Markabkii saddexaad oo Maraykanku leeyahay oo ah nooca xambaara diyaaradaha oo gaaray Bariga Dhexe

Sarkaal ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa CBS News, oo ah bahwadaagta BBC-da ee Maraykanka, u xaqiijiyay in markabka dagaalka ee xambaara diyaaradaha ee USS Theodore Roosevelt uu hadda gaaray Bariga Dhexe.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Degdeg: Xog cusub oo laga helay kulanka dhexmari doona Trump iyo Putin

    Trump iyo Putin

    Aqalka Kremlin-ka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu 19-ka November la kulmi doono dhiggiisa Shiinaha iyo Maraykanka, Xi Jinping iyo Donald Trump.

    Kremlin-ka ayaa kulanka ku tilmaamay shir saddex geesood ah oo muhiimad caalami ah leh.

    La-taliyaha aqalka Kremlin-ka, Yuri Ushakov, ayaa sheegay in marka laga soo tago wada-hadallada saddexda hoggaamiye ee ka dhici doona shirka APEC ee magaalada Shenzhen, Putin uu sidoo kale kulan gaar ah oo laba geesood ah la yeelan doono Trump. Wuxuu sheegay in rajada laga qabo soo afjaridda dagaalka Ukraine ay ka mid noqon doonto qodobada ugu waaweyn ee kulankaas.

    “Waxaa laga yaabaa in dhacdada ugu xiisaha badan ay noqoto kulanka dhacaya 2:30 duhurnimo, waqtiga maxalliga ah, marka Vladimir Putin, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay kulmaan,” ayuu Ushakov wariyeyaasha u sheegay sida ay baahisay wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax.

    Kulanka ayaa ka dhici doona hoyga rasmiga ah ee Xi Jinping.

    “Way adag tahay in la buunbuuniyo muhiimadda iyo macnaha astaan ahaaneed ee kulankan. Waa shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah,” ayuu raaciyay.

    Ushakov ayaa sheegay in saddexda hoggaamiye ay doonayaan inay yeeshaan wada-hadal wax ku ool ah oo qoto dheer, kaas oo saameyn weyn ku yeelan kara jihada guud ee xaaladda caalamka.

    Isaga oo ka hadlayay kulanka gaarka ah ee Putin iyo Trump, Ushakov wuxuu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen inay kulmaan, balse aan weli la cayimin waqtiga iyo goobta uu ka dhacayo.

    Wuxuu intaas ku daray in Putin uu Trump kala hadli doono arrimaha la xiriira xal u helidda dagaalka Ukraine, oo ay ku jiraan soo-jeedimo ay dhowaan Moscow geeyeen ergayada Maraykanka Jared Kushner iyo Steve Witkoff, iyo sidoo kale mowqifka iyo aragtida Ruushka.

  2. War deg deg ah, Dalka Ingiriiska oo u muuqda inuu ka qoomameynayo tallaabo uu horey u qaaday

    ,

    Ra’iisul Wasaaraha Britain, Andy Burnham, ayaa la filayaa inuu shacabka u sheego in Britain ay khasaaro ka badan faa’iido ka heshay ka bixitaankii Midowga Yurub, isaga oo sheegay in heshiiskii Brexit uusan keenin natiijooyinkii la ballanqaaday.

    Waxaa lagu wada ain uu hadal ka jeediyo munaasabad uu qabanayo Duqa Magaalada London, waxaana la filayaa inuu sheego in Brexit uu caqabado ku keenay ganacsiga, isla markaana aan la fulin ballanqaadkii ahaa in awoodda go’aan-qaadashada dib loogu soo celinayo Britain.

    Hadalkan ayaa imanaya ka hor shir u dhexeeya Britain iyo Midowga Yurub oo Jimcaha dhacaya. Burnham ayaa la filayaa inuu shirkaas ku saxiixo heshiisyo cusub oo ku saabsan cuntada, tamarta iyo fursadaha ay dhallinyaradu ugu kala safri karaan ugana shaqayn karaan labada dhinac.

    Si kastaba ha ahaatee, Burnham ayaa sheegay in heshiis kasta oo cusub uu ixtiraamayo ballanqaadka xisbiga shaqaalaha ee ah inaan Britain dib loogu celin suuqa mideysan ee Midowga Yurub, midowga kastamyada ama nidaamka isu-socodka xorta ah.

    Waxa kale oo uu sheegay in isbeddello waaweyn aan la samayn doonin ka hor doorashada guud ee xigta.

    Dhanka kale, xisbiga Conservative-ka ayaa dhaliilay dowladda Labour-ka, isaga oo ku eedeeyay inay isku dayayso inay Britain si qarsoodi ah dib ugu soo celiso Midowga Yurub.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  3. War deg deg ah, Wadaaddo tiro badan oo xabsiga loo dhigay in ay Iran taageeraan ama ay xiriir la leeyihiin

    Sheekh Ciise Qaasim ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa 13 wadaad oo Shiico ah oo maxkamaddu xukun ku ridday iyaga oo maqan. Waa Sawir hore

    Hay’ad xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in 64 qof oo Muslimiin Shiico ah, badankoodna wadaaddo yihiin, lagu xukumay xabsi daa’in dalka Baxrayn, kadib markii lagu helay eedeymo la xiriira argagixiso iyo in ay Iiraan xiriir la leeyihiin.

    Machadka Xuquuqda Aadanaha iyo Dimuqraadiyadda Baxrayn, ayaa sheegay in shan qof oo kale lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ah, xukunkaas oo ay ridday maxkamadda dambiyada waaweyn ee magaalada Manama.

    Xeer-ilaaliyaha guud ayaa xaqiijiyay xukunnada, balse ma uusan sheegin tirada guud ee eedeysanayaasha ama magacyadooda. Waxa uu sheegay in lagu eedeeyay inay aasaaseen koox argagixiso oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iiraan.

    BIRD ayaa cambaareysay xukunnada, iyadoo sheegtay inay jireen eedeymo la aamini karo oo ku saabsan jirdil, qirashooyin khasab lagu helay iyo in eedeysanayaasha laga hor istaagay difaac ku filan.

    Maamulka Baxrayn oo ay hoggaamiyaan Sunniyiin ayaa la sheegay inuu xiray boqollaal qof, badankoodna ka tirsan bulshada Shiicada ee dalka, kuwaas oo looga shakiyay basaasnimo iyo argagixiso tan iyo markii uu billowday dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan bishii Febraayo.

    Daraasiin qof ayaa sidoo kale lagala noqday dhalashada Baxrayn, kadib markii dowladda ku eedeysay inay taageereen ama ammaaneen falalka ay Iiraan ku tilmaantay kuwo cadowtinimo iyo dambi ah.

    Intii uu dagaalku socday, Iiraan ayaa kumannaan gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay Baxrayn iyo dalal kale oo Khaliijka ah oo martigeliya ciidamada Maraykanka. Milatariga Baxrayn ayaa Axaddii sheegay inuu fashiliyay dhowr weerar oo cirka ah oo Iiraan soo qaaday.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  4. War deg deg ah, Xilliga hurdada iska fogee qalabkaan haddii kale sidaan ayaa kugu dhici karta

    .

    Nin beeraley ah oo ku sugan waddanka Ghana ayaa isbitaalka ku jira isagoo xaaladdiisu ay aad u liidato kaddib markii uu si shil ah xubinta taranka isaga gooyay isagoo hurdaya.

    Kofi Atta, oo BBC-da u warramay isagoo sariirta isbitaalka jiifa, ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen. Waxa uu sugayaa in ay dhakhaatiirta ku sameeyaan qalliin.

    Wariyaha BBC-da ee isbitaalka ku booqday ayuu u sheegay in hadda la siiyay biyo badan, cirbado xanuun baabi'iye ahna lagu duray.

    Balse waxa uu sheegay in uusan haysan lacag uu ku bixiyo xitaa gaarigii isbitaalka lagu geeyay.

    Sheekadaan oo BBC-du horey u baahisay Linkigaan ka sii akhri: Nin xubinta taranka iska jaray isagoo hurda oo wax kale ku riyoonaya

  5. War deg deg ah, Israa'iil oo weerar ku qaadday xadka Suuriya iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Xadka Suuriya

    Warbaahinta Israa’iil iyo Lubnaan ayaa sheegtay in milatariga Israa’iil uu weerar ka fuliyay meel u dhow xadka Suuriya iyo Lubnaan.

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in uu bartilmaameedsaday shixnad hub ah oo la doonayay in la gaarsiiyo kooxda Xisbullah ee Iiraan taageerto, si loo xoojiyo awooddeeda hawlgal ciidan.

    Milatariga ayaa sheegay in hubkaasi loogu talagalay in lagu kordhiyo awoodda kooxda ee fulinta weerarro ka dhan ah shacabka Israa’iil iyo ciidankeeda. Waxa kale oo uu Xisbullah ku eedeeyay inay dhulka Lubnaan u adeegsato tahriibinta hubka iyo hawlo kale oo milatari, taas oo uu sheegay inay jebinayso heshiisyadii is-afgaradka.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Lubnaan, NNA, ayaa sheegtay in weerarka aroortii hore ka dhacay deegaanka Al-Shu’ara ee degmada Baclabak, gobolka Bekaa ee bariga Lubnaan. Wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed ah lagama soo sheegin.

    Telefishinka Al-Manar ee Xisbullah ayaa sheegay in tani ay ahayd weerarkii ugu horreeyay ee Israa’iil ku qaaddo bariga Bekaa muddo saddex bilood ah.

    Al-Manar ayaa sidoo kale sheegay in taangiyada Israa’iil ay duqeeyeen guryo ku yaalla inta u dhexeysa tuulooyinka Zutar Al-Sharqiya iyo Zutar Al-Gharbiya ee koonfurta Lubnaan.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  6. War deg deg ah, Xog dheeri ah oo laga helayo dagaalka ka socda Ereteriya

    .

    Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo fallaagada Tigrayga ayaa ku xoogeysanaya deegaanno u dhow xadka Ereteriya.

    Dadka ku nool gobolka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay loo adeegsaday madaafiic iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

    Dagaalku wuxuu sii xoogeysanayay tan iyo bishii Sebtembar, iyadoo labada dhinacba ay midba midka kale ku eedeynayaan inuu jebiyay heshiiskii nabadeed ee soo afjaray dagaal sokeeye oo laba sano socday, kaas oo dhammaaday 2022-kii.

    Itoobiya ayaa sidoo kale Ereteriya ku eedeysay inay taageerto fallaagada Tigrayga.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  7. War deg deg ah, Hindiya oo dalbatay ku dhawaad laba 200 oo diyaaradood

    Hindiya
    Qoraalka sawirka, .

    Taliyaha Ciidanka Cirka Hindiya, Air Chief Marshal Ashutosh Dikshit, ayaa 16-kii Nofeembar sheegay in diyaaradaha dagaalka ee gudaha dalka lagu sameeyay ee LCA Mk-1A la filayo in ciidanka cirka lagu biiriyo sannad-maaliyadeedka 2026–27. Sida ay qortay warbaahinta Hindustan Times, waxaa sidoo kale la filayaa in la dhiso cutub ciidan oo dhammaystiran oo ku qalabaysan diyaaradahaas.

    Diyaaradahan ayaa beddeli doona diyaaradaha dagaalka ee MiG-21 oo hawlgabka laga dhigay. Mashruucan ayaa muhiim u ah Ciidanka Cirka Hindiya oo wajahaya yaraanta diyaaradaha dagaalka.

    Hindiya ayaa shirkadda Hindustan Aeronautics Limited ka dalbatay 180 diyaaradood oo noocan ah, iyadoo heshiisyadu ku kacayaan guud ahaan 11.72 bilyan oo doollar.

    Kadib dib-u-dhacyo dhowr ah, diyaaradaha ayaa hadda ku dhow inay ku biiraan ciidanka cirka. Waxay noqonayaan diyaaradihii ugu horreeyay ee dagaal ee hawlgalkooda bilaaba muddada uu xilka hayo Ashutosh Dikshit.

    Taliyaha ayaa sheegay in samaynta diyaarad dagaal oo gudaha dalka lagu naqshadeeyo, lagu farsameeyo laguna tijaabiyo ay tahay hawl adag, ayna dalal kooban oo dunida ahi ku guuleysteen.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  8. War deg deg ah, Daliban oo qaadday tallaabo u keeni karta culeys bulsho iyo mid caalami ah

    .

    Maamulka Daalibaan ee magaalada Kandahaar, dalka Afgaanistaan, ayaa idaacadaha ka mamnuucay baahinta wax kasta oo la xiriira ciyaarta cricket-ka.

    Sida ay BBC Urdu ka soo xigatay wakaaladda AFP, mas’uuliyiinta laba idaacadood iyo ilo ka tirsan gobolka ayaa xaqiijiyay mamnuucidda.

    Waaxda Warfaafinta iyo Dhaqanka Kandahaar ayaa idaacadaha amartay in aysan baahin karin faallooyinka ciyaaraha, wararka cricket-ka iyo warbixinnada guulaha kooxaha. Mas’uul ka tirsan waaxda ayaa AFP u xaqiijiyay go’aanka, isaga oo aan magaciisa shaacin.

    Sababta loo mamnuucay baahinta ciyaartan weli lama oga. Go’aanka ayaa yimid xilli xulka cricket-ka ragga ee Afgaanistaan uu ciyaarayay horudhicii labaad ee Zimbabwe, kaas oo ka socday Sharjah, Imaaraadka Carabta.

    Daalibaan ayaa hore u mamnuucday qaar ka mid ah ciyaaraha iyo fanka, balse wiilasha weli waa loo oggol yahay inay ciyaaraan cricket-ka.

    Dhanka kale, haweenka iyo gabdhaha ayaa laga mamnuucay ka qaybgalka ciyaaraha iyo tegista xarumaha jimicsiga.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  9. Muxuu Shah Rukh Khan ka yiri dib u doorashada Jay Shah ee guddoomiyaha ICC?

    Hindiya

    Xiddiga Bollywood-ka ee Shah Rukh Khan ayaa hambalyo u diray Jay Shah, kadib markii mar labaad loo doortay guddoomiyaha Golaha Caalamiga ah ee Cricket-ka.

    Shah Rukh Khan ayaa bartiisa X ku sheegay in hoggaaminta Jay Shah ay ciyaarta cricket-ka gaarsiisay heerar cusub. Waxa uu sidoo kale xusay in ciyaarta cricket-ka oo lagu darayo ciyaaraha Olombikada 2028 ay dhiirrigelin doonto kobaca, gaar ahaan Maraykanka.

    Jay Shah ayaa markii labaad loo doortay guddoomiyaha ICC, isaga oo aan cidina la tartamin. ICC ayaa sheegtay in go’aankaasi muujinayo kalsoonida ay agaasimayaashu ku qabaan hoggaamintiisa, isla markaana uu xaqiijinayo sii socoshada qorshayaasha horumarinta ciyaarta.

    Jay Shah ayaa uga mahadceliyay xubnaha guddiga kalsoonida iyo taageerada ay u muujiyeen, isaga oo sheegay in xilku sharaf weyn u yahay, balse uu sidoo kale xambaarsan yahay mas’uuliyad.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  10. Ciidamada Yemen ayaa ka baxay Bab Al-Mandab si ay Xuutiyiinta uga “difaacaan” Cadan

    Dagaalka Yemen

    Magaalada Cadan waxay xarun u tahay dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Yemen.

    Ciidamada taageersan dowladda Yemen ayaa shalay oo Axad aheyd bilaabay in ay ka baxaan xeebta Badda Cas halkaas oo ay kula dagaallamayeen Xuutiyiinta si ay ula wareegaan gacan ku haynta marinka muhiimka ah ee Baab Al-Mandab.

    Ciidamada dowladda Yemen waxay sheegeen in ay xoojinayaan fariisimahooda si ay u difaacan Cadan.Waxay kaloo sheegeen in muhiimadda koowaad ay tahay sugidda ammaanka magaalada Cadan iyo gobollada deriska la ah, isla markaana ay ciidamadooda kala baxayaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhubab.

    Afar ilo-wareed oo ka tirsan militariga dowladda iyo labo kale oo dowladda ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Xuutiyiintu ay qabsadeen deegaanno ka tirsan gobolka Lahj isla markaana ay fariisimo ka sameysteen xero lagu magacaabo Al-Kharaz taas oo qiyaastii 60 kiilomitir u jirta magaalada Cadan.

    Afhayeen u hadlay hay’adda xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ayaa ka booriyay dhinacyada dagaallamaya in ay ixtiraamaan qeynuunka caalamiga ee xuquuqda aadanaha, wuxuuna ugu baaqay in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  11. Guterres: Xal diblomaasiyadeed ayaa loo baahan yahay si loo dhameeyo xaaladda aan nabadda iyo dagaalka aheyn ee Iran

    Qaramada Midoobay

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa markale ku baaqay xal diblomaasiyadeed in lagu dhameeyo dagaalka Mareykanka, Israel iyo Iran.

    Antonio Guterres ayaa baaqa soo jeediyay ka hore bilowga kulan saddex geesood ah oo u dhexeeya hoggaamiyayaasha Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha

    Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay kulankaas dhexmaraya madaxweynayaasha saddexda dalka in la qabanayo khamiista soo socota iyadoo uu dhinac socdo shir-madaxeedka iskaashiga dhaqaalaha Asia-Pacific ee ka furmaya Shiinaha. Arrimaha Iran ayaa la filayaa in kulanka looga hadlo.

    “Marka la eego xaaladda Bariga Dhexe, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, waxaan u baahannahay hannaan diblomaasiyadeed oo dhab ah iyo wadahadallo lagu soo afjarayo xaaladdan aan dagaalka iyo nabadda midna aheyn” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Mr. Guterres ayaa ku tilmaamay cawaaqibka dhaqaale ee ka dhashay dagaalka mid “baabi’inaya” dunida.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  12. Ilaalada Kacaanka Iran: Laba markab oo kale oo shidaal siday ayaa miinooyin ku qarxeen marin-biyoodka Hormuz

    Markab uu dab qabsaday
    Qoraalka sawirka, Markab uu dab qabsaday

    Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in laba markab oo shidaal siday uu dab qabsaday, kaddib markii ay jiireen miino badda taallay marin-biyoodka Hormuz.

    Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen: “Laba markab oo shidaal siday, kuwaas oo isku dayay inay maraan waddada koonfureed ee sharci-darrada ah, iyadoo ay si toos ah u hagayeen saraakiil Maraykan ah, ayaa ku dhacay miino badeed. Qaraxyo xooggan oo dhowr ah ayaa dhacay, dab ayaana qabsaday maraakiibta.”

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in labadaas markab ay qarxeen meel aan ka fogeyn labadii markab ee hore.

    Ururku wuxuu sidoo kale sheegay in tan iyo shalay oo Axad ahayd, lix markab oo shidaal siday uu dab ka qabsaday marin-biyoodka Hormuz.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  13. Sawirro cusub oo dayax-gacmeedku qaaday oo laga helay saldhigyada gantaallada ee Iran iyo baaxadda ay leeyihiin

    sawir
    Qoraalka sawirka, Sawir

    Falanqayn lagu sameeyay sawirrada dayax-gacmeedyada ayaa muujinaysa in Iran ay u muuqato inay dhisme ballaaran ka waddo agagaarka ugu yaraan laba ka mid ah saldhigyadeeda waaweyn ee gantaallada, isla markaana ay dayactirayso saldhigyo ay waxyeello ka soo gaartay duqeymo cirka ah oo Maraykanka iyo Israa'iil ay muddo bilo ah wadeen.

    Faahfaahinta ka akhriso qeybta comment

  14. Markabka dagaalka ee xambaara diyaaradaha ee USS Theodore Roosevelt oo gaaray bariga dhexe

    USS Theodore Roosevelt
    Qoraalka sawirka, USS Theodore Roosevelt

    Sarkaal ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa CBS News, oo ah bahwadaagta BBC-da ee Maraykanka, u xaqiijiyay in markabka dagaalka ee xambaara diyaaradaha ee USS Theodore Roosevelt uu hadda gaaray Bariga Dhexe.

    Markabkan ayaa ku biiraya labada markab ee kale ee USS George H.W. Bush iyo USS George Washington, kuwaas oo hore uga howlgallayay gobolka.

    Hase yeeshee, joogitaanka saddexdan markab dagaal ee xambaara diyaaradaha ee gobolka isku mar ayaa la filayaa inuu noqdo mid ku-meel-gaar ah, maadaama kooxaha maraakiibta dagaalka ay si is-beddel ah ugu kala wareegayaan gobolka, taasoo qayb ka ah qorshe wareeg ah oo milatariga Maraykanku ku shaqeeyo.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  15. Mo Salah ma yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka qaranka Masar? Dood ka dhalatay

    Mo Salax
    Qoraalka sawirka, Mo Salax

    Dabaaldegga kabtanka xulka qaranka Masar, Maxamed Salah, kaddib markii uu dhaliyay goolkiisii 70-aad ee uu u dhaliyo xulkiisa, ayaa dhaliyay dood ballaaran oo baraha bulshada ka dhalatay.

    Dooddu waxay ku saabsan tahay in Salah uu dhab ahaantii la wareegay kaalinta koowaad ee ciyaartoyda ugu goolasha badan taariikhda xulka Masar, isagoo ka sare maray tababarihiisii hore ee Hossam Hassan, iyo in kale.

    Muranka ayaa billowday kaddib markii Masar ay 5-0 ku garaacday Malawi, ciyaar ka tirsanayd isreebreebka Koobka Qaramada Afrika ee 2027. Ciyaartaas, Salah oo u ciyaara kooxda Trabzonspor ayaa dhaliyay laba gool.

    Ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka xulka Masar ayaa u dabaaldegay markii uu Salah gaaray 70 gool, iyagoo guddoonsiiyay funaanad ay ku qornayd lambarka 70.

    Muuqaalkaas ayay dad badan u fasirteen inuu yahay ku dhawaaqis rasmi ah oo muujinaya in Salah uu noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka Masar.

    Hase yeeshee, dabaaldegga ayaa si degdeg ah isu beddelay muran, kaddib markii hay'adaha ciyaaraha iyo kuwa tirakoobka ay dib u fureen doodda ku saabsan tirada rasmiga ah ee goolasha uu Mohamed Salah u dhaliyay xulka qaranka Masar.

    Arrintan ayaa bilaabatay kaddib markii falanqeeyaha ciyaaraha Khaled Talaat uu qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in tirada rasmiga ah ee goolasha caalamiga ah ee Salah ay tahay 68 gool oo keliya, ee aysan ahayn 70.

    Taasi waxay ka dhigan tahay in Hossam Hassan uu weli hoggaaminayo liiska ciyaartoyda ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka Masar, isagoo leh 69 gool.

    Mohamed Salah ayaa xulka qaranka Masar u dhaliyay 70 gool, kuwaas oo 68 ka mid ah si rasmi ah loo aqoonsan yahay, intii uu ciyaaray ku dhowaad 123 kulan oo caalami ah.

    Dhanka kale, Hossam Hassan ayaa weli hoggaaminaya liiska gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya taariikhda xulka Masar. Wuxuu dalkiisa u dhaliyay 76 gool, kuwaas oo 69 ka mid ah si rasmi ah loo aqoonsan yahay, intii uu saftay 176 kulan oo caalami ah.

    Tirakoobkan waxaa laga soo xigtay hay'ado ay ka mid tahay Xiriirka Caalamiga ah ee Taariikhda iyo Tirakoobka Kubadda Cagta (IFFHS).

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  16. Wax ka ogoow tobanka jaamacad ee ugu sarreeya Afrika

    Arday
    Qoraalka sawirka, Arday

    Jaamacadaha Afrika ayaa si isa soo taraysa looga aqoonsaday meelaha caalamiga ah, taasoo ay horseed u tahay wax-soo-saarka cilmi-baarista xooggan, iskaashiga caalamiga ah, iyo saameynta tacliimeed ee sii kordheysa.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  17. Waaxda Saadaasha Hawada Kenya oo soo sartay digniin roobab mahiigaan ah

    Roobab
    Qoraalka sawirka, Roobab

    Waaxda Saadaasha Hawada Kenya ayaa saadaalisay roobab fudud iyo kuwo dhexdhexaad ah oo ka da'i doona gobollo kala duwan oo dalka ah, iyadoo dabeylo xooggan oo xawaarahoodu ka badan yahay (12.5 mitir ilbiriqsigiiba) laga filayo qaybo ka mid ah gobollada Marsabit iyo Turkana.

    Waaxdu waxay dadka ku nool deegaannada ay saadaashu khuseyso uga digtay inay taxaddar muujiyaan, isla markaana la socdaan isbeddellada cimilada.

    Saadaasha toddobaadlaha ah ee muddada u dhexeysa 10-ka ilaa 16-ka November 2026, ayaa lagu sheegay in roobab laga filayo qaybo ka mid ah dhammaan 47-ka gobol ee Kenya. Meelaha qaarkoodna waxaa la filayaa in roobabku da'aan subaxdii, galabtii iyo habeenkii.

    Gobollada la filayo inay roobab helaan saacadaha subaxda waxaa ka mid ah Nairobi, Kiambu, Machakos, Meru, Nyeri, Kisumu, Kisii, Homa Bay, Migori, Turkana iyo Wajir.

    Sidoo kale, roobab ayaa laga filayaa deegaannada xeebaha ee Kwale, Mombasa, Kilifi, Tana River iyo Lamu.

    Saadaashan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo suuragalnimada in dalka ay saameyso cimilada El Niño.

    Dadka ku nool xaafadda isku raranta ah ee Kibera ee magaalada Nairobi ayaa ka cabsi qaba in roobab xooggan ay sababi karaan fatahaado halis geliya noloshooda.

    Cabsida dadka deegaanka ayaa sidoo kale salka ku haysa fatahaadihii dhacay 6-dii March, kuwaas oo ay ku dhinteen 60 qof oo ku sugnaa Kenya, kaddib markii roobab xooggan oo habeenkii da'ay ay sababeen burbur ballaaran.

    Walaaca ayaa sii kordhay kaddib digniino sheegaya in El Niño-ga la filayo uu noqon karo kii ugu xoogga badnaa ee abid la diiwaangeliyo, isla markaana uu sababi karo cimilo aad u daran oo saameysa meelo kala duwan oo dunida ah.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  18. Al-Nassr oo diidday inay sii haysato Sadio Mané, inkastoo uu diyaar u ahaa inuu mushaharkiisa dhimo

    Sadio Mané,
    Qoraalka sawirka, Sadio Mané,

    Kooxda Al-Nassr ee dalka Sacuudiga ayaa go'aansatay inaysan cusbooneysiin qandaraaska xiddigeeda reer Senegal, Sadio Mané, kaasoo la filayo inuu kooxda ka tago dhammaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo uu sannadihii la soo dhaafay soo bandhigay ciyaar wanaagsan.

    Qandaraaska Mané ee Al-Nassr ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan, taasoo u saamaxaysa inuu bisha Janaayo ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wadahadallo la furo koox kale, isla markaana uu xagaaga dambe ugu biiro koox uu isagu doorto isaga oo aan wax lacag ah lagu iibsan.

    Wariye ciyaaraha u qaabilsan Sacuudiga, Falah Al-Qahtani, ayaa sheegay in Al-Nassr aysan qorshaha ugu jirin inay qandaraaska u kordhiso xiddiga reer Senegal marka uu dhammaado heshiiskiisa hadda.

    Farriin uu ku baahiyay bartiisa gaarka ah ee X ayuu Al-Qahtani ku sheegay in wakiilka Mané uu dadaal badan sameeyay si uu kooxda ugu qanciyo inay qandaraaska ciyaaryahanka u kordhiso hal xilli ciyaareed oo kale.

    Wuxuu sheegay in wakiilku diyaar u ahaa inuu aqbalo in 60 boqolkiiba laga dhimo mushaharka uu Mané hadda qaato, si heshiiska loo gaaro, balse kooxda Al-Nassr ay diidday codsigaas.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  19. Haweeney ku go'doonsan meel u dhexeeysa Hindiya yo Bangladesh, iyadoo labada dal midkoodna diyaar u ahayn inuu qaabilo

    Haweeneydan ayaa ku go'doonsan xuduudda u dhexeysa Hindiya iyo Bangladesh
    Qoraalka sawirka, Haweeneydan ayaa ku go'doonsan xuduudda u dhexeysa Hindiya iyo Bangladesh

    Haweeney ayaa ku nool meel bannaan oo aan hoy lahayn, iyadoo ku jiifta caws qallalan, kuna duuban buste khafiif ah, halkaas oo loo yaqaan dhulka aan labada dal midkoodna lahayn ee u dhexeeya xuduudda Bangladesh iyo Hindiya.

    Dhanka kale, ciidamada ilaalada xuduudaha ee labada dal, ayaa si adag u adkeeyay ilaalinta xuduudda.

    Xaaladdan ayaa afartii maalmood ee la soo dhaafay ka taagneyd deegaanka Patharar Char ee degmada Dewanganj, gobolka Jamalpur, oo ku dhow xuduudda labada dal.

    Dhacdadan ayaa dhalisay dood iyo hadal-heyn, iyadoo dad badan ay baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ah ku baahinayaan xaaladda haweeneyda.

    Haweeneydan ayaa tan iyo subaxnimadii Talaadada ku go'doonsan xuduudda, oo ah aagga kala qeybiya labada dal.

    Bangladesh iyo hindiya midkoodna diyaar uma aha inuu qaabilo aweeneydan oo uu ak dhigo muwaadin u dhalatay dalkiisa.

    Ciidanka ilaalada xuduudaha Bangladesh ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xuduudaha Hindiya ay isku dayeen inay haweeneydan si khasab ah ugu soo gudbiyaan gudaha Bangladesh.

    Hase yeeshee, dadka deegaanka iyo ciidamada ilaalada xuduudaha Bangladesh ayaa ka hortagay isku daygaas oo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah.

    Tan iyo xilligaas, haweeneydu waxay ku go'doonsan tahay xudduuda meel lama degaan ah oo u dhaxeysa labada dal.

    Shan maalmood kaddib dhacdada, labada dal midkoodna weli diyaar uma aha inuu qaato mas'uuliyadda haweeneydan.

    Ciidamada ilaalada xuduudaha ee labada dal ayaa yeeshay wadahadallo aan rasmi ahayn oo lagu doonayay in xal looga gaaro arrintan, balse wax heshiis ah lagama gaarin.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  20. Taliyaha Ciidamada Itoobiya: 800,000 oo dhallinyaro ah ayaa ka baxsaday askareyn khasab ah oo ka socotay Tigray

    Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula
    Qoraalka sawirka, Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula

    Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa sheegay in ilaa 800,000 oo dhallinyaro ah ay ka baxeen gobolka Tigray, iyagoo ka cararaya askareyn khasab ah, una qaxay caasimadda Addisababa iyo gobollo kale oo dalka ah.

    Birhanu Jula ayaa hadalkan sheegay intii uu ku guda jiray booqashadiisii ugu horreysay ee uu Jimcihii ku tagay magaalada Maqalle, kaddib markii ay dib u soo cusboonaadeen dagaallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo ciidamada Tigray.

    Sarkaalkan milatari ayaa sheegay inuu kulamo qiimeyn ah la yeeshay taliyeyaasha ciidamada ee gobolka, isla markaana uu kormeeray ciidamada. Intaas kaddib, wuxuu wadahadallo la yeeshay hoggaamiyeyaasha maamulka ku-meelgaarka ah ee gobolka.

    Waxa kale oo uu ka hadlay xaaladihii ka jiray gobolka tan iyo dagaalkii socday labada sano ee sannadkii 2013 (taariikhda la adeegsaday qoraalka asalka ah).

    Birhanu Jula ayaa hoggaanka TPLF ku eedeeyay inay mas'uul ka yihiin xaaladda gobolka ka dib heshiiskii Pretoria. Dhanka kale, TPLF ayaa sheegtay in dowladda federaalku ay jebisay heshiiskaas.

    Wuxuu sheegay in dagaallada billowday bartamihii bishii Febraayo ay ka dambeeyeen hoggaamiyeyaasha Shaabia iyo sahayda saadka ee Masar.

    “Waxaan sheegnay inaysan sax ahayn inaan iska garab istaagno oo aan nidhaahno ma geli doonno Tigray, sidii horeba u dhacday. Waxaan gobolka Tigray ka saarnay ciidamada nagu soo duulay. Hadda wuxuu u baxsaday dhanka Eriteria,” ayuu yiri.

    “Annagu hadda waxaan ku jirnaa difaac. Waxaa la amray inay dagaalamaan, kuwii dagaalamay ee laga adkaadayna waxay joogaan Indagorgis, Addi Kuwala, Mandafiraa iyo meelo kale. Qaar kalena waxay joogaan Asmara,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in hoggaamiyeyaasha TPLF ay baxsadeen.

    TPLF iyo dowladda Eritrea kama aysan jawaabin eedeymahan.

    Ku-xigeenka guddoomiyaha TPLF, Emmanuel Asaffa, ayaa saddex toddobaad ka hor wakaaladda wararka AFP u sheegay in hoggaanka ururku weli ka shaqeynayo gudaha Tigray.

    Dhankiisa, wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa eedeymahan ku tilmaamay kuwo been ah, sida ay AFP werisay. Wuxuu sidoo kale beeniyay in dowladda Eritrea ay taageerto kooxaha hubeysan ee ka dagaallama gudaha Itoobiya.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto: