshiiska, inkastoo xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Donald Trump uu haatan gacanta ku hayo labada aqal ee Kongareeska Mareykanka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ka jawaabay dhaliilaha laga muujinayo in heshiiskani mustaqbalka u sahli karo Sacuudi Carabiya inay samaysato hub nukliyeer ah.
Isagoo warfidiyeennada kula hadlayay safar uu ku joogay Filibiin, Rubio wuxuu yiri:
"Mareykanku lama geli doono heshiis dal kasta oo adduunka ka mid ah haddii uu keeni karo halis la xiriirta faafitaanka hubka nukliyeerka."
Qaar ka mid ah xildhibaannada Dimuqraadiga ee ka soo horjeeda heshiiska ayaa xusay in Rubio, xilligii uu ahaa senatar, uu taageeray sharci loo yaqaan "No Nuclear Weapons for Saudi Arabia Act", kaas oo dhigayay in Kongareeska uu ansixiyo heshiis kasta oo nukliyeer ah oo lala galo Sacuudi Carabiya.
Senatarka Dimuqraadiga ah ee gobolka Massachusetts, Edward Markey, ayaa soo saaray bayaan uu ku cambaareeyay Rubio iyo Madaxweyne Donald Trump, isagoo sheegay in: "Munaafaqnimadooda waxaa la jaanqaadaya oo keliya taxaddar la'aantooda."
Markey wuxuu intaas ku daray: "Waxay u oggolaanayaan Sacuudi Carabiya, oo ah dal dagaal badan isla markaana nidaamkiisu kali-talis yahay, inay hesho tiknoolajiyada hubka nukliyeerka, iyagoo isla markaana dagaal kula jira Iiraan iyagoo ku andacoonaya inay ka hortagayaan in Iiraan samaysato bam nukliyeer ah."
Haddii heshiiska uu ka mid yahay qodob u oggolaanaya Sacuudi Carabiya inay hodmiso yuraaniyamka, wuxuu ka duwanaan doonaa heshiiskii uu Mareykanku sannadkii 2009 la galay Imaaraadka Carabta, kaas oo Imaaraadku ku aqbalay inuusan soo saaran shidaalkiisa nukliyeerka, isla markaana uu raaco xayiraado kale oo badan.
Sababtaas awgeed, heshiiskan ayaa sidoo kale la filayaa inuu walaac ka dhex abuuro ururrada u ololeeya ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in aanay sii kordhin tirada hubka nukliyeerka ee dunida.
Sacuudi Carabiya ayaa sannado badan ku dadaalaysay inay hesho heshiis noocan oo kale ah, xilliyadii ay xilka hayeen madaxweynayaal kala duwan oo Mareykan ah. Hase yeeshee, Washington waxay muddo dheer ku adkaysanaysay hal shuruud oo muhiim ah, taas oo ahayd in Sacuudi Carabiya ay aqoonsato Israa'iil oo ay caadi ka dhigto xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee kala dhexeeya dalkaas oo ah xulafada muhiimka ah ee Mareykanka.
Laakiin warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in shuruuddaas hadda laga laabtay, isla markaana aanay qayb ka ahayn heshiiska.
Madaxweyne Donald Trump ayaa muddadii uu Aqalka Cad joogay ka shaqeeyay inuu sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay Sacuudi Carabiya.
Marka laga soo tago faa'iidooyinka istaraatiijiyadeed iyo kuwa ganacsi ee laga filayo heshiiskan, sababaha kale ee lagu tilmaamayo inuu hadda dhacay waxaa ka mid ah wararka sheegaya in Ruushka iyo Shiinuhu ay sidoo kale Sacuudi Carabiya kala hadlayeen heshiis la mid ah, iyadoo Mareykanku uusan doonayn inuu seego fursaddaas.
Heshiiskan waxaa loo arkaa guul weyn oo u soo hoyatay Sacuudi Carabiya, wuxuuna mustaqbalka wax ka beddeli karaa isu-dheellitirka awoodda Bariga Dhexe, inkastoo isbeddelkaasi aanu noqon doonin mid degdeg ah, balse laga yaabo inuu qaato sannado badan.
Arrinta nukliyeerka ayaa ahayd xudunta khilaafkii dhowrka bilood socday ee u dhexeeyay Mareykanka, Israa'iil iyo Iiraan. Labada dal ee Mareykanka iyo Israa'iil ayaa sheegay in mid ka mid ah sababihii ay bishii Febraayo u weerareen Iiraan ay ahayd inay ka hortagaan in dalkaasi yeesho hub nukliyeer ah, arrin ay Tehran si joogto ah u beenisay.
Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed bin Salmaan, ayaa wareysi uu siiyay CBS News sannadkii 2018 ku sheegay in dalkiisu aanu qorshaynayn inuu yeesho hub nukliyeer ah, balse wuxuu intaas ku daray:
"Shaki kuma jiro in haddii Iiraan samaysato bam nukliyeer ah, annaguna sida ugu dhaqsaha badan ayaan u raaci doonnaa."
















