Jose Mourinho oo ugu dambeyn sheegay inuu aqbalay inuu Ferguson kala wareego tababarka Manchester United

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kadib sannado badan oo la isla dhexmarayay, José Mourinho ayaa xaqiijiyay inuu 2013-kii aqbalay heshiis ah inuu Sir Alex Ferguson kala wareego xilka tababarenimo ee kooxda Manchester United, balse markii dambe uu go’aanka beddelay oo uu ka doorbiday inuu dib ugu laabto Chelsea.
“Markii aan Real Madrid ka tagay, waxaan saxiixay heshiis aan ugu wareegayo Manchester United, si aan ula wareego shaqada kadib Sir Alex,” ayuu Mourinho, oo hadda mar kale tababare ka ah Real Madrid, ku sheegay taxane cusub oo laga sameeyay taariikhdiisa ciyaareed. Taxanahaas ayaa Netflix laga sii dayn doonaa 11-ka Agoosto.
“Shaqada waa loo soo bandhigay, haa,” ayuu Ferguson xaqiijiyay. Ferguson wuxuu Manchester United ku hoggaamiyay 13 horyaal oo Premier League ah 26 sano oo uu hogaaminayay kooxda Old Trafford, ka hor inta uusan shaqada ka fariisan 2013-kii.
“Waan la fadhiisiyay Mourinho oo aan uga warramay xaaladda,” ayuu Ferguson ku daray. “Aniga ahaan, waxaan u qaatay inuu aqbalay. Laakiin saacado gudahood ayay wax walba is beddeleen.”
Waxa is beddelay ayaa ahaa in Mourinho uu dareemay inuusan diidi karin fursadda uu ugu laabanayo Chelsea, halkaas oo uu hore ugu qaaday laba horyaal oo Premier League ah oo xiriir ah sannadihii 2005 iyo 2006.








