TOOS, Iiraan: Waxaan iska difaaci doonnaa hanjabaadaha Maraykanka

Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabbaas Araghchi, uu sheegay in amni darrada Marinka Hormuz ay ka dhalatay waxa uu ku eedeeyay Maraykanka inuu jebiyay ballanqaadyadiisii.

Kooban

  • Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in Washington iyo Tehran ay u socdaan wadahadallo lagu soo afjarayo colaadda labada dal.
  • Weriye Axios oo soo xiganaya laba dublamaasiyiin reer Yurub ah iyo laba ilo xog ogaal ah, ayaa ku warramay in Maraykanka iyo Ingiriisku qorsheynayaan inay kulan heerkiisu sareeyo ku yeeshaan London toddobaadka soo socda; kulan diiradda lagu saari doono baaritaanka dhismaha isbaheysiga caalamiga ah si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga ee marin biyoodka Hormuz.
  • Maraykanka oo sheegay in markab jabinayay xayiraadda saaran Iran ay rasaas uga dhufteen matoorka

Tebin toos ah

  1. Xuutiyiinta ayaa bartilmaameedsaday xarumaha saliidda ee Sacuudiga ka dib markii Riyaad ay duqeymo ka fulisay Yemen

    Yemen

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araqchi ayaa sheegay in "isku dhaca Yemen aan lagu xallin karin si militari," ka dib markii Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen mas'uuliyadda weerar gantaal ah oo lagu qaaday Sacuudi Carabiya Sabtidii, iyagoo ka jawaabaya duqeymo ay boqortooyadu ku qaadday bartilmaameedyadooda, iyadoo ay sii kordhayaan baaxadda dagaalka Bariga Dhexe.

    "Waxaan aaminsanahay inaysan jirin xal militari oo loo heli karo arrimaha Yemen, Bab al-Mandab, iyo arrimaha kale ee gobolka," ayuu Araqchi ku yiri wareysi uu daabacay wargeyska dowladda ee Iran Sabtidii, isagoo ku baaqay "wadahadal" lagu xallinayo khilaafka.

    Wuxuu carabka ku adkeeyay in Iiraan aanay mas'uul ka ahayn xaaladda Yemen, isagoo tixgelinaya in weerarrada lagu arkay gobolka Bab al-Mandab "ay salka ku hayaan khilaafaadkii hore iyo arrimo u dhexeeyay Yemen, Sacuudi Carabiya iyo dalalka gobolka."

    Xuutiyiinta ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inay bartilmaameedsadeen xarumaha shidaalka ee xeebta galbeed ee Sacuudi Carabiya oo kasoo horjeeda Badda Cas, iyadoo iskahorimaadka labada dhinac uu sii xoogeystay.

    Saacado ka dib markii Riyadh ay duqeymo cirka ah ku qaadday bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Hodeidah, afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay in "ciidamada qalabka sida ee Yemen ay qaadeen laba hawlgal oo militari oo tayo leh, kan ugu horreeya wuxuu bartilmaameedsaday bartilmaameedyo xasaasi ah oo xarumaha Aramco ee Jizan ah, iyadoo la adeegsanayo daraasiin gantaallo ballistic ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, halka howlgalka labaadna uu bartilmaameedsaday bartilmaameedyo xasaasi ah oo ay leedahay Aramco ee Yanbu."

  2. Shil gaari oo ka dhacay wadada Dimishiq-Deir ez-Zor iyo dad badan oo ku dhintay

    Syria

    Xigashada Sawirka, SANA

    Soddon iyo shan qof ayaa ku dhintay, 30 kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay wadada Dimishiq-Deir ez-Zor, ee bariga Suuriya, Sabtidii.

    Shilka ayaa dhacay markii bas ay saarnaayeen xubno ka tirsan Ciidamada Amniga Gudaha uu ka dhacay bas kale oo siday dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka Al-Sukhnah iyo Palmyra oo ku yaal wadada Deir ez-Zor-Damascus, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Suuriya (SANA).

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in kooxaha ambalaaska iyo hay'adaha ay khuseyso ay u carareen goobta shilku ka dhacay, halkaas oo ay sii wadeen qaadista dadka dhaawacmay iyo daadgureynta dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

    Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dirtay tiro diyaarado helikobtaro ah si ay uga qayb qaataan daadgureynta caafimaad ee dhaawacyada iyo dhibanayaasha laga soo qaaday Garoonka Diyaaradaha Palmyra una qaaday Isbitaalka Ciidanka ee Homs, kooxo xiriir la leh Difaaca Madaniga ah ee Suuriya ayaa sidoo kale ka jawaabay dhacdada, sida laga soo xigtay SANA.

    Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in isbitaallada ku yaal gobollada Deir ez-Zor iyo Homs la diyaariyey si loo soo dhaweeyo dadka dhaawaca ah, iyo in shaqaalaha caafimaadka iyo ambalaasta iyo dhammaan agabka daryeelka caafimaadka ee lagama maarmaanka ah la bixiyay.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Anas Khattab ayaa qoraal uu soo dhigay bogga X ku yiri: "Ma jiro wax ka xanuun badan in la waayo wiilal u socday inay gutaan waajibaadkooda, iyo in dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ka.

    Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:

  3. Ra'iisul Wasaaraha Spain oo ka digay 'saacadaha adag' ee soo socda iyadoo dabku uu barakiciyay 270,000

    Spain

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Dab-damiyayaashu waxay la halgamayaan sidii ay u xakameyn lahaayeen dabka ka kacaya Faransiiska iyo Spain.

    "Waxaan ka fognahay in dabka la xakameeyo," ayuu yiri sarkaal maxalli ah oo Faransiis ah - fiiri meesha uu dabku ka gubanayo.

    Ku dhawaad ​​270,000 oo qof ayaa ku barakacay amarrada daadgureynta.

    Faransiiska, tobanaan kun ayaa laga daadgureeyay xaafadaha Bordeaux habeenkii xalay ahaa oo dhan, halka ku dhawaad ​​90,000 oo qof loo sheegay inay ka baxaan ama ay joogaan guryahooda Spain.

    Cimiladu waxay keeni kartaa xaalado ku habboon in dabku qabsado oo uu faafo, .

    Madaxweynaha gobolka Madrid Isabel Díaz Ayuso ayaa qoraal uu ku qoray X mar sii horeysay ku sheegay in gargaar loo heli karo daaweynta xoolaha uu dabku saameeyay, oo ay ku jiraan cuntada iyo daryeelka xoolaha.

    Xoolaha ayaa sidoo kale uu saameeyay, iyadoo muuqaal ay soo duubtay Reuters uu muujinayo dab-damiska militariga Spain oo lo' ka badbaadinaya dab ka kacay Madrid.

    Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:

  4. Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

    Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo danaheeda qaran iyo amnigeeda, iyadoo ka hortagaysa waxa ay ku tilmaantay hanjabaadaha Maraykanka. Waxay sidoo kale ku adkaysatay inaan loo adeegsan doonin Marinka Hormuz si loo wiiqo amniga dalka.

    "Waxaan difaaci doonnaa danaha shacabka Iiraan, waxaan ilaalin doonnaa xuquuqdooda, sidoo kalena waxaan difaaci doonnaa xuquuqda Iiraan ee Marinka Hormuz iyo Gacanka Faaris. Kuwani waa qayb ka mid ah mabaadi'dayada iyo yoolalkayaga, mana ka cabsanno cidna," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araghchi.

    Wuxuu intaa ku daray in Iiraan aysan ka tanaasuli doonin mowqifkeeda inta la ixtiraamayo danaha iyo xuquuqda muwaadiniinteeda, isagoo carrabka ku adkeeyay in dalkiisu sii wadi doono difaaca danihiisa qaran iyo amnigiisa marka uu wajaho hanjabaad kasta.

    Araghchi ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu la yeeshay dhiggiisa Ruushka, Sergei Lavrov, intii uu socday shirka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) oo ka socda Kyrgyzstan.

    Sida ay warbaahinta Iiraan sheegtay, Araghchi ayaa sheegay in amni darrada hadda ka jirta Marinka Hormuz ay si toos ah uga dhalatay waxa uu ku eedeeyay Maraykanka inuu jebiyay ballanqaadyadiisii.

    Wuxuu sheegay in Iiraan ay muujisay muhiimadda diblomaasiyadda ee xalinta arrimaha caalamiga ah, balse isla markaana ay sii wadi doonto difaaca danaheeda iyo amniga qaranka iyadoo ka hortagaysa hanjabaad kasta.

    Dhanka kale, Araghchi ayaa sidoo kale wada-hadallo dhinaca taleefanka ah la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar iyo Cumaan, kuwaas oo ay kaga wada hadleen arrimaha gobolka.

    Si aad u akhrido sheekooyin badan:

  5. Iran: Rasaasteena joogtada ah way sii socon doontaa ilaa cadowga si buuxda isu dhiibo

    Xoghayaha Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka Iran ayaa sheegay in "rasaaseynta joogtada ah iyo beegsiga" ee Iran ay sii socon doonto ilaa "cadowga uu si buuxda isu dhiibo."

    Hadalka Mohammad Baqir Zulqadr ayaa imaanaya xili 24-kii saac ee lasoo dhaafay aan wax warbixin ah laga soo saarin weerarada Mareykanka iyo sida ay Iran uga jawaabtay.

    Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ayaa yiri, "Qiiq oo ka taluumaya meel kamid ah gobolka wuxuu ka dhigan yahay in militariga, amniga, ama xarun maliyadeed oo Mareykan ah la bartilmaameedsado."

    Mr. Zolqadr ayaa xilkan loogu magacaabay digreeto ka soo baxday Madaxweynaha Iran, kadib dilkii Cali Larijani, oo xilligaas ahaa Xoghayihii Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, oo lagu dilay weerarrada Israel iyo Mareykanka.

    Si aad u akhrido sheekooyin badan:

  6. Xuutiyiinta Yeman oo ku dhawaaqay in ay beegsadeen xarumaha shirkadda Shidaalka ee Sacuudiga

    Sacuudiga

    Xigashada Sawirka, AFP

    Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ayaa ku dhawaaqay inay beegsadeen xarumaha shirkadda Shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco ee magaalooyinka Jizan iyo Yanbu.

    Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta, ayaa bayaan uu soo saaray sabtidii ku sheegay in kooxda "ay fuliyeen hawlgalo ka dhan ah xarumaha Saudi Aramco ee Jizan iyo Yanbu."

    Sacuudiga ayaan weli ka hadlin arrintan.

    Xuutiyiinta ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay weeraro ka dhan ah maraakiibta ka geystay Badda Cas, kadib markii ay ku dhawaaqeen cunaqabateynta ganacsiga badda ee ka dhanka ah Sacuudiga.

    Iyagoo ka jawaabaya go’doomintan dhanka badda ah, Sacuudi Carabiya ayaa beegsaday fariisimaha Xuutiyiinta ee magaalada dekedda leh ee Xudeydah ee Yemen, iyo sidoo kale jasiirad ku dhow.

    Si aad u akhrido sheekooyin badan:

  7. Zelensky: Waxaan beegsanay maraakiib Ruush ah oo Badda Caspian-ka ku daabulayay agab militari oo la xiriira Iran.

    .

    Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in ciidamada dalkiisu ay bartilmaameedsadeen maraakiib Ruushku leeyahay oo ku sugnaa Badda Caspian-ka, kuwaas oo sida agab militari oo la xiriira dalka Iran.

    Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa X (oo hore loo oran jiray Twitter) ku qoray in markab dagaal oo Ruushku leeyahay sidoo kale la bartilmaameedsaday intii lagu guda jiray weerarradan masaafada dheer ee ka dhacay gobolka Badda Caspian-ka.

    Mr. Zelensky faahfaahin dheeraad ah kama bixin weerarradaas, balse wuxuu sheegay in ciidamada Ukraine ay sidoo kale bartilmaameedsadeen warshad ku taal magaalada Kirov ee dalka Ruushka, taas oo u jirta 1,200 oo kiiloomitir xadka u dhexeeya labada dal.

    Wuxuu sheegay in warshaddan ay "soo saarto qaybo ka mid ah hubka uu Ruushku u adeegsado dadkeenna."

    Sida uu sheegay Mr. Zelensky, weerarrada Ukraine waxaa sidoo kale lagu bartilmaameedsaday warshad sifeynta saliidda oo ku taal magaalada Tyumen, xarun saadka iyo maaraynta agabka oo ku taal Yekaterinburg, iyo goob lagu kaydiyo shidaalka oo ku taal Rostov-on-Don, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla dalka Ruushka.

    Si aad u akhrido sheekooyin badan:

  8. Ururka Hawlaha Ganacsiga Badda ee Britain: Markab sida shidaal ayaa Jimcihii la kulmay ciidamo milateri oo ku sugnaa Badda Cumaan.

    Hay'adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Ingiriiska ayaa sheegtay in markab shidaal qaada uu la kulmay "ciidamo milatari" Badda Cumaan Jimcihii, laakiin ma uusan faahfaahin nooca ciidamada.

    Hay'addan la xiriirta Ciidamada Badda ee Ingiriiska ayaa kula talisay maraakiibta inay ka feejignaadaan xaaladaha hawlgalka ee isbeddelaya iyagoo dib u eegaya macluumaadka ugu dambeeyay ee amniga badda.

    Saacado ka hor, militariga Mareykanka ayaa ku dhawaaqay weerar lagu qaaday markab shidaal qaada oo ku sugan Badda Cumaan, iyagoo sheegay in shaqaalaha markabka ay isku dayeen ugu yaraan afar jeer inay jebiyaan xayiraadda dekedaha Iiraan ka hor inta aan la bartilmaameedsan.

    Si aad u akhrido sheekooyin badan:

  9. Trump oo xaqiijiyay in Netanyahu uu imaanayo Washington maalinka Isniinta

    Trump

    Xigashada Sawirka, White House

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu booqan doono Mareykanka toddobaadka soo socda.

    Mr. Trump ayaa warkan ku dhawaaqay shalay khudbad uu ka jeediyay casho sharafta ururka saxafiyiinta ee Aqalka Cad.

    Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa horay u shaaciyay in Mr. Netanyahu uu u safri doono Washington maalinta Isniinta ah, uuna la kulmi doono Donald Trump maalinta Talaadada ah.

    Xafiiska Mr. Netanyahu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ka qeyb galayo aaska marxuum Seneter Lindsey Graham.

    Si aad u akhrido sheekooyin badan:

  10. Araqchi oo u sheegay Lavrov: Amni-darrada ka jirta Marinka Hormuz waa natiijo toos ah oo ka dhalatay ballan-jabka Mareykanka.

    Araqchi

    Xigashada Sawirka, EPA

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, uu la kulmay dhiggiisa Ruushka iyadoo uu socdo shirka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) oo ka dhacaya dalka Kyrgyzstan.

    Kulankan oo dhacay maalintii Jimcaha, ayuu Mr. Araghchi ku tilmaamay xaaladda amni-darro ee ka jirta Marinka Hormuz inay tahay "natiijo toos ah oo ka dhalatay jebinta ay Maraykanku jebiyeen ballan-qaadkoodii."

    Wuxuu yiri: "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyadoo muujisay sida ay uga dhabeyneyso dhanka diblomaasiyadda, waxay go'aansatay inay difaacdo danaha iyo amniga qarankeeda, isla markaana ay ka hortagto in Maraykanku uu si khaldan u adeegsado Marinka Hormuz si uu ugu hanjabo amniga qaranka Iran."

    Mr. Araghchi ayaa sidoo kale shalay khadka taleefanka kula hadlay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar iyo Cumaan.

    Si aad u akhrido sheekooyin badan:

  11. Sacuudiga oo qabtay gantaal laga soo riday Yeman

    gantaal

    Xigashada Sawirka, aa

    Nidaamka difaaca cirka ee ay isticmaalaan militariga Giriigga ee Sacuudi Carabiya yaalla ayaa Sabtidii qabtay laba gantaal oo nuuca ballistic-ga ah oo laga soo riday Yemen kuwaas oo bartilmaameedsaday warshadaha saliidda ee Yanbu, sida ay ilo-wareedyo amni oo Giriig ah u sheegeen Reuters.

    Saacado ka hor, Ururka Difaaca Madaniga ah ee Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay in la baabi'iyay khatarta weerar ka dhici kara gobolka Yanbu.

    Digniintan ayaa timid saacado ka dib markii Xuutiyiinta Yemen ay ku dhawaaqeen inay qaadi doonaan tallaabo aargoosi ah oo ay kaga jawaabayaan weerarrada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudigu uu ku qaaday goobaha kooxda ee Hodeidah.

    Si aad u akhrido sheekooyin badan:

  12. Maraykanka oo sheegay in markab jabinayay xayiraadda saaran Iran ay rasaas uga dhufteen matoorka

    Ciidamada Mareykanka ayaa soo saaray faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerar lagu qaaday markab shidaal oo marayay Badda Cumaan, iyagoo sheegay in shaqaalaha markabka ay ugu yaraan afar jeer isku dayeen inay jebiyaan xayiraadda saaran dekedaha Iran ka hor inta aan la beegsan.

    Tim Hawkins, oo ah afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in shaqaalaha markabka shidaalka laga digay dhowr jeer balse aysan u hoggaansamin amarrada.

    Wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ee goobta joogay ay markaas rasaas ku fureen qeybta mashiinka si ay u joojiyaan dhaqdhaqaaqa markabka. Afhayeenka CENTCOM ayaa intaas ku daray in markabka shidaalka uusan hadda u sii socon dhanka Iran.

    Mas'uul Mareykan ah ayaa horay ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ciidamada Mareykanka ay beegsadeen markabka MT Lavin kadib markii uu isku dayay inuu hareer maro xayiraadda saaran dekedaha Iran.

    Si aad u akhrido sheekooyin badan: