Dad gaaraya 475 qof ayaa ku dhintay daadadka dhoobata wata ee Arbacadi ku dhuftay dalka Nepal halka tiro ku dhow 500 oo qof sidoo kale la la'ayahay. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in webi kale uu qarka jabsaday
Madaxweynaha
Shiinaha, Xi Jinping, ayaa qabtay kulan degdeg ah oo looga hadlayay dadaallada
samatabbixinta kaddib fatahaadihii iyo dhul-go’ayadii masiibada ahaa ee
Arbacadii ka dhacay xadka Tibet iyo Nepal.
Beijing ayaa
u soo bandhigtay Nepal inay gargaar u fidiso, iyadoo in ka badan shan boqol oo
qof ay ku dhinteen. Ra’iisul wasaaraha Nepal ayaa sheegay in boqolaal askari oo
dheeraad ah la geeyay si ay meydadka uga soo saaraan hareeraha webiyada.
Dowladda
Kathmandu ayaa sheegtay in meelaha sida daran u saameysmay ay gebi ahaanba
go’doonsan yihiin. Shaqaalaha gargaarka ayaa xaaladda ku tilmaamay mid fowdo
ah.
Ku dhowaad
kun qof ayaa weli la la’yahay, in ka badan kala bar dadkaasna waa dalxiisayaal.
Falanqayn cusub ayaa muujinaysa fursad ay heystaan dadka sigaarka caba oo ay si fudud ugu joojin karaan.
Falanqayn cusub ayaa muujinaysa in dadka sigaarka cabba ee doonaya inay joojiyaan ay fursad fiican u haystaan inay ku guuleystaan haddii ay isticmaalaan aaladda elektaroonigga ah ee nicotine-ka leh ee Vape-ta loo yaqaan, marka loo eego balastarrada la isku dhejiyo ama xanjada nicotine-ta ah ee la isticmaalo.
Dib-u-eegistan oo ay sameeyeen koox khubarro caalami ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in sigaarka elektaroonigga ahi uu ugu waxtar badnaa barnaamijyada taageerada ah ee lagu caawiyo dadka doonaya inay sigaarka joojiyaan.
Falanqayntu waxay sidoo kale taageertay aragtida ah in sigaarka caadiga ahi caafimaadka uga khatar badan yahay tan elektaroonigga ah.
Kooxda Cochrane ayaa dib u eegtay 80 daraasadood oo waaweyn oo ay ka qaybqaateen ku dhowaad 30,000 oo qof, waxayna ogaadeen in vapes-ka nikotiinka leh ay ka waxtar badan yihiin hababka dhaqanka ee sigaarka lagu joojiyo, sida balastarrada nikotiinka, xanjada nikotiinka iyo barnaamijyada taageerada.
Waxay kordhiyeen heerka guusha joojinta sigaarka qiyaastii 60% — iyadoo tirada dadka ku guulaysta joojinta ay ka kacday qiyaastii 6 qof 100kii qofba ilaa 1 qof 10kii qofba.
Nepal oo soo saartay liiska ajaanibta la la’yahay, oo ay ku jiraan 178 Hindi ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ku dhowaad 500 ayaa ku dhintay
Dowladda Nepal ayaa soo saartay liiska dadka ajaanibta ah ee weli la la’yahay kadib fatahaado ba’an oo dalka ku dhuftay, iyadoo ku dhowaad 500 oo qof la xaqiijiyay inay dhinteen.
Liiska ay dowladdu soo saartay waxaa ku qoran magacyada, taariikhaha dhalashada iyo jinsiyadaha 537 qof oo ajaanib ah oo aan wax xiriir ah lala sameyn tan iyo markii ay fatahaaduhu dhaceen.
Tirada ugu badan ee dadka la la’yahay waa muwaadiniinta Hindiya, oo gaaraya 178 qof. Liiska waxaa sidoo kale ku jira 65 Mareykan ah, 53 Ukraine u dhashay, 51 Malaysiyaan ah, 33 Australian ah iyo 33 British ah.
Maamulka Nepal ayaa weli wada baaritaanka dadka la la’yahay. Ciidanka iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa loo adeegsanayaa samatabbixinta dadka ku xanniban meelaha ay musiibadu saameysay.
Xogta rasmiga ah ee Nepal waxay sheegaysaa in tirada ajaanibta weli la la’yahay ay isbeddelayso iyadoo hawlgallada raadinta iyo xaqiijintu socdaan.
Booliiska dalka Nepal ayaa sheegay in ilaa 09:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah ee Jimcaha maanta ah, in 475 qof ay ku dhinteen daadadkii dhobata watay ee Arbacadi ku dhuftay degmada Rasuwa ee dalkaas.
In ka badan 550 qof ayaa la la'ayahay, kadib 48 saacadood o ay daadadkaas ku dhufteen dalka, tiradaas oo la filayo inay intaas ka sii badato.
Cabsi kale ayaa jirta oo adda waxay ka cabsi qabaan in, kadib saacado badan oo roob culus ah, harada ka samaysantay burburka dhexdiisa ay qararka jabsato, taasina ay maalmaha soo socda ay sababto dhimasho hor leh.
War deg deg ah, Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay meel u dhow xeebaha Soomaaliya
Dhulgariir xooggan oo cabbirkiisu yahay 6.0 ayaa subaxnimadii Jimcaha maanta ah ka dhacay Gacanka Cadmeed, oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Yemen, sida ay sheegtay Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Maraykanka (USGS).
Dhulgariirka oo ahaa mid aan qoto dheerayn ayaa dhacay 12:07 habeenimo waqtiga maxalliga ah (21:07 GMT Khamiistii), waxaana uu ku dhuftay meel qiyaastii 145 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya, sida ay USGS sheegtay.
Dhulgariirka ayaa ka dhacay meel qiyaastii 145 kilomitir u jirta degmada Caluula, Puntland.
Ilaa iyo hadda lama soo werin wax khasaare ah o ka dhashay dhulgariirkan.
Wixii ka soo kordha, halkan ayaan idinkula socodsiin doonaa.
Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Rezaei wuxuu sheegay in Netanyahu uu faafiyay “warar been abuur ah” oo ku saabsan shirqoolka la sheegay ee Iran ay ku doonaysay inay ku disho Trump, taas oo cabsi gelisay madaxweynaha Mareykanka isla markaana saameyn ku yeelatay go’aannadiisa.
Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa sheegay in wararka ku saabsan shirqool la sheegay in Iran ay ku doonaysay inay ku disho Donald Trump, iyo hanjabaad lagu sheegay in lagu dili rabay wiilkiisa yar, ay yihiin “shirqool” uu abaabulay Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.
Rezaei oo la hadlay kanaalka wararka Carabta ee Al-Manar ayaa sheegay, in Netanyahu uu doonayo inuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump cabsi geliyo isagoo adeegsanaya wararkan, si Mareykanku uga qayb qaato dagaalka ka dhanka ah Iran.
Rezaei wuxuu sheegay in Netanyahu uu faafiyay “warar been abuur ah” oo ku saabsan shirqoolka la sheegay ee Iran ay ku doonaysay inay ku disho Trump, taas oo cabsi gelisay madaxweynaha Mareykanka isla markaana saameyn ku yeelatay go’aannadiisa.
Wuxuu yiri: “Isagoo ka baqaya wararkan, Trump waxaa la arkayay isagoo booqashadiisii Turkiga ku safraya gaari sahay cunto sida shaqaale caadi ah.”
Rezaei wuxuu intaas ku daray: “Haddii aan go’aan qaadanno, cidina kama hor istaagi karto inaan fulinno. Laakiin wararkani waa hadal aan macno lahayn oo uu Netanyahu sheegay.”
Warbaahinta Iran, oo ay ku jiraan wakaaladaha wararka, ayaa daabacay qaybo ka mid ah wareysiga Rezaei uu siiyay Al-Manar.
Si kastaba ha ahaatee, Rezaei ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo dadweynaha loo hayo oo taageeraya sheegashadiisa ku saabsan hanjabaadda la sheegay ee lagu doonayo in lagu dilo Trump ama lagu bartilmaameedsado wiilkiisa.
War deg deg ah, Tirada dhimashada daadaka dhoobada wata ee Nepal oo aad u korodhay
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Daadadka Nepal
Booliiska dalka Nepal ayaa sheegay in ilaa 09:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah ee Jimcaha maanta ah, in 475 qof ay ku dhinteen daadadkii dhobata watay ee Arbacadi ku dhuftay degmada Rasuwa ee dalkaas.
In ka badan 550 qof ayaa la la'ayahay, kadib 48 saacadood o ay daadadkaas ku dhufteen dalka, tiradaas oo la filayo inay intaas ka sii badato.
Cabsi kale ayaa jirta oo adda waxay ka cabsi qabaan in, kadib saacado badan oo roob culus ah, harada ka samaysantay burburka dhexdiisa ay qararka jabsato, taasina ay maalmaha soo socda ay sababto dhimasho hor leh.
Booliisku waxay intaas ku dareen in howlgallada samatabbixinta iyo baadi-goobka dadka ay weli socdaan, iyadoo sidoo kale dadaallo lagu doonayo in “waddooyinka xanniban laga furo” ay ka socdaan goobaha ay daadadku saameeyeen.
Samatabbixiyeyaasha ku sugan aaggaas ayaa lagu amray inay hadda joojiyaan hawlgallada, sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya warbaahinta dowladda Shiinaha.
In ka badan 550 qof ayaa la soo sheegay inay ku maqan yihiin dhinaca Tibet ee xadka — 260 ka mid ah waa ajaanib, oo ay ku jiraan dalxiiseyaal u socday buurta barakaysan ee Kailash ee Tibet.
Cunista quraac badan iyo casho yar ayaa kaa caawin karta dhimista miisaankaaga, ayay yiraahdeen cilmi-baareyaashu.
Markii ay saynisyahannadu sameynayeen cilmi-baarista waxay si sax ah u xakameeyeen cuntada dadka, si ay isu barbar dhigaan saamaynta quraacda culus iyo cashada culus.
Kooxda Jaamacadda Aberdeen waxay dadkii ay tijaabiyeen ka heleen dad dhimay kalooris, si isku mid ah mar kasta oo ay cunaan cuntadooda ugu culus ee maalinta.
Laakiin, rabitaankooda cuntada ayaa si aad ah hoos ugu dhacay kaddib markii ay billaabeen cunista quraacda culus, taas oo sahlaysa in uu qofka ka taxaddaro dheelitirka cuntadiisa.
Cilmi-baareyaashu waxaa kale oo u soo baxday hal fikrad oo ah in habeenku uu yahay wakhtiga ugu xun ee cunto la cuno, sababtoo ah saacaddaas dheef-shiidka ayaa cuntada u beddelaya kiimiko, gaar ahaan marka uu qofku hurdo.
Dadka cilmi barista ka qeyb qaatay oo 30 qof ahaa ayaa dhammaan loo diyaarinayay quraac, qado iyo casho in ka badan labo bil, iyadoo maalintii loogu dararay 1,700 oo kaloori.
Waxay hal bil cunayeen quraac aad culus iyagoo isticmaalaya ku dhawaad kala bar kalooriga maalinlaha ah, kaddibna waxaa xigay qado iyo casho fudud, halka bisha kalena ay cunayeen cunto culus fiidkii beddelkii subaxdii.
Muxuu Laftagareen ka yiri eedeynta ah in ciidamadiisa iyo al-Shabaab ay isku milmeen?
Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.
Laftagareen oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC:
Xigashada Sawirka, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar
Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa booqday caasimadda Iran ee Tehran, halkaas oo uu kula kulmay madaxda Iran.
Kulamadu waxay diiradda saareen mustaqbalka marin-biyoodka Strait of Hormuz, gaar ahaan qorshe lagu sameynayo marin ku-meel-gaar ah oo maraakiibtu isticmaali karaan. Waxaa sida oo kale laga hadlay qorshe wadajir ah oo lagu nadiifinayo miinooyinka lagu sheegay in lagu aasay marin-biyoodka xilligii dagaalka.
Labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo yareyn lahaa xiisadda gobolka loona abuuri lahaa xaalad ku habboon in wada-hadallada Iran iyo Mareykanka dib loo bilaabo, si loo gaaro xasillooni iyo amni gobolka.
Sheekh Mohammed wuxuu sidoo kale si gaar ah ula kulmay Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Ghalibaf, oo ah wadaxaajoodaha ugu sarreeya Iran.
Taliyihii ciidankii SDF la kala diray ee Suuriya oo loo magacaabay La-taliyaha Madaxweyne
Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa ayaa Mazloum Abdi, hoggaamiyihii hore ee Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya (SDF), u magacaabay la-taliye ka tirsan Madaxtooyada.
Mazloum Abdi ayaa horey ugu dhawaaqay in SDF la kala dirayo ciidan madax-bannaan ahaantii ahaayeen, isla markaana ciidamadeeda iyo hay’adahooda amni iyo rayid lagu biirinayo dowladda Suuriya.
Go’aankan ayaa qeyb ka ah heshiis u dhexeeya maamulka cusub ee Suuriya iyo hoggaanka Kurdiyiinta.
Muxuu Laftagareen ka yiri eedeynta ah in ciidamadiisa iyo al-Shabaab ay isku milmeen?
Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.
Laftagareen oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC:
Chelsea oo sii wadda guulaheedii tan iyo intii Alonso tababaraha noqday
Danny Welbeck ayaa gool dhaliyay kulankiisii ugu horreeyay, iyada oo Chelsea ay 2-0 kaga adkaatay Luton Town wareegga 3-aad ee Carabao Cup.
Welbeck oo 35 jir ah, xagaagan kaga soo biiray Brighton, ayaa qeybtii hore madaxa ku dhaliyay goolka koowaad. Goolka labaad waxaa iska dhaliyay Hakeem Odoffin, kaddib markii uu si khaldan u leexiyay kubbad uu soo tuuray Estevao Willian.
Enzo Fernandez laguma darin kooxda Chelsea, inkasta oo uu beddel ku soo galay kulankii ay Isniintii 3-2 kaga adkaadeen Fulham. Warar ka yimid Argentina ayaa sheegaya inuu doonayo inuu u wareego Manchester City, iyadoo wakiilladiisuna ay wadahadallo la yeesheen kooxdaas.
Chelsea ayaa inta badan maamushay qeybtii hore, balse goolhayaha Luton, Josh Keeley, ayaa sameeyay badbaadino muhiim ah, gaar ahaan labo badbaadin oo isku xigta oo uu ku hor istaagay Cole Palmer daqiiqaddii 11-aad.
Madaxweyne Donald Trump ayaa saxiixay amar fulineed oo lagu doonayo in Harada Ontario (Lake Ontario) loogu beddelo magaca Harada Ameerika (Lake America).
Go’aankan ayaa yimid xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka ganacsi ee u dhexeeya Mareykanka iyo Canada. Mareykanku wuxuu Canada ku soo rogay canshuur 50% ah oo lagu qaadayo badeecooyin Canadian ah oo qiimahoodu yahay ku dhowaad $20 bilyan, halka Canada ay sheegtay inay ka jawaabi doonto canshuur la mid ah.
Trump ayaa horey dhowr jeer ugu hanjabay inuu magaca harada beddeli doono. Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney ayaa diiday tallaabadaas, isagoo sheegay in magaca Lake Ontario uu leeyahay taariikh ka badan 400 sano, isla markaana haradu ay tahay meel ay labada dal wadaagaan.
Trump wuxuu horey, markii uu xafiiska qabtay 2025, u saxiixay amar lagu beddelay magaca Gulf of Mexico loona bixiyay Gulf of America, balse Mexico ayaa diiday magacaas.
Nepal: Boqollaal qof oo la soo badbaadiyey
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Nepal ayaa sheegay in 350 qof laga soo badbaadiyey hog dheer oo ku dhow Webiga Trishuli.
Dadka laga soo badbaadiyey aaggaas, oo qayb ka ah warshad korontada ka dhalisa biyaha, waxay ahaayeen shaqaale iyo dad deegaanka ah, sida lagu sheegay warbixinta.
Ciidanka Nepal ayaa weli wada dadaallada lagu soo badbaadinayo 100 qof oo kale oo ku jira gudaha tunnel-ka.
Waa kuma Khaalid Maxamed, ninkii "qorsheeyay" weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay Maraykanka?
Ninka lagu eedeeyay inuu qorsheeyay weerarkii 11-kii Sebtembar 2001 ee ka dhacay Maraykanka, Khaalid Sheekh Maxamed, ayaa maxkamad la horgeyn doonaa bisha Juun 2028, in ka badan 25 sano kaddib weerarkii ay dowladda Maraykanku ku tilmaantay "weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee abid ka dhaca gudaha dalka."
Garsooraha maxkamadda ciidamada milatariga ayaa go'aamiyay in dacwaddu bilaabato labo sano gudahood, isagoo sheegay in codsiga xeer-ilaalintu ku doonaysay in maxkamaddu bilaabato 2027 uu ahaa mid xilli hore ah.
Khaalid ayaa dalbaday in la gaaro heshiis u oggolaanaya inuu qirto dambiyada lagu soo oogay, iyadoo loo ballanqaadayo in aan lagu xukumin dil. Hase yeeshee, maxkamad federaali ah oo racfaan qaadda ayaa diidday codsigaas. Waxaa la qabtay sanadkii 2003, waxaana lagu hayaa xabsiga Guantanamo Bay tan iyo Sebtembar 2006.
Khaalid Sheekh Maxamed ayaa hore u qirtay inuu isagu qorsheeyay weerarkii 11-kii Sebtembar 2001, laga bilaabo billowgiisii ilaa dhammaadkiisii.
Tirada dadka ku dhintay Nepal kadib fatahaadihii degdegga
ahaa ayaa kor ugu kacday 389 qof, sida ay sheegeen booliiska Nepal.
Tani waa koror marka loo eego tiradii hore ee 359 qof ee
ay mas’uuliyiintu sheegeen dhowr saacadood ka hor.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sidoo kale sheegayaan in ay
jirto cabsi laga qabo fatahaad kale, kadib markii biyo ku xannibmeen meel
sare oo ay sameeyeen haro weyn oo laga yaabo inay karkaarada jabsato.
Xiriirka kubada cagta Yurub oo wada dacwad ka dhana madaxweynaha FIFA
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Xiriirka u dhexeeya madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin (bidix), iyo madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino (midig), ayaa bilihii u dambeeyay sii xumaaday.
UEFA waxay waddaa
dacwad dambiyeed sharci oo ka dhan ah
madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, taas oo la xiriirta qorshihii hadda la
joojiyay ee ahaa in saamiyo laga iibiyo Koobka Adduunka iyo tartamada kale ee
FIFA maal-gashadayaal gaar loo leeyahay.
Dukumentiyo ay aragtay BBC Sport ayaa muujinaya in hay’adda
maamusha kubadda cagta Yurub ay gudbisay codsi ay ku doonayso in loo oggolaado
helitaanka caddaymo iyo dukumentiyo loo adeegsan doono dacwad ka socota
Switzerland oo ka dhan ah madaxweynaha cadaadiska badan wajahaya. UEFA waxay
Infantino ku eedaynaysaa “maamul-xumo dambiyeed”.
Wax yar kaddib Koobka Adduunka ee xagaagan, Infantino wuxuu
soo jeediyay in la abuuro shirkad cusub oo lagu magacaabo Fifa Forward
Enterprise (FFE), taas oo saamiyo ka iibin lahayd tartamada kubadda cagta ee
FIFA maal-gashadayaal gaar loo leeyahay.
Qorshahaas ayaa la joojiyay kaddib markii uu si weyn uga
dhashay cambaareyn iyo mucaaradad.
Codsiga caddaymaha, UEFA waxay ku andacoonaysaa in Infantino
uu qorshahan u sameeyay si uu isaga iyo maal-gashadayaasha suurtagalka ah uga
faa’iideystaan dhaqaale.
Codsiga UEFA ayaa lagu sheegay:
“Run ahaantii, waxay ahayd dariiq uu Infantino iyo koox yar
oo isaga ku dhow ay ku heli lahaayeen saamiga joogtada ah ee hantida ugu
qiimaha badan FIFA, isla markaana ay uga faa’iideysan lahaayeen, taas oo
waxyeello u geysan lahayd FIFA, xubnaheeda iyo dhinacyada kale ee qoyska
kubadda cagta.”
UEFA waxay sidoo kale sheegtay in Infantino qorshaha ku meel
mariyay nidaamka gudaha ee FIFA maalmo yar ka hor, isagoo qabtay kulan si
degdeg ah loo abaabulay. Kulankaas, tiro kooban oo ka mid ah maamulayaasha iyo
shaqaalaha FIFA qaarkoodna aan waligood hore u maqal, qorshahaayaa la siiyay saacado kooban oo
keliya si ay u ansixiyaan qorshe aan horay loo arag oo ku kacayay balaayiin
doollar.
UEFA waxay sidoo kale ku andacoonaysaa in qiimaha saamiyada
la iibin lahaa aan si madax-bannaan loo xaqiijin, isla markaana lagu iibin
lahaa qiime aad uga hooseeya kii ay dhab ahaan mudnaayeen. Waxay iibka la
qorsheeyay ku tilmaantay “qiime si khiyaano ah suuqa uga hooseeya oo
Infantino u riixayay danihiisa gaarka ah.”
Codsiga ayaa intaas ku daraya in, sida uu Infantino ku
dhawaaqay, maal-gashadayaashu ay heli lahaayeen dano dhaqaale oo joogto ah oo
ku saabsan qaybta ganacsi ee FIFA, iyagoo ku bixinaya $4.2 bilyan. Tani,
sida UEFA sheegtay, waxay ka dhignaan lahayd in shirkaddaas lagu qiimeeyay oo
keliya qiyaastii $20 bilyan, taas oo ay ku tilmaantay qiime aad u
hooseeya. UEFA waxay sheegtay in qiimahaasi uusan ka dhalan tartan furan oo iib
ah, sidoo kalena uusan hubin qiimeeye madax-bannaan.
Codsiga, UEFA waxay maxkamad ku taalla Florida ka
codsanaysaa inay u oggolaato inay hesho faylal ay hayaan laba shirkadood oo
FIFA leedahay FIFA Americas iyo FWC2026—si dukumentiyadaas loogu
isticmaalo, marxalad dambe, dacwadda ciqaabeed ee ka socota Switzerland.
Labada shirkadoodba waxay ku yaallaan Florida.
UEFA waxay sheegtay in 55-ka waddan ee xubnaha ka ah
UEFA ay suurtagal tahay inay waxyeello ka soo gaarto qorshihii iibka
saamiyada. Waxa kale oo ay sheegtay inay suuragal tahay inay dacwado ciqaabeed
ka gudbiso saraakiil kale oo FIFA ah, marka laga reebo Infantino.
Ninkii loo yaqaaney “Kawaanlihii Bosnia”, ee amray dilka dad badan oo geeriyooday
Hoggaamiyihii hore ee ciidamada Serbiyiinta
Bosnia, Ratko Mladic, ayaa geeriyooday. Ninkan oo 84 jir ahaa ayaa xabsi
daa’im ku qaadanayay magaalada Hague, kadib markii lagu helay dambiyo xasuuq ah
iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo uu geystay horraantii sagaashamaadkii.
Mladic, oo loo yaqaanay “Kawaanlihii Bosnia”, ayaa
ciidamadiisa ku amray inay geystaan gaboodfalladii ugu xumaa ee Yurub ka dhacay
tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Wuxuu lahaa go’doomintii
arxan-darrada ahayd ee k adhacday magaalada Sarajevo halkaas oo lagu
dilayi kumannaan rag iyo wiilal Muslimiin Bosniay ah.
Ha yeeshee , weli wuxuu geesi dagaal u yahay qaar badan oo
ka mid ah Serbiyiinta waddaniyiinta ah; xarun telefishan oo Serbia ah ayaa
geeridiisa ku tilmaantay “ceeb aan weligeed ka tirmayn caddaaladda
caalamiga ah.”
Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed
Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.
Markan, si ka duwan sidii xilligii aaska, waxay u muuqatay inaanay dadweynuhu si gaar ah u filayn inuu goobjoog ka ahaado hoggaamiyaha saddexaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah; taas oo u muuqata inay ka dhigan tahay in qarsoodiga u uku jira aanay hadda kicinayn dareenkii iyo falcelintii warbaahinta ee hore u jiri jiray.
Sababta ugu weyn ee afhayeenka dowladda u uku sheegay cudur-daarka maqnaanshahiisa waa arrimaha amniga. Aragtidooda ugu weyn ayaa ah in baahinta muuqaal laga duubay hoggaamiyaha cusub ay daaha ka qaadi karto halka uu ku sugan yahay, taas oo khatar gelin karta noloshiisa. Marka laga jawaabayo su'aasha ku saabsan sababta aan loo baahinayn ugu yaraan wax cod ah oo laga hayo Mojtaba Khamenei, warbaahinta dawladdu waxay ku doodaysaa in xitaa codkiisu uu daaha ka qaadi karo halka uu ku sugan yahay.
Waa run in marka si taxaddar leh loo falanqeynayo faylka codka, in ay suurtagal noqon karto in la ogaado macluumaad muhiim ah, sida astaamaha qalabka wax lagu duubo, tilmaamaha shabakadda korontada, ama qaar ka mid ah muuqaallada iyo kuwa deegaanka ee goobta wax lagu duubayay. Hase yeeshee, haddii sababta ugu weyn ee loo qariyay muuqaalka iyo codka hoggaamiyaha ay ahayd arrimo la xiriira amniga, waxa jirtay siyaabo wax looga qaban karo khataraha dhicia kara.
Tusaale ahaan, hay'adaha dawladdu si fudud ayay uga fogaan kareen adeegsiga qalabka kombuyuutarka si ay u duubaan codka Mojtaba Khamenei, iyagoo isticmaali karay qalabkii ka horreeyay kuwan casriga dhijitaalka ah sida cajaladaha iyo qalabkii hore ee cod-duubista.